SHARCI DARRO SHARCI MA NOQDAA?!!! .

 

Dunida waa maya, Somaliyase waa haa!!Mar haddii Soomalidu ay noqotey mid waxeeda oo dhan ay sharci darro ku dhisan yihiin, keli waxa la sugaayo waa wax aan sharci ahayn inay soo baxaan. Runtii waxii baadil lagu saleeyaa, baadil ayay u dhamaadaan, hal xaaraan ahni xalaal ma dhasho, waxaa maalmahaan dood iyo muran dhaliyey sharci darro sharci laga dhigaayo.
Waxaa dharci darro ahaa, sidii loo soo dhisey maamulladii Somaliya debedda looga soo jacburinjirey , laga soo billaabo, maamulkii Cabdi Qaasin , oo la yiri sharci ma ahee waa xal habkii loo soo dhisey, tii ayaa sii buuratey, oo isu rogtey 4.5 , heer qof somaliyeed lagu qiimeeyo inuu yahay Nus , oo uusan gaari Karin qof kaamil ah, waa laga aamusey sidii kii horey .
Ayada oo la doonaayey in un la helo wax weji aadameed u eg, hase yeeshee , waxaa sii socdey sharci darradii, waxaa la keeney wax loogu magac darey Road Map, oo lagu soo abaabuley Garowe, loona bixiyey Garoowe 1 &2..ka dibna lagu soo mara saarey Kampala iyo Nairobi iyo Addis.Ma xuma , waa laga socdey waxaa soo baxay wax la yiri, Odey dhaqameedyadii umadda ha loo noqdo , oo dalkaani ha laga saaro dhibaatada, kuwaasi oo ayagana laga tillaabsadey kuwii saxa ahaa, oo ay noqotey kuwa gacmo ku bacrin ah, ayaa halkaasi leysku soo aruuriyey, inkastoo ay ku faraxsanaayeen, haddana ayagii ayaaba la afduubey, oo la yiri waxaa jiro wax la yiraahdo guddi ansixin , iyo guddi farsamo.Leysma weydiin , ansixinta dastuurka oo loo soo saarey xubanhii odeydhaqameed lagu camaamud saarey oo tira ahaa gaarey 825 xubin, waxaa afka u dhigtey guddiga ansixinta iyo guddiga farsamada.Waxayna wax kusoo saarayaan qaanuunkii qushaanqushaka ahaa ee qof ilaahay kaamil ka dhigey nuseeyey, hase yeeshee guddiga ansixinta qaanuunkaasi laguma saleynin, saa oo kale guddiga farsamada.Guddiga ansixinta ayaaba roonaa, waayo dhowr beelood ayuu ahaa, inkastoo uusan ku saleysneyn 4.5, haddana waxuu ahaa mid ku saleysan keli gobolalda dhaxe, taasi oo ah ayaga keli inay Somali yihiin, inta kalese aysan Soomaali ahayn , oo aysanba dhameen .5kii la sheegeyba.
Waxaa kasii darey guddiga farsamada oo ana ahayn dhowr gobol, amase dhowr beelood, ee noqday hal beel, kuwaasi oo keli la qof ka amasr qaadanaayo, kaasi oo asagana ka amar qaadanayo qof keli.Saa darteed waxaa nasiib darro ah, ayada oo ilaa maanta aysan muuqan in yer oo cadaalad ah, keli lagu socdo god mugdi ah, kaasi oo qaar badani oo qalbi cama qaba ay ku hadaaqayaan inuu yahay jidka saxda ah, oo ay gaareen inay qof walbo oo runta sheega ay dimbi u saariyaan amase ayba ka taqalusaan si tooda ay u meel marto, waana nasiib darro dalkii iyo dadkii woda haaysto.
Mar haddii aan cadaalad la tiigsaneynin oo ay sidaani kus socoto waxaa hubaal ah in dagaal sokeeye, dib loogu laabandoono, kaasi oo gubidoono inta yer ee dhiman , kuwa debkaasi wodana waxay naftooda been oogu sheegeen inaysan ayagu gubaneynin, hase yeeshee dabkaani haddii uu dib u kaco ma noqondoono mid ku koobnaada gobooalda koonfureed, waxuuna ku faafidoonaa gobollada dhaxe, ilaa xuduudyada dowladaha jaarka ah.Oogu danbeentii waxaa halkaani ka cad, in sharci darro la doonaayo in sharci laga dhigo, taasi oo aan suurta gelidoonin, waxayse ku habboontahay in lagu wodo jacburkeeda, ilaa laga helaayo wax toosan oo leysku afgarto.
Dastuur habeen u baahan, odeydhaqameed saxid iyo tix gelin u baahan, guddiga ansaxinta oo toosin u baahan iyo dhameystirka 4.5ka, guddiga farsamada oo dib u sameen u baahan, maamul goboleedyada oo toosin u baahan iyo habeen, waa haddii la doonaayo in al helo dowlad federal ah, haddiisa aan la dooneynin, madaxweynaha Puntland, oo marna ku handidaayo inuu goosandoono, marna tuhmaayo sheikh shariif, marna guddi farsamo daalim ah oo beeshiisa keli ka dhisan , waa inuu faraha kala baxa waxa ka socodo Somaliya, oo asaga magaceeda marna ku qaraabanaayo marna sheeganaayo inuu yahay dowlad ka baxsan.Waxaa qalad kale ah , gefkii guddiga farsamada in loo ansaxiyo oo la yiraahdo maxkamad ayaa caddeyneysa arrinta soo celinta rag xildhibaannimo ay beelahooda usoo doorteen.Guddigaasi ma ahan guddi markiisii horeyba sharci ku dhisnaa, maxkamaddana maanta ma ahan mid sharci ku dhisan, codsiga sheekh shariif iyo diidmada cabdi wali , iyo duqeenta Faroole, iyo hiinqaadka maxkamaddaba ma ahan wax sharci ku dhisan.
Raggaani waxaa soo doortey odeydhaqameedyadii gacan ku bacrinta ahaa, ee haddii kuwii kale loo oggolaadey kuwaanna waa in la oggolaadaa, haddiise aysan ahayn qof walbow waxaad isu diyaarisaa sidii aad gurigaaga u gubi lahayd, ee ma ahan sidii loo gubi lahaa.Oogu dambeentii waxay aragtidu tahay in faragelintii odeydhaqameedyada, ay ka sheeganaayeen , kuwii horseedka ka ahaa ,ayaa maanta ka cabanaaya, taasi oo ah, tuugadii wax xadiid ku heshiiyey oo qeybsashadii ku dagaallamey oo lagu ogaadey.Shrci darro Soomaaliyey sharci ma noqoto, geel xaraan ahina xalaal ma dhalo, gefkii horey u dhacay , haddii uu noqonwaayo miro darey duuduub ayaa lagu liqaa, waxay noqoneysaa, hashii misaarta lagu shalwiyey.Ee hashaani noo gawraca, wax idin dhiman ma jirtee , giddiba aan woda caano beelnee.Sharci darro sharci ma noqdee!!!!!

Advertisements

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s