Kaalinta qurbajoogta soomaaliyeed iyo horumarinta dalka. SomaliaDiaspora

IMG_7685Kaalinta qurbajoogta soomaaliyeed iyo horumarinta dalka. SomaliaDiaspora

April 23, 2017 – SomaliaDiaspora


Horudhac:

SomaliaDiaspora – Kolkii ay waddan dhibaato lasoo gudboonaato, ha ahaato mid dabiici ah ama mid ay dadku sabbabeen, waxaa inta badan dhacda in dad badani ka qaxaan dalkaas oo wadamo kale aadaan. Sida ay muujiyeen baaritaano kala duwan waxaa ugu horeyn qaxa dadka dhaqaalaha haysta iyo dadka aqoonta leh. Labadaan kooxood ayaa ah kuwo saameyn weyn bulshada ku leh. Sidaas darteed bulshadu waa dareentaa maqnaanshahooda. Dalka soomaaliya waxaa uu dagaal iyo khilaaf siyaasadeed ku sugnaa muddo ku dhow 30 sano. Taasina waxaa ay dhalisay in dad badan oo ah kaalin muhiim ah bulshada ku leh ay qaxaan oo noqdaan kuwo qurbaha ku nool. Haddaba qormadaan waxaan ku eegi doonaa siyaabaha kala duwan ee ay qurbajoogta soomaaliyeed uga qayb qaadan karaan horumarinta wadankii hooyo.

Dhaqaale: Dadka soomaaliyeed ee qurbaha ku dhaqani waxaa ay diraan dhaqaale ama lacag aad u badan oo ay ku taakuleeyaan eheladooda ku nool dalkii. Lacagtaasi waxaa ay taakuleysaa qoyska noloshiisa caadiga ah, balse waxaa kale oo ay abuurtaa shaqo iyo ganacsi. Maxaa yeelay lacagtu kolka ay gaarto qoyska loo diray , waa in markaas qoyskaasi suuqa aadaan oo ka soo iibsadaan waxyaalaha ay u baahan yihiin. Lacagtaas ay suuqa geeyeen waxaa ay dakhli u noqotaa ganacsadaha alaabta laga soo iibsaday. Waxaa laga yaabaa in ganacsadahaasi shaqaaleeyo qof ama ka badan oo iyaguna dhakhli halkaas kasoo galo kaasoo ay qoysaskooda ku taakuleeyaan. Waxaa laga yaabaa in qoyska qurbaha lacagta looga soo diray ay uu degan yahay guri kiro ah oo ay lacagtii guriga, korontadii iyo biyihii bixiyaan taasoo dad kale fursado nololeed iyo dhaqeeleba u abuuraysa. Halkaas waxaa ka bilaabanaaya waxa ay dhaqaale-yahanadu ugu yeeraan ” Wareega dhaqaalaha”, taas oo macnaheedu yahay in lacagtii aanay meel joogeynin balse ay wareegeyso. Kolkaasna ay fursado kala duwan abuurayso. Markasta oo ay badato lacagta dibada laga soo diro ee qoysaska caadiga ah loo soo diro waxaa kordhaaya dhaq-dhaqaaqa dhalaalaha ee wadanka, taasoo horseedi karta horukac dhaqaale iyo mid nololeed.

Maalgelin:

Qurbajoogta soomaaliyeed waxaa ay wadanka kusoo kordhin karaan abuuritaanka shirkadaha yar yar (small businesses). Shirkadahaas oo bixinaaya cashuur, isla markaasna shaqaaleynaaya dad badan oo iyaguna bixiya cashuur. Shirkadahaan yar-yari waa in iyaga ruuxoodu,waxyaalaha ay u baahna yihiin kasoo iibsadaan suuqa. Waa iney guri kireystaan, waa iney koronto, internet iyo biyo bixiyaan, wa iney wargeysyada iyo tv-yada xayeysiin ka iibsadaan. Howshaas oo dhami waxaa ay dardargelineysaa horumarka dhaqaalaha iyo kalsoonida bulshadu ku qabaan wadankooda. Sidaas darteed waxaa muhiim ah in qurbajoogta soomaaliyeed, ciddii awoodaa ay maalgelin ku sameeyaan shirkadaha yar yar ama kuwa waaweyn ee wadankii si loo helo faaìidooyinka aan kor ku xusnay.

