Maamulka iyo Maaraynta Dadka iyo Dacwada

xiddigWaxaa iga keenay oo igu kalifay in aan qoraalka hortiina ah la raaco qalinka qiso Quraanka ku jirta oo waxbadan qalbigayga fakar ku reebtay. Waxaan ka fakaray oo fiir fiiriyay faaiidooyinka faraha badan ee ku lifaaqsan qisadan. Haddana waxaan eegay oo aan la yaabay xukunka ku xeendhaaban, qaabka uu u xidhiidhsanyahay iyo qaabka loo kala dhigay. Mar kale ayaan isha la raacay oo waxaa ii soo baxay in ay u baahantahay buugaag badan in laga alifo oo laga buuxsho dadkana la baro luguna baraarujiyo. Cajiib waxaa ah, qofkii caaqil ah in uu la ciishoonayo cilmiga iyo casharka ka buuxa qisadan iyo sida aan caydha uga nahay. Qofkii akhriyaa qalbigiisa wuu ku qabowsanayaa qawlka Rabbigay (Subxaana Watacaalaa) macaankiisa, Manhajka iyo maamulka uu dadka Muslimiinta ah u meerinayo.

Qofkii ku tadaburaa wuxuu ogaanayaa tusaalaha iyo talada uu Rabbigay (Subxaana Watacaalaa) u tabinayo adoomadiisa in ay ku talaabsadaan si ay tubta fiican ugu toosaan. Waxaa hubaal ah haddii aan taabo galino in laga baxayo tiiha iyo taagdarada maanta aan la itaal darannahay. Waxaa la dhihi karaa sidoo kale, haddii aan ku dhaqano waxaa dhab ah in aan dhaafi karno dadka dunida ku nool mooraal ahaan iyo macno ahaan labadaba. Waxaan xaqiiqsaday xal iyo daawo kaamil ah in ay u noqon karto dalkeena iyo dadkeena oo dagaalku joogteestay. Sidaas daraadeed ayaan waxaan go’aansaday ra’yigayga gaaban oo aan wali gaamurin in aan ka soo guuriyo waxa ka guuxaya. Waxaan rajaynayaa in aad iga garwaaqsataan wixii gaabin ah oo ku yimaada gudaha maqaalkayga.

“Rabbow Garashada Haboon,
Rabbow Xigmadaha gudboon,
Rabbow guulaha adduun,
Rabbow gulufyada danbeeto iyo,
Jannatul Firwosa nagu gunnee” 

xiddig

Shacabkiisa ayuu isugu yeeray maalin maalmaha ka mid ah isaga oo raba in uu waydiiyo, waraystana xaaladahooda kala duwan ee ay ku waabariisteen, wuxuu ka war helay Shimbirkii Hud-Hud ahaa in uu ka maqanyahay dadwaynaha. Su’aal ayuu soo dhex dhigay shacab waynihii isagoo hubsanaya sababta uu u arki la’yahay Hud-Hud, ileen hubsiino hal baa la siistaaye “Maxaan u arki la’ahay Hud-Hud mise dadka maqan ayuu ka mid yahay” ayuu yiri Nabigii Alle Alayhi Salam. Madaxwaynuhu waa Nabi Sulayman. Shacabkuna waa Jinni, Insi, dabaylo iyo Shimbiro. Boqortooyadu waa tii adduunka ugu balaarneed. Balaarka boqortooyadiisa kama aysan mashquulin shacabka xuquuqdooda in uu siiyo. Waxaa waajib ku ah Madaxwaynaha in uu la socdo shacabkiisa isaga oo su’aalaya kooda maqan iyo kan jooga. Wuxuu hubsanayaa in ay badbaado qabaan dhamaantood, amnigoodana wuu sugayaa. Isla markiiba wuu gartay Hud-Hud in uu maqanyahay, wuxuuna go’aansaday sababta uu u maqanyahay iyo meesha uu ku maqanyahay in uu ogaado.

