Madaxweyne Xasan Sheekh oo Fadeexad Siyaasad dhexda ka galay iyo Xaaska Ra’iisal Wasaaraha iyo oo si weyn ugu dhexmilantay siyaasadda xukuumadda & magacaabista xilalka

Madaxweyne Xassan Sheekh oo u soo jeediyey wasiiradda arrimaha dibedda in ay faraha kala baxdo arrinta ku saabsan kireynta dhismaha safaaradda Soomaalid. Madaxweynaha dowladda federaalka ayaa kala hadlay wasiiradda arrimaha dibedda xukuumadda federaalka in ay faraha kala baxdo .Wasiiradda ayaa la filayaa in todobaadka soo socda horraantiisa ay socdaal ku tagto. Waddanka Talyaaniga, waxaana la filayaa in ay halkaas kula kulanto dhigeeda wasiirka arrimaha dibedda Jullio Terzi, iyadoo warar hoose sheegayaan in ay dooneysay in ay booqato dhismaha safaaradda la kireeyey,

Wasiiraddu socdaalkeedu wuxuu baaqday todobaadkii hore, sababta baaqashadeena waxaa lala xiriirinayaa inuu ka dambeeyey Nuur Cadde, wasiiradu waxey dooneysaa in soo booqato dhismaha safaaradda. Garyaqaanka Safaaradda Soomaaliya Roma, Cali Xaayow oo loo yaqaano Cali marduuf ayaa Muqdisho marar badan isaga daba laabtay isagoo fariin ka sida Danjire Nuur Cadde. Garyqaanka iyo Safiir Nuur Cadde ayaa ku guuleystay inay ka dhaadhiciyaan Madaxweyne Xasan Sheekh inuu aqbalo kireynta Safaaradda Soomaaliya ee dalka Talyaaniga.

 Halkaan ka Akhri Safiir Nuur Cadde 

Warar hoose ayaa sheegaya in Nuur Cadde iyo Cali Marduuf sidoo kale ku mashquulsan yihiin kireynta dhismo kale oo Dowladda Soomaaliya leedahay kaas oo ku yaala Magaalada Roma. Madaxweyne Xasan Sheekh oo lagu tilmaamo inuu yahay aqoonyahan balse talo ahaan aad u liita marka la eego go’aan qaadashada ayaa hadda mar kale ku sifooway inuu shaqsiyaad garab ku siiyo kireynta dhismayaasha qaranka.

Halkaan Ka Akhri safaaradda-Soomaaliya eeTalyaaniga 

Dhinaca kale Marwada R/wasaaraha oo si weyn ugu dhexmilantay siyaasadda xukuumadda & magacaabista xilalka “Caasho waxaa lagu tilmaami karaa in ay tahay R/wasaaraha qarsoon, sababtuna waxey tahay marka waxaan soo jeedinayaa in qof kasta oo mas’uul ah loo madax-baneeyo inuu si hufan oo daacadnimo leh u guto shaqada Qaranka, haddii howshii Qaranka lagu dabaqo musuq-maasuq & nin tooxsi Saacid wuxuu mari doonaa jidkii ay horay u mareen kuwii isaga ka horreeyey”

Wararka ayaa sheegaya in Xaaska Ra’iisal Wasaaraha inta badan kulamo la yeelato xubno xil doon ah sida Safiiro iyo Saraakiil, kulamadaas ayaa waxay ka dhacayan guriga Ra’iisal Wasaaraha. Caasho Xaaji waxay ka tirsan tahay Baarlamaanka Soomaaliya laakiin hadda waxaa looga yeera Maamada oo ah Erey inta badan Madaxda dalka Xaasaskooda loogu yeero.

Sidoo kale Wasiirada Dowladda ayaa xad iyo jeer la kulma Xaaska Ra’iisal Wasaaraha taas oo looga dan leeyahay in la muujiyo sida daacad looga yahay Ra’iisal Wasaare Saacid.

Soomaaliya waxey ku jirtaa Wadamada ugu Safaaradaha badan Aduunka, waxeyna ka Safiiro badantahay Dowlada Ruushka ama Sacuudiga waayo Madaxdii Dalka soo martay midwalba wuxuu Magacaabay Ragg uu ku kalsoonyahay.

Rajiimkii Maxamed Siyaad Barre Safiiradii uu Magacaabay waxaa ku darsoomay oo lagu kordhiyay kuwo uu magacaabay Xukuumadii Manifesto oo u Madaxweynaha ka ahaa Cali Mahdi Maxamed .

