Farta Soomaaliga oo 40-Jirsatay Iyo Qaamuuskii Ugu Weynaa oo La Daabacay

AAimages (6)Jabuuti (Moment Media Group) Afartan sano ayaa maanta laga joogaa markii si rasmi ah loo qoray loona meelmariyey Farta Soomaaliga waxaana munaasabad aad u ballaaran oo lagu maamuusayo 40-guuradaasi ay maanta ka dhacaysaa wadanka Jabuuti.

Sanadkii 1972-kii bishii Disembar ayay ahayd markii guddigii qoraalka farta Soomaaliga ay si rasmi ah u shaaciyeen in farta Laatiinka loo doortay in lagu qoro Farta Soomaaliya, isla markaana si raskmi ah loo ansixiyey in Laatiinka loo qaato qoraalka Farta Soomaaliga taasoo door weyn ay ka qaadatay dawladii Kacaanka ee uu hogaaminayey AUN marxuum Maxamed Siyaad Barre oo ahaa madaxweynihii Soomaaliya.

Madax ka kala socota qeybaha Soomaalida, fannaaniin, hal abuurayaal, aqoonyahano, qalinley, wariyaal iyo marti sharaf aan Soomaali ahayn ayaa ka qeybgalaya xafladan oo ah midii ugu ballaarneyd ee loo qabto Farta Soomaaliga iyo dhaqanka Soomaaliida, waxaana munaasabada sidoo kale lagu soo bandhigi doonaa waxyaabo kale oo dhaqanka iyo far shaxanka la xiriira.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inay khudbado ka jeediyaan munaasabadan 40-guurada qoraalka Farta Soomaaliga oo maanta loo dabaaldegayo.

Qaamuuskii ugu weynaa

Dhanka kale waxaa munaasabada maanta lagu soo bandhigi doonaa Qaamuuskii ugu weynaa ee abid laga sameeyo Afka Soomaaliga kaasoo uu maalgeliyey madaxweynaha Jabuuti.  Qaamuuskan oo ka kooban 40,000 erey ayaa loo qeybin doonaa dhamaan gobollada dalka si dadka u wada iibsan karaan.

Sida uu shaaciyey guddiga qabanqaabada shirka oo ka tirsan ururka dadka ku hadla Qalinleyda ku Hadasha Af Soomaaliga, waxaa kaloo qorshaha ku jirta in laga hadlo sidii loo horumarin lahaa farta Soomaaliga oo loogu dari lahaa Qamuuska dhanka internet-ka si looga helo aalada Google.com oo dhamaan luuqadaha adduunka laga heli karo.

Halkaan ka Akhri Qabyatirka Far Soomaalida 

=====================

Waxbarashada waa furaha Nolosha, Aqoon la’aan waa iftiin la’aan,

AABmail1 

 

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a comment

  • Dr.Ibrahim H. Abukar For President

  • Somalia Diaspora – Marco Abdi has Friends in High Places . By Moment Research Consultancy

  • Dr. Hassan Nur Nur Elmi Ambassador United Nations And Madam Halima Nur Abdulle and President Husni Mubarak

    The good policy for the Common Good"

  • Dr Hassan Nur Elmi Ambassador UNDP And President Haile Salase

    The good policy for the Common Good"

  • In Delegate In Roma Dr. Hassan Nur Nur Elmi Ambassador United Nations

    The good policy for the Common Good"

  • Qabiillada wax kama sheego, sheeko caruureed, miyeysan kula gudboonayn inaad qormadaa ka cudurdaaratid?

    Moment Media Group

  • THE NEW SOMALIA ROADMAP

    National Economist And Political Analyst

  • Safaarad gatoow Down, Nuur Cadde Down.!

    Moment Media Group

  • RSS Unknown Feed

    • An error has occurred; the feed is probably down. Try again later.
  • RSS Unknown Feed

    • An error has occurred; the feed is probably down. Try again later.