Prof Axmed Ismaaciil Samatar Muxuu Ku Soo Arkay Muqdisho, Muxuuse Ka Yiri Musuqmaasuqa Baarlamaanka Naafeeyay? (Dhageyso Hadal Yaab Leh)

Minneapolis (RBC) Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ahna aqoonhayahan ku nool dalka Mareykanka ayaa dhowaan dib ugu soo laabtay wadanka Mareykanka wuxuuna kulan uu kala qeybgalay bulshada Soomaalida ee ku nool Minnesota uu kaga xogwaramay waxyaabihii uu ku soo arkay magaalada Muqdisho mudadii lixda bilood ee uu ku soo qaatay.

Kulankan oo ahaa xog iswareysi ayaa waxaa sidoo kale ka hadlay Dr. Cali Khaliif Galeyr oo ay labadaba ku wada jiraan  baarlamaanka Soomaaliya, waxayna labada mudane dadka reer Minnesota ee Soomaalida ah ka siiyeen xogwaran ku saabsan waxyaabihii ay dalka ku soo arkeen ee dhinacyada siyaasada, amaanka iyo horumarka jira.Halkaan ka Akhri:

Axmed Ismaaciil Samatar ayaa isagu ka sheekeeyay waxyaabo niyadjab iyo rajo xumo geliyey dadkii dhageysanayey, wuxuuna si faahfaahsan oo qotodheer uga sheekeeyay xaaladaha siyaasadda, dhaqanka, musuqmaasuqa, qabyaalada, shaqo abuurka iyo hanka Soomaalida ku nool gudaha dalka.

Dhibaatada ka jirta nolosha aadanaha

Dr. Axmed Ismaaciil Samatar ayaa ugu horeyn ka sheekeeyay dhibaatooyin waaweyn ee nololeed iyo dhaqaale ee ku habsaday bulshada Soomaalida kuwaasoo ku qasbay boqollaal kun oo ka mid ah inay magan iyo qoxootinimaba u raadsadaan wadamada deriska la ah Soomaaliya, wuxuuna tusaale u soo qaatay in illaa 650,000 Soomaali ah ay qoxooti ku yihiin Dhadhaab, haddana nasiib darro aysan jirin cid hadal heysa.

DHAGEYSO CODKA 1AAD

“Cid madax ah oo Soomaali ah oo u tagtay 20 sano may jirto.” ayuu yiri.

Axmed wuxuu kaloo soo qaatay in 60% dadka ku nool magaalada Muqdisho ay yihiin dad barakacayaal taasoo ka dhigeysa caasimadii Soomaaliya “magaalo hoy u ah qoxooti”, halka 70% dhalinyrada dalka joogta oo ay ku jiraan kuwa Jaamacadaha ka soo baxaya ay yihiin shaqo la’aan.

“Waxaan maray meel kasta oo magaalada Muqdisho, waa caasimadii waan jeclahay laakiin magaaladu waa magaalo Xashiish [qashin] noqotay gebigeedba.” ayuu yiri Axmed Ismaaciil oo ka sheekeynayay waxyaabihii uu ku soo arkay caasimada Soomaaliya.

Wuxuu kaloo walaac ka muujiyey tirada dadka gaar ahaan dhalinyarada oo aan heysan nolol ayna keeni karto in dembiyo ay geystaan ama ay badaha caalamka ku dhintaan iyagoo nolol raadis ah.

Wuxuu cadeeysy in marar badan rag ay wada sheekeysteen intii uu xilka madaxtinimada u tartamayey ay u muujiyeen in isaga [Axmed Samatar] uu yahay nin ka soo jeeda waqooyiga Soomaaliya sidaasi awgeedna aanu haweysan xilka madaxtinimada dalka, arintaasoo Axmed Samatar uu sheegay inuu u heystay in qabyaaladu ay mar hore ka dhamaatay Soomaalida maadaama dhibaatadeeda ay soo arkeen.

DHAGEYSO CODKA 2AAD

Baarlamaanku waa ii dhiib!!

Arrinta ugu daran uguna murugada badan ayaa ahayd markii uu xildhibaan Samatar soo qaaday heerka musuqmaasuqa uu ka gaaray baarlamaanka iyo xildhibaanada wax dooranaya kuwaasoo uu sheegay in dhamaantood gacanta ka soo horeyso oo aysan qofna ku qiimeynin kartidiisa iyo dareenkiisa wadaniyadda.

“Anugu waxaan u soo joogay baarlamaanka Soomaaliyeed doorashadu markay dhacaysay oo aan indhahayaga ku aragnay lacagta oo la isweydaarsanayo.” ayuu yiri.

