Xafiiska madaxweynaha dowlada Somalia oo beeniyey war ay faafisay wakaalada wararka Reuters

Somalia's President Hassan Sheikh Mohamud (R) speaks at a news conference during a visit by U.S. Under Secretary of State for Political Affairs Wendy Sherman (not pictured) to Somalia's capital Mogadishu November 4, 2012. REUTERS/Feisal Omar

Madaxweynaha dowlada Somalia Xasan Shiikh Maxamuud ayaa beeniyey war lagu qoray wakaalaada wararka Reuters oo ahaa inuu ogolaaday dhoofinta dhuxusha ee dhowaan ka bilaabatay dekeda magaalada Kismaayo ee gobolka J/hoose.

War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Somalia ayaa lagu sheegay in Reuters ay si qaldan u faafisay hadalo ku jiray shir jaraaid oo uu madaxweynaha Somalia ku qabtay magaalada Muqdisho arbacadii kaasoo uu kaga hadlay arimo badan oo ay ku jireen dhuxusha dhooban Kismaayo.

Waxaa lagu xusay war saxaaradeedkaas in madaxweynuhu uu shirkiisa jaraa’id ku sheegay in dhuxusha taalla Kismaayo ay u raadinayso dowladdu xal macquul ah si loo badbaadiyo hantida ganacsatada ay lacaguhu uga jiraan, balse uusan ogolaan dhoofinta dhuxusha.
 
“Si khaldan ayay u turjuntay Reuters shirkii jaraa’id ee madaxweynaha, mana jirto meel uu madaxweynuhu ku ogolaaday dhoofinta dhuxusha Soomaaliya, balse wuxuu sheegay in dowladdu ay xal u raadinayso dhuxusha taalla Kismaayo si loo badbaadiyo hantida ganacsatada,” ayaa lagu yiri war saxaafadeekaas kasoo baxday xafiiska madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa War saxaafadeedkiisa ku sheegay inuu taageersan yahay go’aankii golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ee lagu mamnuucay dhoofinta dhuxusha Somalia kaasoo ay horay u dalbatay dowladda wuxuuna wakaalada wararka Reuters ugu baaqay iney shabakadaha wararka u faafiya ka saaraan warkaas abuurka ah.

Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa dhowaan mamnunucday dhoofinta dhuxusha Soomaaliya, iyadoo dowladda Soomaaliya ay ogolaatay arrintaas, balse dhawaanahan waxaa taagnaa muran ku ku saabsan dhoofinta dhuxul taalla magaalada Kismaayo taasoo ay dowladdu sheegtay inay xal u raadinayso hase ahaatee ciidamada huwanta ee qabsaday Kismaayo ayaa iskood u fasaxay dhoofinta dhuxushaas.

Advertisements

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s