Nabi Sulayman wuxuu ka walwalayaa nimcada uu Rabbi ku manaystay in la waydiiyo haddii uu dayaco maalin aan maanta ahayn. Sidaas daraadeed ma uusan u dirin wasiiradiisa iyo shaqaalihiisa in ay u soo gudbiyaan xaalka shacabkiisa kan maqan iyo kan jooga, kan xanuunsan iyo kan caafimaadka qaba balse isaga ayaa nafsadiisa go’aansaday si uu waajibkiisa u guto. Arinka kale ee cajiibka ah ayaa wuxuu yahay sida Nabi Sulayman boqortooyadiisa intaas la’eg ay kalsoonida ugu hayeen. Waa Nabi, Waa Boqor, Waana Madaxwayne, intuba isagoo ah ayuu dhex mushaaxayay shacabkiisa isaga oo aan ilaalo gaar ah wadan, cid uu ka baqayayna aysan jirin. Waxa u keenay kalsoonidaas in uu kasbado cadaalada uu dhexdhigay shacabkiisa. Tollow! Cashar intee le’eg ayaan ka qaadan karnaa maamulkii Nabi Sulayman, calayhi salaam.

Hud-Hud hadalkiisa waa la maqli waayay. Waxaa cadaatay in uusan carriga joogin. Kol haddii ay sidaas tahay, Saddex siyaabood ayuu Nabi Sulayman kula dhaqmayaa Hud-Hud, Ileen, Idan la’aan axadkii iska taga waa in la edbiyaaye si uusan mar dambe u edeb daroon. Tan Koowaad waxaa u taala ciqaab xanuun badan oo loogu talagalay qofkii iska taga. Tan labaad waa dil u qalanta dambiga uu galay darajadiisa. Tan saddexaad waa in uu la yimaadaa xujo cad oo ka xijaabaysa wixii ciqaab ah. Tani waa xeerkii uu Nabi Sulayman u dejiyay xertiisa si uu ula xisaabtamo qofkii xilkasnimo laga waayo. Dambi walba darajo u dhiganta ayuu leeyahay. Mudo xoogaa ah markii uu maqnaa, Hud-Hud wuxuu la yimid xujo cad oo ka xijaabtay ciqaabtii lugu xukumi lahaa. “Waxaan soo koobay wax aadan soo koobin, waxaana kaaga hayaa war wayn magaalada la yiraahdo Saba, warkaasna waa war sugan”, ayuu u soo wariyay Nabi Sulayman. Hud-Hud hawada iskama galin ee hawl ayuu ku maqnaa. Kaalin wayn oo muuqata ayuu kaga jiray kooxdiisii. Dunida ayuu ku dawaafay si uu soo daawado cidda dacwada u baahan. Waxa uu ka caraysanyahay waxa uu soo arkay.

Hordhicii Warka ka dib, isaga oo fidsan ayuu guda galay Hud-Hud. “Waxaan arkay haweeneey wax walba loo hibeeyay oo haysata, waxaa kaloo u weheliya arinkaas sariir waasic ah oo wayn, Waxaan soo arkay iyada iyo dadkeeda oo u sujuudaya qoraxda Alle ka sokow, shaydaanbaa u qurxiyay camalkooda, wadadii toosneedna wuu ka sii jeediyay, mana aha kuwa hanuunaya, si aysan ugu sujuudin (ayuu u yeelayaa Shaydaan) Allaha bixiya wax walba oo ku qarsoon cirarka iyo dhulalka, kaasoo waliba og waxa aad qarinaysaan iyo kana aad muujinaysaan, Allaah na ma jiro cid xaqa lugu caabudo isaga mooye, waa Rabbiga carshiga wayn iska leh ” (23-24). War wayn oo culus ayuu la yimid Hud-Hud. Nabi Sulayman oo loo soo wariyay Allaah ka sokow ayaa la caabudayaa war sahlan ma aha. Balse, Nabi Sulayman kuma uusan deg degin si walba ha u waynaadee warkaas ileen deg dega dahab luguma helee. Waa in uu hubiyaa xaqiiqdiisa. “Waan fiirinaynaa haddii aad (Hud-Hudow) run sheegeysid iyo Haddii aad been sheegaysid”. Ayuu Nabi Sulayman ugu jawaabay Hud-Hud. Xukunku wuxuu u baahanyahay fiiro gaar ah iyo ka fiirsasho gooni ah. Waxaa ka dhalan kara dhibaato wayn haddii warkaas uusan dhab aheyn. Runta ayaa haboon in lugu hawl galo mar walba. Qofka mas’uulka ahna waxaa looga fadhiyaa fiiro gaar ah iyo faahfaahsanaan ficilka uu faraha lagalayo.

