Jubbaland mise Jufoland?

jubbaland_juffoland

April 25, 2013 |Moment Media ETHICS  Taariikhdu waa been ma sheega, waxayna kaydisaa wixii la soo dhaafey iyada oo uga marag kacaysa ruux walba dersina baraysa.  Dhacdo kastaa waxay leedahay mataane iyo mid lammaane la ah isu ekaanshaha iyo fal wadaagga awgeed.

Qofku wuxuu ku naaloodaa wuxuu ku niyad san yahay. Sidoo kale wuxuu ku dhaataa wuxuu dhaqankiisu yahay, wuxuuna ka dhintaa wuxuu dhib u yaqaan. Wanaag iyo xumaana way yeeshaan arrimahan oo waxay la falgalaan lana jaanqaadaan qaab nololeedka bulsho, sida bogcadduhu u kala nasiib badan yihiin, ee meelna looga dhigo Masaajid lagu Cibaadeysto meelna looga dhigo kudaafad  qashin qub iyo meel wixii la naco lagu tuuro, ayaa dadkuna u kala mudan yahay, aragti, aqoon iyo garashoba ahaan, oo midna belaayo iyo baas abuur maahine uusan wax kale aqoon, midna wanaag iyo horumar iyo midnimo uga shaqeeyaa.

Qaladku maaha wax qofku ku qasban yahay inuu sameeyo, ee qofka  ayaa qaladka qasba oo isagu jecel inuu sameeyo ama qandaraas ku qaata. Tusaale  adigoo inaad wanaag fasho rabta ayaad ka doorbidaysaa inaad xumaan samayso. Taasi waxay tahay macnaheedu inaad adigu qaladka jujuubtay oo aad soo garbaduubtay.

Murti Soomaaliyeed ayaa tidhaahda: Lixdan jir laguma helo qiimigaad laba jirkaawayday! iyo “Waano Abuurisaa ka horraysay” waxaa muddooyinkan si aad ah u socda olole loogu magacdaray JIBBOOYINKA. Waxaan filayaa  qof kasta oo Soomaali ah inuu yaqaanJIBBOOYINKA, khariirad ahaan meesha ay dhulka kaga taallaan, taariikh ahaan, deegaan ahaan iyo dal ahaanba halkay ku arooraan.

Ololahan ayaa waxaa wada dad sheeganaya inay yihiin deegaanka JIBBOOYINKA. Haddana,JIBBOOYINKA haddii wax laga weydiiyo waxay kuugu jawaabayaan, JIBBOOYINKA Soomaali oo dhan baa deggan. Markaad u sii dhabbogasho ee aad  tidhaahdo, dadka  ololaha wada kuwa doodaya, kuwa mudaaharaadaya, kuwa warbaahinta fadhiyaba waa hal Jufo ee maxaa helay bulshadii kale ee deegaanka ku noolayd? Wuxuu kuugu jawaabayaa waa joogaan. Balse,  anagaa u hadlayna oo metelayna. Saw maahmaah Soomaaliyeed ma odhan jirin:  “Af Jooga looma adeego addimo lo’aadna looma arooro” Haddii dadkii kale ee deegaanku aysan kula qabin hawsha aad waddo, miyeysan af duub iyo indho la’aan ahayn inaad ummad dhan dareenkooda iyo damacooda ka turjunto aan ku wakiilan?.

Waxaa inta badan deegaamada Soomaalida loo yaqaannaa magacyo badan. Waxaa magacyadaa ka mid ah: Hawd, Saraar, Nugaal, Guban, Ooggo, Deex, Dooy, Didib, Dooxo, Dhoobeey, SoolDoollo, Ciid iyo Waamo. Dhulkan Soomaaliyeed ee magacyadaas leh, deegaan weliba wuxuu leeyahay af guri lagu yaqaan, oo u gaar ah dadka deegaankaasina ku caan yahay, oo  markiiba lagu soo qabto. Waxyaabaha qosolka leh ayaa waxaa ka mida dadka ku doodaya JIBBOOYINKAinuusan ku jirin qof aad ka maqlayso Af guriga ama dhawaqa reer WAAMOODKA lagu yaqaan. Hadalka waxay ku billaabayaan: “Eegga Dowladdu waa inay Oggolaataa Maamulka dadka deegaanka, ama Hadde dowladdu waxay diidan tahay, maamulka dadka deegaanka, ama dee maxaa dowladda ka galay maamulka dadka deegaanka Jubbooyinka?”

