Xog Muhiim ah:Taariikhda Qoraalka Af Soomaaliga

imageWaxaan jeclahay in aan ku baraarujiyo dadka qoraalkan akhrin doona, siiba qalinleeyda iyo hal-abuurada Soomaaliyeed in ay ogaadaan, in sida dadka nooli qaddarin iyo xushmad ugu baahan yihiin, ay sidoo kale taariikhda iyo dadka mootani iyaguba xushmad iyo qaddarin u baahan yihiin.

Taas darteed, in aan qoraalkan kooban diyaariyo waxay ka dambeysey markii aan dhowaan magaalada London ku bandhignay xus ballaaran oo ku saabsan 40-guuraddii qoraalka Af-Soomaaliga, xafladaasi oo la qabtey 27kii Oktoobar 2012.

 

Waxaa kaloo Xuska 40-guurada ee London lagu qabtay ka mid ahaa bandhig (Exhibition) dokumentiyo taariikhdii qoraalka Af-soomaaliga ku saabsan. Kuwaas oo Wargeyska Kasmo, tirsigiisii soo baxay 15kii November 2012 uu si ballaaran u baahiyey muuqaallo dhab ah oo qeybo ka mid ah taariikhdii qoraalka Af-soomaaliga.

Marka laga hadlayo taariikhda qoraalka Af-soomaaliga waxaa jira afar dokumenti oo ah kuwa ugu muhiimsan taariikhda qoraalka
Af-soomaaligu, wixii ka horreeyey 1972.

Dokumentiyadaasi maanta waa tixraac ‘marjaca’ sugan ee ay tahay in loo soo xigto marka ay timaaddo in wax laga qoro taariikhda qoraalka Af-soomalaiga iyo kaalintii uu qof walba ku lahaa dedaalkii loo soo galay in Soomaalidu yeelato af qoran. Dokumentiyadaasi waxay kala yihiin:

Dokumentiga 1aad: Linguistic Report, 1961 ‘Warbixinta Guddigii Af-soomaaliga ee 1961’.

Guddigaasi wuxuu ahaa Guddi la magacaabay, 6 bilood gudahood, markii Soomaaliya xornimada qaadatay 1960-kii. In la magacaabo guddiga waxaa loo maray bareere (Motion) Baarlamaanku ansixiyey,16kii Sebtembar 1960. Kadibna Golaha Wasiirada go’aan ay gaareen 18kii Oktoober 1960. Go’aanadaasi kadib, Wasiirkii Wasaaradda Waxbarashada ee xilligaas Cali Garaad Jaamac wuxuu 8kii Disember 1960 soo saaray magacow 9 xubnood oo loo xilsaaray in ay soo baaraan, talana ka soo jeediyaan sidii Af-soomaaliga loo qori lahaa iyo farta ugu habboon.

Guddigii xilkaas loo magacaabey waxay ahaayeen:-
1. Muuse Xaaji Ismaaciil Galaal, Guddoomiye
2. Yaasiin Cusmaan Yuusuf – xubin
3. Maxamuud Saalex (Ladane)- Xubin
4. Dr Ibraahim Xaashi Maxamuud – xubin
5. Khaliif Suudi- Xubin
6. Mustaf Sheekh Xasan- xubin
7. Shire Jaamac Axmed- Xubin
8. Xuseen Sheekh Axmed (Kaddare)- Xubin
9. Yuusuf Maygaag Samatar- Xoghayn

Guddigaas waxaa loo soo gudbiyey 18 farood si ay dersaan oo ay u doortaan tan ugu habboon ee Af-soomaalia lagu qori karo. Farahaas oo kala ahaa: 4 ku qoran xuruuf carabi ah, 3 xuruuf laatiin ah ku qoran iyo 11 far soomaali, ay dad soomaali ahi alifeen.

 
 

Muddo dhan lix bilood markii ay guddigu shaqaynayeen, dhibaato kastoo ay la kulmeenba, ugu dambeys, 15kii May 1961, waxay soo saareen warbixin ballaaran oo ilaa 76-bog dhan. Taas oo ay si waafi ah uga dhex muuqto hawshii lixaadka lahayd ee Guddigaasi qabtay.

Natiijadii ay gaareen oo ku soo bandhigeen Warbixintooda waxay ahayd, in In farta Laatiinka ah ee Shire Jaamac Axmed ay tahay tan 1aad ee ay ku talinayaan in af-somaaliga lagu qoro (Arag bogga 74aad ee Warbixinta Guddiga, Linguisti Report, 1961), waxayna sheegayaan sababta ay fartani ugu habboon tahay in la qaato, markii ay dhinac walba ka fiiriyeen.

