AqoonYahanow Ma Waxaad Qeyb ka Tahay Mushkiladda

 pensomalia

Haa- Boqolkiiba in badan oo magacaa wadaagta  ayaa runtii qeyb libaax ka qaata mushkiladdan degi weyday ee aan weheshanno. Marka hore aqoonyahan waa kuma?. Aqoonyahan waa qof wax bartay oo aqoon gaarana u yeeshay cilmi gaara oo waxtar u yeesha mujtamaca. Waxa uu noqon karaa takhtar, sharciyaqaan, dhaqaale-yahan, khabiir diimeed, siyaasadda iyo culuumta kale ee jirta nolosha aadanahana hore loogu mariyo.

Aqoonyahanku waxa uu aqoontiisa ku gaaraa siyaabo kala duwan, midbaa canshuurta dowladda wax ku barta oo waxabarashadiisa dhameysta iyadoon wax hanti ah aayan qoyskiisa ama laftiisaba ka gelin. Mid kale, oo runtii mujtamaceenna nadir ku ah waa midka ay hey’ado gacan ka siiyaan ama qoykiisuba uu daboolo qaraamaha waxbarashadiisa.

Aqoonyahanka Somaaliyeed ee maanta jooga qiyaastii boqolkiiba 80-90% waxay wax ku barteen cashuur ay dowladahii beri-samaadku matalan ka qaadeen hooyada tamaandhada ama haruurka ku iibisa suuqa, taasoo micneyneysa in dalku maalgashaday qofkaas  oo looga baahan yahay inuusan waxtar maahee, waxyeello dalka iyo dadka ula imaan. Dad badan ayaa qaba in aqoonyahanku yahay qof dhameystiran oo howl kasta ee soo wajahda u babac dhigi kara, laakin saas arrinku maahee, waxa muhiima in Alla aqoontaa kuu raaciyo mid maskaxeed ee kaabta aqoontan maaddiga ah ee qofku kasbaday, si qofkan ay ugu suurow inuu xallilo mushkilad sida ta Somaalida oo kale ah u murugsan.

Su’aasha qormadan aan ku bilaabay haddaan hore u galo, aqoonyahanka Somaaliyeed ee la rabay inuu ahaado bar-bilowga xallinta mushkiladdan na sal dhigatay ee nus qarniga sii dhaafeysa, mar haddaan ku tebeyno cilmi iyo caqli labadaba ayaan illaa hadda la imaan wadiiqo looga baxo jahwareerkan siyaasadeed ee na hareeyey, bal inuu xal keeno daayo, isagabaa qeyb ka ah bey dadka intooda badani qabaan.

Waxan anigu ka mid ahay kooxda  qabta in daaqadda dhibtu ay naga soo gashayba tahay aqoonyahan caasiyey oo ka abaalgaday hooyadii laga qaaday shilinka uu wax ku bartay.  In taasi jirtana waxa daliil kuu noqon kara matalan marka aad la kulanto ruux shisheye, badanaanba kuwa arrimaha Somaalida daneeya, oo aad isi salaantaan, su’aasha ugu horreysa ee uu ku weydiiyaa waxay tahay waayoo qoladaadu?, marka haddiiba aad mid xun noqoto oo aad qoladaada u sheegto, waxa uu ku leeyahay adigu laan-gaab ayaad tahay, wax awoodana halka aad degto kuma aad lihid, haddaad laan dheer noqotana, waa ka kuu kala qaada  jifo jifo, kuguna eedeeya inaad leeyso  kuwa laan qaabta ee hore uu ugu tilmaamay inayan wax ku ool aheyn.

Waxad is weydiisaa oo balaayadan yaa waxan oo war ah siiyey!!.  Haddii Alle ku waafajiyo inaad weydiiso halka uu ka helay macluumaadkan, asoon kaba fekerin ayuu kuula soo boodaa oo miyaadan gareyn Profisoor hebel iyo Datoor hebel,  aqoonyahannada Somaaliyeed ee naga saacida mashruuc hebel iyo hebel.

