Mid ka mid ah shaqaalaha safaaradda Soomaaliya ee Talyaaniga oo ka hadlay dhismaha la kireeyey & sidii ay wax u dhaceen

Nuur Cadde oo ah safiirka dalka Talyaaniga mar danbe loogu darey inuu noqdo safiirka Yurub

Kn:Nuur Cadde oo ah safiirka dalka Talyaaniga mar danbe loogu darey inuu noqdo safiirka Yurub oo dhan ayaa waxuu si cad oo aan gabasho lahayn usheegey in hantidii qaranka Soomaaliyeed uu ku wareejiyey shirkad gaar loo leeyahay oo Talyaani ah taasoo hadda isticmaaleysa dhismihii safaaradda.

Safiirka ayaa isagoo aan wax ogolaansha ah ka heysanin dawladda Soomaaliya iyo wasaaradda arimaha dibadda ku dhaqaaqey sidey la noqotey oo ah inuu guriga safaaradda u isticmaalo sidii guri kiisa. Mar wax laga weydiiyey arimahan ayuu sheegey iney shirkad talyaani ah safaaradda dib udhistey kadibna ay iyadu dagi doonto safaaradda muddo dheer. Safiirka ayaa ka jawaabi waayay sababta safaaradda uu ugu wareejiyey shirkad ajnabi ah isagoo aan wax ogolaansha ah ka haysanin.

Warar hoose ayaa sheegaya in muddo 18 sano ah uu kireeyey safaaradda safiir Nuur Cadde ayna kasoo gali doonto hanti badan oo aan meella ku caddeyn balse waxaa la yaab ah in dawladdu ay ka aamusan tahay hantida qaranka ee lagu takri falayo.

Dayactirka Safaaradda
Lama oga cidda ku wehelisay qorshaha hanti boobka ah ee Nuur Cadde ku dhaqaaqay waxayse dadka qaarkood ku macneeyeen nidaam ah ka gaarsii inta aan xilka lagaa xayuubin, maadaama laga yaabo inay seefta la kacdo isku shaandheynta soo aadan ee shaqaalaha wasaarada Arimaha dibadda.

Haddii ay tahay in Safaaradda la hagaajiyo meey Hantidii loo Uruuriyay Somalia Shirkii ka dhacay Brussels Halkaan ka Akhri:online.wsj.com/

Ama Hantidii somalia ku xayarniid Wasaaradda arrimaha dibadda ee Talyaaniga Fondo Aiuto Italiano. (FAI) , Hantidaas ayaa Safaaradda lagu hagaajikaray mana aheen in Shirkad laga kiriiyo Hanti Ummadda leedahay.

Haddii ay ahayd in safaaradda la hagaajiyo ama la dayactiro waxaa shaqadaas iska lahaa wasaaradda arimaha dibadda iyo dawladda Talyaanigu iney ka wadahadlaan kadibna maaro loo helo markaasna dawladdu ay go’aan kasoo saarto. Balse waxaa nasiib darroda dhacday xaalka Nuur Cadde wuxuu u ekaaday maahmaadii Soomaaliyeed ee ahayd “baadi kugu raagtay hantidaada ayaad moodaa”, maadaama xilkan uu mudo hayay isla markaana ayna jirin cid waligiis kala xisaabtantay, wuxuu u qaatay wax asaga shaqsiyan uu u leeyahay.

Safaaradda waxay ku taal magaalada Rooma bartamaheeda, farasmagaalaha meelaha ugu bilicda san, iibka ama kirada loo galaa dhismayaasha halkaasi ku yaalana waa mid aad uga sareeya kuwa ku yaala magaalada inteeda kale. Nuur Cadde wuxuu dhimaha safaaradda kiraystay 18 sano. Halista halkani taala ayaa ah in dhaqaalaha ka soo xarooda kirada uu noqonaayo mid gala jeebka Nuur Cadde, dhismahana laga yaabo inuu noqdo mustaqbalka hanti u gaar ah ama mid uu shirkadda hadda isticmaalaysa uu qumaati oogu wareejiyo.

Haatan waxaa safka ku soo jira dhismihii safaaradda Soomaalida ee dalka Belguim oo asna sidoo kale uu doonayo inuu shirkad ku wareejiyo, ayadoo qiil loogu samaynaayo way dayactiraysaa, kadibna kharashaadkii ka galay ayay kala soo baxayaan.

Arinta Nuur Cadde waxay isoo xusuusiday, riwaayaddii qabyo iyo mudaharaadkii uu horkacaayay Abwaan Sangub iyo Fanaan Mustafe Kiiko, ayagoo ku luuqaynaaya “Jiini down”, hadeer waxaan leenahay Safaarad gatoow Down, Nuur Cadde Down.!

