Yaa geliyey dawladda dagaal WELIGAA YAABKAAS MA ARAGTAY??? Yaabka yaabkiisa kale.

Dawladda Soomaaliya waxaa u yaal hawl badan oo ay ka mid tahay ammaan sugidda iyo dib u heshiisiin iyo dib u dhis. Hase yeeshee sida aan maqlay hal qof ayaa amar ku bixiyey in la soo qabto gabar Soomaaliyeed oo tiri waxaa i kufsaday askari dawladda askarteeda ka mid ah iyo weriye gabadha waraystay. Gabadhii waxaa la yiri dharka ayaa laga dhigay si loo baaro in la kufsaday iyo in kale! Cajiib. Si lake oo ay arrintaan u furdaamiyaan ma waayeen.

Weriyiihii gabadha waraystay asagana waa la weydiiyey waxa ku kalifay inuu gabadha waraysto ka dibna waa la xirey. Gabadhii iyo weriyahii waxaa la yiri denbigii waa lagu helay waana la xukumay. Cajiib!!!. Gardarooy gurigaagii ma laguugu soo galay!!!. Cajiib Miyuusan ogayn ninkaan in uu arrintaan shaqadiisa ku waayi karo ama xabsi ku geli karo. Miyuusan ogayn in arrintaan oo kale dhaliso kacdoon shacab ama sabab u noqon karto in dawladdu waddadeedii ka leexato ama dunto. Waa kiis khatar ah!!!. Cajiib

Madaxweynaha iyo raiisal wasaaraha oo aad moodo inay xoogaa yar fahmeen inay arrintan ceeb ku tahay dawladdooda ayaa iska fogeeyey inay ceebtaas ama foolxumadaas ama dulmigaas shaqo ku leeyihiin. Ayagoo ku marmarsiyooday inay arrintan garsoorka u taalo mase iloobeen maahmaahdii oranaysay falaari gilgisho kaagama harto. Cajiib!!!

Waxaa intaas ka sii daran taliyahii xiray iyo gudoomiye maxkameed la yiraahdo Caydiid Ilko Xanaf iyo kii xukumay garsoore Aadan Axmed oo indho adeygooda weli ku sii faanaya anagaa xirnay gabadhii sheegatay in la kufsaday iyo weriyahii wareystay weliba waxaan u digaynaa gabdhaha ku andacooda in lakufsaday ayadoon la xaqiijin iyo weriyeyaasha Cajiib !!!. Yaab badanaa. WELIGAA YAABKAAS MA ARAGTAY??? Yaabka yaabkiisa kale.

Waxaa hal mar qayliyey adduunkii oo dhan waxaana guuxay waxgaradkii Soomaaliyeed oo dhan waxaa yaabay shacabkii oo dhan. Taliyaha iyo gudoomiyaha maxkamadda waxaan u malaynayaa inay 21 sano ee na soo dhaafay inay dalka ka maqnaayeen oo aanayba ogayn waxa dalka ka dhacay gaar ahaan Muqdisho iyo gobolada koofureed gaar ahaan kufsigii baahsanaa. Kolay adduunkaan ma aysan joogine xaggee joogeen? Waxay rumaysan waayeen in askari gabar kufsan karo!!!. Dalalka adduunka ee ay ka jirto dawlado xididaystay sida Masar, Sacuudiga ama Maraykanka miyaanay ogayn in weli xataa askartoodu wax kufsato. Nimankaan maanta waxay ka faaiideysanayaan shacabka daalay ee Muqdisho oo dawladda u ooman baa la yiri ma maqli karaan xamar baa nabad gelyo xun ama wax lagu kufsadaa laakiin waxaanay ogayn in shacabku aanu raali ka ahayn in haween Soomaali ah la kufsado xataa hadday ka mid tahay tahay soo barakacayaasha. Markay dulmiga ku baraarugaan nimankaan waxbaa haysta. Cajiib

Ma garan karo waxa taliyahan iyo gudoomiyaha maxkamadda macquul ugu arki waayeen inay arrintan dhici karto ama suurtogal tahay. Mase garan waayeen in arrintaan ay ku tahay dawladoodii sharaf dhac. Miyaanay ogayn in waajibka koowaad ee dawladda iyo ciidankaba saran inay tahay in la difaaco xuquuqda dulmanaha ama gabdhaha la kufsado. Haddii la yiraahdo askari dawlo ayaa wax kufsaday denbigana asaguu ku kooban yahay macnaheeduna maahan dhamaan askarta wax bay kufsadaan

Miyaanay ogayn gabdhihii maqlay in gabadhii tiri waa la I kufsaday dharka laga dhigay lana maxkamadeeyey oo weliba la baaray inaanay mardanbe ku dhiiran doonin inay soo dacwoodaan xataa haddii dhab ahaan loo kufsaday?

Ficilka ay sameeyeen nimankaan waa xaajo ugub ah oo Soomaaliya ku reebi doonta cawaaqib xumo haddii aan laga hortegin. Nimanku naxariis daranaa miyaanay gabar dhalin ama la dhalan oo hooyo lahayn!!! Cajiib Ma garan waayeen si kale oo ay arrintaan ku xalliyaan? Malaha waxay aad u dhibsadeen ereyga ah askri dawladda ka tirsan ayaa wax kufsaday. Ma waxaa kala weynaaday difaaca askariga difaacii gabadha. Sow askarigu shaqadiisa ma ahayn inuu u dhinto ama difaaco gabadha tiri waa la I kufsaday. Waxay ila tahay inay si kale u maarayn kareen arrintaas.

Talooyin:

  • 1) Dawladdu waa in ay cudur daar ka bixisaa baaritaanka lagu sameeyey gabadha xaalna la siiyaan.
  • 2) Baarlamaanka waa inuu ka hadlaa arrintan qaladka meesha ka dhacayna uu banaanka soo dhigaa.
  • 3) Baarlamaanku waa inuu soo saara sharci mamnuucaya baaritaanka gabdhaha la kufsaday, dhar ka dhigidda iyo ceebaynta.
  • 4) Dawladda waa inay jagada ka xayuubisaa nimakii arrintaan ka danbeeyey oo weliba xabsi loo diraa tusaalena laga dhigaa.
  • 5) Dawladdu waa inay dib u cadaysaa mawqifkeeda ku aadan inay dulmanayaasha garab istaagayso oo ay difaacayso xaqooda iyo xuquuqdoodaba.
  • 6) Inay Gabdhaha Soomaaliyeed ee dhakhaatiirta ah diidaan inay baaraan ama dharka ka dhigaan gabar kale oo Soomaaliyeed oo ku andacootay in la kufsaday
  • 7) Suxufiyiinta waa inay qariyaan magaca gabadha la kufsday haddii ayada aanay u fasixin inay magaceeda sheegaan.
Advertisements

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s