52 Sanno Xornimo Kadib, Qowmiyadda Soomaaliyeed Oo U Dabaal Degeysa 40-Sanno Guuraddii Qorida Far Soomaaliga, Iyagoo Leh Afar Madaxweyne Iyo Hal Gudoomiye Ku Xigeen Baarlamaan!

52 Sanno Xornimo Kadib, Qowmiyadda Soomaaliyeed Oo U Dabaal Degeysa 40-Sanno Guuraddii Qorida Far Soomaaliga, Iyagoo Leh  Afar Madaxweyne Iyo Hal Gudoomiye Ku Xigeen Baarlamaan!

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle “Waxaan is iri 40 Sanno Ayuu Joogaa Labaatan Sanno Wuu Noolaadey, Labaatana Waxaa La Muudoodaa Inuu Bakh-tiyey, Laakiin Labaatankan Dambe…”

Madaxweyne Xasan Sh Maxamuud Calasow “…Waxaa Xushmad Mudan Doorka Warbaahinta Ku Hadasha Afka Soomaaliga, Ku Leedahay Faafinta Iyo Kobcinta Afka Iyo Dhaqanka Soomaalida…”

Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo “…Insha Allaahu Waxay Noqon Doontaa, Luqadaha Ugu waaweyn , Dadka Soomaaliyeedna Waxa Isku Xiraya, Dhaqankiisa, Noloshiisa, Mustaqbalkiisa Iyo Ammaankiisa Waa Inay Noqotaa…”

Wasiirka Warfaafinta Jabuuti Cabdi Xuseen Axmed “…Markii Afka La Qorey, Waxaa Inoo Keydsamay Wax Badan, Markii Burburku Dhacay, Farta Qorani Waxay Noqotey, Waxa Ay Soomaalidu Ka Mideysan Tahay…”

Wasiirka “Dowladd Deegaanka Soomaalida” Itoobiya Maxamed Guure Bisle “…Waxaana Balan Qaadeynaa Inaan la Wadaagi Doono Walaallahayga Soomaalida Ah, Luqada Af-Soomaaliga Kobcinteeda …”

——–

Marka si guud loo eego waxa taagan xiligan iyo waxa soo socda, islamarkaana lagu daro siyaasadihii hore ee gumeysiga, ayaa waxay muujineysaa in qowmiyadda soomaaliyeed aysan wali ka xoroobin dhinacyada aqoonta, siyaasadda, dhaqaalaha iyo ammaanka, balse waxa keliya ee ay ka xoroobeen oo ay ku mideysan yihiin uu yahay qorida Afka qowmiyadda Soomaaliyeed.

——–

Munaasabadd lagu xusayo 40-sanno guuradii qoraalka far Soomaaliga oo ay ka soo qayb-galeen Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedderaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud Calasow, Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, Ururadda qalinleyda iyo hal-abuurka Somali PEN, Ethopian-PEN iyo Kenyan PEN, Qorayaal iyo abwaano soomaaliyeed oo si weyn looga yaqaano caalamka ayaa lagu qabtey hoolka shirarka ee Hoteel Kempinski caasimadda Jabuuti 17/12/2012.

Munaasabaddan oo isugu jirtey suugaan wadaag, bandhig buugaagg iyo aqoon is-weydaarsi ku saabsan Af-soomaaliga islamarkaana si wadda jir ah isaga kaashadeen Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka , bootadda iyo Is-gaarsiinta Jabuuti Cabdi Xuseen Axmed iyo ururka Qalinleyda iyo hal-abuurka Soomaaliyeed ee PEN, ayaa waxaa ka Hadley Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka , bootadda iyo Is-gaarsiinta Jabuuti Cabdi Xuseen Axmed, Wasiirka xiriirka dowladda, dhaqanka iyo dalxiiska dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Maxamuud Guure Bisle iyo Gudoomiyaha Somali PEN Aadan Belaloow.