Aqoonta ( know-how): Tiirarka ugu adag ee uu wadan ku istaagi karo waa heerka aqoonta ee ummadda wadankaas iska leh. Markasta oo heerka aqoonta dadku kor u kaco waxaa kor u kaca horumarka dhaqaalaha ee wadanka. Waxaa jira xiriir toos ah oo ka dhexeeya kororka tacliinta iyo kobcinta dhaqaalaha wadanka. Kolka qofka aqoontiisu kororto waxaa kor u kacaaya mushaharkiisa, waxaa uu helayaa kalsooni dheeraad ah oo uu ku shaqeeyo ,taasoo dhalineysa in wax soosaarkiisu kor u kaco. Markii horukacaas la isu geeyona waxaa si guud u kordhaaya dhaqaalaha wadanka. Aqoontu waxaa kale oo ay abuurtaa in dadku wadankooda jeclaadaan, kuna tashadaan, hiil iyo hoona la garab istaagaan. Waxaa kaloo ay aqoontu dhalisaa in dadku sii dersi karaan ama sii odorosi karaan dhibaatooyinka soo socda iyo natiijada ficilada aynu samayneyno. Hoos u dhaca dhaqaale ee lasoo gudboonaadey wadamo badan oo Afrika ah waxaa ay salka ku hayaan dadkii aqoonta lahaa oo wadamadaas ka tegey. Waxaa dhacay waxa afka ingiriiska lagu yiraahdo ( brain drain) oo ah iyadoo labeentii ummadda, aqoonyahankii ummaddu uu ka qaxay dalalkii ay u dhasheen, ayna aadeen wadamo kale. Wadamadaas uu aqoonyahanku u qaxay ayaa noqonaaya kuwo hela faa`iidada ugu weyn. Haddaba waxaa muhiim ah in qurbajoogtu ka fekeraan arrinkaas muhiimka ah. Qofkii ay suurtogal u tahayna waa inuu aqoontiisa dalkii dib ugu celiyaa oo ummadda uga faa,iideeyaa, xitaa haddii ay bilo kooban tahay. Waa maalgelin la sameeyo midda ugu wanaagsan maxaa yeelay aqoon ayaa dadkii ku maalgelisey. Waana mid wax badan bedeli doonta mustaqbalka dhow iyo midka fogba.

TALLO-BIXIN: Qurbajoogta soomaaliyeed waxa ka mid ah dad leh xirfado kala duwan iyo khibrado ay ka heleen wadamadii ay u qaxeen. Haddaba khibradahaas ayaa dalkii dib loogu celin karaa iyadoo tallo-bixin la siin karo hayàadka kala duwan ee dowliga ah ama kuwa sida gaarka ah loo leeyahay. Tallooyinkaasi waxaa ay kor u qaadaysaa heer-xirfadeedka dadka goobahaas ka howl gala. Kolkii uu heerka xirfada shaqaaluhu kor u kacona waxaa kor u kacaaya waxsoosaarkooda.Waxaa kaloo ay tallo-bixintu soo gaabineysaa wakhtigii dheeraa ee ay qaadan lahayd in ay dadku si qarda-jeex ah u bartaan waxyaalaha muhiimka ah.

Arrimaha bulshada: Wadamada qurbaha gaar ahaan kuwa horay u maray waxaa ay muhiimad weyn siiyaan arrimaha bulshada sida tacliinta, caafimaadka , nabadgelyada iyo ciyaaraha. Arrimahaan ayaa qayb weyn ka ciyaara horumarinta bulshada. Qaabka looga shaqeeyo ama loo maamulo arrimaha bulshada ayaa ah kuwo la barto. Sidaas darteed waxaa muhiim ah in dadka soomaaliyeed ee ku takhasusay ka shaqeynta iyo abaabulka arrimaha bulshada ay dalkii dib ugu celiyaan xirfadaas muhiimka ah. Waxaa ay ka shaqeyn karaan isku xirka iyo abaabulka bulshada iyo wacyigelinta si dadkeenu isugu tashadaan horumarna u gaaraan.

Abuuris xiriir dibada ah: Dadka soomaaliyeed ee dibada usoo qaxay waxaa ay xiriir toos ah iyo mid dadbanba la leeyihiin wadamadda ay usoo qaxeen. Waxaa dhacda in dadka qurbajoogta ahi ay qayb muhiim ah ka noqdaan bulshada ay u yimadeen. Waxaa jira soomaali badan oo ka shaqeeya cisbitaalada waaweyn ee qurbaha, waxaa jira dad ka shaqeeya arrimaha waxbarashada oo macalimiin ka ah jaamacadaha waaweyn ee aduunka, waxaa jira kuwo siyaasiyiin ah oo baarlamaanada dunida ku jira, waxaa jira kuwo wasiiro ah, gudoomiyayaal, agaasimayaal iyo madax kale. Waxaa jira kuwo shirkado waaweyn xakuma ama iyaguba leh.Dhamaan dadkaas soomaalida ahi waxaa ay hayaan xiriir muhiim ah oo looga faaìideyn karo dowlada, dadka iyo dalkaba. Guusha xiriirka caalamiga ahi waxaa ay qayb weyn ka qaadataa horumarinta arrimaha bulshada ee wadan. Waa shaqo qaran oo muhiim ah inaan dowladeena ku taakuleynaa xiriirkaas aan ku leenahay wadamada aan deganahay. Waxaa sidoo kale muhiim ah inaan hayàadka dowliga ah iyo kuwa gaarka looleeyahayba ka caawino arrimahaas xiriirka dibada ah ee aan hayno.

