Shaqaalo dowladeed awood u yeeshay ku takrifalidda hantida Qaranka

Dowlad kastaa oo jirtaa waxa ay leedahay sharci u gaar ah oo ay ku maamusho dalkeeda iyo dadkeeda, sharciguna waa inuu qabtaa shaqsi kastaa oo dambi galaa ha ahaado shacab, madax, askari, xildhibaan, safiir, wasiir, biitooni(dhul xaaqe) iyo shaqaale kastaa oo dowladda u shaqeeya.


Shaqaalaha dowladdu waa kala heer heer, weyna kala darajo sareeyaan, mid walibana waxa uu qabtaa shaqooyin u gaar ah oo uu u hayo Qarankiisa, waxaana muhim ah in shaqaale kastaa lagu abaalmariyo haddii uu qabto wax wanaag ah oo uu kor ugu qaadayo sumcadda dalkiisa, sidoo kale haddii uu qalad ama dembi Qaran galo waa in sharcigu qabtaa oo lagu qaadaa ciqaabta heerka dambiyeed ee uu galay.

Sida aynu ogsoon nahay Safiirradu waxa ay ka mid yihiin shaqaalaha dowladda, dal kasta oo ay safiir ka yihiinna waxa ay ku metelaan Qarankooda, waxayna ku howl galaan oo ay ku shaqeeyaan awaamiirta dowladdooda, taasoo ay jirto ayaa waxaa haddana muddooyinkan dambe soo ifbaxay in qaar ka mid ah safiirradii dowladda Soomaaliya u fadhiyay dalalka caalamka ay yeeshaan awood u gaar ah iyagoo aan ka amar qaadan wasaaradda arrimaha dibadda ee howshooda qaabilsan.

Waxaa dhacday in safiirro Soomaaliyeed ay awood u yeesheen ku takrifalidda hantida Qaranka iyagoo aan dowladdooda wax amar ah uga heysan amaba latashi la samaynin, sida in safiir uu si iskiis ah u kireysto dhismaha iyo xafiisyadii Safaaraddii uu magaca Soomaaliya ku matalayay, weliba waxaa layaab sii ah in safiirradaas qaarkood ay ku doodaan inay arrintaas ku saxsan yihiin….. “Lacagaha kirada laga helo waxaan ku dayactireynaa dhismaha safaaradda”ayaa laga hayaa qaar ka mid ka mid ah safiirrada kireystay safaaradaha Soomaaliya, iyadoo qarashaadka ay ku kireeyeen aysan dowladdoodu la ogayn amaba ka war heynin, ayna markaasi noqoneyso hanti dowladeed si marmarsiyo ah loo dhacay una gashay jeebabka shaqsiyaad safiirro ah, ileyn ma jiro heshiis dowladdu saxiixday ama wax ka ogtahaye, kaliya waa awood ay si gaar ah isu siiyeen safiirro shaqaale dowladeed ah.

Sidoo kale waxaa jira dhismayaal safaarado iyo dhisayaal kale oo ay leedahay dowladda Soomaaliya oo aan ilaa iyo hadda gacanta dowladda ku jirin oo safiiro Soomaaliyeed ay ka kireysteen ama ay ka iibiyeen hay’ado, ganacsato iyo shaqsiyaad caadi ah, waxaa kale oo jira safaarado ay dhex degan yihiin qoysasaka safiirrada kuwaasoo hantidii qaranka u isticmaala sida inay iyagu leeyihiin oo kale.

Haddaba dowladda Soomaaliya waxaa la gudboon la xisaabtan gaar ah in ay ku samayso safiiradaha aan dhicin ee aan la beddelin, hantida qaranka iyo qarashaadka soo gala safaaradahana iyaga u isticmaala hanti u gaar ah, iyagoo weliba ku dooda “Dowladdu wax mushaar ah nama siiso inagaa si kasta oo aan wax ku heli karno ka samaysanayna safaaradaha aan ka talinno”.

Waxaa kale oo la ogsoon yahay in safaaradaha qaar ay qabtaan howlo dhaqaalo uu ku soo galo sida iyagoo bixiya Baasaboorro, warqado dal ku gal ah, kuwo dal ku joogid ah iyo arrimo fara badan oo ay dhaqaalo ku kasbadaan, mana uu jiro la xisaabtan dhab ah oo wasaaradda arrimaha dibaddu ay la samayso safiiradaas takrifalidda samaynaya.

Dhawaan ayay ahayd markii Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Soomaaliya ay xildhibaannada Baarlamaanku wax ka weydiiyeen safaaradaha lagu takri-falay ee safiiradu ay iska kireysteen amar dowlo la’aan, waxayna ku doodday oo ay isku difaacday wasiiraddu in markii la kireynayay safaaradahaas ay ka horreysay xilligii magacaabisteeda, hase ahaatee aysan sidaasi uga hari doonin oo ay baaritaan ku samaynayso iyadoo xustay in ay Guddi gaar ah ay u saartay arrintaas.