Shirkan oo ay iska kaashadeen Wasaaradda Warfaafinta dalka Jabuuti iyo Naadiga Somali PEN ayaa Mas’uuliyiintan meesha ka hadashey waxay si weyn uga hadleen guulihii laga gaarey mudaddii uu jiray qoraalka farta soomaaliga, caqabadaha soo wajahay, sida looga gudbikaro iyo doorka ay ka qaadato warbaahintay, waxaa ugu horeyn khudbad soodhaweyn iyo arrimo kale oo muhiim ah halkaasi ka jeediyey,

Wasiirka Warfaafinta Jabuuti Cabdi Xuseen Axmed “…Markii Afka La Qorey, Waxaa Inoo Keydsamay Wax Badan, Markii Burburku Dhacay, Farta Qorani Waxay Noqotey, Waxa Ay Soomaalidu Ka Mideysan Tahay Ee Innagama Bur burin…”

Wasiirka Warfaafinta dalka Jabuuti Xusan Cabdi Xuseen Wuxuuna yiri “waxaa farxad ii ah inaan idiinku soodhaweeyo, Jamhuuriyada Jabuuti, gaar ahaan madasha aan maanta u fadhino oo ah xuska Afartan guuraad qoraalka Af-soomaaliga. waxaa kale oo farxad aan la soo koobi karin ii ah, inaan tilmaamo in Jamhuuriyaddii Soomaaliya oo ahayd halkii uu ku dhashey qoraalka Af-soomaaliga ee lagu hirgeliyey oo labaatan sanno qalalaase iyo deganaasho la’aan ka jirtey ay maanta cagaheeda isku taagtey oo uu nala joogo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka soo shaqeeyey afka iyo dhaqanka, taana waxaan ka baraneynaa isagoo aan ogsoonahay hawlaha u yaala inta ay la egyihiin, inuu go’aansado oo shirkan ka qayb-galo. Waxaa kale oo farxad ii ah, in madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo waagii qoritaanka af-soomaaliga la go’aansadey, ka mid ahaa golohii wasaaradda soomaaliya oo isaguna hawlihiisa meel soodhigay oo yiri waan ka qayb-galayaa.

http://www.youtube.com/watch?feature=player_embedded&v=nE8a4hO5_yk

Waxaan is-dul taagayaa ahmiyadda ay leedahay qorista Af-soomaaligu, intii aan afka la qorin, soomaalida waxay lahayn taariikh iyo sooyaal iyo suugaan iyo dhaqanba la keydin lahaa, markii afka ala qorey, waxaa inoo keydsamay wax badan, markii burburku dhacay, farta qorani waxay noqotey, waxa ay soomaalidu ka mideysan tahay ee innagama bur burin, waxayna ahayd waxa keliya ee ay iskula xiriirayeen ehelada iyo qaraabadda kala hayaamay, dadd badani waxay kaga ciil beeleen ka faa’iideysiga qalabka casriga ah ee Internetka ah, Taleefoonadda iyo Idaacadaha, taasina soomaalida waxay ka dhigtey, dadka afrika ugu addeegsiga badan qalabka Tiknaloojiyada cusub noqdaan …”. Khudbadiisa oo dhameystiran halkaan ka daawo.

Wasiirka “Dowladd Deegaanka Soomaalida” Itoobiya Maxamed Guure Bisle “…Waxaana Balan Qaadeynaa Inaan la Wadaagi Doono Walaallahayga Soomaalida Ah, Luqada Af-Soomaaliga Kobcinteeda …”

Wasiirka xiriirka arrimaha dowladda, dhaqanka iyo dalxiiska Dowladd Deegaanka Soomaalida Itoobiya Maxamed Guure Bisle “dowladda soomaalida Itoobiya waxay leedahay hadaf iyo ujeedooyin guud oo dhab ah, sidii kor loogu qaadi lahaa loona taabo gelin lahaa dhaqanka noocyadiisa kala duwan iyo Af-soomaaliga wixii ka lumey xili dhow iyo xill dheerba, maadaama deegaanka soomaalida Itoobiya ay u nasab sheegtaan dadd caan ahaa oo abwaaniin ah, hall-gamaa luqada Afka soomaaliga, islamarkaana ku leh sumcad iyo magac dheer Ummadda soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto, ayaa dowlada deegaanka soomaalida Itoobiya wuxuu yahay Afkeeda rasmiga ah ee dastuuriga oo ay ku shaqeyso, iskuna maamusho, waxna lagu barto, Jaamacadahana lagu dhigto, islamarkaana heer qaran ay ka mid tahay Luqadda Af-soomaaliga imtixaanaadka lagu galo jaamacadaha.

