Yaa hortaagan dhismaha maamul goboleedka Jubbaland?

pansomalism1.jpgArar iyo Afeef:  Akhriste, waxaan ka cudur daaranayaa qoraalka oo dheer, balse waxaan ku talinayaa qofkii waqti u hela in uu wada akhriyo, waayo sida aan isleeyahay waxuu xambaarsan yahay macluumaad ay tahay in la ogaado oo ku saabsan halka uu salka ku hayo isfahan waaga siyaasadeed ee kasoo cusboonaaday gobolada Jubbooyinka.

Dhanka kale, ma jirto cid gaar ah oo aan qoraalkaan uga soo horjeedo iyo cid aan ku taageerayo toona,  balse xumaan iyo samaan hadba tii aad u aragto qoraalka ha’igula yaabin waa fekerkeyga gaar ah oo laga yaabo in aan kaaga aragti duwanahaye.

Yaa hor taagan dhismaha maamul goboleedka Jubbaland?

Sideedaba caqliga uu Rabbi bixiyo ka sokow, waxaa xaqiiq ah oo aan la’isku qilaafsaneyn in ay aqoontu tahay furaha isfahanka iyo horumarka bani’aadamka, waxaana la yiraahdaa “Aqooni waa awood” ama “knowledge is power!

Nasiib darada taagan, umadda Soomaaliyeed markii ay beesha caalamka iyo qaar indheer garad ah oo ayaga ka dhashay damcaan in ay kasoo saaraan godka dheer ee ay ayada horay isugu ridayba, waxaad arkeysaa in qaar ayaga ka mid ah (Soomaalida) ay xarigga gadaal u jiidayaan si aanan umadda dhiban godka ay ku jirto looga soo saarin.

Ciddii si hoose ugu kuur gasha hadaaqa kasoo yeeraya qaar ka mid ah bulshada Soomaaliyeed ee isaga soo horjeeda dhismaha maamul goboleedka Jubbaland waxay dareemeysaa in hanaanka la rabo in maamul goboleed loo dhisaba uusan aheyn mid waafaqsan dastuurka dalka u yaala, balse aad moodo in uu yahay mid lagu wiiqayo midnimada umadda Soomaaliyeed.

Haddaanan la helin indheer garad caqli, aqoon iyo waayo aragnimo saaxiib u ah oo si deg-deg ah uga wada hadla mushkiladda aan la dheelsan karin ee kasoo cusboonaatay gobolada Jubbooyinka, waxaa laga yaabaa in ololaha socda ee maamul goboleedka Jubbooyinka uu mar kale geyiga Soomaaliya dib ugu celiyo dagaaladii bilaa macnaha ahaa ee aanan la mahadin, iyo in ay bulshada ku dhaqan gobolada Jubbooyinka noqdaan kuwa ugu horeeya ee si fudud ugu dhaca DABIN QAYAANO oo ay u dhigeen dad ujeedooyin kala duwan ka leh deegaanadooda.

Waa run in ay bulshada Soomaaliyeed soo martay dhibaatooyin badan oo aanan halkaan kusoo koobi karin, iyo in dagaaladii sokeeye ay ka dhaxleen bur-bur baaxad weyn leh oo dhaxal siisay in ay kala aamin baxaan, balse taas macnaheedu ma ahan in wixii dhacay aanan laga heshiin karin ama ay daw tahay in dhibkii jiray mid kale lagu sii daro.

Nasiib darada jirta ayaa waxay tahay, dadka Soomaaliyeed oo gacmahooda kusoo bur-buriyay qaranimadii ay mudada dheer halganka ugu soo jireen, mustaqbalkii ubadkooda iyo wax kasta oo hanti ah ee ay lahaayeen, ayaa waxaa marka qaab u fekerkooda la eego muuqata in wixii ay dhib soo mareenba aanay ku cibro qaadan ilaa iyo hadda.

Qaab u dhaqankii hore ee bulshada Jubbooyinka oo kooban

Gobolada Jubbooyinka oo ka kooban sedxda gobol ee kala ah: Jubbada Sare (Gedo), Jubbada Dhexe iyo Jubbada Hoose ayaa waxaa la oran karaa taariikhda marka dib loo eego waxay ahaan jireen dad nabadeed oo waxii qilaaf ah ee soo kala dhex gala ku xalin jiray qaab ku dhisnaa wada hadal, is tix-gelin iyo is xurmeyn geed hoostiis ah, waxayna aad u necbaayeen waqtiyadaas hore oo ahaa wax lala yaabo xanta, xasdiga, baqeyl-nimada, sigaar cabidda, dagaal qof lagu dilana warkiisaba daa.

