Guddoomiyaha Baarlamaanka: Hay’adaha ka howlgala Soomaaliya hal qad ayaan u jeexaynaa”

Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ka warbixiyay kulamo uu la qaatay wufuud ka socotay waddamada caalamka, gaar ahaan dowladaha daneeya arrimaha Soomaaliya iyo hay’ado ka howlgala gudaha waddanka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay Guddoomiye Jawaari in Xukuumadda cusub ee Soomaaliya ay hal irid ka maamuleyso sidii waddanka loo horumarin lahaa, isagoo sheegay in waddamada caalamka iyo hay’adaha dalka ka howlgala ay u jeexayaan qad cusub, kaasi oo ka duwan sidii horay ay u maamuli jireen madaxda dowladihii dalka soo maray tan iyo burburkii dowladdii dhexe 1991-kii.

“Arrimaha Soomaaliya hal irid ayaa laga maamulayaa, mana dhici doonto sidii hore oo boqol irid uu wadanku lahaa” ayuu yiri Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo gaashaanka ku dhuftay in dowladdani ay qaadeyso waddadii dowladihii iyada ka horeeyay.

Mar uu ka hadlayay waxyaabihii ay ka wadahadleen wufuudii uu la kulmay waxa uu sheegay inay ka wadahadleen waddada cusub ee ay u jeexeen in madaxda cusub ee dowladda Soomaaliya lagu maamulo dalka, wuxuuna caddeeyay in wafdiga ay wax ka beddelaan qorshahoodii ay dalka wax uga qabanayeen iyo taakuleynta mashaariicda kala duwan ee ay dalka ugu talo galeen.

“Hay’dihii dalka siday doonaan ka yeeli jireen, ee inta lacago fara badan ku soo qaatay inay Soomaaliya wax u qabanayaan aanay mar kale dhici doonin arrintaas” ayuu yiri Prof. Jawaari oo dhinaca kale tilmaamay in madaxda Dowlada Dowladda cusub ay yihiin kuwo isku xiran oo hal albaab ka wada maamulaya talada dalka iyo dadka.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Jawaari waxa uu sheegay in wafdiga ka socda dowladaha daneeya arrimaha Soomaaliya ay isku afgarteen qorsheyaal dhowr ah, wuxuuna caddeeyay in waxyaabaha ay ka wadahadleen ay ka mid tahay sidii dib loogu dhisi lahaa hay’adaja Dowladda, gaar ahaan xarumaha Dowladda iyo kaabayaasha danta guud iyo waliba mashaariic kale oo fara badan.

Advertisements

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s