Golaha Wasiiradda DFS Oo Soo Saaray Go’aan Lagu Mamnuucayo Ka Ganacsiga Qalabka Ciidamadda.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Golaha wasiirada Dawlada Federaalka soomaaliya ayaa sheegay “in laga bilaabo 06, Dec, 2012 aan laga ganacsan karin qalabka ciidamadda sida, Hubka noocyadiisa kala duwan, Rasaasta, Tuutaha, Booshashka iyo dhamaan qalabka ay isticmaalaan Ciidamadu.”

Waxa kale oo warsaxaafadeedku xusay in golaha wasiradu ka ay ka doodeen sidii loo howl galin lahaa Maxjarka Xoolaha ee ku yaala degaanka Al-jaziiro.

Warsaxaafadeedku waxa uu u qornaa sidan:

Golaha Wasiiradda Oo Soo Saaray Go’aan Lagu Mamnuucayo Ka Ganacsiga Qalabka Ciidamadda.

Shir ay maalintii 06, Dec, 2012 isugu yimaadeen Golaha Wasiiradda oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Ganacsiga iyo adkaynta Amniga.

Ugu horayntii Ra’iisul wasaaraha ayaa ka warbixiyey booqashadii uu shalay ku tagay cirifyada magaalada Muqdisho isagoona u kuur galayey xaalada Amniga iyo sidii loo xoojin lahaa dadaalkii looga sifeeyey Isbaarooyinka goobo badan oo ku yaala Caasimadda.

Sidoo kale golaha ayaa ka dooday sidii loo howl galin lahaa Maxjarka Xoolaha ee ku yaala degaanka Al-jaziiro halkaas oo ganacsato Soomaaliyeed ugu diyaarsheen Xoolaha Dalka laga dhoofinayo dhamaan agabyadii ay u baahnaayeen sida Naaxinta, Baarista Caafimaadkooda, iyo Cawskii lagu calfin lahaa mudadda ay safarka sii yihiin. Maxjarkan ayaa ah kan kaliya ee ku yaala Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya waxaana ay bilaamaysaa xoolo dhoofintu 31 bishaan.

· Goluhu waxay isku raaceen in la sameeyo gudi ka kooban shan Wasiir oo kala shaqeeya gacanstada dhoofinaysa Xoolaaha sidii ay ugu fududaan lahayd howlahooda shaqo. Waxaana gudigaas ka mid ah Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Howlaha Guud, Wasiirka Ganacsiga iyo Wasiirka Khayraadka Dalka Mudane Cabdirisaq Cumar Maxamed oo ah Gudoomiyaha Gudiga.

· Sidoo kale Golaha ayaa isku raacay in laga bilaabo maanta aan laga ganacsan karin qalabka ciidamadda sida, Hubka noocyadiisa kala duwan, Rasaasta, Tuutaha, Booshashka iyo dhamaan qalabka ay isticmaalaan Ciidamadu.

Ugu danbayntii Golaha ayaa Amaan u soo jeediyey shacabka sida ay ugu heelan yihiin is bar-bar taaga dowladooda iyagoona ku tilmaamay in wada shaqayn dhex marta shacabka iyo dowlada ay tahay tan kaliya oo lagu sugi karo amniga.

Advertisements

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s