Danjire daacada yaa Dadku Doonayaan

Danjire/Safiir, Waa: Diblomaasi ugu sarreeya shaqeelaha Safaaradda wadankiisu ku leeyahay dal shisheeye. Dhammaan shaqaalaha safaaradduna waa wada danjirayaal, marka laga fiirsho shaqada ay dadka u hayaan.

Waxaa lama huraan ah in Danjire/Safiirku noqdo qof tacliintiisu ay aad u sarrayso, caqli iyo garasha dheerna leh, maamulka iyo maaraynta wax ka garanaya, afaf qalaadka ku hadli kara, qof haybad dawladeed huwan, muuqaalkeedna leh, isaguna garaysan yahay xilka loo dhiibay inuu sidaa yahay.

Haddaba, mudanaha ordaayoow ma xildoon baad tahay? Mise xisaab baad xiraysaa? Xilka aad u hanqal taagayso ma hanan kartaa? Mise leedahay aqoontii looga baahnaa? Ma isu dhigmaan xilka aad qabanayso iyo waayo aragnimadaadu? Xil doonow way fudud dahay sida aad xil ku qabatid kuma sii jirto xilligaan la joogee, xil laguu dhiibye maxaad qaban?!

Waydiimuhu kala joogsan maayaan haddaanan inagu hakin, maxaa yeelay waxay su’aaluhu ka soo maaxanayaan maan taahaya! Qalbi ololaya! Xis daallan! Iyo kas karaya! Kana turjumaya muuqaal jireed qolfoofay oon midab iyo dheeh guud toona lahayn, hab tilmaamtuna ay adag tahay, waana qofka Soomaaliga  ah.

Yuusan ila gudbin dareenka la dananaya murugada maarugtay, guuxa laabta iyo hugunka dareenka, fekerka maanka ee aan ku dabro inaan dib ugu laabto dulucda qormada, sida caadada ah xil loo dhiibaha waa inuu isku jeexaa afar dhaarood, Kitaabna gacan galiyaa, erayo iga dheh ahna uu mariyaa, balse, xil magacabistu ma cusba, dhaarta daba taalna ma cusba, gacan galinta Kitaabkana ma cusba, erayada la aqrinayaan ma cusbee, weydiinta meesha taal yaa ah: himilo intee le eg ayey ku abuuraysa ruuxa aan soo tilmaamnay ee rajo ku noolka ah?!

Xil adag ayaa la ii dhiibay, dar Alle ayaan ku shaqayn ama ku shaqeeyaa iyo Voluntary, ma ahan erayo dhagaheenna ku cusub, balse, waxaa ku cusub in mudane walba oo xil loo dhibo dhaho: “Waxaan hayaa howsha ugu adag adduunka” haddaba qiil ma u noqon inuu ku daboolo hantida qaran ee madaxda dawladda u sarraysa lunsadaan? Qiil ma u noqon qabyaaladda sii laxaadsabaysa? Qiil ma u noqon musuqa aan xadka lahayn? Qiil ma u noqon fashalka maamul ee jira? Qiil ma u noqon horumar la’aanta taagan?.

Dabca, arrin daba dheeraatay, oo xilli soo jiitamaysay way adkaan in dharaar qura lagu saxo, balse, in dib la isu eego miyeysan habboonayn, oo la isku dayo in wax la saxo?.

Midse waa muhim in Danjirayaasha Soomaaliyeed ogaadaan, haddii afar iyo bar lagu keenay, haddii urur diimeed lagugu keenay, haddii laaluush aad bixisay lagugu keenay, haddii galaangalan lagugu keenay, haddii isu dheellitir sheeko aan la garan lagugu keenay, waa inaad ogaataa, maalintii aan safaaradda iridda ka gasho, ee calanka Buluugga aha garabka ama hortaada la suro, inaadan summaddii Geela reerka, astaantii ururka, bidhaaantii beesadii aad bixisay iyo hummaag quwado kuu muuqan kara, inaadan waxba ku goyn, ee dadka xafiiskaaga imaanaya kuu sinnaadaan, oo aadan dadka kala laxawsan, kuna soo kala dhawaysan arriimahan aan soo sheeggnay midkoodna.

Ogsoonoow, inaad danjire ku tahay calankan, haddaba dadka kuu imaanaya, ha eegin gobol, lahjad iyo qabiil, illen iyaguba hadday intaa eegayaan kuuma imaadeen, waxa ay ku soo hirteeni waa magaca Soomaaliyeed, ayna mudan tahay inaad ku qaabisho niyadda ay kuugu yimaadeen.

