Qabyaaladdu halkeey beey ka billaabataa amase ku dhammaataa ?!

Mar kasta oo niyadda dadka Soomaaliyeed dib u soo laabato waxaa soo wajaha caqabado ka imaanaya cadowga jiritaanka ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan. Cadowgu waa badanyahay waana kala dhib badfanyahay waxaa jira mid kaalinta koowaad galaya marka la fiiriyo dhibkiisa, markastana taagan dariiq kasta iyo waddo kasta oo maslaxadda ummaddu ku jirto. Waa kuma cadowgaas?

Qabyaaladda ayaa ah cadowga koowaad ee isku duubnida iyo jiritaanka ummadda Soomaaliyeed waayo waa tan muddo ka badan 20 sano na dhigtay dawlad la’aan isla markaana naga reebtay adduunka intiisa kale.

Waa cudur aan daawo lahayn ilaa gartaan dadka uu haayo iskana daaweeyaan.

Qabyaaladdu halkeey beey ka billaabataa amase ku dhammaataa

Qabyaaladd ama six un u adeegsiga qabiilku wuxuu ka soo billowdaa odey lagu abtirsado kaddibna la isku faquuqo reer geed iyo reer dhagax. Waxaa lagu tilmaamaa in uusan qabiilku dhammaad lahayn haddii lasii daba galo tusaale ahaan, basasha oo ka mid ah qudaarta wax lagu darsado haddii la fiiqo waxeey u dhammaataa baal, baal ilaa laga gaarayo baalka u dambeeya.

Tusaale kale, odey haddii uu laba xaas ilmo ka dhalo. Ilmahaas waxay isku kala soocaan labadii hooyo ee dhashay oo ay yiraahdaan reer ina heblaayo iyo reer ina heblaayo. Taas waxay noo muujineysaa in uusan dhammaad lahayn qabiilka ilaa uu kala geeyo laba qof oo isku aabbe ah.

Halkee nooga timid qabyaaladdu

Waxaad mooddaa qarniyaal badan kaddib in aan wali lagu tusaale qaadan si xun adeegsi qabyaaladda iyo dhibta ay noo geysatay, waxaana taa kasii daran in jiilka soo koraya iyana lagu ababiyay qabyaaladda.

Ma jirto ummad horumar gaari karta iyadoon wada jirin. Carabtii jaahiligi Nabi Muxammad nabadgalyo iyo naxariis korkiisa ha aheete ka hor wax ay u diri jireen qabiil qabiil, tusaale ahaan Reer Aws iyo Reer Khasraj oo markii dambe nabigu walaaleeyay.

Waxaa jira Aayado Quraan ah iyo Axaadiith laga wariyay Nabigeenna suubban oo ka hadlaya qabyaaladda iyo xumaanteeda. Ilaah wuxuu Quraankiisa ku yiri”

“Dadoow waxaan idinka abuurray lab iyo dheddig, waxaana idinka yeelay shucuub iyo qabiillooyin si aad isu aqoonsataan, ruuxase ugu sharaf badan Eebe agtiisa waa kan idinku dhawrsasho badan, Eebana wax walba waa ogyahay,”

Nabigu wuxuu yiri kataga qabyaaladda waa qurune. Dad badan oo Soomaaliyeed in sharafta ummadnimo iyo diintooda difaacdaan waxaa kala weyn in ay qabiilkoodaa difaacaan taasina waa mid aan meel lagu gaareeyn aakhiro iyo adduun toona. Dhibaatada qabyaaladeed ee ummaddeenna dillootay waxay sababi kartaa in jiritaankeenna meesha ka baxo mustaqbalka soo socda waxana muhiim ah in lagu baraarugo.

Burburkii dawladnimo kaddib, waxaa dalka ku soo batay wax la yiraahdo fadhi ku dirir ay odyaasha iyo qaar ka mid ah dhallinyaradu isku dhaafsadaan fikrado xambaarsan cudurka qabyaaladda mararka qaarna keeni jirtay gacan ka hadal, inkastoo waayaahaan aad mooddo in uu yaraaday fadhi ku dirirkii laakiin waxa uu u soo wareegay dhanka website-yada/mareegaha ciidda ka badan ee Soomaaliyeed kuwaasoo aad ka daallacan karto fikradaha la isku dhaafsanayo ee xambaarsan cudurka qabyaaladda. Website-yadaan intooda badan waa yartahay tayadooda marka laga reebo kuwo kooban oo si sax ah wararka u tabiya

Dadka intiisa badan maahan kuwa cilmi la’aan hayso balse kuma dhaqmaan mana dhaqan galiyaan waxyaabihii ay ka barteen waayaha soo maray iyo waxbarashadooda midna.

Gunaanad

Ma jirto cid kala saari karta dadka Soomaaliyeed meel kasta ama gobol kasta oo ay kasoo jeedaan muuqaal ahaan. Marka laga reebo in Soomaalida dhexdoodu ay is garan karaan marka qof walba uu ku hadlo afka gurigiisa ama lahjadda gobolkaas looga hadlo.

Soomaalidu meel kasta oo ay ku nooshahay waa hal ummad taasoo ah isku diin isku af iyo isku dhaqan aan sinaba u kala maarmin una kala qaybsami karin.

Dhibaatooyinka qabyaaladda waxaa looga bixi karaa in ummadda Soomaaliyeed ay xasuustaan cabsida Allahii abuurtay mar walba waaliddiintuna ay ilmahooda ku barbaariyaan dhaqanka wanaagsan kana ilaaliyaan si xun u deegsiga qabyaaladda.

Sidoo waxaa looga bixi karaa in la hor mariyo waxbarshada iyo sare u qaadista garaadka ubadka soo koraya.

Advertisements

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s