Aqoonsiga caalamiga ah kadib maxaa ka dhiman xornimada Soomalia?

xiddigTan iyo 1960kii oo ahayd markii ay soomaaliya madaxbanaanida ka qaadatay gumeysteyaashii reer yurub ee Boqortooyadda Ingiriiska iyo Tanyaaniga, wuxuu dalku soo maray marxalado iyo daruufo siyaasadeed dhaqaale iyo amaan oo aad u kala duwanaa.  Qormadaan ayaa si gooni diiradda u saareysaa su’aasha ah Soomaaliyada maanta ma xorbaa mise maahan? Maadaama soomaaliya ay ka baxday ku xiligii meelgaarka ayna u gudubtay dowlad rasmi ah oo caalamka la saxiixan karto heshiisyo caalami ah, waxay Qormadaani si kooban u eegeysaa waxyaalaha asaasiga u ah xoriyadda iyo madaxbaanida dal uu ku naaloon karo. Qormadu waxaa soo qaadaneysaa 10 tiir oo lagama marmaan u ah jirintaanka iyo ilaalinta xoriyadda. Qormadu waxay ku soo gabagaboobeysaa dhowr su’aalood oo ay jawaabahooda u madaxbanaan yihiin akhristeyaashu!!

Waa maxay dal xor ah?

Su’aashaan ayaa xeeldheereyaal badan oo ku takhakhusay cilmiga culeenta siyaasadda, xiriirka caalamiga ah, sharciga iyo arrimaha bulshada waxay kula kala aragtiyo gedisan yihiin mowduucaan waxayna bixiyaan jawaabo kala duwan.  Marka si kooban loo sheego xoridda dal kasta uu leehayay ayaa waxaa loo qabiyaa labo (2) dhinac oo kala ah:

  • Xoriyadda sharciga ku dhisan (de jure) oo quseeysa aqoonsiga uu dalku ka haysta dalalka kale ee duninada ka jira iyo xiriirka uu la leeyahay isla dalalkaasi.
  • Xoriyadda xaqiiqada ku dhisan(De facto)  oo ku saabsan sida dalku uu awood ugu leeyahay in uu ilaaliyo xoriyaddiisa, madaxbanaanidiisa dhuleed, xuquuqda iyo amaanka dadkiisa.

Marka laga tago labada arrimood ee sare ku xusan, inta badan aqoonyahanadda iyo siyaasiyiinta wax  ka qora arrintaan, waxay aaminsan yihiin in jiritaanka xoriyadda iyo madaxbanaanida dal leeyahay ay ku xiran tahay afar (4) arrimood oo kala ah:

  • Xoriyadda gudaha oo ah sida dalku awood ugu leeyahay in uu ilaaliyo dowladnimadiisa iyo karaamadiisa dhuleed.
  • Xoriyadda isku tiirsanaanta oo ku saabsan awooda uu dalku u leeyahay in uu la socdo cidda kabaxaysa ama soo galeysa xuduudaha dalka.
  • Xoriyadda shirciga caalamiga ah oo ka hadasha in dalkaan xorta ah ay aqoonsan yihiin dowladaha kale xorta ah ee ka jira aduunka.
  • Xoriyadda madaxbanaanida (westphalian) oo ah in dalka aanu maamulin dalka ama awood aan ahayn dowladda dalka ka jirta.

Tiirarka Xornimadda

Sida Dr Ashraf Ghani iyo aqoonyahano kale oo cilmi baaris ku sameeyey mowduuca xoriyadda iyo madaxbanaanida dalalka dunida ay ku doodayaan shaqooyinka dowladda dal xor ah ka dhisan ee jirta qarnigaan 21aad kuma koobna figradihii hore u jiri-jrey oo awooda maamulka iyo madax bannaanida siinaayey dowladda keliya. Aqoonyahanadaan ayaa waxay sheegayaan inay jiraan toban tiir oo xoriyadda iyo madaxbanaanida dalkasta uu leeyahay lagu qiimeyn karo. Haddii la soo koobo tobanka tiir ee xoriyadda aasaaska u ah waxay kala yihiin:

