Dhismihii Safaarada Soomaaliya Ee Talyaaniga Oo La Kireeyey

Ambasciatore somalo "Totò truffa"  mette in affitto la sede in via Villini

Wararka aynu ka helayno magaalada Roma ee Xaruunta dalka Taliyaaniga ayaa xaqiijinaya in Ambassador Soomaaliya  u fadhiya  Talyaaniga iyo Midowga Yurub Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) marna noqday R/wasaaraha Soomaaliya uu kireeyay dhismihii safaarada soomaaliya ee Dalka Taliyaaniga.

Xariir aynu la samaynay dad kala duwan ayaa noo xaqiijiyay in Nuur Cadde uu 18 Sano ah ka kireeyay dhismaha Safaarada shirkad la yiraahdo  Italian Tourist service oo laga leeyahay dalka Taliyaaniga.

Shukri Said oo ah Saxafiyada ka shaqaysaa Wargeyska ugu balaaran dalka Taliyaaniga ee la yiraahdo La republica sidoo kale wax ku qorta Wargeyska kale ee lagu magacaabo Unita ayaa dhankeeda u xaqiijisay Shabelle in Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde), Safiirka Soomaaliya ee Dalka Talyaaniga iyo Midowga Yurub uu Dhismaha Safaarada kireeyay.

“Waa run arintaasi waxbaa ka jira waana arin xaqiiqo ah, aniga waxaa ila soo xariiray Daraad khamiistii qaar ka tirsan Shaqaalaha Safaarada oo ii sheegay in Safiirka uu isagu yeeray dhamaan Shaqaalaha kadibna uu ku wargeliyay in dhismaha Safaarada Taliyaaniga Safaarada Somalia oo ka kooban 4 dabaq oo ku taala meel qurux badan oo qiimo leh laga kireeyay Shirkada Italian Tourist service laga bilaabo Bishan November  aynu ku jirno, Shaqaalahana waxa ay ii sheegen inay markii wax ka weydiiyeen Nuur Cade sababta uu u kireeyay waxa uu nagu yiri adinkama jawaabayo Su’aalihiina,” sidaasi waxaa tiri Shukri Said.

“Aniga Shalay waxaan tagay Dhismaha Safaarada , waana soo xaqiiqsaday arintaasi waxaa qadka Telphone-ka kula xariiray Nuur Cadde waxaana dhahay arintaasi maxaa ka jira, ma waxaad Amar ka haysataa madaxweynaha iyo R/wasaaraha in aad  iibiso ama kireyso dhismaha  Safaarada, iigama uusan Jwaabin, wuxuuna igu yiri shan cisho kadib ayaan soo laabanayaa markaasi ayaan kaaga Jawabaayaa.

Shukri Said waxa kaloo ay intaasi ku dartay hadalkeeda inay Shaqaalaha qaar ay u sheegeen in Nuur Cadde uu aaday magaalada Brussels ee Belgium, qaarna waxa ay ii sheegeen inuu aaday dalka Switzerland kadib markii uu heshiiska lagu kireeyay Safaarada Soomaaliya ee dalka Taliyaaniga uu kireeyay.

Sidoo kale Shukri Said waxa ay sheegtay in iyada iyo Wiil kale oo Hooyadii Soomaali tahay ay shalay ilaa xalay ( Jimce ) ku sugnaayeen Safaarada oo ay isku dayeen inay is hortaag ku sameeyaan Shirkada Dayactiraysa Safaarada,waxaana ay intaasi ku dartay In Sharciga Taliyaaniga uu dhigayo haddi Shirkada ay shaqo ka bilowdo aan laga hor istaagi karin, iyadoo xustay inay adkaan doonto in dib looga wareego Shirkada laga kireeyay Safaarada.

Dhinac kale AVV Xasan Ducaale oo ah Abukaate ku nool dalka Taliyaaniga oo Qadka Telefoonka ay kula xariirtay Shabelle ayaa sheegay in Safaarada lagu kireeyay 9 Sano ee hore Lacag gaaraysa Tobada kun Euro  ( 10,000 ) halka 9 Sano ee dambe  lagu kireeyay 15,000 Euro.

“Arintaasi waa arin jirta, Safiirka markii uu la saxiixdat heshiiska ayaa waxa uga warbixiyay Shaqaalaha inuu ku kireeyay bishii Euro 10,000 sagaal sano ee hore, sagaalka kalena 15,000 Euro, warkaasi markaan maqalnay aad baan ugu xumaanay waayo Shirkada waxa ay bedelaysaa qaabka ay hadda u dhisantahay Safaarada, waxaana adkaan doonta in mar kale ay noqoto Safaarad,” sidaasi waxaa yiri Abukaate AVV Xasan Ducaale .

Abuukaate Ducaale waxa kale oo uu sheegey in Shirkadaasi ay tahay shirkad caan ah oo aan la isku aamini karin dhinaca kalena waxa uu madaxda dowladda Soomaaliya  ka dalbadey in wax laga qabto arintaasi .

Shukri Said ayaa waxa ay sheegtay in wax laga xumaado ay in Shirkada ay dejisay Calanka Somalia ee ku xirnaa Safaarada mudadii 22 Sano ee lasoo dhaafay oo dad Somali ah degnaayeen.

Si kastaba Shukri Said iyo Abukaate AVV Xasan Ducaale ayaa ugu baaqay madaxda dowlada Somalia inay badbaadiyaan Safaarada oo ah hanti qaran oo ay shacab soomaaliyeed loogu adeego.

Cudur Daar : Warqada Saxiixan Qoraalkeeda khadda awgeed ayaa si fiican loo aqrin karin hasa yeeshee isla warqadaas oo aan saxiixnayn   waa warqadda labaad

Warqada Heshiisaka hordhaca ah ee lagu kireyey dhismaha Safaarada Soomaaliya ee Talyaaniga oo saxiixan

 1- Riix Halkan lettera originale saxiixan

2- Riix Halkan lettera trascritta aan saxiixneyn

Advertisements

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s