http://www.youtube.com/watch?feature=player_embedded&v=TYCoGfuQDZM

Warbaahintu waxay ka qayb qaadataa, addkeynta dhaqanka iyo gaarsiinta jiilka cusub ee soo korayo, iyagoo soo bandhiga dhaqanada kala duwan ee soomaalida, waxaana balan qaadeynaa inaan la wadaagi doono walaallahayga soomaalida ah, Luqada Af-soomaaliga kobcinteeda qayb walba oo xagaana ku soo aado sida cilmi barista, qoraalka iyo go’aanada ka soobaxa kulankan xuska ah in aan qaybtayada uga soo bixidoono, islamarkaana aan la kaashan doono Jaamacadaha kala gedisan”. Khudbadiisa oo dhameystiran halkaan ka daawo

Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo “…Insha Allaahu Waxay Noqon Doontaa, Luqadaha Ugu waaweyn , Dadka Soomaaliyeedna Waxa Isku Xiraya, Dhaqankiisa, Noloshiisa, Mustaqbalkiisa Iyo Ammaankiisa Waa Inay Noqotaa…”

Madaxweyne Axmed Siilaanyo “waxaan marka ugu horeysa jecelnahay inaan hambalyo aad iyo aad ah u soojeediyo madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, dowladiisa iyo shacabkiisa, waxaa uuna hormuud ka yahay, hirgelinta dhiiri gelinta suugaanta soomaaliyeed magaca iyo sharafta uu u soo hoyey inta Af-soomaaliga ku hadasho. Waxaan ka mid ahaa maalintii Af-soomaaliga qoristiisa lagu dhawaaqay 1972-kii dowladii waqtigaa joogtey ayaa ka mid ahaa, waxaana ahaa wasiirka qorsheynta. Waxaan aad u xasuustaa gudigii Af-soomaaliga qoristiisa, wasaaraddeydu waxay u soojeediyeen wasaaradda Jaan gooyada, waan ka hor imid, waxaa I caawisey dhaqankeenii aan ka soojeedey ee reer baadiyaha ahaa, caruurnimadeydii ayaa waxaan xasuustey, marka reer miigu degayo ee uu meel bannaan degayo, haddii uu yegleell yahay, waxaa la sameyn jirey qorshe. Geella halka uu ka soojeesanayo oo laga yera fogeeyo guriga”

http://www.youtube.com/watch?feature=player_embedded&v=DVjtdRmIK64

Insha Allaahu waxay noqon doontaa, luqadaha ugu waaweyn , dadka soomaaliyeedna waxaa isku xiraya, dhaqankiisa, noloshiisa, mustaqbalkiisa iyo ammaankiisa waa inay noqotaa, waxaan rajeynayaa in Ilaahay innagu guuleeyo meel aynu joognaba, annaguna waxaan balan qaadeynaa, wixii hawsha nagaga soo hagaaga inaan dhinacayaga ka qabano insha allaah”. Khudbadiisa oo dhameystiran halkaan ka daawo

Madaxweyne Xasan Maxamuud Calasow “…Waxaa Xushmad Mudan Doorka Warbaahinta Ku Hadasha Afka Soomaaliga, Ku Leedahay Faafinta Iyo Kobcinta Afka Iyo Dhaqanka Soomaalida…”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud “waxaan iloobeynin xusida iyo salaamida gudiga qorista far soomaaliga iyo xeel dheereyaashii kale ee suugaanta soomaalida intaba hormariyey iyo kuwa hadda ku hawlan ee u taagan , waxaan madashaan u fadhinaa, markii si rasmi ah loogu dhawaaqay qoristeeda sannadkii 1971-kii, xiligii farxadii iyo reyn reyntii dadka soomaaliyeed ay qabeen, waxay ku muujiyeen banaann baaxyo, qoraalo iyo sugaan aad iyo aad u balaaran, tix yar oo ka mid ah gabayadii berigaa ay tiriyeen abwaaniinta soomaaliyeed haddii aan sooqaato. Labaatan iyo laba aamus iyo shaqal irrmaaneeye, ammran iyo tilmaame, gudbe aade iyo jooge, isku xiriiriye falkaab ereyadiinii ah, abyan iyo magac u yaal haddaan ku arkey joornaalka, mar haddii afkeyga la qorey aabbo iyo hooyo, haddaan ammaahsigii ka baxay lagu agoontoobey, abaal waxaa leh nimankii fartaas soo abaabulaye irmaaneeye, amiir nimo sal iyo dheer jirtey nagu abuureene afafkaan qalaad iyo maxaa eregta ii dhiibey …”

