Madaxweyne Xasan Sheekh oo Dalbaday In La Joojiyo Lacag Shilin Soomaali ah oo Lagu Daabacay Suudaan

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib markii uu booqasho ku tagay wadanka Suudaan ayaa sheegay inuu booqday xarunta warshad lacagta sameysa taasoo hadda daabacaysa lacag cusub oo Shilin Soomaali ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in baahida lacageed ee Soomaaliya ka jirta ay ka horeyso arimo badan sida in dalka la xasiliyo isla markaana la diyaariyo habkii lacagaha loo maareyn lahaa, wuxuuna cadeeyay inuu codsaday in lacagta cusub ee hadda lagu daabacay wadanka Suudaan dib loogu dhigo oo aan hadda dalka la keenin.

Halkaan ka Akhri Waa sababaha keenay in Sudaan ee joojiso lacagahii la daabacay ee Dawladda Somaaliya  

Halkaan ka Akhri Sheikh Xasan Sheek Aadan oo Dayn lagu yeeshay (War-Bixin) 

Kulamada wafdiga madaxweynaha

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in sidoo kale uu kulamo la qaatay madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan al Bashiir iyo masuuliyiin dawlada qeybaheeda kala duwan ah ayna ka wada hadleen xiriirka labada dawladood iyadoo dawlada Suudaan ay ballanqaaday tababarida ciidamada booliska Soomaaliya taasoo dawlada federaalka Soomaaliya ay codsatay.

Wafdiga madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa ka mid ahaa wasiirka arrimaha gudaha C/kariin Xuseen Guuleed, Wasiirka maaliyada Maxamuud Xasan Suleymaan iyo taliyaha nabadsugida Axmed Macalin Fiqi.

Wafdiga madaxweynaha Soomaaliya ayaa dalka Suudaan kaga qeybgalay munaasabada 57-guurada ka soo wareegatay madax bannaanidii wadankaasi.

Advertisements

1 Comment

  1. Lacag sarifaad leh oo dalka Soomaaliya loo soo wado dhawaan (War rasmi ah)
    Sida uu shaaciyay Wasiirka maaliyadda iyo qorshaynta xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamuud Xasan Saleebaan waxaa dhawaan dalka Soomaaliya la geynayaa lacag shillin Soomaali ka baddalan midda haatan laga isticmaalo Soomaaliya.
    Wasiirku wuxuu sheegay in lacagtaas daabacaaddeedu ay ka socotay in muddo ah magaalada Khartum ee caasimaadda dalka Suudaan, isagoo xusay in daabacaadda lacagta shilinka Soomaaliga ah la billaabay sanadkii hore, ayna haatan mareyso meel gabogabo ah.
    Wuxuu wasiirku sheegay inuu booqday warshadda lagu daabacayo lacagtaas, wuxuuna rajo ka muujiyay inay halkaas ka soo bixi karto lacag tayo leh oo aan la been abuuri karin, sida uu yiri.
    Waxa kale oo uu intaas raaciyay inay adag tahay sameynta lacag aan la been-abuuri karin, wayna adag tahay buu yiri si lacagahaas loo been abuuro, wuxuuna wasiirku shaaciyay in lacagta cusub ay isugu jirto 1000, 2000, 5000, 10,000, 20,000 iyo 50,000 shillin Soomaali, wuxuuna xusay in baarlamaanka laga ansixin doono isticmaalka lacagtaas cusub, isagoo sheegay in loo baahan yahay diyaarinta qaabkii lagu howlgelin lahaa.
    “In lacagtii hore la baddalo, oo tan cusub ay suuqa gasho waxay u baahan tahay in waxyaabo badan loo diyaariyo,” ayuu yiri wasiirka oo tibaaxay in kol dhow lacagahaasi cusub dalka la soo gelin doono, qaabka loo isticmaalayana ay dowladdu dejinayso.
    Wasiirka maaliyadda dowladda Soomaaliya ayaa waxa uu ka mid ahaa xubnaha wafdiga madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ee booqday dalka Suudaan, wuxuuna shaaciyay in Soomaaliya ay heshiiska daabacaadda lacagtaas la saxiixatay dowladda Suudaan horraantii sanadkii 2012, iyagana heshiiskaas ay sii xoojiyeen sida uu yiri.


Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s