Haddaba eeddu kuma koobna safiirado kireystay safaarado ee sidoo kale waxaa jira safiirro aan waxqabad muuqda lahayn, kuwaasoo weliba is laheysiiyey howsha safiirnimo uguna shaqeysta si shaqsi ah ee aan si Qaran ugu shaqeynin, iyadoo qaar ka mid ah safiiradahaas ay ku dhex milmeen ganacsatada iyo maalqabeennada Soomaalida ee dalalka ay safiirrada ka yihiin, kuwaasoo awooddooda safiirnimo uga qaata dhaqaale iyagoo kula gorgortama in wax kasta oo ay safaaradda uga soo baahdaan ama isku xirka madaxda dalka ay ku ganacsadaan u fududeynayaan, marka waxaa loo baahan yahay in kuwaasi ay dowladdu il gaar ah iyaguna ku eegto.

Su’aalaha jawaabaha u baahani waxa ay yihiin: Safiiradu shaqaale dowladeed ma aha miyaa…? Sharciga dalka u degsan iyagu ma qabto miyaa…? Mar haddii ay ka howlgalaan meel dalka ka baxsan wey ka madax bannaan yihiin miyaa dowladda iyo sharciyada dalka oo shaqaalaha iyo shaqsiyaadka gudaha dalka ku sugan kaliya ayuu sharcigu qabtaa miyaa macnuhu….? Jawaabaha su’aalahani waa kuwo u yaala dowladda Soomaaliya ee uu madaxweynaha u yahay Prof. Xasan Sheekh Maxamuud.

—————————-

 Dhismaha Safaaradda Talyaaniga Ee Soomaaliya Ma Nuur Cadde Ayaa Iskaleh Mise Qaranka?

ALLE ayaa mahad leh, Nabad galyo iyo naxariis korkiisa ha ahaayto Nabigeenii suubanaa Muxamed (SCW). Dhamaan umad Soomaaliyeed ee walaalahaay ah waxaan ku salaamayaa salaanta islaamka Assalamualaikum Wr  Wb.   Wayahaanba qoraalo ma soo daabicin mana waayin wax aan qoro ee wakhtigaa ii saamixi waayey. Ma jeceyli in aan ku mashquulo shaqsi iyo kooxo midna balse waxaan jeceylahay in aan shacabka Soomaaliyeed mar kasta xaqiiqda u soo ban dhigo ugana digo wax kasta oo SHARAFTOODA IYO JIRITAANKOODA WAX U DHIMAYA.

Maanta qoraalkaaygu waxuu ku wajahan yahay qoraalo iyaamahaan saxaafada calamka iyo tan soomaaliduba isla dhex marayeen oo ku saabsan Safaarada aay Soomaaliya ku leedahay dalka Talyaaniga gaar ahaayna magaalada Roma. Safaarada Soomaaliya aay ku leedahay dalka Talyaaniga waxaay ka mid tahay Hantida dad waaynaha Soomaaliyeed oo dowladiihii dalkeena ka jiray  intaan burburku dhicin aay qaranka dalka u iibiyeen.Hadaba burburkii ka dib waxaaa durbadiiba bilaawday bililiqo baahsan , dhac, nin waxuusan lahaayn sheeganaya iyo iibsashada hantida dad waaynaha soomaaliyeed. Qof kasta waxuu rabaa in uu maalin ku taajiro, qof kasta waxuu rabaa in uu tittle (Dr, Professor, Sheikh IWM) been ah oo uusan lahaayn sheegto.

Iyaamahaan waxaa soo baxay warar lagu kalsoon yahay oo sheegaya in Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Talyaaniga Nuur Xassan Hussen (Nuur Cade) uu dhismaha safaarada Soomaaliya ee dalka Talyaaniga  shirkad ajaanib ah 18-sano ka kiraaystey. Nuur Cade waxuu safaarada ku kiraaystey lacag dhan $10,000 (toban –kun) iyada oo sagaalka danbana bishii lagu heshiiyay in Shirkadu bixiyaan $15,000 ( shan iyo toban –kun). Waxaa kale oo wararku intaa ku darayaan in Nuur Cade iyo Shirkadu heshiis ku galeen in 9-ka sano ee hore ay bixiso shirkadu $1080, 000 (melyaniyo sideetan kun oo doolar) iyada oo 9-ka sano oo danbana bixinaya $1,620,000 (melayan iyo lix boqol iyo labaatan kun oo doolar).

