Markuu Qaran is-ilowsiiyo !!

Markaan ka hadlayno baahida wax-barasho iyo bar-baarineed ee naga maqan  waxaa lama huraan ah in qalbiga lagu duugo hal ujeedo oo ah dhisidda Soomaaliya la baratanta dunida waxna kula qaybsata cilmi iyo aqoon , ujeedo kaliya oo ah bar-baarin ubadkii barri lagu fulin lahaa siyaasadaha fog iyo tan dhaw ee dal leeyahay , dad aqoon ku ilaalin kara sharafka haddii kale waxay noqonaysaa hawl kast oo la qabto cadaw biyo loo dhaamiyay .

Baahida aqooneed ee nahayso kama duwano baahideena maalinlaha ah  ee biyaha iyo baadka  sida aysan noogu filnayn lugooyadana u tahay kaalmada naga reebtay asaageen ee usha isugu kaaya dhiibtay  ayay aqoonta dhawr arday loogu diro dalal aanan dhaqan iyo diin wadaag nala ahayn ay suura u tahay inay noo soo raraan dhaqan dharbaaxooyin kasoo waaqsi lahayn gaarsiiya dhallaankeenna  halkaan cilmi ka dhawraynay

Lagama maar maan weeye inaan u helno dhallaankeena meel iyo jawi ay wax ku bartaan iyo barayaal  aan lasoo dhoofsan , dareen kaliyana wadaaga oo ah Soomaaliya marka hore ubadkeena ugu horayn , barayaal garawsan inay kobcinayaan maskaxda ubadkooda ee aan korinayn jeebkooda .

Dunidan waxay ka talawday dagaalkii iyo hardankii diyaaradaha ,gantaaladda ridada dheer,saldhigyada milatari, haattan waxaan ku jirnaa xili loo tar tamayo maskaxda dadka sidii loogu shuban lahaa wixii la doono danna la moodo , cilmi iyo aqoonna loo adeeg sado qaarna dhal dhalaaka adduunka lagu jahwareeriyo laga raarido inaysan gaarin Karin meel in gacanta la qabo mooyaane.

Haddii uu yahay qofka aadamiga   ujeedka isbal kasta oo dunidan ka dhaca waxaa  nagu waajib ah inaan wax wayn ka badalno sida uu yahay hanaanka wax-barasho ee ka jira Soomaaliya, waxaan wali aasan kaalintii dawladda waxaa sii kordhaya dharaar walba   dukaam ”wax-barasho” dhaqan beecsharo leh waxaana laga iloobay xarumahaas qaar badan oo ka mid ah kaalintii bar-baarineed awoodda koobaad iyo labaadna waxaa la siiyay jeebka daawadiisa.

Waxaan wax ku noqon karnaa cilmi iyo aqoon aan dunida kula baratano , dareen dheeraad ah oo la siiyo ubadkeena maamulayaasha bari  saraakiisha nabadda dhakhaatiirta iyo hawl wadeenada Qaran qiimeeya dadkiis iyo dadkiisa waxaa fure u ah aqoon lagu qaato gudaha Dalka .

Cilmiga kaligii wax ma taro hadduusan  akhlaaq  kaashan

Advertisements

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s