“Qof intuu ii yimid i yiraahda war Axmed Samataroow aan ka wada gadalno qarankii Soomaalida way yar tahay,.. dadka noo imaanayey ee baarlamaanka ku jira waxay ahayd DEE NOO DHIIB, ama xaafada anugu aan ka imi ka noqoto amba xaafada Kismaayo ha noqoto iyo inta u dhexeysa NOO DHIIB, KEEN.” ayuu yiri xildhibaan Samatar oo dadkii dhageysanayey ka qosliyey.

DHAGEYSO AXMED SAMATAR OO MUSUQMAASUQA KA SHEEKEYNAYA

Wuxuu sheegay inay caadi ahayd kala iibsiga codadka, lacagta wax lagu kala iibsanayeyna ay ahayd tii qaranka oo la boobay iyo mid waddan shisheeye laga keenay oo loo adeegsaday in kursi lagu gaaro.

Bandow xagga Dhaqanka

“Lix bilood baan joogay meel lagu heesayo maan soo arag, lix bilood baan joogay meel lagu buraanburayo maan arag, lix bilood baan joogaye meel lagu gabyayo maan arag,” ayuu yiri Prof Axmed Samatar oo markale dhaliilay dadka inay dhinac mareen dhaqankoodii qadiimka ahaa ee uu sheegay in isaga lagu soo koriyey.

DHAGEYSO CODKA 4AAD

“Waa bandow xaggii dhaqanka.” ayuu sii raaciyey.

“Waxaan soo arkay dumarkii Soomaalida oo meel lagu xiray.” ayuu sii raaciyey xildhibaan Axmed Ismaaciil oo baarlamaanka uu ka tirsan yahay ku sifeeyay mid ka weecday sidii laga filayey kadib markii lagu guuleysan waayey in qoondadii dumarka ee 30% la siiyo.

Mar uu soo qaaday xildhibaanka gudihiisa ayuu muujiyey niyadjab weyn oo uu ka soo qaaday baarlamaanka wuxuuna sheegay in uu waayey cid uu kala sheekeysto arimaha qoxootiyada Soomaalida, midnimada iyo qaranimada.

“Heer aan gaarey intaan xagga dambe iska fariisto oo aan buuggaag iyo wax iska akhristo.” ayuu u sheegay dadkii dhageysanayey. ayuu ku daray.

DHAGEYSO SAMATAR OO NIYADJAB MUUJIYEY

Hay’adihii dawlada oo aan shaqeyn

“Ama wasaaradda arrimaha dibadda tag ama tan beeraha tag ama xannaanada xoolaha tag, ama xafiiska madaxweynaha tag wax shaqeynaya ma jiraan.” ayuu yiri xildhibaanka.

Wuxuu tusaale u soo qaatay mar uu la kulmay madaxweynaha cusub Xasan Sheekh Maxamuud uu u sheegay [Axmed Samatar] inaysan jirin wax dhaqaale ah oo dalka yaallo taasoo ay dheer tahay karti darro laga argagaxo oo heysata hogaanka Soomaalida.

Derejooyinka la boobay

Axmed Ismaaciil Samatar wuxuu si calool xumo ah uga sheekeeyay in heerka burburka gaaray arteed uu xitaa soo arkay dad sheeganaya DEREJOOYIN aaney lahayn sida Professor, Dakhtar, Injineer IWM.

DHAGEYSO CODKA 6AAD

Wuxuu kaloo sheegay inuusan jirin shaqaale Soomaaliyeed oo aqoon xirfadeed iyo tayo leh oo dalka jooga, wuxuuna tusaale u soo qaatay in hotelkii uu ka deganaa Muqdisho maalin maalmaha ka mid ah ay ka xumaatay qasaba biyaha musqusha markii uu maamulka hotelka ku wargeliyeyna loo sheegay in nin injineer ah oo Kenyan ah oo hotelka u shaqeeya loogu yeeray si uu farsameeyo.!!

Maxaa rajo ah

Xildhibaanka oo si aad ah uga fajiciyey dadkii dhageysanayey khudbadiisa ayaa gabagabadii soo qaaday su’aal uu naftiisa isweydiiyey oo ahayd “haddaba rajo ma jirtaa?”.

“Haa way jirtaa rajada ugu horeysaa waxaa weeye dawlada cusub iyo madaxweynaha la doortay Xasan Sheekh, waa nin edeb leh , koley anugu wadaniyadiisa iyo kartidiisa shaki gelin maayo” ayuu sii raaciyey.