  1. Tiirka xoriyadda sharciyadda ka adkaanta shacabka iyadoo dowladdu adeegsaneysa hay’adaha ilaalinta amaanka iyo xuquuqda asaasiga ah ee loogu talogaley mawaadiniinta iyo dadka kale ee ku nool dalkaasi. Haddii dowladdu aaney lahayn awood laga baqo oo ka sareysa awoodda ay leedahay cid kasta ama koox kasta oo dalka ka jirta, markaa malaha awoodda shariciga ah ee ka adkaanta, sidaas awgeed dalkaasi waxaa ka maqan tiir muhiim ah wuxuu u nuglaanayaa wax kasta oo wiiqaya xoriyaddiisa.
  2. Tiirka Xoriyadda is maamulka oo marka la soo koobo ku saabsan in dowladdu ay maamul ahaan gacanta ku hayso guud ahaan dalka. Xoriyaddaan ayaa waxaa saldhig u ah dhowr arrimood oo ay ka mid yihiin in dalku leeyahay shuruuc iyo xeerar laysla ogolyahay, qaab dhismeed qeexaya mas’uuliyadaha iyo shaqooyin kala duwan ee dadka u shaqeeya dowladda, dhaqaale iyo hanti qaran oo ay dowladdu maamusho iyo hay’ado qaran oo fuliya ama ilaaliya maamulka dowliga ah.
  3. Tiirka Xoriyadda Maamulka dhaqaalaha dalka oo ay ugu horeyso in dalku uu leeyahay dhaqaale dhinaca maaliyadda ah oo isla dalkaasi ka soo baxa. Ururinta daqliga gudaha iyo in sida ugu haboon loo maamulo ayaa waxay sal u tahay in dalku ka madaxbanaadaado gacma hoorsi iyo dawarsi. Dowladdaha  sheegta inay yihiin deeq bixiyeyaal iyo hay’adda caalamiga ah oo ka mid yihiin, hay’adda lacagta aduunka, bangiga aduunka iyo urur ganacsiga aduunka ayaa dalalka faqriga ah ku khasba inay aqbalaan shuruudo qalafsan oo dhaawacaya xoriyadda dalka  si loo siiyo lacago deymo ama deeqa ah. Deymaha la siiyo wadamada faqriga ah ayaa la dulsaartaa dheefkor (interest) xaddhaaf ah oo dalkaasi aanu awood u lahayn inuu iska bixiyo. Soomaaliya ayaa hadda lagu leeyahay balaayiin Dollar waxaana xusid mudan in dheefkorka laga rabo soomaaliya uu ka badan yahay wixii ay deymatay intii aan burburku dhicin ka hor.
  4. Tiirka Xoriyadda horumarinta dadka oo lagama maarmaanka ka dheysa in dalku u guntado sidii uu u kordhin lahaa aqoonta, kobcinta wacyi dadka iyo cilmi baarista. Dal waxaa horumariya dadkiisa, taasina ma imaan karto haddii aan dowladdu u istaagin sidii ay horimarin lahayd waxbarasho tayo leh oo khasab ka dhigaysa aqoonta asaasiga ah ee mawaadiinta gaar ahaan da’yartu ay u leeyihiin taariikhda, iyo xaqiiqooyinka siyaasadeed, dhaqan-dhaqaale iyo jufuraafiyadeed ee dalkooda. Haddii dalku aanu maalgelin dadkiisa dhaqaalaha iyo horumarkuba waxay noqonayaa mid fadhiid ah, dadkuna xor kama noqon karo dhinacyada aqoonta, dhaqaalaha, dhaqanka iyo siyaasadda.
  1. Tiirka Xoriyadda qeexidda xuquuqaha iyo waajibaadyada mawaadinnimo iyadoon loo kala saarin isir, jinsi, dabaqad, mansab iyo deegaan. In is isu dheel tiran loo  tixgeliyo dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada waxay lama huraan u tahay nabadda iyo horukac dalka. Arrintaan ayaa waxaa fure u ah in dalka ay ka jirto siyaasad bulsho oo loogu talo galay abuuridda dareen wadanimo iyo in dadku aaminaan dalkooda oo loo abuuro jawi ay ku wadaagi karaan dareen wadanimo oo isku mid ah.
  2. Tiirka Xoriyadda  dhisadda kaabayaasha adeega guud oo kamid yihiin dhisidda wadooyinka, dekeddaha, garoomada diyaaraha iyo buundooyinka ama biriijyarada, adeeg korontada, isgaarsiinta, biyaha IWM ayaa waxay halboowle u yihiin horumarinta dhaqaalaha, adeegga bulshada iyo ka hortagga sinaan la’aan ka dhex imaan karta goboladda dalka iyo gaar ahaan  bulshada reer magaalka ama reer miyiga ah. Jiritaanka kaabayaashaan ayaa sidoo kale waxay sare u qaadaan amaanka, isu  socodka, xiriirka iyo kala faa’ideysiga ka dhaxeeya dadka ay maamusho ama imanaya jamhuuridda xorta.Haddii dalku aanu mudnaanta kowaad siin horumarinta adeegyada guud ee bulshada, waxaa soo wajahda faqri iyo cariiri dhinaca nolosha ah taasoo keenta in fursadaha dhaqaale, shaqo iyo waxyaalaha kale ee aasaasiga ah ay ku soo urur meelo yar, dadkuna ay  maamulka fursadahaan yar ku hardamaan ugu dambeyna ku dagaalamaan. Ku hardanka iyo dagaalka kadhasha fursadaha dhaqaale ee yaraaday ayaa waxay sabab u noqotaa in dalku lumiyo xoriyadiisii.
  3. Tiirka Xoriyadda ee Maareynta hantida qaranka oo ay ka mid tahay ilaalinta bay’ada, khayraadka dabeecigga ah ee badda iyo beriga iyo hantida dhaqaameedka (cultural assets) ayey tahay in dalku noqdo awooda keliya ee maamulka hantidaan  looga dambeeyo. Ka faa’ ideysiga raasamaalka qaranku waa iney u dhacdaa si ay jirto danta iyo maslaxadda jiilasha bulshada ee hadda jooga iyo kuwa mustaqbalka imaan doona. Dowladda dalka ka jirtaa waa iney sharciyeeyso habka ugu wanaagsan ee looga faa’ideysan karo kharaadka dalka iyadoon lagu xadgubeyn mustaqbalka iyo nolosha shacabka. Kartida maamulka iyo ka faa’ideysiga wax soosaarka kharaadka badda iyo beriga ayaa waxay tilmaan cad ka bixisaa awoodda dalkaasi ku ilaalin karo xoriyaddiisa iyo sumcaddiisa dal iyo dibadba.
  4. Tiirka Xoriyadda ee xariirka caalamiga ah ayaa waxaa uu khuseeyaa sida dowladdu u maareeyso xiriirka kala dhexeeya dowladaha kale, hay’addaha Dowliga ah kuwa aan dowliga ahayn ee caalamiga iyo ururada sida gaarka ah loo leeyahay. Tiirka xoriyadda ee caalamiga ah waxaa saldhig u ah in dowladdu ay geli karto heshiisyo caalami ah isla markaana ay ilaalin karto xeerarka caalamiga iyo mas’uuliyadaha kale ee ka saaran la macaamilka dadka gudaha dalka ku nool iyo tan dunida ee laga rabo dalkasta oo xor ah. Tiirkaan ayaa sidoo kale wuxuu lagama maarmaan ka dhigayaa in dowladdu ay leedahay sumcad iyo sharaf caalamku ku aamini karo si ay mararka ay u baahato u soo qaadato deeymo ay ku horumariso kaabayaasha dhaqaalaha dalka.
 
