Dowladda Soomaaliya oo shaacisay xilliga ay ciidamada AMISOM dalka ka baxayaan, sheegtayna…

Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay waxay ka hadashay qaabka ay u howlagaan ciidamada AMISOM iyo xilliga ay ka baxayaan gudaha dalka Soomaaliya oo ay ku laabanayaan dalkooda iyo sida ay ciidamada dowladda Soomaaliya diyaarka ugu yihiin inay hantaan ammaanka guud ee dalka Soomaaliya ka dib ciidanka AMISOM.

 Wasiirka Gaashaadhiga xukuumadda Soomaaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada AMISOM ay dalalkooda ku kala laaban doonaan, wuxuuna sheegay inay ka maarmi-doonaan ciidanka AMISOM marka la dhiso ciidan xoogan oo Soomaali ah,la iskuna haleyn karo inuu hanto ammaanka guud ee dalka Soomaaliya, haatanna ay wasaaraddiisu waddo qorshe ay dib ugu habeynayso ciidanka xoogga dalka Soomaaliya

Wasiir Fiqi waxa uu sheegay in ciidamada AMISOM ee hadda ay heystaan sida uu yiri taageero balaaran oo uu sheegay inay uga imaaneyso dhinaca shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna intaasi ku daray in ka dowlad ahaan ay uga mahadcelinayaan taageerada hagar la’aaneed ee ay siiyeen dowladda Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay wasiirku, wuxuuna intaasi ku daray wasiirku inay dedaal dheeri ah ugu jiraan sidii loo dhisi lahaa ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, isla markaasna loo dhameeyo dhammaan qalabkooda sida uu sheegay si ay u hantaan ammaanka guud ee dalka Soomaaliya.

Advertisements

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s