Dadkan aya go’aankoodu yahay “QABSO KU QADI MAYSIDE!” waxaa dhacday nin doqon ah ama nin liidnaan lagu tilmaami jiray ayaa hadda ka hor reerkoodu duulay oo ay duullaan ku qaadeen reer kale, ninkii ayaa colka raacay isaga oo Waran la’, hooyadiis oo ku faraxsan inuu wiilkeedu raacay duullaankii ayaa la dardaarantay oo waxay tiri: “Hooyo haddii la duulo kolleey waa guul iyo guul darree, haddii aad adkaataan waxaad soo hesho yaan lagaa sasaban!” taas oo ay uga dan lahayd inay is lahayd armaa ninkaasi hadhow wuxuu helo laga caqli badiyaa oo laga sasabtaa!

Duullaankii ayaa  la galay, nasiib wanaag waxaa guulaystay Nacaska reerkoodii, ka dib iyadoo xoolihi Akshinkii Geel, Lo, Gammaan iyo Saanaddii la kala guranayo ayuu wuxuu helay nacaskiiCatir waayo wuxuu maqlayey subaxnimadii hooyadii oo naadinaysa Catir,  markaasuu la booday, nin ay  ilma Adeer yihiin ayaa qabtey oo yidhi: War heedheh, Catirta iska dhig, oo xoolaha wax ka kaxayso!” Nacaskii wuxuu la soo boodey hay Sasaban! Waa dardaarankii hooyadii” Catirtii ayuuna  meesha kala tegay.

Haddaba waxaa ka dhigan ninkaas  kooxahan la baxay JUFOLAND oo ujeedkoodu yahay keliya  dhul Soomaaliyeed oo umadDa Soomaaliyeed degto waxaad ku hanan kartaan buuq iyo qeylodhaan. Kaalintii  hooyadii gubaabinaysayna waxaa  ugu jira Maamulka Puntland oo isagu  qandaraas ku qaatey wax walba inuu yidhaahdo LOOMA DHAMMA, NALAGAMA TASHAN, IYO YEELI MAHAYNMO! Taas oo had iyo jeeraale bulshada Soomaaliyeed ee caqliga saliimka ah lihi u arkaan mid dib u dhac iyo iska hor imaad ka dhex dhalin karta umadda Soomaaliyeed.

Waxaa bulshada Soomaaliyeed muddo dheer farta ku fiiqayeen deegaammada Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya.  Gaar ahaan Caasimadda oo halku dhig laga dhigtay, dadka deegaammadaasi ma rabaan dowladnimo. Dhaliishaasi waa jirtey oo ma ahayn mid caad saaran yahay sababtey doontaba ha lahaatee. Waxaana waqtigaas deegaammadaas ka talinayey, Hoggaamiye kooxeedyo mid weliba meel qaytey oo doonayey inuu ku amar ku taagleeyoo, isaga oo aan wax xidhiidh iyo wada noolaansho la lahayn kan deriskiisa ah, oggolayna inay umaddu hesho nidaam, kala danbayn iyo dowladnimo. Maantana waxaa dalka ka jira MOORYAAN CUSUB, waxaana kow ka ah,PUNTLAND iyo JUFOLAND iyo kooxda dhinaca Saxaafadda iyo borobagaandada u qaabilsan eeSAHAL. Haddaba MOORYAANTAN cusub ayaa waxay hal ku dhig ka dhigteen saddex arrimood oo aad mooddo yar iyo weyn  Sheekh iyo Shayb, Rag iyo dumar inay is xifdisiyeen sidan:

1: Dadka Deegaanka JIBBOOYINKA taladooda ha loo daayo= Jufo keliya

2: Dastuurku wuxuu dhigayaa laba Gobol iyo ka badan inay is raaci karaan

3:Guryaha la kala haysto maxay dowladdu uga hadli weyday?.

