Madaxweynaha Somalia oo khudbad dhinacyo badan taabaneysay ka jeediyey shirka madaxda Afrika

Madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh Maxamuud ayaa khudbad dheer oo xiise badan, dhinacyo badana taabaneysay, ka jeediyey shir madaxeedka Midowga Afrika uga furmay maalintii shalay magaalada Addis ababa ee dalka Itoobiya.

Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa sheegay in Somalia ay beesha caalamka ku soo laabatay, ayna soo ceshatay qaranimadeedii ku luntay dagaalada mudada dheer ka socday dalka, isagoo madaxda Afrika uga mahad celiyey kaalinta ay ka qaateen soo Celinta dowladnimada Somalia.

“Iyadoo kal iyo laab iga ah aan ku celiyo oo mar kale cod dheer ku iraahdo afrikaay mahadsanidiin, waxaan idin sheegayaa in Soomaaliya oo maanta miiska idin saaran ay noqotay dal idinka siman ee aaney aheyn dal la isku tuur tuuro, waxaanu ka mid aheyn aasaasayaashii ururkan weyn Somalia waa dhab ee Riyo maaha, waana wadan booskiisiisii ku laabtay oo kursigiisii ku fadhiya” ayuu yiri madaxweynaha Somalia

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa Madaxweyne Xasan Shiikh waxaa uu xusay caqabadaha hor yaala dowladiisa, isagoo xusay dowladiisu ay la mid tahay ilmo yar oo u baahan in la qabto gacanta lana siiyo taageero, isagoo xusay in Soomaaliya aysan haatan aheyn meel la iska iloobiu karo “Waxaanu nahay sidii ilmo yar oo u baahan in la baro socodka, waxaanu nahay walaal sabool ah oo gacan uga baahan walaalkii” ayuu intaa ku daray madaxweynaha.
  

Marr uu soo hadal qaaday Qaxootiga Soomaalida ah ee daadsan wadamada deriska iyo sida dalkoodi dib loogu celin karo, wuxuuna ku baaqay in dalalka ay martida u yihiin ay sameeyaan dulqaad.

“Waxaan ku baaqayaa in la sameeyo guddi saddex geesood ah oo ka kooban dowlada Somalia, wadamda deriska ee qaxootiga haya iyo laanta QM u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR kaasoo ka shaqeeya sidii loo heli lahaa xal waara oo Qaxootigu ay dalkoodii dib ugu noqon lahaayeen” ayuu yiri madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh oo inntaa ku daray in xaalada amaanka dalka ay tahay mid weli aad ugu baahan wax badan in looga qabto oo aan sahlanaeyn, wuxuuna ku baaqay in kaga qaado xayiraada hubka.

Kulankaas oo lagu wado in maanta la soo gebagebeeyo ayaa waxaa sidfoo kale khudbado ka jeediyey madaxda Afrika qaarkood, waxaana shirka Somalia ka sokow arrimaha diirada lagu saaray ka mid ah xaaladaha ka taagan dalalka Mali iyo labada Suudaan, waxaana gudoomiyaha midowga Afrika ee sanadkan noqday raisul wasaaraha martida loo yahay ee Itoobiya Haile Mariam Desilgn isagoo xilkaas kala wareegay madaxweynaha dalka Ghana Fomas Abuni Yaye.

Advertisements

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s