Cuqdadda Hargaysa, Ciilka Muqdisho iyo Cabsida Garoowe. “Psycho analysis ” Siyaasadda Soomaalida

Cudurrada Aan Laga Caafimaadin ee Siyaasadda Soomaalida

Cudurrada Aan Laga Caafimaadin ee Siyaasadda Soomaalida

Jan 04, 2015 – Somali-Diaspora – Qof walba wuxuu ka dheregsanyahay dhibaatada lagala kulmay in dib loo dhiso dawladnimadii la burburiyay labaatan iyo dheeraad sano ka hor . Waa tiro dhaaf shirarka caalamiga ah ee loo qabtay Soomaalida si shaydaanka ay iskaga naaraan, ka dibna ugu heeshiiyaan siyaasadda dalka.

Dhammaan shirarkii caalamiga ahaa way wada fashilmeen marka laga reebo midkii ugu danbeeyay ee lagu qabtay Nayroobi oo maamulkii ka soo baxay lagu soo galbiyay kumaanaan ciidan ah oo laga soo kala aruuriyay waddamo isugu jira kuwo Soomaalida sinji ahaan u neceb, qaar tartan deegaan kula jira iyo dalal u dhaarsan in ay dhadhamiyaan quruxda iyo qaayaha ka muuqda gabdhaha Soomaaliyeed!

Dawaladdii federaalka ee loo soo galbiyay Muqdisho waxay ka bixi weysay fadhiidnimo iyo in madaxdii qaranka sidii dhoocilo foodlay ah isku haruufaan marwalba. Dhawaan waxaa la eryay Raysulwasaare xafiiska joogay muddo ka yar sanad, waqti yar gudahoodna waxaa la magaacabay raysulwasaare cusub oo qudhiisa mar dhexdaas ah la eryay.

Haddaba su’aasha dhabta ah ee mudan in si geesinimo cilmi lu dhisanah looga jawaabo waxay tahay waa maxay sababta ka danbeysa waalida diidan in dawladnimadii burburtay dib loo hanto?

Sidaa dareed qoraalkan koobani wuxuu sawir ka bixin doonaa caadifadaha ugu waaweyn iyo dareennnada dhaawacan ee diiddan in dadka Soomaaliyeed ay isla fahmaan muhiimadda ay nolosha u leedahay in la dhisto maamul dhexe oo danahooda guud ka shaqeeya si aan looga sii habsaamin hormarka iyo ilbaxnimada qarniga 21aad ee waa hore laga haray. Sidoo kale qoraalku wuxuu isku dayi doonaa inuu garashada Soomaalida ku soo biiriyo aragti ka duwan dooddaha caanka ah ee dadka Soomaaliyeed ku mashquulaan marka la gorfeynayo cilladaha siyaasadda murugsan ee Soomaaliya.

Dadka fakera ee Soomaaliyeed waxay garowsan yihiin in caqliga guud “ collective mind” ee Soomaalidu uu noqday maxbuus u afduuban dareennada malaayiinta ah ee laga dhaxlay dhibaatadii iyo burburkii dalka ka dhacey. Dood iyo daraasad xeeldheer ayay u baahantahay in lagu gorfeeyo sida qofka Soomaaliga ah u noqday dhibbane noloshiisa u horseeda burbur iyo guuldarro asagoo adeegsanaya dareenno “emotions” aan maangal ahayn. Nasiib wanaag, aqoonyahannada cilmi nafsiga ee adduunku, waxay aruuriyeen cilmi badan oo loo adeegsan karo daawaynta iyo baxnaaninta caqliga iyo dareennada u afduuban caadifadaha aan caadiga ahayn ee dhaliya xanuunada dhimirka

Marka la darsayo xanuunada ku dhaca maskaxda, culimada nafsiga “ Psychologists” iyo dhaqaatiirta dhimirka “ Psychatrist” waxay adeegsadaan dhiraadhirin dhimireed “ Psycho analysis” lagu ogaanayo sababaha dahsoon ah ee ka danbeeya waalida iyo isdiidka ka muuqda nolosha bukaanka. Ujeedada ugu weyn ee laga leeyahay dhiraandhintan, ayaa ah in si cilmi ah lagu ogaado dhaawaca gaaray dareennada dabiiciga ah ee qofka ku abuuran si loo helo sawirka dhabta ah ee ku aaddan maxbuusnimada garashada qallalan “ inetellect” ee qofka.

