Daawo Sawirro: Madaxweyne Xassan oo Siweyn Loogu Soo Dhaweeyey Dalka Itoobiya

Warar kala duwan oo ka soo baxaya socdaalka uu Madaxweynaha dowladda Soomaaliya ku tagayo Addis Ababa, maxa ka jira in…

Iyadoo saacadaha soo socda lagu in Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ay booqasho ku tagaan magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, isla markaasna ay halkaasi kula yeeshaan kulamo kala duwan madaxda dalka Itoobiya ayaa waxaa soo baxaya warar kala duwan oo ku saabsan arrimo la sheegay inay labada dhinac si gaar ah uga hadlayaan.

Warar ku dhowdhow socdaalka Madaxweynaha ayaa sheegaya in arrimaha ugu horeeya ee ay ka wadahadlayaan madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’isul wasaaraha Itoobiya ay ka mid yihiin hehsiisyo dhinaca ammaanka ah, kuwaas oo loo maleynayo inay kow ka yihiin in ciidamada Itoobiya ay gacan ka siiyaan sidii ay dowladda ula wada wareegi laheyd gobolada dalka Soomaaliya oo dhan.

Madaxweynaha oo uu kulankiisa ku wehliyo wasiirka gaashaandhigga ayaa la hadal hayaa in labaduba ay saxiixi doonaan qorshe ay ciidamada Itoobiya ugu ogolaan doonaan inay holgal meleteri ka fuliyaan gudaha Soomaaliya, gaar ahaan sidii ay ugu qaban lahaayeen gobolada aan weli gacanta ugu jirin dowladda ee koonfurta Soomaaliya.

Qorshahan oo qeyb ahaan la sheegay in diblumaasiyiin ka kala tirsan Soomaaliya iyo Itoobiya ay isla meeldhigeen ayaan la ogeyn inay labada dhinac si isku mid ah isugu waafaqi doonaan qodobada uu qorshahan ka koobanyahay iyo in kale, iyadoo sidoo kale aan la ogeyn haddiiba la isku afgarto inta uu socon doono howlgalka, sido kale kulanka ayaa lagu qeexayaa doorka ciidamada Itoobiya ee gudaha dalka Soomaaliya, taas oo ay ka gaabsadeen Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ka dib codsi ka yimid qaar ka mid ah dalalka IGAD oo dalabaday in la qeexo doorka Itoobiya ee Soomaaliya.

 

Advertisements

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s