Xagee uga yimid bulshada Jubbooyinka dhaqankaan ku dhisan isfahan la’aanta, dulanka, dilka iyo dhaca?

Maadaama sida aan kor kusoo sheegayba uu bulshada Jubbooyinka dhaqankoodu ahaa mid ku dhisan nab jaceyl iyo is xurmeyn, guud ahaana caadooyinka xun-xun iyo is dilka uu dhexdooda ceeb ku ahaa, su’aasha la’is weydiin karaayi waxay tahay, xagey mushkiladda uga timid dadkii sidaas u nabadda jeclaa? Maxayse tahay sababata uu deegaanadooda waayadaan danbe ugu badan yahay is fahan waaga iyo dagaalada soo noq-noqday?

Sida ay ila tahay jawaabaha su’aalaha kore iyo kuwo kaleba waxay noqon karaan sadex qodob, kuwaasoo kala ah:

1.  Bulshada Jubbooyinka waxay ka mid yihiin bulshooyinka caalamka, sidaas awgeedna, waxay bulshooyinka caalamka la qeybsanayaan ama la wadaagayaan isbedelada caalamka oo dhan ka socda sida: Ilbaxnimada (civilization), kuwa cimilada (climate change), iyo kuwa dhaqan-dhaqaale (Socioeconomic), sidaas awgeed, suurtagal ma ahan in ay isku hab dhaqan iyo isku feker noqdaan bulshadii Jubbooyinka ku dhaqnaan jirtay waa hore iyo kuwa hadda ku dhaqan.

2.  Qodobka labaad ee la oran karo waxuu badalay qaab u dhaqankii bulshada Jubbooyinka ayaa waxaa ka mid ah saameynta uu ku reebay ama ay ka dhaxleen dagaaladii aan kala go’a laheyn ee guud ahaan ka socday mudada dheer dalka Soomaaliya, kuwaasoo si gaar ah u saameeyay deegaanada Jubbooyinka, waayo waxaa la oran karaa mar kasta qofku waxuu la caqli iyo garaad yahay qaab u dhaqanka bulshada uu kusoo dhex koray iyo bay’adda ku wareegsan.

3.  Qodobka saddexaad ee bulshada Jubbooyinka dabeecadooda iyo qaab u fekerkooda bedelay waxaa ka mid ah, qaab u dhaqanka qabiilada Soomaalida qaarkood, kaasoo salka ku haya is riix-riix iyo isku dhac qabiilo wada dega (tribal conflicts), dagaal jaceylka (warmongering), iyo waliba aragati ku dhisan is balaarin (expansionism theory), kaasoo looga soo safriyay gobolada dhexe ee Soomaaliya.

Yaa wada dhibka Jubbooyinka?

Ka qeyb-qaadashada dhibka Jubbooyinka ka socda looma kala harin, waxaana la oran karaa waxaa wada Soomaali iyo ajnabi qudhooda kala ujeedo iyo aragti duwan.  Dowladaha shisheeye ee daneeya arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Afrikaanka ah ee wata magaca AMISOM ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya ayaa waxay si weyn ugu howlan yihiin sidii ay saamigooda uga heli laheyd gobolada Jubbooyinka.

Wadamada Afrika iyo kuwo kale oo faraha kula jira gobolada Jubbooyinka

Wadamada bariga Afrika ee ku bahoobay Urur goboleedka Intergovernmental Authority on Development (IGAD) oo ka kooban 8 wadan oo ay Soomaaliya ku jirto oo ka faa’ideysanaya Qaran jabka baaxadda weyn leh ee Soomaaliya ku dhacay, iyo awoodda uu qaraar kasoo baxay Qaramada Midoobay u siiyay in ay Soomaaliya galaan si ay ula dagaalamaaan Urur diimeedka mayalka adag ee Al-shabaab, dabadeetana dalka Soomaaliya nabad iyo deganaasho ugu soo dabaalaan, ayaa waxaa muuqata in ay faragalin ba’an ku hayaan gobolada Jubbooyinka.

Sidoo kale, waxaa iyana jira dowlado kale oo aan xataa Afrikaan aheyn oo iyagana dalka Soomaaliya, gaar ahaan gobolada Jubbooyinka dano gaar ah ka leh, sidaas awgeedna, ayaga oo aanan isa soo bandhigin gadaal ka fadhiya oo isticmaalaya qaar ka mid ah wadamada ku bahoobay Urur goboleedka IGAD si ay danahooda gaarka ah ee ay ka leeyihiin gobolada Jubbooyinka u gaaraan.