Si arintaa loo xaqiijiyo  mid ka mid ah wariyayaasha Roma uga soo warama TV-ga Universal oo lagu magacaabo Moxamed Roberto ayaa waraaysi uu la yeeshay Nuur Cade waxuu wax ka waaydiiyeey arintaan ku saabsan safaarada in la kiraaystey. Jawaabtii nuur Cade ayaa u dhacday sidatan: Halkaan ka daawo waraaysigii oo video ah.

Nuur Cade  wallow uu hadalka si kale u dhigay waxuu waraaysigiisa ku cadaaynayaa in uu safaaradii Soomaaliya ku lahaayd Talyaaniga kiraaystey, kana kiraaystey shirkad ajaanib ah. Mar Su, aal laga waaydiiyeey in Dowladu ka war haayso arintaan waxuu ku jawaabey aniga ayaa meeshaan safiir ka ah .Waxaay taasi kuu cadaaynaysaa in isagu sidoo doono u maamushay safaaradii soomaaliya aayna la wareegtey shirkad ajaanib ah walibana aan ka haaysan Dowlada iyo Baarlamka qaranka midna wax ogolaansho ah.

Ma aha markii u horeeysey oo rag sheegta masuul aay iibsadeen ama iska maamushaan Hanti ka dhaxaaysa Umada Soomaaliyeed. Shalay bay ahaayd markii Nuur Cade iyo contact Group wada saxiixdeen heshiiskii bada ee loogu magac daray burcad badeed la dagaalanka halkaas oo ciidamo badan oo aduunka ka kala socdaa aay si sharci daro ah ku galeen Biyaha dalka Soomaaliya.

Shaqsiyaaad kale oo anaan hada meeshaan uga hadlaan ayaa iyana bada Soomaaliya in sun lagu shubo u saxiixay shirkado ajaanib leeyahay. Kuwa kalana  waxaayba isku dayeen in aay bada qaayb ka mid ah ka iibiyaan wadamada dariska aan la nahay mid ka mid ah.Hadaba aqristoow inagoo wada ogsoon in Hantidii qaranka Soomaaliyeed meel kasta la beecinayo, qaarna horay loo beec geeyey oo shaqsiyaad Soomaali sheeganaya iibsadeen, marna ma is waaydiisey goorta Soomaaliya oo dhan la iibinayo? Waayo hadii badii la iibiyo, birigii waxiii yaalayna la iibiyo, dibadii hantidii aan ku lahaayna la iibiyo, maxaa soo haraya oo la sugayaa?

Mida labaad shaqsi ma matalaa qaran? Shaqsi Hantida dad waaynaha go,aan ma ka gaari karaa in uu gado ama kireeyo? Waa maya jawaabtu sidaan filayo.

Safaarada Soomaaliya ee dalka talyaaniga ku taal waxaay waayadaan danbe u ahaayd hooy qaxoonti soomaaliyeed oo gaaraya ilaa 200-oo qof kuwaas oo dalka talyaanugu u diidey sharci. Nuur Cade 4- sano ayuu safaarada gees kaga shaqaaysanayeey, dhinaciisa waxuu ka dhigtay mutuleel, kursi leader ahna wuu soo dhigtay oo uu isku war wareejiyo sidii Nin boqor ah. Dhinaca kale ee qaxoontiga Soomaalidu kaga sugnaayeen Safaarada waxaa ka muuqdey dayac baahsan oo qof indhihiisa ku arka mooyaane  aan qoraal lagu sharixi Karin. Musqul ma lahaayn, biyo malahaayn, koronto ma lahaayn. Dadku waxaay wax ku karsanayeen gasacado ama koonbooyin sida dadka qaar u yaqanaan. Cajiib Safiir dhan oo safaarad noocaan oo kale dhinac kaga nool, dadkii uu masuulka ka ahaayna noloshaan kaga nool yihiin guriga uu ka haawl galo dhiniciisa kale. Xataa ma awoodi waayey in uu shoolad ama cooker aay wax ku karsadaan u gado?Halkaan ka fiirso Film document ah oo Safaarada Soomaaliya ee Dalka Talyaaniga uu ka sameeyey Nin U dhashey dalkaasi Talyaaniga 2012..

