Cali Khaliif Galeyr oo lagu eedeeyay inuu ka shaqeynayo burburka maamulka Somaliland

pansomalism1.jpg

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID ee Somaliland Faysal Cali Waraabe ayaa dhaleeceyay Xildhibaanada wadamooshin ka dhana hishiiskii dhexmaray dowladda Somaaliya iyo Somaliland, kaas oo shalay dib loo dhigay, Faysal Cali Waraabe oo Saxaafadda Hargaysa kula hadlay ayaa ugu horayn u mahad celiyey gudoonka Baarlamaanka Somaaliya oo uu sheegay inay hor istaageen mooshin oo ku tilmaamay fidno ah ay wadeen qaar ka mid ah Baarlamanka oo hormuud u yahay Xildhibaan Cali Khaliif Galaydh.

“Waan u mahad cealinayaa Baarlamanka Somaaliya oo shalay hor istaagay mooshinka lagu furay wada hadaladii Somaliya iyo Somaliland oo dadka waday-na uu kow ka yahay Cali Khaliif Galaydh, qori daba ayuu la wareegayaa Galaydh Baarlamaanka Somaliyana wuxuu u galay fidno iyo inuu Somaliland ka burburiyo ee wanaag uma galin”ayuu yiri Faysal Cali waraabe.

Faysal Cali waraabe ayaa intaas ku daray in Cali Khaliif Galaydh in ka soo horjeedo hishiis dhex mara dowaladda Somaaliya iyo Somaliland,waxaa keloo uu sheegay in Somaliland aysan weli ka soo kaban wax uu ku tilmaamay dhibaato u gaystay isagoo tusaale u soo qaatay dhisitaankii Khaatumo, Dr, Cali Khaliif Galaydh ayaa ka mid ah siyaasiyiin ka soo horjeestay hishiiskii Turkiga ku dhex maray dowladda Somaaliya iyo Somaliland isagoo ku tilmaamay inuu ahaa mid dhaawacay midnimada Somaaliya.

Advertisements

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s