Dowladda Soomaaliya oo codsi u dirtay Qaramada Midoobay iyo dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya

Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in labo codsi oo isbarbar socda ay u dirsatay Qaramada Midoobay iyo dowladaha daneeya arrimaha dalka Soomaaliya, kuwaas oo ay ka codsatay inay ka taageeraan dhismaha ciidamada dowladda Soomaaliya iyo sidii loo qalabeyn lahaa ciidanka dowladda qeybahooda kala duwan.

Sida warku sheegayo dowladda Soomaaliya ayaa ugu horeyn markale ka codsatay Qaramada Midoobay in qeyb ahaan laga qaado cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya si ay dib ugu dhisto ciidankeeda, isla markaasna ay awood ugu yeelato inay ciidamada dowladda hantaan amaanka guud ee dalka Soomaaliya, isla markaasna laga maarmo ciidamada shisheeye ee hadda ku sugan gudaha dalka Soomaaliya.

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya C/xakiin Xaaji Fiqi ayaa markii sedexaad Qaramada Midoobay ka dalbaday inay ka qaadaan cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya, wuxuuna xusay in haddii cunaqabateynta laga qaado ay fududaaneyso in dib u dhis lagu sameeyo ciidamada dowladda Soomaaliya qeybahooda kala duwan, wuxuuna ku dooday in haddii la qalabeeyo ciidamada dowladda ay ciidamada AMISOM kala wareegi karaan ammaanka guud ee dalka markasta oo loo baahdo.

Dhinaca kale war ka soo baxay madaxda dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in laga codsaday dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya inay Soomaaliya gacan ka siiyaan sidii ay cagaheeda isugu taagi laheyd, isla markaasna ay uga taageeri lahaayeen dhinaca dhaqaalaha iyo amniga, wuxuuna warku intaasi ku daray in dowladihii horay balanqaadka ugu sameeyay Soomaaliya inay ka dhabeeyaan balanqaadkoodii ahaa inay dhalaaqe ku taageerayaan dowladda Soomaaliya iyagoo aan cidina u soo marsiin.

Advertisements

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s