Somali-Diaspora “Jubooyinka”

aa1mail.jpgAugust 25, 2013 //Moment Media Ethics –  Waxaa jira warar sheegaya in wada hadalada dowladda dhexe iyo maamulka Axmed Islaan Madoobe uga socda magaalada Addis ababa la’iskula soo qaaday suurta-galnimada in saddexda gobol ee la’isku yiraahdo “Jubooyinka” maamulka ay yeelanayaan uu noqdo“Maamulka gobolada Jubooyinka iyo Gedo!.

Haddaba, haddii uu fekerkaas sax yahay, ayaa su’aalaha la’is weydiinayo waxay yihiin:

1.  Maxay tahay ujeedada ka danbeysa magac badalidaas, waayo waxaa la wada og yahay in saddexdaas gobolba uu maro wabiga Juba, waligoodna loogu yeeri jiray “deegaanada Jubooyinka?”

2.  Su’aasha labaad ayaa waxay tahay, maxay tahay sababta Jubada Hoose iyo Jubada dhexe loogu yeerayo “Gobolada Jubooyinka”, gobolka Jubbada Sarena loogu yeerayo “Gedo?”

3.  Miyaanay sax aheyn in xiligii gumeyste-yaasha Talyaaniga iyo Ingiriiska ay dalka Soomaaliya gumeysan jireen Jubada Sare (Upper Juba ama Alto Giuba) la oran jirin gobolka Gedo, Jubada hoosana la oran jirin (Lower Juba ama Basso Giuba?)

Waxaan leeyahay, mas’uuliyiinta kasoo jeeda Gobolada Jubbooyinka ee wada xaajoodka kula jira xubnaha dowladda dhexe ee Soomaaliya ee ku sugan magaalada Addis Ababa waa in ay si weyn uga fiirsadaan qaadashada magac aanan aheyn “Jubaland ama Juba” oo la siiyo saddexda gobol ee mataanaha ah ee wata magaca Jubooyinka.

Sida aan u arko, waxaa sax ah in magaca maamulka ay saddexdaas gobol yeelan karaan uu noqdo “Maamul goboleedka Juba, ama maamul goboleedka Jubaland“, wax kasta oo aan labadaas magac ka aheyna ma qabo in la aqbalo, cidii soo jeedisana waxaan qabaa in ay ujeedo kale leedahay ee waa in il gaar ah lagu eego!.

Tan kale, inta aanan ogeyn aan la socodsiiyo, in xiligii gumeyste-yaasha ay jireen oo kaliya laba gobol oo ku yaalay Jubooyinka oo kala ahaa:  Jubada sare (Gedo), iyo Jubada hoose (Kismaayo), Jubada dhexana waxaa la sameeyay xiligii ay jirtay dowladdii dhexe ee uu madaxweynaha ka ahaa Maxamed Siyaad Barre.

Magaca “Gedo” waa naaneys uu gobolka Jubada sare leeyahay ee ma ahan magac sax ah oo macno la yaqaano leh, haddii uu jiro macno aanan ogeyn oo uu magaca Gedo leeyahay, waan soo dhaweynayaa cidii igu dhaanta in ay iisoo gudbiso si aan u barto ugana faa’ideysto.

Waxaa xusid mudan in dhamaan wadamada caalamka iyo goboladoodaba inta badan ay leeyihiin laba magac iyo wax ka badan oo uu mid yahay rasmi, mid iyo wax ka badana ay yihiin naaneys, ee ma ahan wax gobolka Jubada sare oo kaliya u gaar ah in uu yeesho laba magac.

——————————

Dreams are illustrations from the book your soul is writing about you.Prof.Ibrahim

Advertisements

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s