Ogsoonoow, in dadku yahay waxa aad wax ku tahay, la’aantood aad waxba ahayn, illeen haddii aysan iyagu jireen adba xilkan ma qabateene, si isku mida, haddaadan ugu adeegin, waxaad u xadgudubtay awooddii lagugu aaminay, oo ahayd inaad dadka sinnaan iyo garsoor ugu adoogto, oo adan u kala eexan.

Ugu dambayn, Danjirenimadu kuma koobno kaliya Dadka ka shaqeeya Safaaradaha dibadda, ee ay u matalaan Dawlad iyo Ummad, balse, qof kasta oo masuul ah waa danjire, Madaxweynaha haba ugu sarreeyee illaa shaqaalaha ugu hooseeya ee dawladda.

Madaxwaynuhu waa Danjiraha Umadda oo dhan kana shaqeeyaha Danaha Umadda u dhiibatay xilkaas, Xildhibaanku waa Danjire, wuxuu u yahay shacabka uu matalo ama soo doortay ee codkooda uu ku galay Golaha Shacabka ama Baarlamanka.

Wariyuhu waa Danjire, wuxuu ka yahay Qalinkiisa iyo Carrabkiisa, Macalinku waa Danjire, wuxuu ka yahay Casharka uu bixinayo, ee siinayo Aradada inuu ku qodbo Wadiniyadda, Xorriyadda, Kala duwanaansha. Runta iyo garaadaynta, Wadaadku waa Danjire, wuxuu ka yahay inuu Diinta u gudbiyo si hufan, maankana ku hayo casriga iyo caalamku heerka ay marayaan iyo halka ay dunida gaartay, uusanna kilkilaysan dhaxal duuggii qarniyadii dhexe maankana ka qufilin ubadka iyo dhallanka, uusanna naga loogin.

Danjirayashu way badan yihiin, qormo iyo labana laguma soo kobi karo, maxaa yeelay waxaa Danjire ah qof kasta, illeen waxa la eegayaa waa sida uu u dhaqmayee, oo inta damabyso eeganaysee, haddu Bulshada xil u haya ama xubin ay higsato yahayna kuma sii jirto.

Wararka aynu ka helayno magaalada Roma ee Xaruunta dalka Taliyaaniga ayaa xaqiijinaya in Ambassador Soomaaliya  u fadhiya  Talyaaniga iyo Midowga Yurub Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) marna noqday R/wasaaraha Soomaaliya uu kireeyay dhismihii safaarada soomaaliya ee Dalka Taliyaaniga.

Xariir aynu la samaynay dad kala duwan ayaa noo xaqiijiyay in Nuur Cadde uu 18 Sano ah ka kireeyay dhismaha Safaarada shirkad la yiraahdo  Italian Tourist service oo laga leeyahay dalka Taliyaaniga.

Shukri Said oo ah Saxafiyada ka shaqaysaa Wargeyska ugu balaaran dalka Taliyaaniga ee la yiraahdo La republica sidoo kale wax ku qorta Wargeyska kale ee lagu magacaabo Unita ayaa dhankeeda u xaqiijisay Shabelle in Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde), Safiirka Soomaaliya ee Dalka Talyaaniga iyo Midowga Yurub uu Dhismaha Safaarada kireeyay.

“Waa run arintaasi waxbaa ka jira waana arin xaqiiqo ah, aniga waxaa ila soo xariiray Daraad khamiistii qaar ka tirsan Shaqaalaha Safaarada oo ii sheegay in Safiirka uu isagu yeeray dhamaan Shaqaalaha kadibna uu ku wargeliyay in dhismaha Safaarada Taliyaaniga Safaarada Somalia oo ka kooban 4 dabaq oo ku taala meel qurux badan oo qiimo leh laga kireeyay Shirkada Italian Tourist service laga bilaabo Bishan November  aynu ku jirno, Shaqaalahana waxa ay ii sheegen inay markii wax ka weydiiyeen Nuur Cade sababta uu u kireeyay waxa uu nagu yiri adinkama jawaabayo Su’aalihiina,” sidaasi waxaa tiri Shukri Said.

“Aniga Shalay waxaan tagay Dhismaha Safaarada , waana soo xaqiiqsaday arintaasi waxaa qadka Telphone-ka kula xariiray Nuur Cadde waxaana dhahay arintaasi maxaa ka jira, ma waxaad Amar ka haysataa madaxweynaha iyo R/wasaaraha in aad  iibiso ama kireyso dhismaha  Safaarada, iigama uusan Jwaabin, wuxuuna igu yiri shan cisho kadib ayaan soo laabanayaa markaasi ayaan kaaga Jawabaayaa.