http://www.youtube.com/watch?feature=player_embedded&v=c_7GY8rgZmU

Xasan Sheekh oo khudbadiisa sii wata ayaa wuxuu intaa ku darey “afartan jir waa qaangaarka koobaad ee shan iyo toban jirka ka dambeeya, Ummadd afkeedu qorneyn gobb ma ahan, aqoonyahanada soomaaliyeed goor hore ayey dareemeen baahida yeelashada af qoran, sida aad wada ogtihiin dowladii soomaaliya waxay ku dhaqaaqdey olollihii af qorista oo muddo yar ku gaarey mii iyo magaalaba, ilaa manaahijta wax barashada lagu qorey Af-soomaali, annigu shekh-siyan waxaan ka mid ahaa ardeydii iyo shaqaalihii loo direy dacaladda dalka oo dhan si ay u faafiyaan qorista iyo akh-riska, iyadoo lala dagaalamayey qoris la’aanta iyo akh-ris la’aanta, ololahaas waxaa lagu sheegaa in soomaaliya wax yar kadib ay gaartey boqolkiiba konton iyo shan, iyadoo ka soo kacdey boqolkiiba laba”.

Waxaa kale oo uu khudbadiisa ku sheegay “Waxaan rabaa inaan tilmaamo baahida deg dega ah ee looqabo, xasilinta iyo sal u dhigida qoraalka af-soomaaliga, gaar ahaan kala sooco qoraalka iyo dhihida ereyada, si loo helo af-qoraal oo u gooni ah oo ka duwan af guriga amma lahjadaha jira ee soomaalidu ay leedahay si la mid ah afafka kale ee dunida. Dhaqanka uu afka u horeeyo wuxuu u baahan yahay ilaalin iyo horumarin, waxaan halkaan ugu mahad-celinayaa kuna hambalyeeynayaa gudoonkiisa mar walba sida dayaxa oo kale u if-tiimaya walaallkeyga Ismaaciil Cumar Geelle Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti, kaalinta uu ka qaatey u adeegida dhaqanka soomaaliyeed iyo daryeelka dadka ka shaqeeya, gaar ahaan xiligii bur burka soomaaliya” ayuu yiri.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Calasow, wuxuu miithaal ahaan u soo qaatey Soomaalida Itoobiya heerka af-soomaaligu gaarey iyo sida ay ugu dhaqmaan “Dowladda deegaanka soomaalida Itoobiya, waxay soonooleyn weyn ku sameeyeen dhaqanka soomaalida gaar ahaan afka iyo ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka oo marwalba si rasmi ah looga daawado Taleefishinkooda, waxay keloo ku guuleysteen in af-soomaaligooda afka rasmiga ah ee dowladda deegaanka ay ku shaqeyso, sida uu hadda inoo tilmaamey walaallkeen ay wax-barashadiina door weyn ay ka qaadatey, taasi waxay qayb weyn ka qaadaneysaa horumarinta luqadda iyo farta intuba”.

Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu keloo khudbadiisa qiimeyn weyn ku siiyey Warbaahinta Soomaaliyeed, waxaa uuna yiri “Waxaa xushmad mudan doorka warbaahinta ku hadasha afka soomaaliga, ku leedahay faafinta iyo kobcinta afka iyo dhaqanka soomaalida, waxaa jira boqolaall websites ah, tiro badan oo idaacado ah, Tv-yo iyo war-geysyo oo waliba door weyn ka qaatey xiriirka iyo afka soomaaliya, waxaana leeyahay dadka hawshaas hayoow sii xoojiya oo sii balaariya…”. Khudbadiisa oo dhameystiran halkaan ka daawo.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle “Waxaan Is Iri 40 Sanno Ayuu Joogaa Labaatan Sanno Wuu Noolaadey, Labaatana Waxaa La Muudoodaa Inuu Bakh-tiyey, Laakiin Labaatankan Dambe…”

Madaxweyne Geelle “munaasabadan qiimaha leh aan ku xuseyno 40-jir af soomaaliga qoristiisii oo aan u arragney inay tahay fursad aan ku baraarujino, wax alle iyo wixii xil ka saaran yahay, ekaanshaha iyo ahaanta soomaaliya, qofka soomaaligu wuxuu wax ku sheegikaraa Ummadda sharafteeda, sidaa daraadeed waa af aan qorneyn oo qarniyaal badan ku soojirey oo ay ku soo biirayeen wax-yaabo badan, lahjado yeeshay oo dadku uu u kala go’o dhirtii hadhay, kolkaa la yiraahdo soomaaligu waa maxaa tiri iyo may, waxaa lagu darayaa ash-raafta.

http://www.youtube.com/watch?feature=player_embedded&v=45cUkbXpEtk

Waxaad arkeysaa afkii oo sii hodonoobaya oo kasbayo dhaqano kale, khaasatan intii xeebaha deganeyd soomaaligii waxay ka dhigeen af-balaaran cilmiga casriga ahuna wuu ku sii biiriyey, dadkiina wuxuu ku dhaliyey in ay fikiraan si dadkooda wax uga dhaadhiciyaan amma ay tarjumaan amma ay ka ammaahdaan, waxa la addeegsanayo afkii weeye. Afkiina wali ma saldhigin, gabayga ayey soomaalidu siisaa qiimo weyn, waxay u siineyso waxaa weeye, afkuu kociyaa amma kordhiyaa amma weyneeyaa amma balaariyaa, kolkii maskaxda lagu khasbo, waxaan is iri 40 sanno ayuu joogaa labaatan sanno wuu noolaadey, labaatana waxaa la muudoodaa inuu bakh-tiyey”.

Laakiin labaatankan dambe ayuu guuleystay oo dadkii fursad heley, gaar ahaan intii dibadaha u baxdey oo marka ay dibadda joogaan ay yiraahdaan MAXAAN AHAY, waxaa la leeyahay maxaa tahay?, wuxuu leeyahay Soomaali baan ahay, maxaa lagu garanayaa soomaaliga, dee afkaan ku hadlaa weeye, kabacdina ay cilmi soo saaraan oo ay ku shaqeystaan amma ay ku tartamaan amma ay wax ku qoraan intaba, markaa waxaa timid in af-soomaaligii cusbaa uu yeesho horumar o oaf-guri soo dhexgalo oo kii rasmiga ahaa kolba meel laga year faruurayo ayaad moodaa…” khudbada oo dhameystiran halkaan ka daawo

===================================

Qowmiyadda Soomaaliyeed

ibrahim34

Inkastoo xuskani dhalin karo wajiyo siyaasadeed oo waaweyn, islamarkaana horseeda horumar lagu taamo, haddana marka si guud loo eego xuska qorida far Soomaaliga, islamarkaana lagu daro siyaasadihii hore ee gumeysiga, waxa taagan xiligan iyo waxa soo socda, ayaa waxay muujineysaa in qowmiyadda soomaaliyeed aysan wali ka xoroobin dhinacyada aqoonta, siyaasadda, dhaqaalaha iyo ammaanka, balse waxa keliya ee ay ka xoroobeen oo ay ku mideysan yihiin uu yahay qorida Afka qowmiyadda Soomaaliyeed. Iyagoo ka mid ah qowmiyadaha ugu dhulka hodansan ee barriga geeska Afrika ku nool. Mana muuqato tilaabo lagaga baxayo, haddii aan hore looga gudbin wajiyadda qarsoon iyo kuwa muuqda ee sii fasiraya saamahan sarsaran ee isa sii solaya oo waxay noqoneysaa xuska afartan sanno guuradda Aafadda Qowmiyadda Soomaaliyeed!!

Advertisements

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s