Axmed Ismaaciil Samatar wuxuu markale dadka ku rajogeliyey in wadanku uu yahay qani oo noocyada macdanta ay ceegaagto loona baahan yahay nidaam iyo caqli looga faa’ideysto.  Wuxuu kaloo soo bandhigay in dhulka Soomaalida ee beeraha leh uu gaarayo sagaal milyan oo hektar kaasoo aan laga faa’ideysan.

Sidoo kale baarlamaanka cusub oo uu ku sifeeyay mid asan weli umulin uu ka qabo rajo inuu la yimaado isbedel.

 Dhageyso Prof. Samatar oo qalqaalo ugu jira inuu Maamulka Somaliland ku biro 

=================================

ibrahim34

  1. Prof.Samatar: Soomaaliya waan ka Niyad Jabay

Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo ku guuldaraystay Tartankii Jagada M/weynenimada Soomaaliya, ayaa sheegay inuu Qalbi jab kula noqday Dalka Maraykanka oo u mudo 35Sano ka badan halkaas Dagan
Pr…of. Samatar oo ka hadlay Xaflad ay Soomaalidu ku qabatay Magaalada Mennosota ee Dalka Maraykanku ayaa Profku wuxuu sheegay inuu isku arkay inuu Ajaanib ku yahay Magaalada Muqdisho, Anigu waan ka qalbi jabay halkaas, kamaan soo fasax qaadan Baarlamaanka ee Tigidhkeyga ayaan iska soo goostay oo waan iska soo baxay, waxaan uga soo noqday qalbigaygii oo hoos u dhacay,
Waxaa laygu yiri waad tahay Reer Waqooyi, halkaas baad ku tirsantahay oo aad wax la wadaagtaa,taasna waxay ii keentay Niyad Jab kale, waayo waxaan madayey in dadku si fiican ii GARANAYO.

Waxaa xusid mudan in Prof. Axmed Ismaaciil Samatar u Tartankii doorashada M/weynenimada Soomaaliya u helay 8 Cod oo ahaa Codka Xildhibaanada ka so jeeda Beesha Gudabirsay ugu jira Baarlamaanka Soomaaliya, hase ahaatee uu xataa hal Cod ka WAAYEY Soomaalida kale.Visualizza altro

==============================

Cabdi Samatar waa afhayeenka Axmed Samatar

 

OPINION / FIKRAD September 28, 2012 || Waxaa mudan in Prof. Axmed Samatar uu ka jawaabo hadalka walaalkiis Cabdi Samatar,haddii kale Somali oo dhan ma aqbali doonto dhaqankiina siyaasadeed ee aad kula dhaxjirtaan umada Somali,dhinac waxaad isku tuseeysaan niman wadani ah halka dhinaca kale uu qorayo qormo ka fog xaqiiqda,waa foolxumo in midna uu isku soo taago doorashadii maxadweeynaha ee Somali kan kalene uu ku tilmaamay doorashada mid lacag lagu kala iibsaday xildhibaanada federaalka ee cusub,waxaad moodaa in xishoodkii iyo garashadii aay dhamaatay balse weli aay jiraan Somali garan karta hab-dhaqankiina siyaasadeed ee foosha xun ee aanan ku tagneeyn diinta iyo damqashada umada Somali,waxaa dhaqan xumo idiinku ah in aad sheegataan qalinleeydii umada Somali hadana aad ku dhaqantaan siyaasad umada Somali aayan la jaan qaadi karin lagana arki karo in aqoontiina aayan salka ku hayn garashada waxa saxda ah iyo waxa qaladka ah.

Waxaan aad ugu xumahay 21 sanno ee ugu danbeeyay in aad ka mid aheeydeen qaswadayaal af-maal ahaa  umadana u iftiimin jiray in 4,5 aay tahay xaaraan aanan marna lagu dhaqi karin siyaasada Somali,hadaladiine weli waxaa laga heli karaa websidyada oo dhan,aad ayaan ugu xumahay in Axmed Samatar oo xiligaan ah xildhibaan baarlamaanka federlaaka in uu ku aqbalay kursiga uu xildhibaanimana uu maanta ku fadhiyo uu ku helay habqeeybsiga 4,5 ugu fadhiye beesha Samaroone halkaa waxaa ka cad waxa afka qalaad lagu dhaho double moral haddii shalay aad diidaneedeen 4,5 maanta sidee u ogolaateen ???? lagajeclilugta jecli. Xisbigii uu gudoomiyaha ka ahaa ee Hiil-Qaran dastuurka uu lagu heshiiyay waxaa ka mid ahaa in 4,5 aay tahay xaaraan,sidee Axmed iyo xisbigii Hiil Qaran u ogolaadeen 4,5. double moral ,,.