Shukri Said waxa kaloo ay intaasi ku dartay hadalkeeda inay Shaqaalaha qaar ay u sheegeen in Nuur Cadde uu aaday magaalada Brussels ee Belgium, qaarna waxa ay ii sheegeen inuu aaday dalka Switzerland kadib markii uu heshiiska lagu kireeyay Safaarada Soomaaliya ee dalka Taliyaaniga uu kireeyay.

Sidoo kale Shukri Said waxa ay sheegtay in iyada iyo Wiil kale oo Hooyadii Soomaali tahay ay shalay ilaa xalay ( Jimce ) ku sugnaayeen Safaarada oo ay isku dayeen inay is hortaag ku sameeyaan Shirkada Dayactiraysa Safaarada,waxaana ay intaasi ku dartay In Sharciga Taliyaaniga uu dhigayo haddi Shirkada ay shaqo ka bilowdo aan laga hor istaagi karin, iyadoo xustay inay adkaan doonto in dib looga wareego Shirkada laga kireeyay Safaarada.

Dhinac kale AVV Xasan Ducaale oo ah Abukaate ku nool dalka Taliyaaniga oo Qadka Telefoonka ay kula xariirtay Shabelle ayaa sheegay in Safaarada lagu kireeyay 9 Sano ee hore Lacag gaaraysa Tobada kun Euro  ( 10,000 ) halka 9 Sano ee dambe  lagu kireeyay 15,000 Euro.

“Arintaasi waa arin jirta, Safiirka markii uu la saxiixdat heshiiska ayaa waxa uga warbixiyay Shaqaalaha inuu ku kireeyay bishii Euro 10,000 sagaal sano ee hore, sagaalka kalena 15,000 Euro, warkaasi markaan maqalnay aad baan ugu xumaanay waayo Shirkada waxa ay bedelaysaa qaabka ay hadda u dhisantahay Safaarada, waxaana adkaan doonta in mar kale ay noqoto Safaarad,” sidaasi waxaa yiri Abukaate AVV Xasan Ducaale .

Abuukaate Ducaale waxa kale oo uu sheegey in Shirkadaasi ay tahay shirkad caan ah oo aan la isku aamini karin dhinaca kalena waxa uu madaxda dowladda Soomaaliya  ka dalbadey in wax laga qabto arintaasi .

Shukri Said ayaa waxa ay sheegtay in wax laga xumaado ay in Shirkada ay dejisay Calanka Somalia ee ku xirnaa Safaarada mudadii 22 Sano ee lasoo dhaafay oo dad Somali ah degnaayeen.

Si kastaba Shukri Said iyo Abukaate AVV Xasan Ducaale ayaa ugu baaqay madaxda dowlada Somalia inay badbaadiyaan Safaarada oo ah hanti qaran oo ay shacab soomaaliyeed loogu adeego.

Cudur Daar : Warqada Saxiixan Qoraalkeeda khadda awgeed ayaa si fiican loo aqrin karin hasa yeeshee isla warqadaas oo aan saxiixnayn   waa warqadda labaad

Warqada Heshiisaka hordhaca ah ee lagu kireyey dhismaha Safaarada Soomaaliya ee Talyaaniga oo saxiixan

 1- Riix Halkan lettera originale saxiixan

2- Riix Halkan lettera trascritta aan saxiixneyn

Fadeexad Culus-Nuur Cade oo Kireystey Safaaradii Soomaliya ee Talyaaniga Ku Taalay! Cajiib (Daawo Video)

Waxaa fadeexad weyn dhex fadhiyaa Safiirka Somaliya u fadhiya dalka Talyaaniga Nuux Xasan Xuseen (nuurcade) ,kadib Markii ay soo shaac baxday in  Safaarada Soomaaliya ee dalka Talyaaniga oo ee ka kireeyay Shirkad Ajnabi

Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Talyaaniga ayaa banaanbaxyo waaweyn oo ay arintani kaga gilgilanayaan ka dhigay Magaalada Roma ee dalka Talyaaniga, Sidoo kale saxaafada dalka Talyaaniga ayaa siweyn u qaadaa dhigtay in Safiirka Somaliya u fadhiya dalka Talyaaniga Nuurcade uu Safaarada Ka kireeyay shirkad ,kuna kireeyay Bishii 10-kun oo EURO.

18 Sano ayaa Safaarada la kireeyay, 9 Sano ee hore waxaa lagu kireeyay bishii min10-kun oo Dollar , halka 9 sano ee dambana lagu kireeyay 15-kun oo Euro.

Advertisements

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s