Haddaba daaweynta iyo baxnaaninta aan looga maarmeyn garashada iyo dareennada dhaawacan ee qofka Soomaaliga ah, waxaa ka horreeya in dhiraadhirin dhimireed lagu sameeyo waali wadareedka ( collective madness) ka muuqda siyaasadda guud ee Soomaaliya. Waalida noocan ah, waxay sababtay in si guud Soomaalidu u taageeraan xumaanta iyo nacasnimada ayagoo nolosha ka rajeynaya wanaag iyo hormar. Caalimikii weynaa Mudane Erich Fromm, ayaa buuggiisii caanka ahaa ee bulshada miyirka qabta “ The sane society” si cilmiyaysan ugu sharraxay qaababka bulsho ugu waalan karto si wadar ah.

Dagaalladii sokeeye ee Soomaaliya ka socday, waxay horseedeen in qarannimadii laga dhexlay gumeystaha si wadar ah loo burburiyo ayadoo qabiil walba tirsanayo dhib u gaar ah oo aan looga garaabin. Culimada taariikhda ee mustaqbalka, ayaa looga fadhiyaa in xog ururin cilmiyaysan ku sameeyaan wixii gar ama gabood fal ah ee qolo kasta ugu keydsan sooyaalka taariikhda marka ay timaaddo burburintii qarannimada Soomaaliya. Soddonkii sanno ee dagaaallada sokeeye socdeen, siyaasaddii lagu burburiyay dawladnimadii dalka waxay saldhigatay saddex xarrumood oo caasimado u noqday cudurrada aan wali laga caafimaadin ee siyaasadda Soomaaliya. Sida qoraalkani ku doodi doono, sababaha dahsoon ee ka danbeeya waalida ka muuqata siyaasadda Soomaaliya, waxaa lagu tilmaami karaa: Cuqdadda Hargaysa, Ciilka Muqdisho iyo Cabsida Garoowe.

Magaalooyinkan Soomaaliyeed ee la ildaran xanuunnada laga dhaxlo dareennada dhaawacan ee kala ah cuqdad, ciil iyo cabsi waxay xarrumo u yihiin qabiillo sheegtay in ay ka soo farcameen oday aan la hubin halka uu ka soo jeedo asal ahaan.Sida qoraalku ku doodi doono, haddii aan daawo cilmiyaysan iyo cawil celinta rabbi loo helin dareennada dhaawacan ee magaalooyinkan, dawladnimada Soomaaliya waxay noqon doontaa riwaayad lagu maadsado oo kale. Haddaba maxay kala yihiin tusaalayaasha taariikhda ku kaydsan si aan u muujino dareennada dahsoon ee sababi kara xanuunnada wali aan laga bogsoon ee bukaan socodka ka dhigay siyaasadda Soomaaliya?

Afeef

Inta aynaan qoraalka guda galin, waxaan habboon in la iska baraarujiyo buufiska badanaa Soomaalida u diida in ay fahmaan qoraallada noocan oo kale ah. Baraarujinta ugu horreeysa waxa weeye in qoraalkani aanu ahayn mid ku doodaya dhabnimada qoddabada uu soo bandhigi doono. Sida ugu fiican ee qoraallada noocan ah lagu aqrin karo waa in aad muujisid maskax furan oo dhinacyo badan ka eegi karta maangalnimada doodda qoraalku gudbinayo. Arinta labaad, ayaa ah in aadan

maleynin in qoddob gaar ah uu si guud u qabanayo magaalo ama qabiil guud. Tusaale ahaan, haddii aad qoraalka ku aragtid qoddob ku doodaya “ Farxadda Baydhabo” waa in aadan malawaalin in dadka Baydhabo jooga oo dhan ay wada faraxsanyihiin waayo waxaa laga yaabaa in Baydhabo lagu arko dad ka xanaaqsan doorashada madaxweyne Shariif Xasan!

Haddaba bal aan mid mid u lafagurno sababaha dahsoon ee loo aannayn karo waalida ka muuqata siyaasadda Soomaaliya.