Dowladda Soomaaliya waxaa hortaala su’aal adag oo loo baahan yahay in ay ka jawaabto, kaasoo ah:  Maadaama ay uu dagaal sokeeye oo aad u qaraar soo kala dhex maray umadda Soomaaliyeed, Dowladda Federaalka ah ee hadda dalka ka curatay ma waxay xaq u laheyd adkeynta aminga ka sokow in ay dib u heshiisiin dhab ah dadka dhex dhigto, wixii hanti ah ee ay horay u kala qabsadeena u kala celiso si ay dadku isugu calool fiyoobaadaan, mise waxay aheyd in ay dad wali kala cuqdiyeysan tiraahdo “sameysta maamul goboleedyo aad ku mideysan yihiin?”

Qeyb ka mid ah qudbad uu madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud jeediyay oo ka mid ah waxyaabaha sare usii qaaday buuqa ka jira gobolada Jubbooyinka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud oo habeynimadii January 19, 2013 qudbad u jeedinayay dadweyne Soomaaliyeed oo kusoo dhaweynayay magaalada Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa waxaa qudbadiisii ka mid ahaa erayo dadka Soomaaliyeed qaarkood ay u fahmeen inuu ujeedo gaar ah ka lahaa.

Madaxweynaha oo ka hadlayay dagaalkii sokeeye ee ay Soomaaliya ku weyday qaranimadeedii iyo wax badan oo ay jecleyd, gaar ahaan dadkii la kala dilay iyo hantidii la kala dhacay ayaa waxaa erayadiisii ka mid ahaa “…ninka ku mashquulsan shalay ee leh waa tii ay reer hebel na dileen, waa tii nala bara kiciyay, waa tii daaraheenii la gubay, waa tii baabuurta nala ka dhacay, waa tii saas nala yeelay, ka fuqi la’ ee wali ku dhagan, beriyaa dhaafeysa!.

  Halkaan ka dhageyso erayadii madaxweynaha ee tuhunka iyo buuqa dhaliyay

Erayada noocaan ah ee xasaasiyadda leh ee bulshada Soomaaliyeed dib u xasuusin kara dhibkii weynaa ee soo kala gaaray, iyo dhaawacyada wali dadka qalbigooda ku yaala ee aanay ka buskoon, ayay aheyd in uu madaxweynaha ka meer-meero ka hadalkooda, balse haddiiba uu jecleysto inuu ka hadlo waxii dhib ah ee horay bulshada u kala gaaray, waxay aheyd inuu uga hadlo si naxariis leh oo dadka isku soo dhaweyn kara (in a way of a positive reconcilatory tone), ee ma aheyn in uu dab baxaaya baasiin kusii shubo.

Sidoo kale, sida ay ila tahay, waxaaba qalad aheyd in uu madaxweynaha ka dhawaajiyo hadal loo turjuman karay ”DIGASHO” ku socotay dad gaar ah, oo haddana xambaarsaneyd fariin aan naxariis laheyn oo u ekeyd “iska ilooba dilkii iyo dhacii shalay la’idiin geystay oo ka fekera oo kaliya sidii aanay beri idinkugu dhici laheyn dhib la mid ah kii shalay idinku dhacay!”

Qaldaadka ay galeen maamulka KMG ah ee ka taliya Kismaayo iyo taageere-yaashooda

Mas’uuliyiinta hormuudka ka ah qorshaha dhisidda maamul goboleedka Jubbaland waxay galeen tacadiyo aan lasoo koobi karin, waayo waxay iska dhaadhiciyeen in wadada kaliya ee maamulka Jubbaland lagu sameyn karo ay tahay garabsashada quwado shisheeye sida dowladda Kenya, IGAD iwm, balse waxay hilmaameen oo uu Ilaah maskaxdooda ka saaray haba tabar yaraatee in uu dalka Soomaaliya leeyahay dowlad adduunka oo dhan laga ictiraafsan yahay iyo in aanay jirin wax Soomaali isu dhaama.

Mas’uuliyiintaan Soomaalida ah oo sida weyn ugu hamuun qaba in ay mar un arkaan dhismaha maamul goboleed ay ayagu hormuud ka yihiin ayaa waxay horseed ka ahaayeen waxna ka ogaayeen wafdigii ay dowladda Soomaaliya kal hore u dirtay Kismaayo ee ay Keenyaanka kasoo celiyeen garoonka diyaaradaha, ayada oo waliba loo diiday in ay galaan gudaha magaalada Kismaayo.