Prof.Axmed Samatar haddii uu jawaab waafi ah ka bixin qormada wallaalkiis Cabdi Samatar ilama aha in Somalida aay idiin haydoonto xurmo iyo sharaf sabbabta oo ah waxaad ku sifowdeen waxa aad isku raacdeen oo ah siyaasad saldhigeeda yahay dulmi iyo xasilooni la aan Somali.

Doorashadii maadaxweeynaha jamhuuriyada federaalka markii uu soo dhamaaday ayuu iyana waxaa ka hadlay C/risaaq Cusmaan Xasan Jurile wareeysi dheer ee uu siiyay webka Raxanreeb iyada uu sharxayo taariikhda uu soo maray iyo isbedelka taariikhiga somalida,hadalkiisa waxaa si uu cad u muujiyay in heshiiskii labada Shariif Hassan iyo Sheikh Sharif aay ku soo gaareen Uganda kaas oo dhigayay qariirada nabada in laga guuro kumeelgaar loona guuro dowlad Somali oo dhab ah.Roadmapka. Akhristow ka dhageeyso halkan hoose.

   http://raadreeb.com/wp-content/uploads/2012/09/JUURILE-Sax-.mp3

 ”Bilwalba shaqada la qabanaayo iyo waxa la qabanaayo iyo cida qabaneeyso ayaa ku cadeeyd qariidada nabada, in yar oo reer Puntland u badan oo maamulka ayaa aaminsaneeyd oo uu ka mid yahay Mdaxweeyne Faroole aay qabay iyo Qoladaan Xamar joogta oo aan ajandaha laheeyn,barnaamij qaran oo socdo aanan laheeyn oo jahwareerka ku jira hadaan loo sameeyn barnaamij lala wadaago oo lagu riixo taasi waxba socon maayaan,waxaa uu qiray in Garowe 1 & 2 iyo Gaalkacayo shirarkii lagu qabtay aay wateen reer Puntland shariifna uu maqaarsar ahaa.

 Dastuur in la sameeyo kaas oo ka tarjumaya xaalada siyaasadeed ee  dalka iyo dadka ku sugan yahay,colaad baa dhacday dadkii waa kala guuray shaki baa dadkii ku kala jira colaadii dib u heshiisin taama lama sameeyn,waxii hore ee xoriyada aan heshiiska ku aheeyna haddii aay burbureen in wax cusub oo cadaalad ka dhex muuqan karaa  oo somalida isgu soo noqon kartaan in la sameeyo,in qolo walbaa sameeysato gurigeeda waxa aan wada wadaagnana  aan sameeysano taas oo macnaheeda yahay Federaal.

Baarlamaanka in la soo xulo hogaan cusubna uu yeesho iyo in la doorto madaxweeyne Somali,dardaarankiisii ugu badnaa waxuu ahaa Puntland waa hormuudka siyaasada socotaa,waxaa hadaladiisa ka mid ahaa Firinbiga anaga ayaa u yeerineeyna Somalida ”   Alow Sahal Umuuraha.