Cuqdadda Hargaysa

Sida taariikhda ku xusan, midowgii Koonfurta iyo Waqooyiga Soomaaliya waxaa sabab u ahaa qabiillada deggan waqooyiga Soomaaliya oo si qiiro iyo qalbi furnaan ah ugu yimid qabiilladii kale ee degganaa Koonfurta dalka. Nasiib darro, may dhicin in qiimayntii iyo waliba qadarintii ay mudnaayeen walaallaha Waqooyi la garowsado. Taas badalkeed waxaa laga qadiyay kuraastii qiimaha lahaa ee qarannimadii laga dhaxlay gumeystaha. Qadinta noocaas ah waxay qalbiyada qabiilladii Waqooyiga malaha ku beertay cuqdad oo ah dareen badanaa laga dhaxlo dhacdooyinka taban ee nolosha ee lama filaanka kugu noqda.

Baaritaanno badan ka dib, culimada nafsigu waxay ogaadeen in dareenka cuqdaddu horseedo dhibaatooyin ay ugu toolmoon yihiin gooni isku taag uu weheliyo qalbi jab. Sida ay ku doodaan culimada nafsigu, qofka cuqdaddaysan wuxuu gaar ka noqdaa ama ka dhex baxaa dadka asagoo dareemaya faquuqid iyo in dadku aysan ahayn kuwo la aamini karo. Sida muuqata, wixii ka danbeeyay burburkii dawladdii dhexe, siyaasadda Hargeysa waxay ahayd mid lagu baadigoobayo gooni isku taag iyo ka go’itaanka dalka intiisa kale. Haddaba qoraalkan wuxuu muujinayaa in sababta dahsoon ee siyaasadda noocan ah ay noqon karto cuqdad aan maangal ahayn oo laga dhaxlay caddaalad darro lama filaan ku noqotay walaalaha Waqooyiga.

Sidoo kale culimada nafsiga waxay ku doodaan in qofka uusan gaari karin go’aan maangal ah haddii garashadiisu maxbuus u tahay dareenno dhaawacan. Nasiib wanaag, burburkii dalka ka dib, goballada waqooyi waxaa hoggaanka u qabtay nin magaciisa la dhihi jiray Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo ahaa siyaasi ku baraarugsan dhaawaca gaaray qalbiyada dadkiisa. Sidoo kale wuxuu ogaa in ay laga maarmaan tahay in qabiillada Waqooyigu helaan maamul ay ku nastaan, kagana caafimaadan dhaawacii iyo dhibaatadii ka soo gaartay la midowgii Koonfurta dalka. Marar badan ayuu gole fagaare ah ka sheegay Mudane Cigaal in dadkiisa ay waajib ku tahay in ay cafiyaan walaallaha Koonfurta si looga caafimaado cuqdadda deegaanka ka jirta ka dibna nolosha horay loogu sii dhaqaajiyo. Tusaale ahaan,waano taariikhi ah oo ku saabsan cawaaqib xumada cuqdaddu leedahay, ayuu Mudane Cigaal jeediyay mar uu ka hadlayay xabaal-wadareed laga helay meel u dhow magaalada Hargaysa.

Nasiib darro, asagoo ku guda jira baxnaaninta dhaawaca soo gaaray qalbiyada dadkiisa ayuu mudane Cigaal alleystay. Wixii ka danbeeyay geerida marxuumka, deegannada Waqooyiga kama soo bixin siyaasi ama hoggaamiye dabiici ah oo deegaanka ka badbaadin kara dareenka cuqdadda ah ee laga dhaxlay burburkii

qarannimada dalka. Magaalada Hargeysa waxay caasimad u noqotay siyaasiyiin, aqoonyahanno, wadaaddo iyo waliba ganacsato u midoobay ka miro dhalinta siyaasadda gooni isku taagga ee soddon jirka ku dhow. Arinta ugu naxdinta badan ayaa ah in dhalinta soo koreysa ee gobollada Waqooyigu dhaxleen dareenka aan kor ku xusnay. Haddii aan cawil celin la helin, arrintan waxay horseedi doonta in mustaqbalka Waqooyiga Soomaaliya ka soo baxaan jiil cusub oo wada cuqdaddaysan.

