Maxaa sababay Mareykanka Aqoonsiga Soomaaliya

Sida intiina badan aad ka warqabtaan dowladda mareykanka ayaa aqoonsi diblomaasiyadeed siisay dowladda federaalka Soomaaliya. Aqoonsigan ayaa ku soo aadaya iyadoo xaaladda soomaaliya aysan wax badan iska badalin sidii ay markii hore aheyd. Dowladda la aqoonsaday ayaa ka talisa oo keliya Muqdisho & xaafado u dhow dhow kuwaas oo ay weliba ku ilaaliyaan xoogag waddamo afrikaan ka socda.Dad badan oo soomaali ah ayaa soo dhaweeyay aqoonsigan halka kuwo kale oo aan yareyn ay shaki ka muujiyeen waxa ka dhalan kara mustaqbalka haddaan si hufan meel la isula dhigan arrimo badan oo mugdi faro badani ka jiro. Soo dhaweynta dadka qaar la ordayaan & ka hor-imaanshada dadka qaar qabaan ayaa laga yaabaa in sida qolo waliba u aragto sida ku cagsiga ah tahay. Su’aalo badan ayaa durba la iska weydiinayaa waxa uu noqon doono mustaqbalka siyaasadeed ee soomaalidii waqtiga dhow. Meelaha ay su’aaluhu inta badan ka imanayaan ayaa ah labada maamul ee awoodda badan ee Somaliland & Puntland iyo weliba awoodda Dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Haddaba sida uu Madaxweyne Xasan Sheikh ka dhawaajiyay barnaamijkan aqoonsiga iyo sida uu ku bilowday waxaa uu sheegay in howshiisu soo socotay tan iyo markii xafiiska loo dhaariyay. Tani waxay ku tuseysaa in xitaa madaxdii dowladdii hore ee meesha banneeyay ay ka sii warqabeen arrimaha aqoonsiga ee Mareykanku soo wado.

Maamulada Puntland & Somaliland ayaa la aaminsanayahay in iyaguna si hoose ula socdeen qorshahan, waxaadna ka ogaan kartaa safaradii isxig-xigay ee ay masuuliyiinta Mareykanku ku tageen Puntland, aamusnaanta Puntland iyo deg-degga lala damacsanaa wada hadalada loogu magac daray Soomaaliya & Soomaali-land.

1. Haddaba muxuu yahay aqoonsigan yaa ka guul ka gaaray arrimaha siyaasadda qeybaha kala duwan ee Soomaalida?

Waa su’aal tan & markii uu aqoonsigani soo baxay aan is weydiinayay. Anigoo aragtideyda ku saleynaya, si aad u fahanto cidda siyaasaddeeda ku guuleysatay, waxaa muhiim ah in aad ogaato waxa la aqoonsaday waxa uu yahay, bal aan qeexo.

Dowladda Mareykanku waxa ay aqoonsatay waa maamulka federaalka ee la soo dhisay guud ahaan, waxaa soo galaya wax walba oo dastuurka Fedraalka ku qoran oo madaxweynaha & kuwa la midka ahi ku yimaadeen. Waxaana dowladda Mareykanku sheegtay in ay dowladda Soomaaliya kula shaqeyneyso wixii ay soo dhisteen sida ay ugu dhaqmaan. Nidaamka dowladda Federaalku dhisan tahay ee awood qeybiga 4.5-ka loo yaqaan ayaad mooddaa in Mareykanku ku qanceen, kuna eegayaan sida ay isugu maamulaan soomaalida, inkastoo ay aarintani dhabar-jab ku tahay maamulka Somaliland oo fikarad kale oo taa ka duwan aaminsanaa sida qaar ka tirsan masuuliyiintoodaba durba ka dhawaajiyeen.

Dhinaca kale dastuurka Soomaaliya ee federaalka waxaa gacan weyn ka geystay maamulka Puntland oo juhdi aad u faro badan geliyay sidii loo qaadan lahaa dowlad federal ku dhisan oo maamulo kala duwan ka kooban. Waxaa Puntland qodobkaa ku weheliya qaar ka mid ah dowladaha deriska ah, ururo Afrikaan ah oo arrimaha Soomaaliya aad ugu dhuun daloola, qaar ka tirsan maamulada hadda soo dhismaya, waxaana loo arkay in xalka keliya ee Soomaaliya wax loogu qaban karaa ay taa tahay.

Mar haddii xaal sidaa yahay, dowladda mareykankuna aqoonsaday dastuurka Soomaaliya, dhinacaa markaad ka eegto waxaad mooddaa in Dowladda Puntland ay siyaasaddii ay la timid ku guuleystay.