Nabi Sulayman waa in uu jawaab kulul oo kaafi ah ka bixiyaa meel Allaah sokodii lugu caabudayo. Wuxuu qoray waraaq qeexaysa qaraarka uu rabo. Khatamkiisa ayuu ku lifaaqay warqada, wuuna qurxiyay. Hud-Hud ayuu hawshaan u xilsaaray ileen waa nin hawlkarnimo lugu bartaye. Fariin adagna wuu faray. “Ku tuur agteeda, isku lamaane meel u dhow, oo eeg waxa ay ku soo jawaabayaan” ayuu ugu dardaarmay Nabi Sulayman Hud-Hud. Waxaa la yaab leh, Hud-Hud sida uu ugu hogaansamayo hawlaha loo xilsaaray. Wuxuu heegan ugu jiraa oo uu u halgamayaa sidii haweenaydaas hidaayada loogu hagi lahaa. Waa xayawaan, waa shimbir, wuxuu ka caraysanyahay Allaah sokodii oo la caabudayo.

Boqoradii Bilqiis ahayd waxay balamisay golaheedii si loo gorfeeyo hawsha deg dega ah ee ku soo daristay. Waxay u sheegtay oo ay sharaxday qoraal qurux badan in loo soo tuuray. Qoraalkaas waxaa soo qoray Nin la yiraahdo Sulayman ayeey tiri, waxaana ku qoran “Bismillaahi Raxmaani Raxiim”. Qoraalka waxa ku qoran qawl cad. “Ha isku dayina in aad isku kay taagtaan, waadna in aad imaataan idinkoo Muslimiin ah”. Fariintu way gaabantahay. Amarkuna wuu cadyahay. U jeedku waa in dulucda qoraalka la fahmo ileen hadal badan haan ma buuxshee. Digniin iyo cadayn waa in ay la socotaa dacwo markii dadka lugu oogayo.

Bilqiis markii ay ka walbahaartay warka ku qoran qoraalka ayeey talo waydiisatay wasiiradeedii. “Akhyaareey maad arinta I haysata ra’yi iga siisaan, waad ogtihiinoo go’aan ma goyn kari ilaa aad ila joogtaan maa hee”, ayeey ku tiri golaheedii wasiirada. Bilqiis way dareentay awooda ku soo fool leh. Balse waa in ay u bandhigtaa baarlamaankeeda si ay uga baaraan dagaan. Baarlamaankii wuxuu u sheegay in ay amarku iyadu leedahay balse ay yihiin niman awood leh dagaalkana yaqaan haddii loo baahnaado. Horay ayaa loo yiri talada adiga ayaa ku nool ee iyada kuguma noola. Bilqiis baarlamaankeeda way sharaftay, baarlamaankiina way sharfeen Bilqiis. Bal tollow wadatashiga Bilqiis ay la yeelatay baarlamaankeeda maxaan ka baran karnaa!!