Waxaa xusid mudan in burburkii dawladdii dhexe ee Soomaaliya uu safiirkii Soomaalida u fadhiyay dalka Kenya uu qoys hanti leh ka iibiyay dhismihii safaaradda, taasi oo dagaal dheer oo socday ku dhawaad 20 sano kadib dib loo soo dhiciyay. Laakiin safiirkaasi wuxuu Nuur Cadde kaga badalnaa, saaxada ayuu ka dhuuntay sidii lagu yaqaanay qof wax dhacay, laakiin Nuur Cadde wuxuu la soo taaganyahay indho adeyg iyo madaxey kuusan.

Mase aha qofkii ugu horeeyay ee inta danbi qaran galo, muran qayaxan la soo istaaga, waxaa wali maanka Soomaalida ka sii guuxaya, warqaddii ay ugu yeereen “Is afgarad” ee Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur uu dalka Kenya ugu sixiixay qayb ka mid ah badda Soomaaliya. Illeen ceeb looma dhintee, Indha Adayga ayaa ka daran!

——————————————–

Mid ka mid ah shaqaalaha safaaradda Soomaaliya ee Talyaaniga oo ka hadlay dhismaha la kireeyey & sidii ay wax u dhaceen

Mid ka mid ah howlwadeenada safaaradda Soomaaliya ee dalka Talyaaniga oo ka gaabsaday in magaciisa la xuso, ayaa ka hadlay arrinta ku saabsan kireynta dhismaha safaaradda oo uu sheegay in ay kireeyeen safiirka Nuur Cadde & Garyaqaankiisa Cali Xaayow (Cali Marduuf), wuxuuna xusay in arrintaasi qaar ka mid ah shaqaalaha ay ka dhiidhiiyeen, haddana ay muuqaneysay in aysan waxba ka qaban karin, oo ay aheyd ruwaayad ay si fiican isula jilayeen Nuur Cadde & Cali Marduuf.

“Waxaan rabaa inaan caddeeyo in safaarada la kireeyo ma aheyn go’aan dowladda xageeda ka soo baxay ee waa go’aan ay gaareen Nuur Cadde & ninka uu garyaqaanka ka dhigtay Cali Marduuf maadaama safiirku qirtay in ay dhowr shirkadooda la shireen, warqadii dacwada aheydna ay caddeyneyso in la qaatay lacag ka baxay heshiiska ijaarka” ayuu yiri mid ka mid shaqaalaha safaaradda, wuxuuna isweydiiyey sababta ay arrintaasi u horjoogsan waayeen madaxdii Roma isku dhaaf-dhafeysay.

“Dadkii meeshaan isu dhaafdhaafay maxey u hor joogsan waayeen in safaaraddan la iska ijaarto iyadoo dowladdii aan ogolansho laga haysan, hor joogsi la’ntooda waxey muujineysaa in ay iyagana wax ka cuneen lacagtii la qaatay” ayuu yiri, wuxuuna intaasi ku daray in sida dhismahaasi loo maamulay aan lagu tilmaami karin ijaar ee ay tahay iibin.

“20 sano dhisme la leeyahay waa la kireeyey macnaheeda waxaa afka lagala xishoonaya waa la gaday” ayuu yiri, wuxuuna intaa ku daray in safiirka & Cali Marduuf ay shirkado badan la kulmeen, ujeedadooduna ay aheyd oo keliya sideen jeebka u buuxsanaa.
  
“Ujeedada ka horeysa ijaarka waxey aheyd in ay shirkadaha ay kula gorgortamaan ijaarka ka sok’e maxaad annaga noo ogoshihiin.? u fiirso hadalkaas waana mid xaqiiqo ah, haddaba waxaan codsaneynaa in maxkamad la soo taago dadka ka mas’uulka ah in ay dayacaan hantidii Qaranka” ayuu yiri.
“Magaalada Roma waxaa yimid Raysulwasaarayaal ay ka mid ahaayeen Cumar C/rashiid, Farmaajo iyo C/weli intooda waxaa na loo sheegay inay heshiiska wax ka ogaayeen, markii heshiisyadaan safaaradda lagu kireynayey ay gabogabo taagnaayeen oo ay ka dhineyd oo keliya in la kala saxiixdo C/weli xaadir ayuu ku ahaa Roma, waxaa kale oo xusid mudan in wefdigii Roma yimid markii uu laabtay in shirar qarsoodi ah ay galeen Shariif Xassan, Nuur Cadde & Cali Marduuf. Waxaa loo baahan yahay in ay hadlaan siiba wefdigii ugu dambeeyey ee ay horkacayeen R/wasare Cabdiweli & Sharif Xassan, oo ay mowqifkooda caddeeyaan haddii aysan ka hadlin waxaan aamineynaa in ay wax ka cuneen laaluushka la qaatay, waxaana caddeyn u ah aamusnaantooda” ayuu yiri mid ka mid ah shaqaalaha safaarada, wuxuuna intaa ku daray in Nuur Cadde & Cali Marduuf ay heshiis ku yihiin habka laga yeelayo dhaqaalaha dhismahaasi lagu kireeyey, oo Cali Marduuf dhowr jeer uu socdaalo kala duwan Muqdisho ku soo kala bixiyey si uu madaxda dowladda kaga soo dhaadhiciyo in dhismahaasi la kireeyo.

