WARBIXIN: Waa Imisa Miisaaniyada Xukuumadda Ee 2013 oo Maanta Loo Gudbiyey Baarlamaanka?

Wasiirka Maaliyada iyo Qorsheynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Muqdisho (Moment Media Group) Wasiirka Maaliyada iyo Qorsheynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamuud Axmed Suleymaan “Cawil” ayaa maanta baarlamaanka horgeeyay miisaaniyada xukuumadda ee sanadka 2013 taasoo xukuumadu rajeyneyso inay ku shaqeyso sanadka fooda inagu soo haya.

Buuggaagta miisaaniyada oo ka kooban saddex qeybood oo isugu jira; Qorshaha siyaasadda ee misaaniyada sanadka 2013, Faahfaahinta dakhliga miisaaniyada iyo sharciga sameynta miisaaniyadda ayaa waxaa baarlamaanka ka hor akhriyey wasiirka maaliyada iyo qorsheynta.

Wasiirka ayaa sheegay in miisaaniyadan ay isugu jiri doonto dakhliga gudaha ee dawlada ka soo gala canshuurta iyo kaalmada dawlada ka hesho caalamka.

Haddaba waa imisa miisaaniyada sandka soo socda?

Sida ku qoran buugaagta maanta loo qeybiyey mudanayaasha baarlamaankawaxay miisaaniyadu gaareysaa $84,386,000.00 (Siddeetan iyo afar milyan iyo saddex boqol siddeetan iyo lix kun doolar).  Waana miisaaniyadii ugu horeysay ee ay xukuumadda cusub soo bandhigto inkastoo miisaaniyad kooban oo saddex bilood ahayd loo ansixiyey xukuumadda bishii hore. Qaar ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka oo ay Moment Media Group la hadashay ayaa ku tilmaamay miisaaniyaddan tii ugu badneyd ee baarlamaanka la geeyo muddooyinkii ay jireen dawladihii ku-meelgaarka ahaa isla markaana in ku dhow kala bar miisaaniyadda ayu tahay deeq laga filayo dawladaha caalamka.

“Inkastoo ay waajib tahay in dalku helo miisaaniyad fadhida oo nidaamsan oo dawladu miisaaniyad la’aan aaney shaqeyn karin haddana waxaa ceeb ah in kala bar inu ku dhow miisaaniyadii dawlada ay noqoto kaalmo dibadda laga filayo.” ayuu yiri xildhibaanka oo aan rabin inuu ka hordhaco dooda baarlamaanka ka yeelan doono miisaaniyada maalinimada Sabatida. Afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa mudanayaasha u sheegay inay soo akhristaan buugga miisaaniyadda illaa maalinimada Sabtida ee soo socota kadibna ay bilaaban doonto ka doodista miisaaniyadda cusub.

Qoondeynta miisaaniyadda sanadka 2013

Miisaaniyadda ayaa loo kala qoondeeyay illaa saddex waaxood oo muhim ah oo isugu jira maamulka adeegga guud, adeegga hay’adaha gaarka, nabadgelyada dalka iyo xasilinta.  Miisaaniyadii saddexda bilood ee hore Wasiirka Maaliyadda oo faahfaahin ka bixiyey canshiuuraha dawladu ka qaado gudaha ayaa sheegay inay jiraan canshuuro kooban oo laga qaado dekeda iyo garoonka diyaaradaha Muqdisho balse aysan jirin wax kale oo dakhli ah oo hadda ka hor soo geli jiray dawlada.

“Dekeda iyo garoonka ayaa hadda laga qaadaa canshuur waxaana qaada wasaaradda maaliyada. Waxaa jiray lacago lagu qaadiu jiray isbaarooyin lix ka badan oo yaallay gudaha Muqdisho kuwaasina waa la baabi’iyey labo usbuuc ka hor.” ayuu yiri wasiirka.