Dhacdada noocaan ah ee la xariirta in muwaadiniin Soomaaliyeed oo waliba ku socday amarka dowladda dhexe ee Federaalka Soomaaliya in ay dad ajnabi ah ka hor istaagaan in ay galaan dhulkooda, ayaa waxay fadeexo iyo sharaf dhac ku tahay qiimaha qofnimo ee muwaadinka Soomaaliyeed, waxaana hubaal ah in uu ficilka noocaas ah ee murugada leh taariikhda Soomaaliya baal madow ka gali doono.

Waxaa intaas dheer, ayada oo mas’uuliyiinta hogaamisa maamulka KMG ah ee ka jira Kismaayo aad marar badan maqleyso ayaga oo leh “dowladda dhexe ee Soomaaliya waa dowladeeni ee hanoo imaado oo hanoo furto shirka lagu dhisaayo maamul goboleedka Jubbaland”, haddii ay dowladda dhexe shir wada tashi Muqdisho ugu yeertana ma tagayaan, halka ay aad ugu dhego nugul yihiin oo ay tagayaan shirarka isdaba jooga ah ee ay dowladda Kenya ugu yeerto dalkeeda!

Xoogagga kale ee sida tooska ah ama dadban u qasaya gobolada Jubbooyinka

Buslshooyinka Jubbooyinka ku dhaqan oo aanan dabiiciyanba aheyn dad dhib badan, isla markaana ku baraarugsaneyn gacmaha badan ee dhulkooda qasaya iyo ujeedada laga leeyahay toona, ayaa waxay keentay in masiirkii iyo mas’uuliyaddii ay lahaayeen loo gacan dhaafo oo waliba ayaga qudhooda madaxa la’isu galiyo si shaqsiyaadka iyo kooxaha qaswade-yaasha ah ay u gaaraan dantooda gaarka ah, bulshada Jubbooyinkana ay waligood u ahaadaan kuwo in loo taliyo mooyee aanan tashan karin.

La soco qormada tan xigta oo aan kusoo qaadan doono sida aan xalka Jubbooyinka u arko.

 

Soo jeedin qodobo xal u noqon kara maamul u sameynta gobolada Jubbooyinka

Sida aan  Qoraalkeygii hore ku xusayba, waxaa muuqata in deegaanada Jubbooyinka ay gacmo bateen oo ay faraha kula jiraan Dowladda dhexe ee Federaalka Soomaaliya, kuwo shisheeye, maamul goboleedyo, Ururo, iyo kooxo dano gaar ah leh (interest groups), kuwaasoo dhamaantood siyaabo kala duwan ugu howlan sidii ay u gaari lahaayeen danaha ay Jubbooynka ka leeyihiin.

Bulshada ku dhaqan reer Jubbaland oo u muuqda in u xaalkoodu kusoo aruuray sidii ninkii yiri ”aniga hadba ninkii hooyadey guursadaa ii adeer ah,” ayaa si weyn ugu kala qeybsan fekradaha ay kala wataan dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo kan Guddiga farsamada maamul u sameynta Jubbooyinka.

Waxaa kaloo jirta in arrimaha cakiran ee Jubbooyinka ay sii murjinayaan shaqsiyaad aan xilkas aheyn oo mar walba ku mashquulsan garaacidda durbaan qabiil iyo mid colaadeed, kuwaasoon ogeyn qiimaha ay leeyihiin qaranimo iyo nabad ku wada noolaashaha.

Sidoo kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa iyada oo ka faa’ideysaneysa isfahan waaga siyaasadeed iyo kan dhaqan ee u dhaxeeya qaar ka mid ah bulshada Jubbooyinka waxay ciyaareysaa siyaasad aan dheeli tirneyn ama dhex-dhexaad aheyn (double standard policy), taasoo laga yaabo haddii aanay dhaqsiyo u cadeyn mowqifkeeda ku wajahan gobolada Jubbooyinka in ay ku fashilanto gebi ahaanba hogaaminta dalka Soomaaliya.

Sababa jira awgood, inkastoonan ku qanacsaneyn qaadashada iyo ku dhaqanka “Federalism-ka”, haddana waxaan rumeysnahay haddii la raaco qodobada soo socda in ay sahlanaan doonto dhismaha maamul goboleedka Jubbaland, isla markaana ay meesha ka bixi doonto mugdi-mugdiga soo kala dhex galay dowladda dhexe iyo qaar badan oo ka mid ah bulshada ku dhaqan Jubbooyinka.

