Shirweynaha dib u dhiska iyo maalgashiga Soomaaliya oo maantay si rasmi ah uga furmay magaalada Nairobi (Daawo Sawirro)

M1410014.jpg


Talaado, May 28, 2013 (Moment Media Ethics) – Shir ay kasoo qaybgaleen wufuud kakala timid caalamka oo isugu jira ganacsato,siyaasiyiin iyo shirakado Soomaali ah iyo ajaanib leedahay ayaa ka furmay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Shirkan oo ay soo qabanqaabisay hay’ada Hanvard qaybteeda qaarada Afrika ayaa loogu magacdaray maalgashiga Soomaaliya. Waxaa qabanqaabiyayaasha shirkan ay ku tilmaameen in ujeedkiisu yahay dib u dhis iyo maalgashi ballaaran oo laga sameeyo Soomaaliya, loona gogol xaaro sidii ay dalka u maalgashan lahaayeen shirkadaha ajaanibta iyo kuwa maxalliga ahba.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalkan Kenya oo furay shirka ayaa ku tilmaamay soo qabanqaabiyayaashii inay dalkooda wax wayn u qabteen dawlada Soomaaliyana ay garab taagantahay qorshaha lagu doonayo in lagu maalgashado Soomaaliya. “Soomaaliya waxay diyaar u tahay inay soo dhaweyso cidwalba oo doonaysa, inay maalgashi ka samaysato” ayuu yiri Cali Ameeriko.

M1410005.jpg

Ambassador Maxamed Cabdi affey oo jagooyin kala duwan kasoo qabtay dalka Kenya oo isagu hogaaminayay qaybtii koowaad ee shirka ayaa ku tilmaamay Soomaaliya inay tahay waddan istiraatiji u ah ganacsiga iyo maalgashiga gobolka.

“Soomaaliya maantay waxay gashay marxalad cusub, waxayna diyaar u tahay inay u fududeeyaan cidwalba oo doonaysa inay halkaa ka samaysato maalgashi, waxaanan ku boorrinayaa dadka Keenyaanka ah inaan fursadaas looga hormarin” ayuu yiri Affey. Maxamuud Axmed Xasan Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya oo isna kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in bogga cusub ee Soomaaliya ay bilowday inuu yahay mid rajo wanaagsan u xambaarsan gobolka iyo wadamada caalamka.

“Soomaaliya waa waddan xudun u ah ganacsiga gobolka iyo caalamkaba, waxayna maalgashiga dalkeenu noqonaysaa mid ay ka faa’iidaan dhammaan shirkadaha caalamku” ayuu yiri wasiirku. Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliland Maxamed C/laahi Cumar oo khudbad ka jeediyay shirweynaha maalgashiga Soomaaliya ayaa ka sheekeeyay fursadaha ballaaran ee maalgashi ee ka jira Soomaaliland.

“Somaliland labaatan iyo labo sano ayay ku jirtay xasillooni buuxda, waxayna soo dhawaynaysaa cidii doonaysa inay maalgashadaan dalkeena” ayuu yiri Maxamed C/laahi. Safiirka dawlada ingiriiska u jooga dalka Soomaaliya Ambassador Matt Baugh oo shirkaasi ka hadlay ayaa isna ku tilmaamay dawlada ingiriisku inay tahay saaxiib ay Soomaaliya leedahay, isagoo tusaale u soo qaatay shirkii London ee dhawaantan dhacay iyo furitaanka safaarada Britain ee magaalada Muqdisho oo ahaa tallaabooyin lagu taageerayay shacabka iyo dawlada Soomaaliyeed.

Xassan Nuur oo ah madaxa hay’adda Hanvard qaybteeda Afrika oo hay’adoodu ay shirkan qabanqaabisay ayaa sheegay in kasoo qaybgalka ballaaran ee shirka ay muujinayso in lagu guulaystay ujeedkii shirka oo ahaa in la isu keeno dhammaan dadka uu khuseeyo maalgashiga iyo dib u dhiska Soomaaliya.

“Dhammaantiin waad ku mahadsantihiin imaanshihiina, shirkaani wuxuu tusaale u yahay horumarka dhaqaale ee aynu doonayno inaanu dalkeena gaarsiino, waana guul” ayuu yiri Xassan. Shirkan oo socon doona ilaa iyo maalinta barri ah  ayaa lagu soo bandhigay shirkado kala duwan oo doonaya inay dhawaan ka hawlgalaan Soomaaliya, kuwaasoo soo bandhigay qaar kamid ah adeegyadooda iyo badeecadaha ay iib geeyaan.

M1410016.jpg
M1410030.jpg
M1410028.jpg
M1410066.jpg
M1410054.jpg
M1410072.jpg
M1410097.jpg
M1410112.jpg
M1410115.jpg
M1410080.jpg
M1410121.jpg
M1410084.jpg

Moment Media EthicsOnline
http://cultureofpeaceonline.wordpress.com
Nairobi , Kenya

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s