Guddigaas waxaa loo soo gudbiyey 18 farood si ay dersaan oo ay u doortaan tan ugu habboon ee Af-soomaalia lagu qori karo. Farahaas oo kala ahaa: 4 ku qoran xuruuf carabi ah, 3 xuruuf laatiin ah ku qoran iyo 11 far soomaali, ay dad soomaali ahi alifeen

Muddo dhan lix bilood markii ay guddigu shaqaynayeen, dhibaato kastoo ay la kulmeenba, ugu dambeys, 15kii May 1961, waxay soo saareen warbixin ballaaran oo ilaa 76-bog dhan. Taas oo ay si waafi ah uga dhex muuqto hawshii lixaadka lahayd ee Guddigaasi qabtay.

Guddigu waxay kaloo soo jeediyeen, in haddii farta Laatiinka la qaadan waayo, ay ku talinayaan in la qaato Farta Xuseen Sheekh Axmed Kaddare, oo ahayd doorashadooda 2aad.

Muuse Gaalaal oo isagu Guddoomiye u ahaa guddiga, isla markaas wuxuu ka mid ahaa raggii faraha watey. Taas oo uu soo saaray 1952dii, wuxuuna doonayey in Af-soomaaliga lagu qoro Carabi (Eeg bogga 49 ee Warbixinta Guddiga).

Dokumentiga 2aad: UNESCO Linguistic Commission l966
Somalia
the writing of somali
A Study by
B.W.ANDRZEJEWSKI
S.STRELCYN
J. TUBIANA
August 1966, Paris

Warbixinta UNESCO, bogga 12aad waxay si qeexan ugu sheegaysaa; “In haddii Soomaaliya dooranayso in Af-soomaaliga lagu qoro far Laatiin ah, ay kula talinayaan in la qaato farta Shire Jaamac habeeyey ee Laatiinka ah”.

Dokumentiga 3aad: Iftiinka Aqoonta ee Shire Jaamac soo saari jiray Nuqullada 1aad ilaa 6aad waxaa laga dheehan karayaa isbeddelka iyo horumarinta maddaalenimada ah ee Shire ku dhisayey, kuna soo bandhigayey fartiisa Laatiinka ah.

Dokumentiga 4aad: Waa Buugga Dr Husein M Adam (Husein Tanzaina) ee cinwaankiisu yahay
A NATION IN SEARCH OF A SCRIPT. Kitaabkaani waa dhaxal marka ay timaaddo in la derso Taariikhda Qoraalka Af-soomaliga.

Buugga Dr Xuseen Tanzania oo cilmi-baaris Jaamacadeed (Thesis) ah wuxuu diyaariyey bartamihii 60aadkii, wuxuuna soo baxay 1968. Dr Xuseen Tanzania isagoo guud ahaan wax ka qoray dadkii ku dedaalayey in Af soomaaligu yeesho far qoran, haddana wuxuu kitaabkiisa si gaar ah ugu tilmaamayaa halgankii mintidka ahaa ee Shire Jaamac ee qoraalka farta laatiinka ah ee Af-soomaaliga (P. 52 -55).

Iftiimin dheeraad ah

Xuseen Sheekh Axmed Kaddare wuxuu xubin ka ahaa Guddigii 1960kii Dawladdu u magacowday arrinta qoraalka Af-soomaaliga, isla markaasna waa qofka keliya oo ka nool dadkii doonayey in Af-soomaaliga lagu qoro far ay curiyeen. Kaddare maanta waa taariikh nool.

Markaas, xushmadda weyn ee aan u hayno Xuseen Sheekh Axmed Kaddare iyo tixgelinta uu mudan yahay in laga wareysto taariikhda Af-soomaaliga, ayaan waxaan ugu tagnay oo ku soo wareysaney isagoo jooga gurigiisa Muqdisho.

Waxaan kaloo soo wareysnay Shariif Saalax Guddoomiyihii Guddiga Af-Soomaaliga ee 1972, Faadumo Axmed Caalin (Cureeji) gabar Soomaaliyeed oo Jaamacad ka qalin-jebisay tii ugu horreysayey, ahaydna Wasiir ku xigeenkii Wasaaraddii Tacliinta. Waxaan kaloo soo wareysaney Maryan Faarax Gooje Guddoomiyihii Akadeemiyada Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta. Waxaan kaloo wareysaney Axmed F. Cali Idaajaa Qoraa, xubinna ka ahaa Guddigii Af-soomaaliga 1973.

Waxaan kaloo wareysanney Dr Martin Orwin Madaxa Waaxda Luuqadaha Afrikaanka ee SOAS, wuxuuna Bare Sare (Senior Lecturer) ka yahay Jaamacadda London University, isagoo Af-soomaaliga iyo Amxaariga ka dhiga SOAS.

