Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay oo dood adag ka yeeshay arrimaha Somaliya

Golaha amaanka ee Q/midoobay ayaa xalay doodiisii ugu horeeysay waxa uu ka yeeshay korarka kooxaha burcad badeeda caalamka iyo khatarta ay ku heyso nabadda iyo amaanka adduunka, iyadoo Burcad badeednimada muddo badan loo aqoonsanaa dembi caalami ah oo ka soo horjeeda bini’aadaminimda.

Golaha Amaanka ayaa doodiisu waxa uu diiradda ku saaray faafitaanka Burcad badeednimada, waxaana tusaale loo soo qaatay badaha iyo xeebaha gobolo ay ka mid yihiin Soomaaliya, gacanka Gani ee galbeeedka Afrika iyo Koonfur bari Aasiya, iyadoo kulanka uu soo qabanqaabiyey ama uu isugu yeeray Madaxweynaha xilligan ee Golaha amaanka, waxayna xubnihii ka qeybgalay kulanka ay sidoo kale farta ku fiiqeen in wax kasta ay ka darantahay dhibaatada ay geysanayaan kooxaha burcad badeeda Soomaalida oo ay sheegeen inay cunaqabateeyeen marinada caalamiga ah ee gacanka cadmeed.

Xilka meertada ah Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay oo bishan uu hayo danjiraha India u fadhiya Qaramada Midoobay Hindiya Ambassador Hardeep Singh Puri ayaa sababta uu u soo bandhigay waxaa lagu sheegay iyadoo dalkiisu 7% ka yahay shaqaalaha saaran Maraakiibta ee ay burcad badeedu madaxfurashada u heysato.

Dooda oo ay safiirada 15-ka dal ee xubnaha ka ah Q/midoobay ku kala aragti duwanaayeen, isla markaasna u jeedadoodu aheyd sidii loo meel marin lahaa ciidamo ilaala ah oo la saaro maraakiibta ayey danjiraha Mareykanka u fadhisa Q/midoobay Susan Rice ku sheegtay inaysan waxba soo kordhinaynin ilaalo la saaro Maraakiibta, waxaana ay intaasi ku dartay inaysan jirin markab ay saaranyihiin ciidamo hubeysan oo ku guuleystay inuu wreeraro Burcad badeed.

Waxaa kale oo ay danjrayaasha qaar shaki geliyeen amaanka dadka wata doomaha kaluu-meysiga oo laga cabsi qaba in maraakiibta hubeysani ay xabado ku furi karaan isla markaasna khasaarooyin gaar siinkaraan, waxaa kale oo jiray khilaaf laga dareemayey wadamada quwadaha waa weyn qaarkood, iyadoo ku xigeenka Xoghaya guud ee Q/midoobay General Jan Eliasson uu sheegay in looga baahanyahay wadamada la dagaalmaya burcad-badeeda inay yeesheen iskaashi wanaagsan isla markaasna ay wadaagaan warbixinada la xiriira Burcad-badeeda, waxaa kale oo uu ku baaqay in la sameeyo Maxkamad awood leh oo lagu fuliyo burcad badeeda la soo qabto xukunadooda.

Warbixin uu soo bandhigay xaafiiska dhinaca mareynta baddaha caalamiga ee Kuala lumpur ayaa lagu sheegay in sanadkan ay dhaceen 252-weerar oo lagu qaaday Maraakiibta ka gudbeysa badaha caalamka, sagaal markab oo ka mid ahna waxaa madax furasho loogu heystaa xeebaha Soomaaliya, iyadoo ay maraakiibtaasina saarnaayeen 154 Shaq-aale oo ka socday qeybaha caalamka.

Ilaa iyo hada ma jiro war rasmi ah ama go’aan rasmi oo ay goluhu isku raaceen lagana soo saaray arinta Burcad badeeda, balse waxaa muuqata in xilligan caalanmka ay si adag u soo kartay arrimaha Burcad badeeda adduunka, gaar ahaan Soomaaliya oo uu golaha amaanku ka dhaga adaygay sameynta ciidamadii qaranka Soomaaliya kuwaas oo loo arkay inay wax ka qaban karaan Burcad badeeda iyo arrimaha amaanka gobolka oo dhan.

Advertisements

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s