Sida aan ognahay waxaa dowladda hadda jirta soo dhisay Golayaasha Dhaqanka Beelaha Soomaaliyeed oo muddo ku hawlana. Waxaa la ansixiyey Dastuur lagu qasbanaa oo la yidhi iyadoo la aqriyin ha la ansixiyo. Waxaa sidoo kale jira qodobbo dib loo dhigay ka doodistooda iyo ka wada xaajoodkooda,  loona madax banneeyey Baarlamaanka la dooran doono [Kan hadda dhisan] waxaa la soo xulay xildhibaano, waxaana xildhibaannadii doorteen Madaxweyne,  iyada oo cid walba iyo reer weliba si wadajir ah ay ku doorteen Madaxweynaha hadda Jira,  isna wuxuu soo Magacaabay Ra’iisalwasaare. Caarlamaanku wuu ansixiyey.

Wuxuu soo magacaabay  Wasiirro kooban oo tiro yar, waxaa mar saddexaad sidoo kale lagu ansixiyey si wadajira. Intaasoo oo marxaladood waxaa looga gudbayey sheekadii LOOMA DHAMMA ahayd ee ina daashatey 20ka sanno. Bulshada caalamkuna waxay qayb ka qaaddatey hirgelinta dowlad aan ahayn ku meelgaadh. Haddaba, kuwo dhaliilaya dowladda iyaga oo doonaya damac BEELAYSAN oo lagu saleeyey Dastuur, waxaa keliya Dastuurkii laga soo qaatey Qodobka  laba Gobol iyo ka badan, aaway  qodoBbadii iyo farqadihii kale ee kala sarreynta awoodda dowladda iyo tixgelinta awaamiirta Madaxda Dowladda in sharcigu sarreeyo, nidaam iyo kala danbeyn la’aan lagu sameeyey maamul saw noqon maayo, Hal Booli ah Nirig xalaal ah ma dhasho!

Haddaba Dastuurka lagu meeraalaynaysanayo muxuu ka qabaa maxayse dhigayaan Qodobbada Dastuurka Federaalka ah? Marka aad eegto Dastuurka Dalka Soomaaliya waxaa ku qoran  Qaybta shanaad, Qodobka 69aad Farqada Koowaad awooda Dowladda Federaalka ah. Sidoo kale  qodobka 70aad ayaa wuxuu sheegaya awoodaha Dowlad Goboleedka.  Haddaba  miyaanay dadka sheeganaya aqoonyahannada iyo waxgaradka ee magacyada badan sida: “Dr,Prof, Gen, Eng, Col iyo Shiikh” miyaanay aqriyin oo fahmin Qodobbada Dastuurka?Miyeysan Ogeyn hawsha ay wadaan inay tahay mid qaran dumis ah oo Dastuurkii laysla oggolaaday dhinac maraysa, ileen maaha keliya in ciwaan iyo halqabsi laga dhigto  Qodobka 64aad Farqada 6aad 2 Gobol iyo ka badan ayaa Maamul Goboleed dhisan kara, ee waxaa Dastuurku qeexayaa, Awoodaha, Habka kala xadeynta degmooyinka iyo Gobollada, kala xadeynta awoodaha dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada. Haddaba, miyaanay habboonayn in kuwan ku indho beelay halka qodob in loo furo goobo lagu wacyigeliyo laguna baro dastuurka dalka.

Ugu danbayn, Jubbooyinku sida dowladdu sheegtay ma waafaqsana Dastuurka, sidoo kalena ma waafaqsana dadka deegaanka ah oo beelo gaar ah ayaa doonaya inay sida Gendiga ku dul noolaadaan umad Soomaaliyeed iyaga oo ku daaban gumaysi iyo cadow doonaya inuu dib dagaal sokeeye dalka ugu celiyo  casrigan laga gudbay faquuq iyo midabtakoor iyo ku dul noolaansho.

Waxaa hubaal ah in haddii aan si wadajir ah bulshada Soomaaliyeed Dulmiga iyo Gardarrada ka socota Jubbooyinka looga hortegin, inay iman doonto dhibaatooyin aan hore u soo marin iyo ka daran waayo shalay waxaa halkaas ina geeyey waxay ahayd, Annaaniyad(Is bid), Nin jeclaysi, Qabyaalad, Dulmi iyo Cadaalad darro. Maantana tii ayaa loo durbaan tumanayaa, bal aan aragno Uuraysatay waxay Umuli doonto!

Halkan ka aqriso

http://momentoftruthproject.wordpress.com/2013/04/25/qaybta-shanaad-baahsanaanta-awoodda-dawladda-ee-jamhuuriyadda/

Advertisements

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s