Maadama banaanka looga saaray safaaradoodii haatan waxaay qaxoontigii soomaaliyeed seexdaan Darbiyada Roma iyagoo halkaas la ildaran cuduro, Gaajo, dhaxan iyo dhibaatooyin aan marnaba halkaan lagu soo koobi Karin.  Awalba wax badan safaarada gudaheeyda kuma aaysan haaysan oo dhibaatooyin badan baa dadkaas haaystey balse maanta waxaa intaays u dheer meel aay xataa dhaxanta kaga gabadaan ma haaystaan.
Gunaanad iyo gabogabo

Waxaan qoraalkaan ku soo gabagabaynayaa talo ku socota Dowlada iyo Baarlamaanka soomaaliya, mid ku socota muwaadiniinta Soomaaliyeed, Mid ku socota aqoon yahanada Soomaaliyeed iyo mid ku socota Saxaafada Soomaaliyeed.
Dowlada iyo Baarlamaanka

Dowlada iyo Baarlamaanka Soomaaliyeed waxaan ka codsanayaa in aay wax ka qabtaan shaqsiyaadka hantida dalka iibsanaya ama danaha gaarka u ah ku foshanaya walibana istic maalaya magaca Dowlada. Mida kale Dowladu waa in aaysan qof aan masuul ahaayn meelna u magacaabin.Waxaan si gaar ah uga codsanayaa Baarlamaanka Soomaaliya in aay arinkaan fiiro gaar ah u yeeshan, xeerka Soomaaliya u yaalna lagu soo daro sharci xakamadaaynaya arimahaan oo kale hadii uusan horay u jirin hadii uu jirana lagu qaado shaqsi kasta oo Hanti Dad waayne lunsaday ama ku tala jira in uu lunsado.

Aqoonyahanada iyo saxaafada Soomaaliyeed

Aqoon yahanada iyo Saxaafada Soomaaliyeed meel kasta oo aay joogaan waxaan ugu baaqayaa in aaysan arintaan ka aamusin ee qof kasta intii tabartiisa ah ama qalin ha noqoto ama af ha noqotee kaga qaayb qooto. Dadka Soomaaliyeed waa dad intooda badan aan aqoon lahaayn wax kastana waxaa kala weeyn qabiilka. Waxaa loo baahan yahay in shirkadaan ajaanibka ah ee Safaaradeena kiraaystey cashar loo dhigo si aan loogu arag Hantida Soomaaliyeed mid baaylaha oo aan cidna lahaayn cidii doontana arimahooda ku foshan karaan. Mid labaad hadii aan arintaan oo kale wax laga qaban waxaa imaanaysa in Nin kastaa sameeyo wixii la gudboon isagoo magaca Soomaaliyeed ku qaraabanaya.

Waxaa dhici karta qaar badan oo idin ka mid ah in aaysan u arag arintaan mid culus balse xaqiiqdu waa arintaan waa very serious issue in shaqsi Dowlada u shaqeeya oo loo idmaday in uu matalo, caawiyo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalkaas ku dhaqan uu shirkad ka kiraaysto Safaaradii dhamaayd ee ahaayd astaanta qaranka Soomaaliyeed. Ka dibna banaanka iyo dhaxanta dhigo muwaadiniintii Soomaaliyeed ee iyagu halkaas awalba ku ildarnaa.
Shacabka Soomaaliyeed

Shacabka waxaan leeyahay Idin kaa ah dadkii lahaa dalkaan, hadii aad ka dhamaan waaydaan shaqsi taageer iyo Hebel baa dad ii xiga waxaad ogaataan Soomaaliyada dhan ee aad isku haaysataan  in aan dib loo arki doonin , loona maqli doonin. Maanta meel kasta hooyo iyo ilma Soomaaliyeed baa ku ildaran. Kuwa qurbaha u soo qaxay waxba kuma noola oo waa kuwaas aad arkaysaan, kuwa dalka ku noolna waxba kuma noola. Ilaahay ma halaago umad aan iyagu is halaagin. Waxaan idin leeyahay intaa sacabka Nin danaayste ah u garaacaysaan hora mar gaari maaysaan ee  Ilaahay dartiis isku raaca oo dal qurux badan baa Alle idin siiyee ku imaansada, shaqsiyaadka sharaftiina gadanayana ha u durbaan tumina ee meel uga soo wada jeedsada saas baad sharaf ku yeelanaysaane.

Waxaan qoraalkayga ku dhaafayaa maansadaan hoos ku xusan oo aan anigu iska leeyahay.

Dal Burburay dadkiisiina nacay dociba meel aadey
OO kala dabaashayday ayaan doon is leeyahaye
Diric iyo nin doorkii lalaah daacada ahaaye
Danaaystiye danbiilaa u haray dagaladeeniiye
Dabbaal baa u kacay iyo midaan diir naxa lahaayne
Dacalada aduunyada waxaa daadsan dumarkiiye
Darxumaa ku haaysoo daryeel maba dareemaane
Da,da soo kaxaysana runtii dilaalya helaye
Daal baa ka muuqdiyo rafaad diifa aan harine
Dadkayguna damiir dheer ma-loo waa damanayaale
Kuwa noo dinaah yaaynayoo duubka sare qaatay
Hadaa yaraha daaymooto oo xaalka dib u eegto
Waa wada damiir laawe iyo daasadaa marane
Ha la iga raali ahaaydo hadii aan wax khalday malaaigta uun baan khaldamin.

Advertisements

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s