Mar uu soo qaaday wasiirku canshuuraha ay qaado dawlada hoose ee Muqdisho ayaa wuxuu xaqiijiyey inay jireen lacago si aan habooneyn loo qaadi jiray oo dawlada hoose ka qaadi jirtay dekeda Muqdisho iyo dhowr kontorool oo gaadiidka wax looga qaadi jiray laakiin ay joojisay waaaradda maaliyada, sida uu sheegay wasiirku. Dawlada ayaa sidoo kale fileysa in sanadkan ay canshuuro ka qaado shirkadaha isgaarsiinta, kuwa xawaaladaha iyo shirkadaha ganacsiga ee dhoofinta iy soo dejinta.

baarlamaanka

Aan u dhaadhaco muhiimada qoraalka dhanka kale markaan fiirino dhaqaalaha wadankeena kabaxa oo looqaato qaad ayaa wuxuu   kabadanyahay miisaaniyada dowlada. Bal ila eeg qarashka uga baxa Soomaaliya ee Kenya ku dhaca Aan ka soo qaado xasuusin yar, qarashka ka soo baxa qaadka nuuca loo yaqaan miirow ga waxa uu si toos ah ugu xaroodaa dalka Kenya, wasaarada Beeraha Kenya waxa ay cadaysay in wax-soo-saarka ugu badan ee dhinaca Beeraha uu ka soo galo qaadka Mirrowga. 2011 waxaa la diyaariyay Warbixin la magac baxday Untold Stories waxaana laga diyaariyay qaadka loo yaqaan Mirrowga cadadka loo kala dhofiyaa waa sidaan:- 16 TON! Garoonka loo yaqaan Wilson Airport iyo 4 Ton oo laga dhoofiyo Jomo Kenyata. 20-kaan Ton iyo kabadan oo si qal-qalooc ah lagu dhoofiyo waxay Aadaan Somalia, qarashka maalin kasta Soomaaliya ka Aada Kenya waxay warbixintu ku sheegaysaa 30 Million oo Kenya money ah oo u dhiganta qiyaas ahaan $315,000 Doolar maalin kasta oo noqonaysa Bishii $9.450.000/Month (Sagaal Malyan Afar Boqol iyo Konton Kun oo Doolar) bil kasta! Sanadkii ma is weydiisay? Waa $113.400.000! Hadaba markaan Sanakiiba $113.400.000 aan siino Kenya aanan ku badalano Caafimaad daro, Mustaqabal La,aan iyo dhalinyaradii wadanka usoo koraysay oo lacuryaamiyo,iyadoo loo adeegsanayo qaadka, Mudane Madaxweyne miyaan la oran Karin waa gumeysi casri ah oo u baahan in loo istaago lagana hortago si loo badbaadiyo aayaha ummada soomaaliyeed. Mudane madaxweyne anigoon doonayn inaan waranka kugu gilgilo,dareensana in howlo badani kuhor yaalaan ogna inaad hogaaminaysid ummad qalafsan oo ay iska jiraan caqabado badan oo kaa hor imaan kara, aan kuxasuusiyo dhaartii aad ku dhaaratay inaad u adeegaysid ummada Soomaaliyeed kana talinaysid DANTA DADKA IYO DALKA SOOMAALIYEED. Mudane madaxweyne waxaan kaloo kuxasuusinayaa in laguu hanweyn yahay ,waxaa kaloo xusid mudan in madaxweyne hore oo wadanka kasoo taliyey Alle ha u naxariistee Maxamed siyaad bare uu garoowsaday dhibaatadaas kuna dhiiraday inuu wax ka qabto.
Dhibaatada qaadka oo oo la orankaro halka ay manta marayso 100 laab ayay kayareyd markaas ,dhanka kalena way jiraan madaxweynayaal ku dhiciwaayey oo indhaha iyo dhagaha kadabooshay TAAHA,IYO OOHINTA, kayeeraysa gayiga soomaaliyeed iyagoo diidaya inay iska hor yimaadaan ama ay ka xanaajiyaan dowladaha Qaadka keensada wadanka waxaana kamid ahaa Madaxweyne shariif. Waxaan kaloo meesha kamaqnayn madaxweynayaasha Puntland iyo Soomaliland oo arintaas si weyn uga gaabsaday iyagoo kaxishoonaya ama kabaqaya dowladaha Itoobiya iyo Kenya oo aan marnaba raali ka ahayn in lasoo hadal qaado ganacsigooda koowaad kaasoo usoo xareeya Sanadkii Bilions doolarka Maraykanka ah.
Dowlada dariska ah ayaa waxay kaloo doonayaan inay kahortagaan inay Soomaaliya usoo kacaan dhalinyaro xayi ah oo miyir qabta oo waxbaratay oo boqolka sanoo soosocota latartami kara wadankooda ,si ay dowladaha dariska ahi arintaas uga hortagaana waxay adeegsadaan qaadka in lagu curyaamiyo dhalinta Soomaaliyeed.laguna qaato dhaqaalaha wadanka. Ugu danbeyntii Mudane madaxweyne waxaan kuu rajaynayaa in ilaahey kuu fududeeyo xilkaas aad qaaday,oo aad kudhaaratay inaad kashaqayn doontid danta dadka iyo dalka. Waxaan kaloo ilaahey kaaga baryayaa inuu kusiiyo karti buuxda oo aad kudhiirato go’aan adagna kaqaadato ,haday dacar kaqaraartahayna aad fool kafool u wajahdo dhibaatadaas Qaadka. Waxaa iga xasuusina qaadashada go’aanada ad-adag waa calaamadaha lagu yaqaan hogaamiyayaasha dhabta ah.

