Xubno Beesha Caalamka oo Talo u Jeediyey Madaxweyne Faroole

Nairobi (MMG) Sida ay Moment Media Group ka soo xigatay mid ka mid ah diblomaasiyiinta ajnabiga ee ku sugan magaalada Nairobi qaar ka mid ah wakiilada beesha caalamka ee ku sugan dalka Kenya ayaa talo u jeediyey madaxeweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole oo waqtiga maamulkiisu uu ku eg yahay 8-da bisha Janaayo 2013 hase yeeshee uu muran ka taagan yahay.

Ilo wareedka ayaa Moment Media Group u xaqiijiyey in warqad ay direen wakiilada Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo Mareykanka ayaa toddobaadkii hore madaxweyne Faroole loogu sheegay inay lama huraan tahay qabashada doorashada madaxtinimada ee Puntland kadib 8-da Janaayo isla markaana uu madaxweynuhu aqbalo loolanka kaga imaanaya dadka isaga mucaaradsan.

Madaxweyne Faroole laftiisa ayaa lagula taliyey in haddii uu rabo uu ka qeybgalo tartanka doorashada haddii mar labaad lasoo doortana uu sii wado hogaaminta maamulka Puntland.

Xubnaha farriinta gaarsiiyey madaxweyne Faroole, ayaa la sheegayaa inay hoosta ka xariiqeen in beesha caalamka aysan sii wadi karin taageerada ay siiso maamulka Puntland haddii uu madaxweynuhu ku adkeysto mudada sanadka ah ee uu ku kordhistay waqtigiisa afarta sano.

Wariye ka tirsan  Moment Media Group ayaa la hadlay mid ka mid ah xubnaha golaha wasiirada ee ku dhow madaxweyne Faroole kaasoo sheegay in madaxweynuhu uu helay farriinta laakiin wasiirka ma sheegin wax jawaab ah oo madaxweyne Faroole uu ka bixiyey go’aanka ka soo yeeray diblomaasiyiinta beesha caalamka u qaabilsan Soomaaliya.

Midowga Yurub ayaa ah deeqbixiyaha ugu weyn ee hadda taageeraya barnaamijka loo bixiyey‘dimuqraadiyeynta Puntland’ hase yeeshee waxaa walaac ay ka muujinayaan muranka sii adkaanaya ee ka dhex taagan mucaaradka iyo madaxweyne Faroole kaasoo salka ku haya muddada sanadka ee madaxweyne Faroole uu ku kordhistay waqtigiisa.

Waqtiga Go’aanka

Go’aankan ayaa soo shaacbaxay iyadoo mudo labo usbuuc oo qura ah ay ka harsan tahay waqtiga madaxweyne Faroole ee 8-da Janaayo 2013 xilli madaxweynuhu aanu weli ka soo degin mowqifkiisa mudada sanadka ah.

Dhanka kale warar laga helayo Garowe ayaa sheegaya in odayaal iyo isimo ay bilaabeen inay ku soo qulqulaan magaalada Garowe kuwaasoo la sheegayo inay isku diyaarinayaan qabashada shirweyne looga arrinsanayo aayaha gobolka wixii ka dambeeya 8-da Janaayo.

Advertisements

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s