Mar haddii Bilqiis xukunka loo dhaafay waa in ay xilkas iska dhigtaa. Waa in ay xisaabtantaa oo ay xusuusata Nabi Sulayman iyo xertiisa. Waa in ay ra’yiga marba dhinac u rog rogtaa. Waa in ay ka fiirsataa ficil walba. Waa in ay xikmad iyo xilkasnimo wax ku xalisaa. Waa in ay caqligeeda caadifada ka dhawrtaa. Waa in ay dawladda iyo dadkaba difaacdaa. Bilqiisa iyadoo intaas boga ku haysa ayeey baarlamaankeedii u soo bandhigtay go’aankii ay soo gorfaysay. Hadal wayn oo xikmad huwan ayeey ku hadashay. “Boqoradu haddii ay soo weeraraan magaalo way burburiyaan wax walba, dadkoodii sharafta lehna way liidaan, sidaas ayeeyna sameeyaan” ayeey waano ahaan ugu warisay iyada oo ka walbahaarsan haddii Nabi Sulayman uu soo weeraro. Bilqiis ma rabto in uu burbur iyo ba’ soo gaaro boqortooyadeeda. Waxaa uga daran taas dadkeeda dullinimo in ay ku noolaadaan. Wax kasta oo karaanteeda ah waa in ay ku ilaalisaa karamka dadkeeda. Ugu dambayntii, dadaal badan ka dib, Bilqiis waxay go’aansatay hadiyad in ay u dirto Nabi Sulayman si dagaalka uu uga daayo. Waxay kaloo rabtaa in ay ogaato ficilka uu ku soo rogaal celiyo Nabi Sulayman. Hadiyadiii loo hibeeyay markii la horkeenay, hadal culays leh ayuu ku hadlay Nabi Sulayman. “Ma waxaad igu kordhinaysaan maal” ayuu si kulul u yiri isagoo la dhakafaarsan waxay u soo dhiibtay Bilqiis. Wuxuu ogyahay Rabbi maal iyo mulkiba in uu iskugu daray. Wuxuu la amakaagay arinka ay kula kacday Bilqiis. “Alle wuxuu I siiyay ayaa ka khayr badan waxa uu idin siiyay, idinka ayeey hadiyadaha idin farxad galiyaan” ayuu Nabi Sulayman safiirkii ugu jawaabay. Wuxuu intaas ugu daray in ciidan carbisan oo aysan iska celin karin cagta ku soo hayaan. Nabi Sulayman aad ayuu uga carooday siyaasada ay la ciyaarayso Bilqiis. Wuxuu go’aansaday sida ugu dhaqsiyaha badan iyada iyo sariirteed in loo horkeeno. Wuxuu rabaa cashar cajiib leh in uu u meersho.

Wuxuu rabaa dhoolatus dhamaystiran in uu indhaha u saaro. Codsi ayuu dhex dhigay ciidamadiisa cida awooda u leh in ay u keento carshigeeda. Isla markiiba Cifriid ayaa codsigii gacanta u taagtay. Wuxuu sheegay Cifriid in uu u keenayo carshiga Nabi Sulayman inta uusan xafiiska ka rawaxin. Wuxuu kaloo isku sifeeyay nin awood leh aaminna ah. Sidaas wuxuu u samaynayaa in uu qiro in uu u qalmo shaqada uu rabo in uu soo qabto. Xirfadaada in aad ku xamaalataa wax xun ma aha. Waxaa kaloo gacanta taagay nin ciidanka ka mid ah oo cilmi Alle baray. Wuxuu iftiimiyay in isagu ilbiriqsi ku keenayo carshiga gabi ahaanba. Isla markiiba waxaa la arkay carshigii oo ag yaala Nabi Sulayman. Nabi sulayman wuxuu markiiba u mahad celiyay Allaha ku manaystay fadligaas faraha badan. Wuxuu yiri “Rabbigay waa mid deeqtoon oo (kariim) ah wanaagsan”.

Gabagabadii iyo gunaanadkii, Bilqiis markay aragtay xaqiiqda horteeda taala waxay go’aansatay in ay Islaamto. Waxaa u kala bidhaamay xaqa iyo baadilka. Waxay la amakaagtay awooda Nabi Sulayman. Waxay ogaatay boqortooyadeeda markii loo barbar dhigo boqortooyada Nabi Sulayman in aysan u babac dhigi karin. Waxay si dhamaystiran iskugu dhiibtay Allaha dhabta lugu caabudo. Waxaa u kala cadaaday wadada cad iyo tan mugdiga ah. Bilqiis waxaa sabab u noqday in ay soo hanuunto Hud-Hud oo soo sahmiyay. Hud-Hud waxa uu hawada u galay oo u soo halgamay dacwada Alle in la gaarsiiyo dacalada aduunka. Waxaa intaas dheer, Hud-Hud sida uu heeganka ugu ahaa hawlaha loo dirayo. Wuxuu na barayaa Hud-Hud dacwada Alle wax walba in loo huro. Kol haddii uu Nabi Sulayman xaqiiqsaday Alle sokodii ayaa la caabudayaa, ma uusan nasanin ilaa uu baabiyo shirkigaas. Waxaa cajiib leh maamulka iyo maaraynta uu ku soo qabtay Nabi Sulayman Bilqiis. Waa cashar qof walba oo daaci ah in uu barto ay tahay waliba dadkayaga ku nool qurbaha.

Advertisements

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s