Duqa magaalada Muqdishu ee caasimada Somalia, Maxamed Nuur Tarsan, oo qorshahu ahaa inuu Sabtidii shalay ka soo qeyb galo xaflada maalinta Afrika oo ka dhacaysay magaalada Amsterdam, ayaa ka baaqday sababo lagu sheegay eedeymo la xiriira musuq maasuq uu sameeyey.
Weriye Nederlandees ah oo ka tirsan xafiiska Radio 1 u qaabilsan arrimaha dibadda oo sameeyey baaritaan ayaa sheegay, isagoo soo xiganaya warbixintii guddiga kormeerka ee Q.M ay ka soo saareen arrimaha musuq maasuqa dowlada Somalia, in Maxamed Nuur Tarsan uu isdaba marin ku sameeyey raashinkii gargaarka ahaa ee la geeyey magaalada Muqdishu sanadkii hore waqtigii ay jirtay macluusha daran ee ka dhashay abaarahii ku dhuftay koonfurta Somalia.
Maxamed Nuur Tarsan waxaa la sheegay inuu isugu yeeray gudoomiyayaasha degmooyinka Muqdishu oo heshiis kula galay inay qeybsadaan dhaqaalaha gargaarka la soo gaarsiiyey Muqdishu, taasoo ah fadeexo weyn oo uu sameeyey masuul dowladeed.
Weriyahaasi ayaa baaritaankiisa ku sheegay in Tarsan uu si shaqsi ah uga faa’íiday gargaarkaasi loogu tala galay dadkii masaakiinta ahaa ee u baahnaa, waxaana mar lala xiriiray Tarsan oo wax laga weydiiyey waxa ka jira eedeynta uu si caro leh uga jawaabay isagoo yiri “nimankii monitor-ka ahaa ee warbixinta iga qoray waxay ahaayeen maafiyo,” taasoo uu ula jeeday tuugo.
Inkastoo wasiirka horumarinta iyo ganacsiga dibadda ee Nederland uu si weyn uga niyad jabay waxyaabaha uu sameeyey duqa magaalada Muqdishu, haddana dowlada Nederland waxay ogoleyd in Tarsan uu ku yimaado martiqaadka kulanka Afrikadag, hase ahaatee ilo hoose ayaa sheegaya in Tarsan uu u baaqday cabsi uu ka qabay in suáalo laga weydiiyo eedeymaha loo haysto ee lunsaday raashinkii samafalka ahaa ee wadamada caalamku siiyeen shacabka Soomaaliyeed.
Leave a comment
No comments yet.
Leave a Reply