Tarsan oo dhaliilay Xukuumada Cusub

Muqdisho (Moment Media Group) – Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahnah Duqa Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa dhaliilay Dowlada Cusub kana hadlay Amaanka Magaalada Muqdisho iyo Waxbarashada.

Tarsan oo shalay khudbad ka jeediyay kulan lagu taageerayey Xukuumadda oo ka dhacay degmada Waaberi ayaa sheegay ku tilmaamay “Wax laga xumaado” Aminiga magaalada Muqdisho iyo Mas’uuliyiinta Ajaanibta in lagu casumo Garoonka Diyaarada ee Adan Cadde, Amaan xumo awgeed.

“Intay Xukuumada NGO- iyo ururo Ajnabi ah leeyihiin madaxdiina ha yimaadaan Garoonka amni xumo magaalada laga sheegayo waa uur ku taallo iyo liiditaan” Ayuu yiri Tarsan.

“In la xoojiyo hay’adaha Dawlada ee Amniga,in la tayeeyo oo wixii ay ubaahan yihiin Ciidamadeena,suuragal maahan in askarigii difaaci lahaa shacabka iyo dalkaba uu qoriga ugu jiro afar xabadood, waa wax laga yaq yaqsado”

“Sidaan ma soconeyso in Caasimada Amnigeeda wali la sugin” Ayuu yiri Tarsan oo dadweynaha la hadlaayay.

Sidoo kale Tarsan ayaa ka hadlay Waxbarashada Muqdisho wuxuuna Dowlada Cusub ka codsatay iney degmo walba oo ka tirsan gobolka Banaadir ka hirgeliso ugu yaraan Seddex Iskuul kuwaasi oo si lacag la’aan ah wax loogu baran karo “si looga gudbo jahliga iyo Qabiilka sababay Colaadaha”.

’’Hadaan nahay shacabka Muqdisho waxaan rabnaan sheeganeynaa waxaan dowladda ka codsaneyna in degmo kasta oo ka tirsan G/Banaadir ay ka hirgeliso Sadex Iskuul oo  lacag la’aan ah si caruurta Soomaaliyeed ay u helaan waxbarasho wanagsan’’ ayuu yiri guddoomiye tarsan.

Advertisements

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s