Somaaliya, maxaa yaal oo la mucaaradi?

Wednesday, February 27th, 2013 ( Moment Media Group)  Wasiiradii Xukuumadii C/waligaas oo ay ka midyihiin arimaha Gudaha amniga, Dastuurka Warfaafinta oo shir ku yeeshay Nairobi..

Waxaa magaalada Nairobi maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Xubno ka tirsana Xukuumadii Raisal Wasaare C/wali gaas. Kuwaas oo shirar kala Duwan ku lahaa Hotel ku yaala. Wasiiradan oo ay ka mid ahaayeen Wasiirkii Dastuurka Xoosh, Wasiirkii arimaha gudaha iyo amniga C/samad Macalin Maxamuud Wasiirkii Warfaafinta Jaahweyn wasiir ku-xigeenkii Qayraadka bada Xildhibaan Xirsi aadan iyo Xubno kale.

Wasiir Jaahweyn ayaa Bogan Moment Media Group u sheegay in Wasiiradii Xukuumadii dhacday ay ka wada hadleen sidii wax qabadkii Xukuumadii badbaado loo sii wadi lahaa, oo soomaaliya dib loogu laaban lahaa.

“ waxaan ka Wada Hadalnay sidii aan horay ugu sii wadi lahayn Howlihii aan qabanay haday ahaan lahayd guulihii ay gaartay Xukuumadii badbaado oo aan Muqdisho iyo Gobolada dalka ka saarnay shabaab, si aan Muqdisho ugu laabano oo aan howsha u sii wadno”ayuu yiri Wasiirkii hore ee Warfaafinta Jaahweyn.

Sidoo kale kulamadan ayaa u muuqda mid dhabar jab ku ah Xukuumada Cusub ee uu Hogaaminayo saacid, taasi oo ay u muuqato in Xiligan ay wax badan qabatay.

(Moment Media Group0 –Shacabka Somaaliyeed, waxaa soo maray, sanado xambaarsanaay masiibooyin, uuna ku waayay dad iyo duunyaba.

Waayahaa adkaa ee soo maray, waxaaa ay kala bareen nacab iyo nasteex, waxaa la soo wada taabtay xeerada gunteeda hoose, waxaa la waayay qof yiraahdo, waxaan helay liibaan dadeed iyo mid duunyaba, guri walba waxaa u hoyda mid dhutinayo iyo mid xubin maqantahay inta, intaa waxaa dheer kumanaan aanan la ogeyn meel ay cirib iyo jaan dhigeen, sidoo kale in badan oo qurbaha ku milmay dhaqan iyo dhabanba.

Intaa aan soo xusay, qof walba oo caqli leh, waa uu ogyahay ama darensanyahay, laakin waxaa jirto koox yar, oo inta badan codkooda la maqlo, oo mar walba tiraahdo, looma dhamo wax walba isku day ah, dowlad walbana rabto, in ay cardunka ku qalajiyaan af iyo addinba, maadaama ay danahooda gaarka ah ku jirto, in ay ka kaluumeystaan rafaadka iyo halaaga shacabka ama siyaasad ahaan, aan annagu maamulo ama aan carreeyno.

Runtii, waxaa la yaab leh in la arko, maanta oo aan ognahay xaalka uu dalka iyo dadkaba ku suganyihiin iyo rajada yar ee bidhaameyso, dad Soomaali ayaa nahay leh, mudaaharaad la taagan, ama shirar iyo dood magaalooyinka caalamka, oranayana dowladda cusub ayaan dhaliileynaa, waxaa mudan in la is weydiiyo, ma waxaa ay ku mudaaharadayaan: maxaa loo qaaday isbaarooyinkii yiillay waddakooyinka magaalooyinka, maxaa maleeshiyaadka loo dhaqan celinayaa, maxaa ay qurba joogta dalka ugu laabaneysaa, maxaa nabad loo raadinayaa iyo dowlad Somaaliyeed ??? !!!.