Halkaan ka Akhri fadeexad-ka-dhalatay-lacago-la-lunsaday 

Aqoonyahankeennu waa kii hagayey dagaal-oogayaashii  dhibta ay geeysteen la ogyahay, waa madaxda hey’adaha samofalka ah ee waxoogaaga loogu soo dhiibo shacabka la’anaya daaraha uga jeexday magalooyinka magaalooyinka Nyroobi, Daar’asalaam, Dubai iyo meelo kale ee badan. Waa kuwa gacanta ku siiya shisheeyaha in jeebka lagu shubta xoolaha lagu soo uruuriyo magaca ummaddan dhibka aan ka bixin.  Waa kuwa magaca wasiirrada wata ee macdanta, kalluunka iyo shidaalka iibiya. Waa kuwa mar walba madaxda ugu sarreysa noqda, haddana buuxsiga jeebkooda uun u soo jeeda, halkii ay ka falkin lahaayeen mushkiladda iyo xal u helliddeeda. Waa kuwa aqbala shiraraka waqti lumiska ah ee aan loo sii sheegin ajandahooda, kana soo noqda natiijo la’aan. Waa kuwa aan su’aal ka keenin waxyeello loo maleego dadkooda , bal midida lagu qalo iyagu noqda.

Waa kuwa riyo ku noolka ah ee waqtiyadan dambe ku waashay madaxweynaan ka ahay meel heblaayo aanuuba tege Karin, kulana wareegaaleysta kuwa ku naaxay mushkiladdeenna ee shisheeyaha ah. Waa kuwa raalli ku noqda ihaanada iyo magac xumada qoorta loo suro habeen iyo maalin iyagoo sheegta inay yihiin madax dal. Waa kuwa loo yeeriyo sidii ay isku xukumi lahaayeen aqbalana  biiri-qaatayaala aan marna digigixan .

DHAGEYSO Halkaan Prof Samatar oo qalqaalsanaya Somaliland – si xuna u caayay Hawiye iyo reer Koofur “Muxuu Xamar ugu waashay nin aan Gebiley tegi karin”

Prof.Axmed Samatar haddii uu jawaab waafi ah ka bixin qormada wallaalkiis Cabdi Samatar ilama aha in Somalida aay idiin haydoonto xurmo iyo sharaf sabbabta oo ah waxaad ku sifowdeen waxa aad isku raacdeen oo ah siyaasad saldhigeeda yahay dulmi iyo xasilooni la aan Somali. HALKAAN KA AKHRI  

Waa kuwa balaayiinta doolar ka dhex sameeya shacabkan liita ( isgaarsiinta/xawaaladaha) oo aan sandareetana ku soo celin. Bal u fiirso aqoonyahanka daawada/cunnada dhacay soo warida ee cudurka abuura. Bal eeg ka isagoo diin ugu soo gabanaya xoolaha kaga uruuriya ganacsi ayaan kuu gelinayaa, dhowr bilood kadibna la waayo meeluu jaan iyo cirib dhigay. Bal eeg ka sharciyaqaanka /qoraaga ah ee loo adeegsado inuu qoro wax liddi ku ah jiritaanka ummaddii uu canshuurteeda wax ku bartay.

Mudane Formaajo “Boqolle” buug uu qoray wuxuu ku weeraray beelo ka mid ah beelaha Soomaaliyeed, erayada ninba si u faham, balse, dhibka dhacay, siduu u dhacay, dhabbaa la taagan yahay, miyey beel kaliya eed ku yeelan kartaa? Saw ma ahan wax ay Soomaali oo dhami ku fashilantay? Mise waa laab la keceennii iyo qoonsiga qabiileedkiiye, mudane Formaajo “Boqolle” isma lahayn miyaa markuu qorayey erayadan xil ayaad Soomaali u qabanee? Mise wuxuu is lahaa ku ciil bax?.  Halkaan ka Akhri Buugiisa: 

Bal eeg kuwa u kala dhuunta xukuumadaha jaarka ah una gudbiya sirta dalka si wax looga dhigo-Kuwan waxa ka buuxa  saraakiishii ciidamada ee dalka u dhaartay. Bal eeg kuwa yiraahda xubno baarlamaan ayaan nahay, laba go’aan oo is-burinayana soo kala saara barqadii iyo casarkii ee maxbuuska u ah koox diirata ah oo  iska dhaxla xukunka sare ee dalka, daa’imna isku mashquulsan.