Halkaan Ka Akhri Fadhiga Barlamaanka Maanta Oo Fashil Ku Soo Gaba Gaboobmay.  

 

———————————————–

Somaliyeey, furrsad weyn ayaa jirto maanta.

ibrahim21Markii la milicsado, 22-kii sane ee la soo dhaafay, waxaa ay Somaalidu haystaan maanta, fursado dahabi ah, oo haddii ay ka faa’ideystaan, ay dalkooda ku nabadeysan karaan, kuna dhisan karaan, waxii ka burburayna, mudo gaaban gudahood.

Waxaa ay haystaan, dowlad caalimka ictiraafsanyahay oo rasmi ah, maalin walbana xaqiijineyso guulo la taaban karo.
Waxaa ay haystaan, dowlado guntiga u xirtay, in ay taageero hiil iyo hooba siiyaan Somaliya, sida Jabuuti iyo Turkiya.

Waxaa suuqa ka baxay, hogaamiyo kooxeedyadii gurbaanka colaadeed tumi jiray, kuna faani jiray intaa oo isbaaro ayaa ii dhigan, waxeeyna noqdeen, xiligaan la joogo, wax halaagsamay iyo kuwa gacmo ku gabad ah.

Kobac la xariiro garaadka qofka Somaaliga ah, waxaana la ogaaday in cid cid tirtiro karto aysan jirin, xabaddana sida loo kala badan yahay, ay dadka u leefto, dagaalno wiil ku dhinto ma ogiye, inuusan wiil ku dhalan.

Maskax badan oo waddan ka haajirtay, nabad galyo xumo awaadeed oo hadda bilaawday, dib u soo laabad, markii ay arkeen, amniga iyo nolosha wanaagsan ee waddankii dib uga curatay, runtii dadkaan ayaga ahi, waxaa ay waddanka ku soo kordhi donaan, garaad iyo garasho badan, waxeeyna kor u qaadi donaan, garashada iyo wacyiga qofka Somaliga ee ay la darsaan.

Soomaalidii qurbaha oo bilaawday in ay maal gashi ku sameystaan dhulkooda, halkii ay ka maal galin jireen waddamo kale, arrinkaan waxuu saameyn weyn ku yeelan, horumarka dalka iyo dadkaba.

Arimahaa ayaga ah iyo kuwa kalaba, waxaa ay tilmaamayaan in Somaaliya haysto maanta, fursad qaali, una baahan in aanan la dayacin, marka qof walba oo Somaali ah, waxaa waajib ku ah, inuu nabadda taageero meel kastuu caalamka ka joogo, inuu dowladnimo taageero, inaan dib loogu noqon dhabahii halaaga ee la soo maray.

 

Advertisements

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s