Ciilka Muqdisho

Soomaaliya qaybtii uu Talyaanigu gumeysan jiray waxaa qaab teel teel ah u deggan qabiilooyin siyaabo kala duwan dareenkoodu u dhaawacanyahay. Sida taariikhda dhow ku xusan, waqtigii gumeystaha waxaa fursad yar oo awood siyaasadeed ah helay qabiillada deggan Waqooyi Bari ee Soomaaliya. Awooddaas siyaasadeed waxay u sahashay in qaab dhuumaalaysi ah u soo dagaan aagaggii hoose ee Koonfurta Soomaaliya ka dibna iksu ballaariyaan dhul badan. Is balaarintaas waxay u fududeysay in siyaasad ahaan ay si dadban ama si muuqata u hagaan dawladihii rayidka ahaa ee la yagleelay gumeystaha ka dib. Arintan waxay sababtay in qabiiladii kale ee Koonfurta Soomaaliya degganaa ay ciil iyo calool xumo dareemaan ka dib markii ay ku baraarugeen sadbursiga qabiillada ka soo naqraacay Waqooyi Bari ee dalka . Ciilkii dawladdahii rayidka ahaa waxaa ka horreeyay ciilkale oo aan wali laga caafimaadin, kaas oo laga dhaxlay boqortooyadii boobka ku dhisnayd ee Suldaan Cali Yuusuf ee gobolka Mudug.

Culimada nafsiga waxay ku doodaan in ciilku yahay dareen halis ah oo haddii aan laga caafimaadin sababi kara dhibaatooyin ay ka mid yihiin in qofka ciishooday uu caro darteed la qarxo ka dibna la waayo caqli iyo awood lagu xakameeyo.

Sida lawada ogyahay, labaatan iyo dheeraad sano ka hor, qabiilladii ku ciishoonaa Koonfurta dalka ayaa si lama filaan ah u qarxay ayagoo dagaal washamsi camal ah ku soo qaadey caasimaddii hore ee dalka. Waxaa barqo cad si lama filaan ah loo eryay dawladdii meleteriga ahayd oo muddo dalka ka talinaysay. Qabiilladii ciishoonaa waxay guda galeen in ay boob iyo bililiqo ugu dhaqaaqaan hantidiii qaranka ayagoo maleeyay in qarannimadu tahay wax u gooni ah qabiilladii laga eryay caasimadda. Sidoo kale, ciilkaas gaamuray wuxuu horseeday in Soomaali badan loo dilo heyb qabiil, hantidoodana lala wareego. Haddii cilmi nafsiga lagu eego saameynta ciilku leeyahay, wax lala yaabo ma ahan in sidaa wax u dhacaan waayo ciilku wuxuu horseedaa in qofka ciishoon uu si la yaab leh u aarsado.

Intii lagu guda jiray aargoosigaas lagu rajeynayay in looga caafimaado ciilka gaamuray, waxaa dalka ka dhacay musiibooyin dabiici ah oo sababay in beesha caalamku soo gurmato sida abaarihii dadka badan ku laayay koonfurta dalka billowga sanadihii sagaashanaadka. Qabiilladii ku midoobay dareenka ah ciilka gaamuray waxaa hogaaminayay nin magaciisa la dhihi jiray Jeneraal Maxamed Faarax Caydiid oo ahaa siyaasi ku baraarugsan in ciilka socda uusan maangal ahayn. Dhowr jeer ayuu Jeneraalka meel fagaare ah ka sheegay in aysan haboonayn in maato masaakiin ah la laayo. Waxaa jira dhacdooyin badan oo muuninaya in Jenanku ahaa nin ka madaxbannaan ciilka dadkiisa ay ku wayraxeen. Tusaale ahaan, waxaa dhacday mar Jananku su’aalay odayaashii tolka sidii laga yeeli lahaa maxaabiis madax ah oo laga qabtay qabiilladii ka cararay caasimadda.

Odayaasha qabiiladii ciishoonaa waxay ku taliyeen in birta laga aslo maxaabiista la hayo. Jenanka asagoo ku baraarugsan halista ciilka reer tolkiis, ayuu wuxuu sheegay in taladu aysan xumeyn, balse uu gartay in uu cafis u fidiyo maxaabiista xiran. Muddadii lagu guda jiray dagaalladii aargoosiga ahaa ayuu Janaraalku wuxuu ku baraarugay in la gaaray waqtigii ciilka laga caafimaadi lahaa, waana taas baa la dhihi karaa sababtii ka danbeeysay inuu dhiso dawladdii salballaar si maamulkii iyo kala danbeytii loo soo celiyo. Nasiib darro taladii mudane Caydiid ma hirgalin, waxaana ka horyimid xooggag ciishoon oo la galay dagaallo muddo socday oo markii danbe sababay in mudane Caydiid xabbad ku disho mid ka mid ah waddooyinka Muqdisho.