Maxey marna ugu soo dhici weyday aqoonyahan dhaqaalaha balaayiinta doolar gaareysa ka dhex sameeyey ummadda inuu dhaqaalahiisa inyar oo ka mida ku badbaadi yo ummaddiisa iyo qarankiisa,  si looga baxo mucaawinada shisheeye ee qaranimadeenii lagu hantiyey.  Bal eeg kuwa loo adeegsaday ihaaneynta iyo karaamo ka qaadidda mid muujiyey inaan xurowno ee cid u hiillisa waayey. Waa aqoonyahanka aan arkay ee wax la taaban karo ee ummadeed la yimid.

Halkaan ka Akhri dhismaha Safaaradda Talyaaniga ee Soomaaliya ma AqoonYahan  Nuur Cadde ayaa iskaleh mise qaranka. Safaarad Gatoow Down, Nuur Cadde Down!

Caqliga fayow waxa aan hoos ugu degeyn haddii uu jiri lahaa aqoonyahan mushkilada xalkeeda isku mashquuliya inayan dhibtu intan nagu soo gaarteen, marka aqoonyahan ha garowsado inuu mushkiladda qeyb ka yahay. Waxa aadanaha caado u ah marka kastoo ay mixno heshoba, waa kii keena xalkii looga bixi lahaa, aqoonyahankuna waxa uu yahay sida aan kor ku xusay, mujtamaca qeebtiisa arrinka loo kaashado. Aqoonyahanow intaad isu tagto sidan si dhaanta keen. Waxan ku soo xirayaa qormadan xigmad laga hayo gabadh Somaaliyeed oo aheyd : ‘WAR REER RAG LE ROOB SAAN MA U GALAA’

——————————————

Qabyaaladdu halkeey beey ka billaabataa amase ku dhammaataa ?!

 ibrahim25Mar kasta oo niyadda dadka Soomaaliyeed dib u soo laabato waxaa soo wajaha caqabado ka imaanaya cadowga jiritaanka ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan. Cadowgu waa badanyahay waana kala dhib badfanyahay waxaa jira mid kaalinta koowaad galaya marka la fiiriyo dhibkiisa, markastana taagan dariiq kasta iyo waddo kasta oo maslaxadda ummaddu ku jirto. Waa kuma cadowgaas? Qabyaaladda ayaa ah cadowga koowaad ee isku duubnida iyo jiritaanka ummadda Soomaaliyeed waayo waa tan muddo ka badan 20 sano na dhigtay dawlad la’aan isla markaana naga reebtay adduunka intiisa kale. Waa cudur aan daawo lahayn ilaa gartaan dadka uu haayo iskana daaweeyaan. Qabyaaladdu halkeey beey ka billaabataa amase ku dhammaataa

Qabyaaladd ama six un u adeegsiga qabiilku wuxuu ka soo billowdaa odey lagu abtirsado kaddibna la isku faquuqo reer geed iyo reer dhagax. Waxaa lagu tilmaamaa in uusan qabiilku dhammaad lahayn haddii lasii daba galo tusaale ahaan, basasha oo ka mid ah qudaarta wax lagu darsado haddii la fiiqo waxeey u dhammaataa baal, baal ilaa laga gaarayo baalka u dambeeya.