Dowladda hadda jirto, khalad waa ay yeelan kartaa, waana lagu mudaaharaadi karaa, laakin waxa, waa in ay noqdaan khalad muuqdo oo aysan noqon, waan iska mudaaharaadeynaa ama waxbaa mucaaradeynaa maadaama aan arki waayay maslaxo ii gaar ah ha noqoto mid qooys ama mid shaksiyadeed, marka dadka sheeganayo mucaaradka xaalkooda ma waxaa waayo geela dhalay garoor ka keen, waa yaabe mise ajanda qarsoon ayaa jiro!!!.

Waxaan rajeyn in dadka noocaa ah, ay ka waantoobaan xumaanta iyo xarafka wanaagsan qaloocintiisa, ayna shacabkaan tabaaleysan Alla uga baqaan, sidoo kale shacabka Soomaaliyeedna ku baraarujin, in dadka nocaas ah dadka bartaan, ayna u nasteexeeyaan, ayna ka foojignadaan in ay duufsadaan, waayo sheeydaanka waxuu leeyahay mid jin ah iyo mid insi ah labadaba, marka midka noo eg waa in laga wada digtoonadaa.

————————————————–

ibrahim53

Ra’iisul Wasaaraha Oo Iska Riixay In Uu Khilaaf Kala Dhaxeyo Madaxweynaha.

Iyadoo Muddooyinkii danbe ay jireen Warar la isla dhex marayay ee ku saabsanaa Khilaaf xiligan u dhaxeeya labada mas’uul ee Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha ayaa markii u horeeyay waxaa arrintaa ka hadlay Ra’iisul wasaaraha dawladda federaalka Soomaaliya cabdi faarax Shirddoon Saacid

Shirddoon oo xalay la hadlay qaybo ka mid ah War baahinta ayaa arrintaa tafaasiil dheerad ah ka bixiyay isagoona sheegay in aysan jirin haba yaraatee wax khilaaf ah ee ka dhaxeeya isaga iyo madaxweyne Xasan Shiikh maxamuud.

Ra’iisul wasaraha ayaa sheegay in isaga iyo madaxweynuhu ay ka dhaxayso wada shaqayn wanaagsan isla markaana ay si joogta ah u kulmaan isagoona ku tilmaamay hadalada la isla dhex marayo ee ah in khilaaf uu jiro Dicaayad rakhiis ah.

Cabdi Faarax Shirddoon ayaa soo hadal qaaday sidoo kale Sababta uu dibadda ugu bixi waayay tan iyo markii xilkaas loo magacabay arrimahaas oo iyaguna ka mid ah hadal haynta la isla dhex marayo wuxuuna sheegay in ay jiraan Casuumado iyo martiqaadyo fara badan ee uu ka helay Beesha caalamka isagoona Farta ku goday inuu doonayo inuu helo wax uu la shir tago.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Farta ku Fiiqay in Mudadii Sedaxda Bilood ahaa ee u danbeeyay ee uu Xilkaas hayay in wax badan ay iska bedeleen xaaladaha Soomaaliya muddo Labaatan sano kaddibna ay tahay markii ugu wanaagsanaa Nabadda Soomaaliya.

Cabdi faarx Shirddoon ayaa ugu danbayntii xusay in Marka Soomaaliya xaaladaheedu hagaagaan inuu u baxayo Safaro dibadda ah si uu u tuso Beesha caalamka wax qabadka Xukuumaddiisa mudadii ay jirtay iyo waxyaabihii u qabsoomay isagoona ballan qaaday in ay ka dhabaynayaan balan qaadkoodii Boqolka maalmood.

Hadalkan Ra’iisul wasaaraha dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa imaanaya xilli waayadii danbe si weyn loo hadal hayay in Khilaaf ba’an uu u dhaxeeyo labada Mas’uul taasoo keentay in Ra’iisul wasaaraha wax safar ah uusan dibadda ugu bixin tan iyo markii loo dhaariyay Jagadaas oo iminka Illaa Seddax Bilood ku sii dhow marka laga reebo Safaro gudaha ah oo uu ku tegay Gobolo Dalka ka mid ah.

Advertisements

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s