Geeridii mudane Caydiid ka dib, qabiilladii ciishoonaa waxay iska sii wateen boob iyo bililiqo aan bartilmameed gaar ah lahayn. Nasiib darro, qabiillada ciishoon uma soo bixin siyaasi sida Jeneraal caydiid oo kale fahmi kara in la gaaray waqtigii ciilka la soo afjari lahaa. Wali ciilkii waa socdaa, oo sida lawada ogyahay caasimaddii dalka wali waxaa jooga odayaal dhaqameed iyo rag siyaasiyiin ah oo aaminsan in wali tolku uusan ciil bixin. Tusaale ahaan, mar dhaxdaas ah waxaan warbaahinta laga dhageystay nin sheegay in uu yahay siyaasi tolka ku baraarujinaya halis ku soo aadan. Ninkaas magaciisa waxaa lagu sheegay Shiikh Ciise Dalabey. Muxaadaradii uu shiikha jeediyay waxay ahayd baraarujin ku aadan in la abaabulo qaabka ugu fiican ee tolka ku ciil bixi karo! Qoddobadii uu mudane Dalabey u cuskaday dooddiisa siyaasadeed waxay u badnaayeen goddobta taariikhiga ah ee tolka dhaxalsiisay ciilka aan dhammaadka lahayn!

Cabsida Garoowe

Soddonkii sanno ee dawladnimada dalka ka jirtay, siyaasadda waxaa ku xoogganaa oo hadba isku cayrsanayay qabiillo la sheegay in ay ka soo farcameen oday qaab tahriib camal ah uga soo tallaabay badda u dhaxeysa Yemen iyo Soomaaliya. Lama yaqaan sida odaygaas uu baddaas uga soo gudbay, waayo? sida aan ognahay badda cas waxay qabtaa tahriibayaal badan! Waxaa laga yaabaa in doon shiraac fiican leh uu soo raacay, sidoo kale waxaa laga yaaba in uu ahaa nin dabaasha yiqiin oo qaab dabaal joog ah badda uga soo gudbay!

Qabiilladii siyaasadda dalka ku xoogganaa muddada dheer waxaa mar kaliya weerar wadajir ah kaga naxsaday qabiilladii Waqooyiga dalka ku cuqdaddaysnaa iyo kuwii kale ee muddada dheer ciishoonaa. Weerarkaas wuxuu dhaliyay in dawladnimadii ku dhisnayd sadbursiga si fudud loo burburiyo ka dibna la baacsado qabiilladii ku gabbanayay awoodda dawladnimada. Guuldaraddan lama filaanka ah, waxay argagax iyo casbi ku abuurtay qalbiyada qabiilladii la sheegay in ay ka soo farcameen odaygii carabka aha.

Sida taxanaha taariikhda ku cad, qolo kasta oo ismahadisa waxaa qabta sharciga dabiiciga ah ee nolosha. Dharbaaxadii ku dhacday qabiilladii ku daabanaa awoodda dawladnimada sheeko iyo sharaxaad midna uma baahna. Sida la ogyahay, waxay u qaybsameen qaar qaxooti ayagoo ah ka tallaabay xuduuddaha dalka, qaar aan

badnayn oo lahayste ku noqday magaalooyinka koonfurta dalka iyo qaar kaloo badan oo si dhuumaalaysi ah ugu qaxay dhulkii ay markii hore ka soo naqraaceen. Dareenka dhaawacan ee qabiilladan, ayaa noqday cabsi iyo argagax laga dhaxlay cararkii lama filaanka ahaa.

Sida culimada nafsiga ay sheegaan, dareenka casbida ah waa kan ugu halisan ee laga dhaxlo dhacdooyinka lama filaanka ah ee nolosha ku lamaansan. Cabsida waxay garashada qofka galisaa xabsi aan daaqado iyo irrid midna lahayn. Haddii qofku muddo dheer ku soo jiro nolol cabsi leh, waxaa maankiisa si dadban ugu sawirma hummaag si joogto ah u xasuusiya argagixii uu kala kulmay waqtiga iyo waayaha. Sidoo kale, qofka cabsanaya wuxuu qaataa go’aanno fuleynimo ah marka uu wajahayo caqabadaha ku gudban nolosha, waayo? wuxuu lumiyaa kalsoonida kartidiisa iyo awoodda garashadiisa.