Sidoo kale Cabdiqaasim Salaad ayaa wuxuu Magacaabay Safiiro kale, kuwii ugu tiradada badnaanah waxaa Magacaabay General Gabre iyo Col. Cabdullahi Yusuf, Sharif Sheikh Axmed ayaa asaguna 2009 ilaa 2012 wuxuu Magacaabay Magacowday Safiiro & Qunsulo oo uu Asagu ku kalsoonyahay

Safiirada Tiradoodu waxaa lagu sheegay 160 Safiir oo midwalba Soomaali wakiil ka yahay, sidaa xogogaal u tihiinba markii la iska dulgeeyay Safiiradaas waatey is-Dagaaleen oo qaarkood Gacanta iskula tageen.



Dhamaantood Safiiradaas waxey ku yimaadeen Qaab Beeleed, qaab 4.5 iyo qaar Doollar ku iibsaday Safiirnimada. Midwalba Dowlada uu martida u ahaa ayuu Gacanta hoorsadaa, waxey qaarkood ku howlanyihiin iney Viisooyin codsadaan kadibnah Tahriibayaalka Soomaalida ka gataan, qaarkood iney codsadaan Deeq Waxbarasho oo ay Ardada Soomaaliyeed ka iibsadaan, qaarkoodnah waxey iibsadaan Baasaboorada Soomaaliga ah siiba kuwa Gaduudan oo Diplomaasiyiinta qaadato.


Info-Box:

Bishii Mai ee Sandkii lasoo dhaafay ayaa Dowladda Zambia shaaca ka qaaday in Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay dalka Zambia ay irdaha ay isugu dhufatay Sababo ay ku sheegtay is qab qabsi ka dhex dhashay Safiirkii hore iyo Safiir cusub oo dowladda KMG ah ay soo magacowday.

Afhayeen u hadlay Booliska dalka Zambia ayaa sheegay in dowladda dalkaasi ay amar ku bixisay Jimcihii lasoo dhaafay in Safaaradda la xero si KMG ah maadaama uu muranka sii xoogeysanayo , waxana haatan Dacwadda la xiriirta Arrintan ay Gacanta ugu jirtaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Zambia….


Fadeexadaha ay faraha la galeen waxaa laga tilmaami karaa: Safiirka horey u joogi jiray Liibiya, hadanah ku sugan Safaarada Soomaaliya ee Tanzaania, ninkaas waxaa laga qoray Warbixino farabadan iyo Ashtakooyin ay soo jeediyeen Dhalinyarada Soomaaliyeed oo Tahriibka ah.

Waxaa lagu eedeeyay inuu Dhalinyarada Xabsiyada Tanzania ku xiran iibsado. Eedeyntaasinah waxaa dusha ka saaray Dhalinyarada Xabsiga Tanzania ku xiran iyo kuwii uu gatay.

Horin kale oo Safiiradaas kamid ahwaxey u adeegaan Beeshooda oo kaliyah waayo wuxuu leeyahay “Anigu waxaan ku imid 4.5, Soomaali ima keenin ee Qabiilkega ayaa i keenay, Xafiiskaanah Anigaa Maamula”.


Tirada Safiirada iyo tayo-xumadooda ayaa wuxuu yiri “Hadii taladayadu wax tareyso, waxaan Dowlada Soomaaliya iyo Madaxdeeda ugu baaqi laheyn in dhamaantood la daadsho (Casilaad) oo Jaa’ifeyay Karaamada Umada Soomaaliyeed.”

“Bal fiiriya kuwa loosoo magacaabay Aljeeriya, Tuunisiya, Romaniya, Swiss (Geneva) iyo iyo iyo oo ku faana in ay Xooga Beeshooda ay Booska Safiirnimada ku fadhiyaan.” “Bal ka warama ma Spain, Denmark ama Finland baa Safaarad qaadi karta? Maxey ka qabaneysaa Wadamadaas Safaarad Soomaaliyeed? “

Waxey Wargeysyadu faafiyeen in loo yeeray Safiirada oo lagu amray inay Sadex Asbuuc gudahood Dalka kusoo galaan.

Waxaa la filayaa in tirada Danjirayaasha loo yareen lahaa, lana xaliyo qilaafyo badan oo ka taagan guryo ay laheyd dowladda Soomaaliya oo ay daganaan jireen safaaradaha qaarkood.

Hadaba Tilaabadaas ay qaaday Wasiirka Arimaha Dibada ee Dowlada Soomaaliya Foosiya Yuusuf Xaaji waa fursad u horseedi karta in la helo Safaarad iyo Safiir Dadka uu Masalo u adeega, mid heybada Qaranka Soomaaliyeed ee uu huwanyahay xanaaneya, mid soo celiya Sharafka Soomaaliyeed ee dhaawacantay, mid Aqoon, Xirfad, Waayo Aragnimo iyo Asluub u leh Howsha loo xilsaaray.

Advertisements

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s