Qodobada aan xalka u arko waa kuwaan hoose:

1.  Mas’uuliyiinta maamulka KMG ah ee Kismaayo iyo xubnaha Guddiga Farsamada waa in ay aqbalaan gogosha ay dowladda dhexe u fidisay, si looga wada hadlo dariiqa ugu fudud ee loo dhisi karo maamul goboleedka Jubbaland, isla markaana ay ku qancaan in wadada kaliya ee uu maamulka Jubbaland ku dhismi karo uu yahay rabitaanka shacabka reer Jubbaland oo mid ah, iyo dowladda dhexe oo loo ogolaado doorka ay ku leedahay dhismaha maamulka.

2.  Mas’uuliyiinta gobolka Gedo ee ku kala argtida duwan wadada loo marayo dhismaha maamulka Jubbaland waa in ay shirweyne wada tashi isugu yimaadaan gudaha gobolka gedo, si loo soo af jaro wixii qilaf siyaasadeed ah ee jira, dabadeedna si wada jir ah looga qeyb qaato qorshaha dhismaha maamul goboleedka Jubbaland.

3. Qorshe-yaasha labada ah ee sare markii ay hergalaan, waa in lagu xijiyo shirweyne wada tashi oo ay kasoo qeyb galayaan dowladda dhexe ee Soomaaliya, siyaasiyiinta iyo oday dhaqameedyada Jubbooyinka, ayada oo gogoshaasna la dhigaayo gudaha magaalada Kismaayo ama gobolka Gedo hadba tii loo garto.

4.  Qorshaha wada hadalka iyo wada tashiga loogu gogol xaarayo dhismaha maamul goboleedka markii uu dhamaado, si buuxdana loogu heshiiyo maamul u sameynta Jubbooyinka, waa in loo gudbo sidii si wada jir ah loogu dhisi lahaa maamulka Jubbaland.

5.   Si kastaba ha’u kala feker duwanaadeenee, maadaama ay cadahay bulshada ku dhaqan saddexda gobol ee Jubbada Sare (Gedo), Jubbada Dhexe, iyo Jubbada Hoose in ay heshiis ku yihiin in ay si wada jir ah u dhistaan maamul goboleedka Jubbaland, waa in aanay marnaba dowladda dhexe isku dayin in ay rabitaanka shacabka goboladaas wax ka bedesho.

6.  Waa in aanay mudada qaban-qaabada iyo dhismaha maamul u sameynta gobolada Jubbooyinka ka badnaan 6 bilood oo ka bilaabmeysa marka ay hergalaan shirarka aan ku kala xusay qodobada sare ee 1, 2, 3 & 4.

7.  Ayada oo la tix gelinayo heshiiskii dhawaan ay dowladda dhexe iyo maamul goboleedka Puntland ku kala saxiixdeen Garoowe Qodobkiisa 4aad, farqadiisa 4.1 ee ka hadlaya “SAMAYNTA DOWLADAHA FEDERAALKA KA MIDNOQONAYA” iyo Qodobka 6aad, farqadiisa 6.1 & 6.2 ee ka hadlaya ” ISU CELLINTA HANTIDA LA HAYSTO”, waa in sida si ugu dhaqsiyo badan ay dowladda dhexe u magacowdo Guddi heer Qaran ah oo madax banaan go’aamadiisuna yeeshaan awood fulineed.  (Halkaan Guji si aad u akhriso heshiiska dhaexal galka ah ee dhawaan Garoowe ku dhex maray dawladda dhexe ee Soomaaliya iyo Maamul Goboleedka Puntland)

8. Maadaama waajibka ilaalinta danta guud ee Qaranka Soomaaliya ee gudo iyo dibadba ay u xil saaran tahay Dowladda dhexe ee Federaalka Soomaaliya, waa in ay dowladda Kenya kala hadasho in ay ka dayso fara gelinta ay ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya oo ay ku ekaato adkeynta amniga goobaha ay ku sugan yihiin, isla markaana ay ka amar qaadato hogaanka sare ee AMISOM.

9.  Dowladda dhexe ee Soomaaliya waa in ay ogaato in indhaha caalamka iyo kuwa Soomaalidaba ay kusoo jeedaan oo la eegi doono qaabka ay u wajahdo xalinta mushkiladda maamul u sameynta Jubbooyinka oo laga yaabo in ay noqoto mustaqbalka furihii midnimada ama kala tagga inta wali wada joogta ee dalka Soomaaliya.

Advertisements

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s