“Madaxweynihii ugu horreeyey ee yimid wuxuu ahaa Sheekh Shariif safiirkuna wuxuu isku dayey meel la wada fadhiyey ayuu ka hadlay oo wuxuu yiri “Guryihii mid ka mid ah aan gadno” Sheekh Shariif waa soo booday wuxuu yiri “Ku meel gaar ayaan nahay, xittaa adiga KMG ayaad tahay marka ma taaban karno, marka ninka keliya ee la hubo inuu ka soo horjeeday waqtigaas Sheekh Shariif ayuu ahaa, laakiin kadib ra’yigiisa in ay wax iska bedeleen iyo in kale war uma hayo” ayuu yiri, wuxuuna intaa ku daray in dad badan ay la yaab ku noqotay markii uu saxaafadda ka sheegay Nuur Cadde in dhismahaasi uu qarka u saarna inuu soo dumo.

“Waxaa la yaab leh in Nuur Cadde ku dooday in dhismuhu qadiimi ahaa oo soo dumi rabay, hadalkaasi wuxuu ahaa mid aan sal & raad toona laheyn dhismuhu ma dumi rabine wuxuu u baahnaa oo keliya gacan rinji ah” ayuu yiri.

————————————-

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Rome kulan kula qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed, booqashana ku tegey Xafiisyada Safaarada

 

Somalia: Prime Minister, Italy has the lead
Ali, historical friendship with Rome, we expect much help

30 gennaio, 11:00

(ANSA) – ROME, 30 GEN -”Italy has a leading role in the peace process and reconstruction of Somalia.”And ’This is the invitation that the Somali Prime MinisterMohamed Ali Abdiweli, in an interview with ANSA, addressed to Italian institutions.”Ours’ a historic friendship, there is’ a great expectation on the part of the Somali people will be able to support that ’the Italian government on security matters and further development of the institutions of the country,”said Ali , on an official visit to Rome. (ANSA).

Somalia:premier,Italia abbia ruolo guida
Ali, con Roma amicizia storica, ci aspettiamo grande aiuto
30 gennaio, 11:00

(ANSA) – ROMA, 30 GEN – ”L’Italia abbia un ruolo guida nel processo di pace e nella ricostruzione della Somalia”. E’ questo l’invito che il premier somalo Abdiweli Mohamed Ali, in un’intervista all’ANSA, rivolge alle istituzioni italiane. ”La nostra e’ una storica amicizia, c’e’ una grande aspettativa da parte del popolo somalo sul sostegno che ci potra’ il governo italiano sui temi della sicurezza e dell’ulteriore sviluppo delle istituzioni del Paese”, ha aggiunto Ali, in visita ufficiale a Roma.(ANSA).

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali oo booqasho rasmi ah ku jooga Rome, ka dib markii uu casuumaad rasmi ah ka helay Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga ayaa booqday Xafiisyada Safaarada Soomaaliya si uu ugu kuurgalo hantida Qaranka iyo xaalada ay ku suganyihiin. Safiirka Soomaaliya Nur Hassan Hussein ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku soo wareejiyey Guryaha iyo Xafiisyada Safaarada oo badankood uu bur-bur ka muuqday una baahan dayactir xoogan.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa Safaarada iyo shaqaalaheeda kala qeybgalay Qado Sharaf ay Safaaradu u sameysey Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdiga la socda.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali oo booqasho rasmi ah ku jooga Rome, ka dib markii uu casuumaad rasmi ah ka helay Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga ayaa booqday Xafiisyada Safaarada Soomaaliya si uu ugu kuurgalo hantida Qaranka iyo xaalada ay ku suganyihiin.

Safiirka Soomaaliya Nur Hassan Hussein ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku soo wareejiyey Guryaha iyo Xafiisyada Safaarada oo badankood uu bur-bur ka muuqday una baahan dayactir xoogan.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa Safaarada iyo shaqaalaheeda kala qeybgalay Qado Sharaf ay Safaaradu u sameysey Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdiga la socda.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali ayaa Jaaliyadda Soomaaliyeed kula kulmay Rome ugana warbixiyey xaalada dalka, horumarka baaxadda leh ee laga sameeyey dhanka Amniga, Dib-u-heshiisiinta, Isku xirka Maamulada dalka iyo Dowladda dhexe, Maamul Wanaaga, Dastuurka qabyo qoraalka ah iyo Gar-gaarka Bani’aadanimo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waqti dheer siiyey Soomaalida oo uu uga jawaabayey su’aalaha ay qabaan, isla markaana dhageysanayey talooyinka ay Jaaliyadda Soomaaliyeed u soo jeediyeen Ra’iisul Wasaaraha iyo Dowladda. Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Jaaliyadda Soomaaliyeed dadaalkooda, kana codsaday inay sii laba jibaaraan oo ay kaalin xoog leh ka qaataan dib-u-dhiska dalka.

Advertisements

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s