Magaca “Soomaaliya” waxa uu u socdaa in uu Galo Qaamuuska Dunida

Dadka ku dhaqan Dalka Nigeria ayaa walaac kamuujiyey in xaalada dalkaas ay ku socoto wadadii dalka Soomaaliya kadib markii ay kusoo bateen wadankaas dagaalo iyo qalalaaso badan oo u dhexeeya ciidamada amaanka iyo kooxo islaamiyiin ah oo kasoo horjeeda dowlada wadankaas.

Xisbiga dimuqraadiga umada ee ka dhisan dalka Nijeria (PDB) ayaa warbaxin ay soo saareen waxa ay ku sheegeen in xaalada dalka ka jirta ay tahay mid ay suurta gal tahay in dalku uu galo dhibaato la mid ah midii uu soo maray dalka Soomaaliya, waxayna ku eedeeyeen madaxda Xisbigaas masuuliyiinta ugu sareysa dowlada Nigeria iney kaseexdeen wax ka qabashada dhibaatada baaxada leh ee kusoo fool leh dalkaasi oo ay sheegeen iney lamid tahay mida ka jirta wadankeena Soomaaliya.
Madaxa xisbiga dimuqraadiga umada  ee wadanka Nigeria oo lagu magacaabo Olisa Metuh oo wareysi siiyey Wargeyka  Nigerian News ee kasoo baxa dalkaas ayaa u sheegay in hadii aan si dhaqso ah wax looga qaban xaalada dalka Nigeria in dalkaasi uu qarka u saaranyahay dhibaatadii ka dhacday dalka Soomaaliya oo kale.

Soomaaliya ayaa noqotay in dadka dunidu ay usoo qaataan marka ay doonayaan iney sifeeyaan arin dhibaato badan waxaane tusaale u ah warkan kasoo baxay Nigeria waxaana Sidoo kale jira in war kasoo baxay Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobe iyo Jaamaca Carabta u qaabilsan xal u helida xaaladaha murugsan ee dalak Siiriya Lakhdar Ibarahimi uu ku sheegay in hadii aan si dhaqso ah xal looga gaarin dagaalada Siiriya uu wadankaasi la mid noqon doono kuna danbeyn doono xaalada wadanka Soomaaliya oo kale.

Waxaana hubaal ah in wax kasta oo xun ay bulshada caalamku tusaale ugu soo qaataan dalka Soomaaliya waxaana kamid ah waxyaabaha ay bulsho badan oo aduunyada ku dhaqan ay ka aaminsanyihiin Soomaalida iney yihiin Burcad badeed,  argagixiso, dalka aduunka ugu faqiirsan,  dalka ugu halista badan caalamka iyo qaranka guul dareystay.

Hadaba Sawirkaa qaldan ee laga aaminay  Soomaalida  ayaa waxaa shacbiga Soomaaliyeed iyo Madaxdoodaba la gudboon iney u tafaxaytaan sidii  ay  meesha uga saari lahaayeen arintaas xanuunka badan  aduunyadaneay  tusaan sawirka saxda ah ee Soomaalida.

Waxaa xaqiiq ah in Soomaaliya ay kasoo kabatay dhibaatadii qotada dheereed ee Dalkeena baday in loogu yeero magacyo uusan mudneen, waxaana maanta lawada qiray in Soomaaliya ay hayso wadadii soo celinta nabadii luntay,dib u dhiska dalkii burburay iyo soo celinta sharaftii umada Soomaaliyeed ee luntay 20 sano ee lasoo dhaafay.

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s