Is faham la’aan iyo shaki soo kala dhexgalay dowlada federaalka Soomaaliya iyo Itoobiya

 Hassan_MohamudHordhac: Ciidamada dalka Itoobiya ayaa waxaa ay qayb weyn ka qaateen dagaalkii lala galay xarakada Al-shabaab ee dalka soomaaliya. Meelo badan oo gaboblada oo ka mid ah bartamaha iyo koonfurta soomaaliya ayaa waxaa fadhiya ciidamada Itoobiya, waxaana ay dagaal joogto ah kula jiraan maleeshiyada xarakada al-shabaab. Dowlada cusub ee soomaaliya iyo guud ahaan Amisom ayaan weli ku guuleysan iney ciidamo geeyaan goobaha ay ciidamada Itoobiya ka howl galaan. Dowlada federaalka soomaaliya ee uu madaxweyanaha ka yahay Xasan sh. Maxamuud ayaan weli soo bandhigin qorshe ciidan oo baahsan oo ay ugu talo gashay in amaanka dalka lagu sugo. Si kastaba ha ahaatee dowlada Itoobiya ayaa ku dhawaaqday iney ciidamadeeda kala bixi doonto dalka soomaaliya. Dadka siyaasda ka faalooda ayaa waxaa ay aqabaan inuu jiro is faham la àan iyo kala shaki u dhexeeya dowlada soomaaliya iyo Itoobiya. Haddaba qormadaan ayaan kaga faalloon doonaa waxyaalaha saldhiga u ah kala shakiga meesha soo galay.


Siyaasada dibada ee Dowlada Soomaaliya: Madaxweynaha dowlada Soomaaliya ayaa ah nin kasoo jeeda urur diineed ( islaax-islaami),taas oo ay dowlada Itoobiya ka muujisay shaki ku wajahan qaabka ay noqon karto siyaasada dowlada federaalka ee soomaaliya. Ururka Islaax ayaa ah urur ka mid ah urur weynaha akhwaanu muslimiinta ee ku xoogan qaar ka mid ah wadamada carabta. Ururka akhwaanu-muslimiinka ayaa haatan ka taliya wadamo badan oo dunida carabta ah sida Masar, Turkiga, suudaan,Tuunisiya iyo Liibiya. Waxaa kaloo uu ururku doonayaa inuu saamayntiisa siyaasadeed ku baahiyo meelo badan oo dunida islaamka ka ah oo ay soomaaliya ka mid tahay.

Haddaba dowlada Itoobiya waxaa ay u aragtaa madaxweynaha soomaaliya inuu yahay nin xiriir dhow la leh wadamada carabta ee ay akhwaanu-muslimiinku ka taliyaan. Qaar ka mid ah wadamadaas ayaa xiriir aan wanaagsanayn la leh dowlada Itoobiya. Tusaale ahaan dalka Masar iyo Itoobiya ayaa isku haysta biyaha webiga Niil. Waxaana marar badan dhacday in labada wadan ay ku dhowaadeen dagaal ku saabsan arinka biyaha Niil. Wargayska Middle East oo ka soo baxa Dalka Britain kana hadla arrimaha Bariga dhexe ayaa shaaciyay inay suura gal tahay in dalka Itoobiya Iyo Masaru u dagaal dhex maro, Wargayska ayaa sheegay inuu warkaas ka soo xigtey illo siyaasadeed oo reer Galbeed ah oo aad uga warhaya siyaasada labada dal. Waxaa kaloo la xaqiijiyey inuu jirey kullan saddex geesood ah oo magaalada Qaahira ku dhexmaray dowladaha Masar, Eritrea Iyo Sudan, kaas oo ay uga tashanayeen sidii uu u dhexmari lahaa iskaashi xoogan oo dhan ka ah dalka Itoobiya. Dowlada Soomaaliya waxaa ay saaxiib dhow la tahay wadamada Masar iyo suudaan, taas oo qayb ka ah shakiga ay itoobiya ka qabto dowlada xasan sh. maxamuud. Dowalda Itoobiya ayaa il gaar ah ku fiirisa wadan kasta oo xiriir dhow la leh dalka masar.

Wadanka Qadar oo lagu magacaabo xarunta xisbiga akhwaanka ayaa iyaduna saamayn weyn ku leh siyaasada dowlada Madaxweyne Xasan sh. Maxamuud iyo madax kale oo badan oo dunida carabta ka taliya. Arinkaas ayaa ah mid aaney dowlada Itoobiya ku faraxsanayn.

Xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga: 
Xiriirka sii koraaya ee dowlada Soomaaliya iyo Turkiga ayaa kaloo ka mid ah waxyaalaha ay itoobiyaanku shakiga weyn ka qabaan. Dowlada Turkiga ayaa waayadaan dame kordhisey xiriirkeeda ku wajahan qaarada Afkika. Shirkadaha Turkiga ayaa howlo badan ka wada wadamo badan oo afrika ah. Dowlada Somaaliya ayaa ka mid ah wadamada xiriirka dhow la leh dolwada Turkiga. Waxaana jira mashruucyo badan oo ay turkigu doonayaan iney ka hirgeliyaan dalka soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho. Xiriirka turkiga iyo Itoobiya ayaa beryahaan soo yara fiicnaanayey balse weli waxaa jira shaki ku kala dhex jira labada wadan. Mid walbaana waxaa uu doonayaa inuu saamaynta ugu weyn ku yeesho Bariga Afrika. Xiriirka Madaxweyne Xasan Sheekh uu la leeyahay guud ahaan wadamada Carabta iyo Turkiga iyo wadamada ay akhwaanu-muslimiintu ka taliyaan ayaa ah saldhiga khilaafka Itoobiya iyo Soomaaliya. Arintaas ayaana ah midda rasmiga ah ee keentay in Itoobiya ciidamadeeda kala baxdo soomaaliya. Itoobiya waxaa ay dooneysaa iney cadaadis xoogan saarto madaxweyne Xasan sheekh si uu wax uga bedelo siyaasadiisa ku wajahan wadamada aan xiriirka wanaagsan la lahayn Itoobiya.


Siyaasada gudaha ee Dowlada Soomaaliya: 
Wadamada deriska la ah soomaaliya ayaa dhamaantood waxaa ay doonayaan iney saamayn ku yeeshaan siyaasada gudaha ee soomaaliya. Dowlada Itoobiya ayaan ku qanacsanayn siyaasada Madaxweyne Xasan Sh.Maxamuud iyo qaabka uu u wajaho siyaasada gudaha ee Soomaaliya. Waxaa jira rag Itoobiya xiriir dhow la leh oo ay dowlada Itoobiya dooneysey in lagu daro dowlada Soomaaliya, taasina ma aaney dhicin. Arinkaas waxaa ay dowlada Itoobiya u aragtay mid meesha looga saaraayo saamayntii ay Itoobiya ku lahayd soomaaliya. Waxaa dadka ka faalooda arimaha Bariga Afrika ay isku raacsan yihiin in sababta ay Itoobiya uga baxayso Soomaaliya aaney ahayn midda ay dowladu shaacisay balse ay jirto siyaasad iyo arimo kale oo qarsoon oo dhexmaray dowlada Itoobiya iyo Soomaaliya. Taas waxaa caddayn u qaabilaadii loo fidiyey Raysul wasaaraha Soomaaliya kolkii uu tegey Itoobiya. Raysulwasaaraha soomaaliya waxaa Garoonka diyaaradaha ku qaabilay wasiiro iyo how-wadeeno kale , taas oo muujineysa mugdi siyaasadeed oo u dhexeeya labada dal.

Guntii iyo gebagabadii , waxaa madaxweyne Xasan sh. Maxamuud looga fadhiyaa inuu la yimaado siyaasad miisaaman oo xirfad iyo xeeladi ku dheehan tahay. Waana inuu ugu horeyn ka bilaabaa Arimaha gudaha iyo inuu kalsooni buuxda ka helo guud ahaan gobolada Soomaaliya iyo dadka ku dhaqan. Waa inuu ka fogaadaa eex, danaysi iyo gobolada soomaaliyeed oo la kala xigsado. Waa inuu muujiyaa inuu yahay madaxweyne dalka soomaaliya oo dhan. Waa inuu muujiyaa si ficil ah in caasimada soomaaliya ee muqdisho ay tahay magaalo caasimad ah oo ummada oo dhan dhex u ah. Waa inuu si niyad , doonitaan iyo ficilba ku muujiyaa in caawinaada soomaaliya la siiyo ay muwaadin walba iyo gobol walba oo soomaali ah ay gaarto. Ugu damayn waa in dowladu dejisaa qorshe baahsan oo hantida maguuraanka ah loogu celinaayo dadkii lahaa. Haddii madaxweynaha iyo dowladuba arimaha aan kor kuso sheegay ku guuleystaan looma baahna ciidamo shisheeye ah meesha ay doonaanba haka yimaadeene. Balse waxaa dalka soomaaliya difaacaya nabadna ka abuuraaya ciidanka iyo shicibka soomaaliyeed oo isku duuban.

Moment Media ethics

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s