Waxaas xog iyo dokumentiyo aan soo uruurinay kaddib ayaan qabanay xuskii 40-guurada ee London, waxaana soona bandhignay oo baahiney intoodii badneyd, iyadoo hadda aan ku gudo
jirno tifaftirka Film iyo Kitaab la xiriira taariikhda cajiibka ah ee qoraalka af-soomaalidu leeyahay! Hase ahaatee, intii aan hawshan ku jirray, waxaa soo baxay wareysi SNTV (TV-ga Qaranka Soomaaliyeed) uu la yeeshay Xuseen Sheekh Axmed Kaddare oo maalmahan joogey magaalada London.

Wareysigiisa markii aan daawaney, si fiican u dhuuxnay, waxaa noo muuqday qodobo door ah oo ayan isla mid ahayn xogtii aan soo bandhigney. Xogta aan soo bandhigayney, badankeed waxaa laga heli karaa Maktabadda SOAS ee University of London, waxaana ka mid ah qodobadaas aan isku khilaafsan nahay kuwa soo socda:-

1. Guddigii Af-soomaaliga ee la magacaabay 1960-kii oo uu ku sheegayo xilliga la magacaabey guddigaas in ay ahayd, sannadkii 1958!

2. Soo jeedintii Guddigaasi uu Dawladda u gudbiyey, 15kii May 1961, oo ahayd in Doorashada 1aad ((Latin Script No.1) ay tahay farta Laatiinka ah ee Shire Jaamac. Doorashada labaadna ay tahay (Somali Script No1) farta Kaddare.

In ay sidaa ahayd, Kaddare wuxuu sheegay wax ka duwan go’aankii uu wax ka saxiixay 1961 oo hadda laga joogo in ka badan 52 sano (Arag bogga 76 ee Linguistic Report, 1961, ‘Kaddare waa lambarka 4aad ee xubnaha saxiixxay go’aankaasi’ – waana kan saxiixoodii:

 

3. Muuse Galaal isagu fartii uu doonayey in af-Soomaaliga lagu qoro, Kaddare si aan sugneyn ayuu u sheegay. Waayo Muuse Galaal wuxuu watey, in af-soomaaliga lagu qoro xuruuf carabi ah, waxaana taasi ku caddahay warbixinta Guddigii 1961 (P.49) oo Muuse Galaal laftiisu Guddoomiye u ahaa!.

Waa run, Muuse Galaal oo ahaa aqoonyahan weyn ee xagga dhaqanka, waa adeegsaday far latin ah, gooni ahaantiisa iyo mar ay B.W.ANDRZEJEWSKI (Macalin Guush) wax wada qoreen. Laakiin ma jirin ‘far aan carabi’ ahayn oo uu Muuse Galaal doonayey in lagu qoro Af-soomaaliga, soona bandhigay.

4. Xuseen Sheekh Axmed Kaddare waxaa kaloo uu wareysigiisa ku sheegay, in guddiga af-soomaaliga ee ‘1960’ ay wateen farta Laatiinka in Af-soomaaliga lagu qoro!
Sidee taasi suurtogal ku noqon kartaa, iyadoo sidda warbixinta guddigu qorayso, la arkayo loolankii ka dhextaagnaa raggii faraha watay oo qaarkood aakhirkii iska casileen xubin ahaanshahoodii guddigga?

5. Warbixintii UNESCO soo saartey 1966kii oo boggeeda 12aad ay sheegayso, in haddii Soomaalidu doornayso in ay afkeeda ku qorato far laatiin ah, ay qaataan farta Shire Jaamac soo habeeyey ee Latin-ka ah; (UNESCO: Linguistic Commssion, 1966, p.12), haddana waxaad moodaysey in Kaddare uu waryesigiisa ku sheegayo si ka duwan sida 3 qof ee khubaradda reer galbeedka ah ee UNESCO u soo dirtay Soomaaliya, uu ka mid ahaa B W ANDREZEJEWSKI, ay u soo bandhigeen farta ay ku talinayaan in la qaato.

6. Isla markaas, wareysigaas Kaddare wuxuu muqdi gelinayey dedaalkii weynaa ee Shire Jaamac u soo maray in af-soomaaliga la qoro, iyo dedaalkaas mirihii ka dhashay, wuxuuna Kaddare ku tilmaamayaa ‘Wax aan xaqiiqo ahayn’ in Shire Jaamac watey Far Laatiin ah. Wuxuu wareysiga ku sheegayaa, in Shire un macalinimo uu casharro ku siin jiray koox ‘Peace Corps’ la oran jiray, Mareykan ahayd oo uu iyaga Af-soomaaliga u dhigi jiray. Iftiinka Aqoonta wuxuu ka soo qaadayaa ‘Kitaab’ uu ardaydiisaas wax ka bari jiray!