Advertisements

2 Comments

  1. Muqdisho:- Magaalo Qaran aan mudnaan lasiin !!!

    Caasimadda dalkeenna Somalia ee Muqdisho, ayaa lagu tilmaami karaa inay ka mid ahayd Magaallooyinka Caalamka kuwa ugu Nabdoonaa, inkastoo 21-sanno ee ugu dambeysay ka mid noqotay Magaallooyinka ugu amni-daran Caalamka.
    Qaddar Rabbi ka sokow, waxaa sababay inay Magaalladda Muqdisho noqoto magaallo Colaadeed, kadib, markii ay Dowladdii Dhexe ee Kacaanka burburtay bilowgii sannadkii 1991-kii.
    Burburkaasi ayaa waxa uu sababay inay dillaacaan Dagallo-sokeeye, kuwo Siyaasadeed iyo kuwo Shaar-diimeed la huwiyey, iyadoo dhamacda colaadaha ay saamayn buuxda ku yeelatay Midnimadda Qaranka iyo Mustaqbalka Muwaadiniinta Somalia oo iyagu haatan badankooda wehel u noqday colaado, faqri, cudduro iyo barakac gudaha ilaa Dibedda ah.
    Haddaba, Xilligan oo ay Saansaan Nabadeed iyo mid Dowladnimo muuqdaan, ayaa waxaa loo baahan yahay in dib loo dhowro Sharafta iyo Xuquuqda ay Caasimadda Muqdisho lahayd.
    DFKMGS iyo guud ahaan Ummadda Soomaalida ee ku dhaqan gudaha iyo daafaha magaalladda Muqdisho ayaa laga sugayaa inay iska kaashadaan Dib-u-soo-nooleynta Nabadda iyo Bilicda Muqdisho, si ay taasi dhabaha ugu xaarto in la dhiso Maamul u gaar ah Caasimadda oo ka madax-bannaan Maamul-gobaleedyadda haatan la dhidbayo amaba kuwa horey loo dhidbay.
    Haddaba, marka aad eegto Ololaha Siyaasadeed ee loogu tartamayo Dhismaha Maamul-gobaleedyadda, waxaad ka dareemi kartaa inaysan jirin Hadaf lagu badbaadinayo Maamulka Muqdisho ee Mustaqbalka lagu hagi doono.
    Siyaasiyiin, Odayaal-dhaqameedyo iyo xubno ka tirsan Jaalliyadaha Soomaalida ee Dibedaha ku nool ayaa u xusul-duubaya inay afduub ku sameeyaan Nidaamka Maamul ee Gobalka Banaadir, kuwaasi oo durbadiiba soo bandhigay Maamul-u-yaallo ay ku asteynayaan Maamul-u-samaynta Magaalladda Muqdisho.
    U-xusul-duubka noocaasi ah waxa uu horseedi karaa inay Beelo Khaas ah sheeegtaan Magaalladda Muqdisho, oo ay xaqiiq ahaan wada deggan yihiin Aqlabiyadda Beelaha Somaliweyn.
    Waana ayaan-xumo inay jiraan Qabaa’illo, Siyaasiyiin iyo Shaqsiyaad ku naalloonaya inay Xuquuqda Caasimadda Muqdisho ka dhigaan Dhaxal-beeled aan lagu xad-dudbi karin, xilli ay Caasimadaha Caalamka yihiin kuwo loo dhan yahay oo aan Beelo Khaas ah loo dhaxal-siin karin.
    Muwaadin kasta oo Soomaali, Waddani dhab ah waxaa la gudboon inay ka fekeraan Mustaqbalka Maamulka Magaalladda Muqdisho, isla markaana olole ballaaran loo galo sidii lagu dabar jari lahaa Aragtiyaha Dhaxalka Beelaha ee ay qaar ka mid ah Siyaasiyiinta Danastayaasha iyo Odayaasha Dhaqanka hpor-boodayaan.
    Aragtideenna Qaran ha ahaato in la dhiso Maamul u gaar ah Magaalladda Muqdisho, oo aan lagu lammaaninin Maamul-gobaleedyadda loo dhidbayo sidii midnumadda Qaranka Somalia lagu kala dhantaali lahaa.
    Hal-ku-dhegga Ummadda Soomaalida ee deggan gudaha iyo daadfaha Muqdisho ha garwaaqsadaan inay Magaalladda Muqdisho tahay Magaal Qaran oo ka madax-bannaan Maamul-gobaleedyadda haatan u faxasayo Axdi-qarameedka KMG ee Nidaamka Federalka dhabaha u xaarayo.

  2. Ogow Muqdisho in aad socon karto xiliga aad rabto

    Muqdisho (MMG) Amaanka magaalada Muqdisho ayaa soo hagaagaya taasina waxay keentay in dadka magaalada socdaan xiliyo aysan socan jirin.

    Wadooyinka magaalada Muqdisho ayaa noqday kuso mashquul badan xiliyada habeenkii iyo waliba maalintii halka markii hore ciriiriga wadooyinka la arki jiray maalintii oo kaliya.

    Wadooyinka Muqdisho ayaa waxaa lagu arkayaa askar ka cirsan ciidamada booliska iyo waliba kuwa ilaalada wadooyinka kuwaasi oo sugaya amaanka xiliga habeenkii ah.

    Sidoo kale waxaa isbadal weyn laga dareemayaa goobaha ganacsiga ee magaalada iyo baararka dadweynuhu ay isugu yimaadaan, kuwaasi oo furan habeenkii xili danbe.

    Xeebto Liido oo noqotay halka haatan ay isugu yimaadaan dalxiisayaasha ugu badan ayaa waxaa dadweynuhu ay xoogaan ilaa iyo xili danbe kuwaasi oo ku damaashaadaya qabowga xeebta.

    Dadka Muqdisho ayaa horay waxay u ahaayeen kuwo xili hore kala hoyan jiray, waxaana gabalka markii uu noqo gabi ahaaba istaagi jiray gaadiidka gaar ah iyo waliba kuwa ay dadweynuhu ay raacaan.


Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s