  1. Tiirka Xoriyadda ee ganacsiga, suuqeynta, wax soosaarka iyo dhaqaale abuurista ayaa tilmaan weyn ka bixiyaa sida dalku u hantay ama u hanan waayey xoriyaddisa. Raadinta iyo abuuritaanka suuq goboleed ama suuq caalami sharci ah si uu dalku u dhoofiyo wax soosaarkiisa ayaa ay waxay dalka ka badbaadisaa in uu si aad ah ugu tiirsanaado badeecooyinka dibadda ka yimaada. Haddii dalka ku tiirsanaantiisa badeeccoyinka iyo waxyaalaha kale ee dibada laga soo dejiyo ay ka badato waxa dalku dhoofiyo, waxaan shaki ku jirin in ay wiiqmayso awoodiisa dhaqaale.Kutiirsanaanta badeecooyinka laga keeno dalalka dibadda ayaa waxay keenta in shirkado iyo shaqsiyaad dhaqaale badan haysta oo ajnabi ah ay dalka soo galaan oo ay  dadkii dalka degenaa fursadihii ka qabsadaan, taasoo aakhiritaanka keenta inay soo badato shaqo la’aan iyo faqri kuhabsada dadkii mawaadiniinta ahaa.
  2. Tiirka xoriyadda ee sareeynta sharciga ay waxaa uu lama huraan u yahay in sharcigu taliyo iyo dadku aaney kala sareyn sharci hortiisa. Sharciga oo ah waxa  dadku ku heshiiyo oo ay ka mid yihiin dastuurka dalka iyo shuruucda kale ee dalka lagu maamulo ayaa waxaa lagama maarmaan ah in loo adeegsado sidii ay u qornaayeen ama loola jeeday. Tiirkaan ayaa wuxuu sidoo kale quseeyaa in shuruucdu qeexaysa in dalka ay ka dhacaan doorashooyin si xor iyo xalaal ah oo daahfuran loogu tartamo dadku ay doortaan cidda ay u arkaan inay hogaamin karto iyo tan kale oo ah inay awoodda ay ka qaadi karaan ciddii ay u arkaan inay ka soke-dhacaday himilooyinkii shacabka ama dowladnimada. Jirintaanka nidaam cadaaladeed ama ilaalinta sharciga oo madaxbanaan karti iyo awoodna u leh iney ku rido xukun cid kasta oo lagu caddeeyo dambi  isla markaana aaney faragelin ku sameyn karin madaxda dalka ugu sareysa ayaa ah tilmaamaha ugu fiican ee sareynta shirciga.Tiirkaan xoriyadda ee khuseeya sareeynta shariciga ayaa lafdhabar u ah degenaanshaha, xasiloonida siyaasadeed iyo nabadda dalka.