Tusaale kale, odey haddii uu laba xaas ilmo ka dhalo. Ilmahaas waxay isku kala soocaan labadii hooyo ee dhashay oo ay yiraahdaan reer ina heblaayo iyo reer ina heblaayo. Taas waxay noo muujineysaa in uusan dhammaad lahayn qabiilka ilaa uu kala geeyo laba qof oo isku aabbe ah.

Halkee nooga timid qabyaaladdu

Waxaad mooddaa qarniyaal badan kaddib in aan wali lagu tusaale qaadan si xun adeegsi qabyaaladda iyo dhibta ay noo geysatay, waxaana taa kasii daran in jiilka soo koraya iyana lagu ababiyay qabyaaladda. Ma jirto ummad horumar gaari karta iyadoon wada jirin. Carabtii jaahiligi Nabi Muxammad nabadgalyo iyo naxariis korkiisa ha aheete ka hor wax ay u diri jireen qabiil qabiil, tusaale ahaan Reer Aws iyo Reer Khasraj oo markii dambe nabigu walaaleeyay.

Waxaa jira Aayado Quraan ah iyo Axaadiith laga wariyay Nabigeenna suubban oo ka hadlaya qabyaaladda iyo xumaanteeda. Ilaah wuxuu Quraankiisa ku yiri” “Dadoow waxaan idinka abuurray lab iyo dheddig, waxaana idinka yeelay shucuub iyo qabiillooyin si aad isu aqoonsataan, ruuxase ugu sharaf badan Eebe agtiisa waa kan idinku dhawrsasho badan, Eebana wax walba waa ogyahay,”

Nabigu wuxuu yiri kataga qabyaaladda waa qurune. Dad badan oo Soomaaliyeed in sharafta ummadnimo iyo diintooda difaacdaan waxaa kala weyn in ay qabiilkoodaa difaacaan taasina waa mid aan meel lagu gaareeyn aakhiro iyo adduun toona. Dhibaatada qabyaaladeed ee ummaddeenna dillootay waxay sababi kartaa in jiritaankeenna meesha ka baxo mustaqbalka soo socda waxana muhiim ah in lagu baraarugo.

Burburkii dawladnimo kaddib, waxaa dalka ku soo batay wax la yiraahdo fadhi ku dirir ay odyaasha iyo qaar ka mid ah dhallinyaradu isku dhaafsadaan fikrado xambaarsan cudurka qabyaaladda mararka qaarna keeni jirtay gacan ka hadal, inkastoo waayaahaan aad mooddo in uu yaraaday fadhi ku dirirkii laakiin waxa uu u soo wareegay dhanka website-yada/mareegaha ciidda ka badan ee Soomaaliyeed kuwaasoo aad ka daallacan karto fikradaha la isku dhaafsanayo ee xambaarsan cudurka qabyaaladda. Website-yadaan intooda badan waa yartahay tayadooda marka laga reebo kuwo kooban oo si sax ah wararka u tabiya

Dadka intiisa badan maahan kuwa cilmi la’aan hayso balse kuma dhaqmaan mana dhaqan galiyaan waxyaabihii ay ka barteen waayaha soo maray iyo waxbarashadooda midna.

Gunaanad

Ma jirto cid kala saari karta dadka Soomaaliyeed meel kasta ama gobol kasta oo ay kasoo jeedaan muuqaal ahaan. Marka laga reebo in Soomaalida dhexdoodu ay is garan karaan marka qof walba uu ku hadlo afka gurigiisa ama lahjadda gobolkaas looga hadlo.

Soomaalidu meel kasta oo ay ku nooshahay waa hal ummad taasoo ah isku diin isku af iyo isku dhaqan aan sinaba u kala maarmin una kala qaybsami karin.

Dhibaatooyinka qabyaaladda waxaa looga bixi karaa in ummadda Soomaaliyeed ay xasuustaan cabsida Allahii abuurtay mar walba waaliddiintuna ay ilmahooda ku barbaariyaan dhaqanka wanaagsan kana ilaaliyaan si xun u deegsiga qabyaaladda.