2. Maxay tahay qorshaha qarsoon ee soo socday ee ay dowladda Mareykanku ciribka ku dhufatay?

Dowladda Mareykanka ayaa isu aragta awoodda ugu weyn ee caalamka, sida la sheegana ma dooneyso in awoodo kale oo talada kula tartantaa caalamka ka soo muuqdaan. Marka ay noqoto arrimaha Soomaaliya-na waxay aaminsan tahay in iyadu tahay cidda heysa furaha soomaaliya haddaan laga soo doonana cid furi kartaa oo kale aysan jirin maadaama ay tahay dowladda ugu ballaaran ee dhaqaalaha ugu faro badan ku bixiya arrimaha Soomaaliya. Matalan 4-tii sano ee lasoo dhaaftay waxay dowladda Mareykanku arrimaha soomaaliya ku bixisay lacag ka badan hal bilyan oo dollar.

Qorshe waxaa socday ay wadeen qaar ka mid ah dowladaha yurub taas oo ku saabsaneyd in wadahadal waxwada-qeybsi ku dhisan loo qabto wax ay ugu yeereen Koonfurta & Woqooyiga Soomaaliya.

Sida hadalada Madaxda Mareykanka laga dhadhansan karay, waxay u muuqataa in sidoo kale ay ciribta ku dhufteen wixii heshiis ah ee Soomaalidu la gashay dowladaha kale ee caalamka, marka laga reebo kuwo yar yar oo aan nafac badani ku jirin. Hadda & wixii ka dambeeyana siyaasadda Soomaaliya laga hagi doono gudaha Washington sida waddamo badan oo caalamka ka mid ah.

3. Su’aasha kale ee aan is-weydiiyay waxay aheyd, aragnay sida Mareykanku wax u doonayo laakiin mala filan karaa caqabadaha soo wajaha qorshahan hadda socda?

Sida aynu ka warqabno tan & burburkii soomaaliya dadka soomaaliyeed waxay noqdeen kuwo qaab qabiil u kala xirxiran kuwaas oo kala dagay gobolo kala duwan. Waxaana meelaha qaar ka dhismay maamulo ay beelaha goboladaa isku urursaday ku heshiiyeen in ay isku xukumaan. Meelahaa waxaa xitaa ku jira magaalada Muqdisho oo ah caasumaddii dalka sharciguna qeexayo in ay dadka u dhaxeyso, inkasta oo ay dowladdu daggan tahay haddana sida laga warqabo waxay ka mid noqotay magaalooyinka beelaha soomaaliyeed kala yeesheen.

Haddaba marka xamaasadda aqoonsigan ku saabsan dagto, doodaha ama caqabadaha ugu waaweyn waxay ka iman karaan arrimaha dastuurka federaalka iyo wax wada qeybsiga. Waana meeshaa meesha farta lagu wada fiiqayo inkastoo ay ku xiran tahay sida ay u maamusho dowladda Federaalka ee Soomaaliya. Dhinaca kale markaad eegto dowladaha deeqaha bixiya ee Mareykanku ugu horreeyo oo markoodii horeba dhaqaalaha ku bixiyay in dastuurkan la sameeyo ayaan marnaba aqbaleyn in waxii Soomaali ku heshiisay wax laga badalo, maadaama waxa la aqoonsadayba ay tahay wixii ay ku heshiiyeen.

Aqoonsigan wuxuu sidoo kale keeni karaa fur-fur ku yimaada maamulada qaar oo hammigii siyaasadeed ee ay lahaayeen aad mooddo in uu yara wiiqmay. Markaa waxaad mooddaa in siyaasadda Soomaaliya ayaa u muuqata in jiho cusub ay cagta saari doonto mustaqbalka dhow.

Awoodda keliya ee wax ka qaban karta haddii muranno noocan oo kale ah soo baxaan ayaa ah baarlamaanka Soomaaliya. Iyaguna uma muuqdaan dad u tabo-baran kala maareynta& ku dhaqanka arrimaha dastuurka. Laakiin waxaa lasoo sheegayaa in Mareykanku qorsheynayo dad aqoon u leh arrimaha dastuurka iyo sida loo ilaaliyo sharciga soomaaliya geyn doono.

Isku soo wada duub, waxaan hadda maqalnay oo keliya in Dowladda Mareykanku Soomaaliya aqoonsatay, dabcan dowlado badan oo caalamka ka tirsan wey ku xigi doonaan, laakiin waxaan marna la ogeyn qorshaha ugu weyn ee Mareykanku arrintan ka leeyahay iyo waxa ku hoos jira. Aynu aragno sida xaal noqdo waqtiyada soo socda….

Advertisements

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s