13-kii SYL Maxay ku Heshiiyeen?

 cropped-somdiaspora.jpg

Marka la gaaro 15-May Sanad walba waxay ku beegan tahay markii dhidibada loo taagay ama la Aas-aasay Ururkii Gobanimadoonka ee SYL oo ay fikirkiisa lahaayeen dhalinyaro ka Dhiidhidey dhibaatooyinka iyo Hagardaamada Gumaysigu ku hayey Shacabkii Soomaaliyeed ee ku noolaa shantii qaybood ee gumaystayaashii reer yurub u qaybiyeen Dhulka Soomaaliya oo aad uga yara Dhulalka kale ee Wadamada Afrika.

Dhalinyaradaasi waxay Ururka ku bilaabeen isagoo Huwan Magaca SYC Somali Youth club 1943, 4 Sano ka dib Ururkii waxa uu u Xuub siibtay Urur Siyaasadeed oo raadiya Qadiyadda Ummadda Soomaaliyeed markii uu ku baahay meel walba oo ay Soomaali wayn ku noolayd waxaana magacii isu bedeley kan ilaa iyo manta loo yaqaan ee SYL. Somali Youth league. oo 1960-kii Xornimo gaarsiiyey 2 Gobol oo ka mid ah Dhul waynaha Soomaaliya. waxayna Dhalintii Aas-aastay Magacyadoodau kala ahaayeen:-

  • 1- Max’ed Cali Nuur ku dhashay Muqdisho-Banaadir 1927. 16-jir.
  • 2- Dheere Xaaji Dheere ku dhashay Muqdisho-Banaadir 1926. 17-jir.
  • 3- Huudoow Macalin Cabdulaahi ku dhashay Mareray- Sh/Hose 1926. 17-jir.
  • 4- Max’ed Faarax Hilowle. ku dhashay Mareeg-Galgaduud. 1925. 18-jir.
  • 5- Daahir Xaaji Cismaan Dhegawayne. ku dhashay Hobyo-Mudug 1925. 18-jir.
  • 6- Cismaan Geedi Raage. ku dhashay Muqdisho-Banaadir 1925. 18-jir.
  • 7- Cali Xasan Maslax barduuro. ku dhashay Hobyo-mudug 1927. 24jir
  • 8- CabdiQaadir Shiikh Sakhaawadiin. ku dhashay Tayegloow-Bakool 1919. 24-jir
  • 9- Max’ed Cabdulaahi Xayeysi. ku dhashay Muqdisho-Banaadir 1918. 25-jir.
  • 10- Yaasiin Cismaan Sharmake. ku dhashay Hobyo-Mudug 1917. 26-jir.
  • 11- Xaaji Max’ed Xuseen Max’ed. ku dhashay Muqdisho-Banadir 1917. 26-jir.
  • 12- Max’ed Xirsi Nuur siidii. ku dhashay MareegGalgaduud 1915. 28-jir.
  • 13- Max’ed Cisman Baarbe. ku dhashay Bardhere-Gedo 1910. 33-jir.

Dad badan ayaa is-waydiiya sidii ay dhalintaasi halganka ku bilaabeen , sida tariikhdu qorayso Halganka ay ka danbeeyeen dhalintii SYL ayaa waxa uu yimid markii Qaaradaha Aasiya, Afrika. Koofurta iyo Waqooyiga Ameerika ay ka bilowdeen dhaqdhaqaaqyo Gobanimadoon ah, markii Dowladii Midowga Soofiyeeti ay ku sandulaysay Wadamadii reer Galbeedka oo iyagu gumaysanayey wadamadii intooda badani ku yiiley Dunida Sedaxaad ee Afrika , Aasiya, Waqooyiga iyo Koofurta Ameerika iney joojiyaan Gumaysiga si ay wadamada Yurub oo ay la socoto Dowlada Maraykanka iyo Midowga Soofiyeeti meel uga soo wada jeestaan dagaalkii lagula jirey Wadamadii Jarmalka ,Talyaaniga iyo Jabaan.

Waxa kale oo lays waydiiyaa waxyaabihii ay sida tooska ah ugu heshiiyeen dhalinyaradii aas-aastay SYL waxayna dhalinyaradaasi oo hormuud u noqday soomaali wayn ay ku heshiiyeen qodobada kala ah.

  • 1- In la laalo Tacasubka, Qaraabaysiga iyo Qabiilka.
  • 2- in meel layska dhigo Dariiqooyinka lagu kala aragti duwan yahay.
  • 3- in lala Dirio wax alaale iyo wixii dadka kala fogaynaya oo tafaraaruq keenaya.
  • 4- in la Raadiyo xuquuqda soomaalida meel kasta oo ay joogto.
  • 5- in laysu keeno Shanta Soomaliyeed.
  • 6- in meel looga soo wada jeesto Isticmaarka lalana Dagaalamo.
  • 7- Iyo in laga Shaqeeyo sidii Gobanimoiyo Xornimo lagu gaari lahaa.

Marka laga yimaado horumarka iyo wanaaga ay ku talabsadeen SYL iyo tageerayasheedii ku kala noolaa shantii gobol ee loo qaybiyey soomaaliya dhinaca kale waxaa la kala dhex dhigay bushi aanay ka bogsan, kaasoo aakhirkii geyeysiiyey iney qaybsamaan.

Khilaafka Leegada waxa uu yimid markii Wakiilkii Talyaaniga ee Soomaaliaya uu arkay in laga adkaaday Tabcanayaashiisii, waxa uu heshiis hoosaad la galay ururkii SYL, wuxuuna kula heshiiyey in la baabi’iyo Buugii caddaa Iyo kii Madoobaa ee ay leegadu samaysatay si laysugu abaal mariyo marka ugu horaysa ee Xornimo la gaaro ( buuga cad waxaa lagu qori jirey halgamayaasha dhabta ah, Buugga madowna waxaa lagu qori jirey taageerayaasha gumaysiga ) . waxayna tasi keentay iney tageerayashii Talyanigiu si wayn uga dhex muuqdaan Xukuumaddii ugu horaysay e lagaga dhawaaqo Koofurta Soomaaliya, waxaana taas xigtay iney arintasi sii kala qaybiso Madaxdii iyo Taageerayashii SYL oo xitaa Gudomiyihii xiligaasi Xaaji Max’ed Xuseen oo ka mid ahaa 13-kii aas-aasay ururka laga saaro markii uu aqoonsan wayey xukuumaddii la dhisay oo ay ka buuxeen rag badan oo Gumaysi kalkaal ahaa. Wuxuuna Xaajigu markii laga saaray SYL uu durba ku dhawaqay inuu yahay Hogaamiyaha Urur kale taasoo arinta sii murjisey, lakiin hadana waxay dhalinraydaasi ku guulaysteen iney Xornimo gaarsiiyan laba Gobol oo ka mid ah Shantii gobo lee Soomaaliya loo qaybiyey 1960-kii

Soomali badan ayaa rumaysan in xus loo sameeyaahi aanu waxba soo kordhinayn hadaan meel laga qaadin sababtii ku xanbaartay iney dhalinyardaasi u istaagaan xoraynta shacabkii soomaliyeed ee dulmanaa, waana mid tusaale fiican maanta u ah dhalinta soomalieed ee ka aqoonta waaya-aragnimada badan dhalintii SYL ee ka mira dhaliyey ujeedooyinkii ay halganka u bil-laabeen.

Faafin: http://thepeopleoffreedom.wordpress.com/

Advertisements

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s