Quusta dadkayga iyo fursooyinka horyaala

Bulsho bulshooyinka kamid ah markay ku adkaato inay isbadal kusameeyaan waaqicooda waxaa kudhasha cudur khatar ah oo ah quusasho. Dadkeena somaliyeed oo aan inbadan dhagahooda ku soodhicin wax fiican ayaa waxaa inta badan arkaysaa in mushkilada quusto ay aad udhexgashay bulshadeena.

Waxaa qayb wayn kaqaatay aqoonyahanka oo ay bulshadu cilmi ku tuhmayso oo ay in badan ka maqlaan waxyaabo aan fiicnayn. Maalin ayaan kadhagaystay idaacadd nin aqoonyahan ah laga waraysanayay markii ay doorashadu dhacday markaas ayuu waxuu sheegay in aysan dawladda cusub oo ladoortay waxba soo kordhinayn aqoonyahankaas waxaa intaas dabadhigay in mushkiladda somaliya aan wax xala loo heli karin .

Iswaydii qofka somaliyeed ee dhibta badan soo arkay dhagaystay xalka aqoonyahanka maxuu ka qaadi karaah hadalka ninkaas oo ah ninkii uu iskuhalaynayay una arkayay inuu cilmi iyo caqli dheryahay arintana uu xal ukeeni doono.

Maxaan kudaawaynaah quusashada

Waxaan orankarnaah si aan bulshadeeda cudurkaas uga dulqaadno waxaan u baahanahay inaan adeegsano afar arimood.

1: taariikhda oo noo soo gudbinaysah dadkii soomaray waxa ay dadkeenu kujiraan iyo wax ka xun iyo sida ay uga baxeen

Tusaale ahaan nabigeena scw iyo dadkii carbeed oo uu dacwada ka dhexbilaabay iyo meesha ay kajoogeen ilbaxnimada adduunka iyo sida uu asaga oo kaligiis ah camalkaas ugu qumay dadka qaar ayaa lagayabaah inay dhahaan nabi muxamed scw dacwadiisa waxaa laga taageerayay xag ilaahay taas ayaa guusha keentay .

Aan soo qaadno tusaale kale ninkii wadanka chinaha ee aan maantay ognahay miisaanka uu adduunka kuleeyahay horumarka gaarsiiyay oo la oranjiray mow iyo sida ay china ahayd marka uu dhaqdhaqaaqa bilaabay.

Mushkiladihii haystay

30% gumaysi ayay china kujirtay

80% faqri

70% kalaqaybsanan kusalaysan aydloojiyaat

60% cuduro oo waxa taariikhdu warisaah in ay in kabadan 40% dhalinayarooda ay indhabeelijireen ayaga oo ay da.doodu yartahay dadka dhibtaas kujiray see uga baxeen

Hadday kabaxeen ubadkeenu maantay soo kama bixikarto hadday geesiyaal hesho maxaa niyad jabka keenay .

2; cilmiga bulshada oo noo faaiidaynayah in riyooyinkii shalay ay yihiin runta maantay riyooyinka maantay ay noqondoonaan dhabta bari diyaaradda maalin maalmaha kamid ah ayay ahayd riyo laakiin maantay waa run.

3; mandiqa oo noo faaiidaynayah in qofkii dadaala uu abaalkeeda helayo qofkii shaqaystah wuu helayaah miraha shaqadaas haddan udadaalno horumarka bulshadeena waan helaynaah.

4:diinta oo ah rukniga ugu muhiimsan oo ilaahay ayaa noo balanqaaday inaad guuusha danbe yeelanayno oo musliminta uu ugargaari doono taasna waa bishaaro kale oo aan quusta kula dagaali karno.

 Gabagabo

Walaalayaal quustu waa wax xun mujtamaca ay gasho ma horumaro marka dadkeena waxaa leeyahay wali wada ayaa furan yaan laquusan ilaahay aan kukalsoonaano niyadana khayr usheegno.

image image image image image image image

Advertisements

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s