Inkasta oo ay badanaa ay adag tahay in dowlad afrikaan ah ama dunida saddexaad ka mid ah ay dhamaan tiirarka sare ku xusan u fuliso si waafi ah ama dhamaystiran, haddana dalkii meelmariya dhamaanba 10ka tiir ee xoriyadda, waxaa lagu tilmaamaa in dalkaasi ilaaliyey xoriyaddiisa, sharafkiisa qarannimo iyo madaxbanaanidiisa dhuleed. Dhinaca kale dalkii ku guuleysan waaya in uu fuliyo mid ama wax ka badan oo tiirar xoriyadda ah, waxaa soo wajahda degenaansho la’aan siyaasadeed ama dhaqaale taasoo keenta in ay sameysmaan kooxo iska soo horjeeda, kalsoonida shacab ay ku qabaan dowladda oo yaraata ama lunta, kartidii hay’adaha dowliga ah oo yaraada, adeeggii guud ee bulshada oo baaba’a iyo in dalka ay marka ugu dambeysa ka dilaacaan dagaalo sokeeye iyo fashil ku yimaada dowladnimada. Arrimahaan ayaa keena in dalku guud ahaan oo lumiyo xoriyaddiisii, madaxbanaanidiisii iyo sharaftii dhuleed.

 
 

Guntii iyo gunaanadkii qormadaani waxay inoo ifineysaa in is loo soo celiyo xoriyadii iyo sharafta dalkeena ay waajib ku tahay qofkasta oo soomaali ah inuu ka shaqeeyo sidii loo istaajin lahaa dhamaan tiirarka xoriyadda ee sare ku xusan loona soo badbaadin lahaa qarannimadda soomaaliyeed ee ceelku ku dhacday.

 

Waxaa xusid mudan in aan dowladnimo iyo xoriyadda dalka soomaaliya ku soo noqon Karin inta beel, qoys ama koox siyaasadeed  kastaaba ay si gaar u ah fasirayneyso dowladnimada iyo xoriyadda isla markaana ay u tafaxaadan tahay inay ku khasabto aragtideeda inta kale. Sida laga dheehan karo qormadaan, waxa dal xoriyaddiisa ku hanan karo kuna ilaalin karo maahan  wax  koox gaar ah ama beel gooni ahi ay siday rabto u wadi karo. Si loo dhowro xoriyadda iyo karaamadda dalka, waxaa lagama maarmaan ah in dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada dalka ku nool ay ogaadaan inay dantooda guud iyo tan gaarka ahba ku gaari karaan iney is-aqoonsadaan, is-aaminaan kana wada shaqeeyaan sidii ay nabad iyo gedenaansho ugu wada noolaan lahaayeen.

 

Waxaa dhici karta in dadka ku nool dalka ay kala haystaan diimo kala fog, ama caqiidooyin ama aragtiyo diimeed oo kala gedisan, fikrado siyaasaddeed, dhaqaale, dhaqan iyo bulsho oo kala duwan, laakiin waxaa ka dhaxeeya oo aaney dhamaantood ka maarmin  waa dalka iyo  sidii ay si nabad ah ugu heli lahaayeen maslaxadahooda gaarka ah. Si ay u helaan arrintan waxaa dadka qasab ku ah iney ku heshiiyaan sidii ay u wada noolaan lahaayeen iyo nidaamkii ay ku kala badbaadi lahaayeen.

 

Waxaan jeclahay inaan ku soo gabagabeyo su’aalo aan weydiinayo dadka soomaaliyeed 1) haddii qolo, bee lama koox kastaaba ay meel fariisato, uu ay isku deydo inay inta kale wax u yeeriso, luuqadda lagu wadahadlaana ay tahay isdilid iyo isu xoog sheegasho, dabadhifnimo iyo qabiil isugu faan xoriyadii iyo qarannimadii la dumiyey ma soo noqoneysaa? 2) Haddii soomaali is badbaadin weyday aduunkiina badbaado ka waayey dalka soomaaliyeed miyaanu khatar ugu jirin in ay qeybsadaan quwadaha shisheeye ee hadda gacmaha kula jira ama kuwa imaan doona? 3) Ma ku dhisi karnaa dowlad xor ah oo aduunka sharaf ku leh dagaal iyo gacan ka hadal keliya?

Jawaabaha su’aalahaan waxaan u deynayaa akhristeyaalka Soomaaliyeed.

Advertisements

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s