Kulan: Kaddare iyo Kasmo

Markii aan fiirinay in ayan is-buuxineyn oo kala duwan yihiin xogtii aan soo uruuriney iyo Wareysigii uu dhowaan bixiyey Xuseen Sheekh Axmed Kaddare, ayaa waxaa noo muuqatey in ay habboon tahay in aan Kaddare la wadaagno xogta iyo dokumentiyada aan helnay intii aan ku jirney abaabulka xuska 40-guurada. Xogtaas oo aan si ballaaran ugu baahinayey:

– Xafladdii 27 Oktoober 2012, SNTV TV toos looga baahinayey
– Bandhig socdey 27 Oktoober ilaa 7 November 2012 ( British Library ka qaybgalay)
– Barnaamij Idaacadda BBC Somali oo live ahaa, 8 November 2012
– Posters iyo leaflets kumaankun ah oo aan daabacney
– Wargeyska Kasmo oo si ballaaran loogu soo bandhigay xuskii 40-guurada London, 8000-oo copy laga daabacay, 15kii November 2012.

Waxaas oo hawl ah kaddib, anagoo tixgelinayey in xogta aan hayno ayan geed-ka-go’an ahayn, ayna jiri karaan cid haysa xog ka duwan tan aan ogaaney, isla markaasna tixgelinayney in il-duuf imaan karo, waqtigii oo fogaan kara, da’ iyo xaalad caafimaadna jiri karaan, ayaa waxaan dalabnay in aan la kulano Xuseen Sheekh Axmed Kaddare oo ah, sidaan soo sheegney, taariikh nool.

Kulaankaasi wuxuu dhacay 7dii December 2012, waxaana, Khaalid Macow iyo aniga oo ka soconney Wargeyska Kasmo, kula kulanney Xuseen Sheekh Axmed (Kaddare) galbeedka magaalada London, xaafadda West Ealing.

Wuxuu ahaa kulan xushmad iyo qaddarin weyn huwan, si wacanna uu noo soo dhoweeyey, waxaana warbixin ka siiney shaqadii ilaa hadda aan soo qabaney iyo heerka ay marayso xuska 40-guurada oo dhowaan lagu soo gebagebeyn doono magaalada Muqdisho.

Waxaan ilaa xad u iftiiminay qodobada wareysigiisa ku jiray iyo xogta aan hayno oo aan is-buuxineyn (waafaqeyn), waxaana isla goobta ku guddoonsiinay nuqullo ka mid ah dokumentiga aan hayney, oo uu ku jiro kii Guddigoodu soo saaray, 1961. Waxaan kaloo u gudbinay kii UNESCO ee 1965. Waxaan kaloo xusney Kitaabka Dr Xuseen Tanzania ee 1968.

Dokumentiyada kale oo Kaddare aan u gudbinney waxaa ka mid ah nuqulkii Wargeyska Kasmo ee soo baxay 15kii November 2012, kaas oo si ballaaran oo muuqaal leh u soo bandhigayey xuskii 40-guurada London lagu qabtay, gaar ahaan qaybtii bandhigga oo farihii iyo masawiradii raggii farahaas lahaa, badankood ka muuqdaan, Kaddarena ka mid yahay.

Sida aan fahamsannahay Kaddare waa dareemay welwelka taariikheed oo meesha ku jira, waxaana uu nooga mahadceliyey dadaalka aan wadno. Waxaa kaloo uu nooga mahadceliyey soo booqashada iyo dokumentiyada aan guddoonsiiyey. Wuxuu naga ballan-qaaday in dokumentiyadaas iyo nuqul uu gurigiisii Muqdisho ku oghayay, uu isla eegi doono, marka uu dhowaan ku noqdo Soomaaliya.

Dabcan, waa ku kalsoonnahay dokumentiyada aan gacanta u gelinay Xuseen Sheekh Axmed Kaddare in ay yihiin kuwii asalka ahaa; waa Warbixintii Guddiga Af-soomaaliga ee 1961 iyo Warbixintii ‘UNESCO Reoprt, Linguistic Commission, 1966’.

Hase ahaatee, cilmiga Alle waa badan yahaye, si il-duuf iyo weecad looga ilaaliyo taariikhda cajiibka ah ee qoraalka af-soomaaliga, haddii uu jiro qof, Kaddare ama dad kaloo haya caddeyn sugan oo ka duwan waxa ku qoran dokumentiyad kor ku xusan, waxaan codsan lahayn, weliba bogaadinnaynaa in ay soo bandhigaan si loo wada arko!

Lifaaqyo: Qoraalkan waxaa la socda dokumentiyada:

1.Warbixintii Guddiga Af-soomaaliga, 1961,

2. Unesco Report, 1966,

3. Iftiinka Aqoonta ee Shire Jaamac, 1967

4. A Nation in Search of a Script, 1968, by Dr Xuseen Tanzania.

5. Wargeyska Kasmo, issue 15 November 2012.

Mahadsanid,

image

Freedom For Right is a political analyst on world Affairs

Advertisements

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s