Waxgaradkii iyo siyaasiyiintii qabiilladan waxaa ku adkaaday in ay ka soo kabsadaan argagaxii ay ka qaadeen cararkii lama filaanka ahaa. Intooda badan waxay u qaybsameen qaxooti naf iyo nolol biday qurbaha. Nasiib wanaag nin magaciisa la dhihi jiray Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa si lama filaan ah uga soo baxay xabsi Itoobiya ku yaalla. Waxaa la sheegay in markii mudane Yuusuf Soomaaliya yimid, inuu la fajacay argagaxa ka muudqa wajiyada reer tolkiisa. La yaabka mudane Yuusuf la yaab malaheyn, waayo? qudhiisa wuxuu ka mid noqon lahaa dadka argagaxsan balse nasiib wanaag wuxuu argagaxa ku dhacay tolkiisa kaga badbaaday xabsigii xabashida!

Haddaba, arintan waxay mudane Yuusuf u fududeysay in uu noqdo hoggaamiye dabiici ah oo ka caafimaad qaba cabsida reer tolkiis ku habsatay. Sidoo kale waxay fursad u siisay in uu dib u abaabulo tolka asagoo dadaal dheer u galay sidii cabsida dhaawacday dareenka dadkiisa looga caafimaadi lahaa. Nasiib darro taas ma aysan dhicin, waayo asagoo halgankaas ku guda jira ayuu mudane Yuusuf howl gab noqday. Dadaalka ugu badan ee mudane Yuusuf galay sida uu buuggiisa ( Halgan iyo Hagardaamo) ku sheegay ayaa ah in tolka laga ilaaliyo in ay hoggaamiyayaal u noqdaan siyaasiyiin aan wali ka soo kabanin argagaxii ay ka qaadeen cararkii lama filaanka ahaa. Sidii uu ka baqayay mudane Yuusuf ayay noqotya waayo maanta waxaa deegaannada Daludug madax ka ah rag cabsi daraadeed cimaamadaha carabta madaxyada ku duubtay.

Sidoo kale, cabsida aan laga caafimaadin waxay saameyn ku yeelan kartaa arrimaha bulshada gaar ahaan sida diinta rabbiga loo fasiro . Tusaale ahaan, qabiilladii sida lama filaanka ahaa u cararay ee cabsidu dilootay, waxaa ka soo baxay wadaaddo diinta argagax ka dhigay kuwaas oo ku caan baxay fuleynimo aan maangal ahayn. Sida aan la socono, waddaad caan ah oo cidahan cararay ka soo jeeda, ayaa maalin dhoweyd wuxuu ka digay sheydaan laga yaabo in uu masaajidyada soo galo ka dibna suuq xir ku sameeyo xirfadda wacdinta ee wadaaddadu badankood biilasha reeraha ka dhacsadaan. Haddii culimada nafsiga ay dhageystaan qaylo dhaanta wadaadkaas, waxay si sahlan ku garan karaan in uu yahay dhibbane aan ka bogsoon dhaawacii gaaray dareenka dadkiisa sida fudud loo cayrsaday!

Gunaanad

Qoraalkan aan ku qaada dhignay dhiraadhirin dhimireed ( Psychoanalysis) ku aaddan waalida ka muuqata siyaasadda Soomaaliya, waxaan ku ogaannay in ay jiraan cudurro soo jireen ah oo wali aan laga caafimaadin kuwaas oo aan ku soo sheegnay in ay kala yihiin: Cuqdadda Hargaysa, Cabsida Garoowe iyo Ciilka Muqdisho. Aqristaha qiimaha badan wuxuu is weydiin karaa su’aashan: magaalooyinkan kor ku xusan

iyo qabiillada daggan maxay kaga duwanyihiin magaalooyinka kale ee Soomaaliyeed sida Baydhabo marka laga hadlayo caqabadaha hortaaggan in dawladnimadiii dib loo helo?

Jawaabta oo kooban waxay noqon kartaa: siyaasidihii lagu burburiyay dawladnimadii dalka iyo cudurradii sababay siyaasadaha noocaas ah waxay saldhigteen magaalooyinkan aan kor ku xusnay iyo deegaannada hoosyimaada maamuulada ka jira magaalooyinkaas. Haddaba dadka Soomaaliyeed iyo bulshada caalamka ee jecel dawladnimada iyo nabadda Soomaaliya waa in ay ku baraarugaan in ciilka, cuqdadda iyo cabsida aan wali laga caafimaadin ay noqon karaan caqabadaha dahsoon ee marwalba fashiliya maamul kasta oo si guud Soomaalida loogu dhiso.