Gebagebo

Qoddobadaas aan kor kusoo sheegay iyo kuwo kale oo badan ayaa jira oo ay qurbajoogta soomaaliyeed ku caawin karaan dalkeenii hooyo. Waxaa laga yaabaa in duruufaha jira awgood ay qofka u suurtogeli weydo wakhtigaan la joogo balse waxaa dhici karta iney qof kale u sahlan tahay sidaas darteed, inaan arrimahaan aan kor kusoo sheegay la isku dhiirigeliyo ayaan u baahanahay. Inaan is xasuusino , isukuna kaalmeyno ayaan u baahanahay. Inaan aamino waxyarba ha ahaatee inaan dalkii wax ku kordhin karno ayaa loo baahan yahay. Waxaan idinkula dardaarmayaa laba arrimood in qurbajoogtu ka digtoonaadaan iska ilaaliyaan:

1. Dalkii iyo dadkii oo culeys lagu kordhiyo: Waa ceeb iyo garasho xumo in qurbajoogtu culeys saaraan oo ay iyagu dhac iyo boob u doontaan dadkii iyo dalkii horay u dhibaateysnaa. In loosoo shaqo tago dalkii , adigoon haba yaraatee diyaar u ahayn inaad wax kusoo kordhiso waa wax aad looga xishoodo

Qof aan maalin shaqo tegin kolkii uu qurbaha joogey, waxna aan baran, kuna guuldaraystay qoyskii uu masuulka ka ahaa, ilama aha inuu badbaadin karo dal iyo dad soomaaliyeed. Sidaas darteed waxaa muhiim ah in caqligu shaqeeyo. Haddii aadan dheef dadkii iyo dalka ku kordhin karin, ha ula tegin dhib iyo culays.

2. Qurbajoogta wax dhaliisha: Dhaliil joogto ah oo aan ficil lahayn waa wakhti dhumis. Waxaana laga yaabaa iney dhibaato ka weyn tii aad dhaliileysey ay abuurto. Dhaliishu shuruuc caalami ah ayey leedahay oo ay ka mid yihiin: Iney dhaliishu tahay mid wax dhista, iney tahay mid edeb iyo akhlaaq iyo xushmad salka ku haysa iyo in qofka wax dhaliilayaa uu ehel u yahay oo uu yaqaan wax uu dhaliilaayo. Waana in qofka dhaliisha soo jeedinayaa uu hayaa qorshihii lagu bedeli lahaa waxa uu dhaliilaayo. Isla markaasna waa inuu diyaar u yahay inuu qayb ka noqdo isbedelka lagu samaynaayo wax uu dhaliilay. Balse waa ceeb iyo garasho xumo in qurbajoog badani ay shaqo ka dhigteen dhaliil aan waafaqsanayn qoddobada dhaliisha ee aan kor kusoo sheegay.

Tusaale ahaan , haddii aan dhaliil aniga c.risaaq ah usoo jeediyo maamulka degmada ama gobolka aan deganahay waxaa la i weydiinayaa arrihamaan.

Maxaa adigu c.risaq ahaan qorshe haysaa lagu bedlo midka aad dhaliileyso?
Qorshuhu ma yahay mid macquul ah oo la dhaqan gelin karo, dhaqaale ahaan, wakhti ahaan iyo duruucaha kale ee jira awgood?
Anigu ka c.risaq ahaan maxaan ka geysan karaa isbedelka aan doonaayo, Maxaan awoodaa? Maxaan ku biirin karaa nidaamka aan dhaliilaayo?

Haddii arrimahaas la iga waayo, dhaliishii aniga ayey dib iigu soo laabaneysaa. Waxaana noqonayaa qof aan masuul ahayn oo iska hadlaaya, isla markaasna abuuraaya khal-khal bulsho.

Sidaas darteed waxaan dhamaan * dhaliilayaasha* soomaaliyeed farayaa iney aad u fekeraan inta aanay wax dhaliilin, si gaar ahna uga fekeraan qoddobada iyo anshaxa dhaliisha.

Mahadsanidin
SomaliaDiaspora

Advertisements

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s