Sida aan kor ku soo xusnay, saddexdan magaalo waxaa ka soo baxay saddex siyaasi oo ku baraarugsanaa cudurrada dhaawacay qalbiyada reer tolkood. Waqtigii ay hoggaamiyayaashaas dabiiciga ah noolaayeen waxa jirtay rajo laga qabay in Soomaaliya ay dawladnimadeedii dib u dhisato waayo waxay karti iyo farsamo u lahaayeen in dadkooda ka bogsiiyaan cuqdadda, ciilka iyo waliba cabsida dhaawacday dareenkooda. Tusaale ahaan, mudane Cigaal wuxuu alleystay asagoo ku mashquulsan sidii cuqdadda deegaannada Waqooyi Galbeed ka jirta looga caafimaadi lahaa, dadka Soomaaliyeedna ay dib iskugu soo laabanlahaayeen.

Sidoo kale Mudane Caydiid waxaa la toogtay asagoo ku guda jira dagaal
ujeeddadiisu ahayd soo celinta maamukii iyo kala danbeyta si looga caafimaado ciilka jira. Sidaa si la mid ah, mudane Yuusuf wuxuu xoogga saaray sidii looga caafimadi lahaa cabdsidii ka jirtay deegannnadii uu ka soo jeeday asagoo dagaal adag la galay siyaasiyiintii argagaxsanaa ee rabay in ay siyaasad cabsi ah tolka ku hoggaamiyaan. Ugu danbeytii mudane Yuusuf wuxuu hawl gab noqday asagoo ku fashilmay hankiisii ahaa in siyaasadda Soomaaliya laga bogsiiyo cuqdadda, ciilka iyo cabsida hortaaggan qaranimadii dalka.

Geerida saddexdaas siyaasi ka dib, lama arag oo lama maqal hoggaamiye dabiici ah oo siyaasadda Soomaaliya ka samata bixin kara cudurrada aan wali laga caafimaadin ee horseedi kara waalida fadhiidka ka dhigtay Dawladda Federalka ee Muqdisho fadhisa.

Dhammaan dadka Soomaaliyeed oo ay ugu horreeyaan madaxda qaranka ee dawladda federaalka, hoggaamiyayaasha bulshada, aqoonyahannada iyo waliba wadaaddada diinta badankood waa bukaan socod la ildaran xanuunnada nafsiga ah ee laga dhaxlay dagaalladii sokeeye ee muddada socday. Si dhibaatada jirta looga baxo, waxay ku qummanaan lahayd in xoogga la saaro sidii loo bogsiin lahaa qalbiyada

jiran ee qabiillada Soomaaliyeed ka hor inta aan lagu mashquulin dhisdida maamul dawladeed iyo waliba muxaadaro diimeed.

Qaabka ugu wanaagsan ee qalbiyada dhaawacan ee qabiillada Soomaaliyeed ku caafimaadi karaan, ayaa ah in la qabto shirar lagu qiranayo cudurka qolo walba u gaarka ah. Tallaabada ugu horreysa ee culimada nafsiga kula taliyaan bukaannada dhimirka, ayaa ah qirashada xanuunnada dahsoon ee nafta ku lammaansan . Ogolaanshaha in bukaanku xanuunsanyahay waxay horseed u noqotaa ogaanshaha qaababka ugu fudud ee lagu caafimaadi karo. Sidaa si la mid ah, cudurrada aan laga caafimaadin ee siyaasadda Soomaaliya waxaa looga bogsan karaa in qabiil walba garowshiisyo ka muujiyo in aysan maangal ahayn dareennada dhaawacan ee diiday in ay fahmaan in la gaaray waqtigii dalka lagu soo dabaali lahaa maamul dhexe oo shaqeeya. Haddii aysan sidaa dhicin, waxaa marwalba lagu jiri doonaa buuq iyo is qabqabsi dhex mara madaxweyne ciil qaba, raysulwasaare cabsnaya iyo maamul cuqdaddaysan oo gooni isu faquuqay!

Advertisements

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s