DOOD FURAN: Dawlada Soomaaliya oo Rabta In Laga Qaado Cunaqabateynta Hubka

Muqdisho (MMG) Ilo wareed ku sugan magaalada Muqdisho ayaa Raxanreeb u sheegay in dawlada madaxweyne Xasan Sheekh ay diyaarineyso qoraal ay uga codsaneyso Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay in Soomaaliya laga qaado xayiraada hubka ee la saaray sanadkii 1991-kii markii ay burburtay dawladii dhexe ee dalka ayna qarxeen colaadihii sokeeye. Qoraalka ay dawlada wado ayaa ka dambeeyay markii si rasmi ah ah toddobaadkan loo ansixiyey golaha cusub ee wasiirada dawlada ee ka kooban 10 xubnood.

Wasiirka cusub ee gaashaandhiga C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi oo dhowaan u waramay idaacadda VOA ayaa isaguna xaqiijiyey inay dawladu dooneyso inay olole ballaaran u gasho sidii xayiraada hubka looga qaadi lahaa dawlada, si buu yiri ay dawladu fursad ugu hesho inay dib u dhis ku sameyso ciidamadeeda ayna u keensato hub casri ah.

Qorshaha dhismaha ciidanka

Sida Raxanreeb ay ka ogaatay ilo wareedyo ku dhow madaxtooyada waxaa qorshuhu yahay in mudo hal sano ah oo soo socota lagu tababaro ciidan gaaraya 12,000 askari oo gudaha dalka loogu sameynayo tababaro ay bixinayaan saraakiil ka tirsan Midowga Afrika iyo khubaro ka iman doona dalka Masar oo codsi ay dirsatay dawlada Soomaaliya dhowaan.

Qorshahan ayaa waxaa qeyb ka ah in dawlada Turkiga ay bixiso qalabka tababarka ciidamada, gaadiid, isgaarsiinta iyo dharka ciidamada oo deeq ahaan ay u codsatay dawlada madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana dhanka dhaqaalaha ku baxaya tababarada ciidamada iyo qalabeyntooda bixin doonta dawlada Qadar oo ay xiriir aad u dhow leeyihiin wadaadada Damu Jadiid ee ku awooda madaxtooyada Villa Soomaaliya iyo xukuumada cusub, taasoo sidoo kalana ahayd dawladii bixisay kharashkii doorashada kaga baxay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhanka kale, Ururka Midowga Afrika oo uu hoostago hawlgalka AMISOM oo ciidamo fara badan ka joogaan Soomaaliya ayaa dhankooda ka riixaya qorshaha Qaramada Midoobay looga codsanayo inay meesha ka saarto xayiraada hubka.  Midowga Afrika ayaa dhowr jeer baaqyo arintaasi ku saabsan soo jeediyey.

Dawladii ku-meelgaarka ahayd ee Soomaaliya ayaa mudo ka badan labo jeer waxay soo jeedisay codsi ah in xayiraada hubka laga qaado, taasoo ay si weyn u diideen qaar ka mid ah dawladaha waaweyn ee ku jira Golaha Amaanka ayna ugu horeyso dawlada Ingiriiska.

Illaa hadda Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay uma muuqdaan inay hadda deg deg ugu jilicsanaan doonaan dalabka dawlada Soomaaliya iyo Midowga Afrika walow ay jiri karaan dawlado ka mid ah golaha oo qaba aragtida Midowga Afrika ee ah baahida loo qabo dib u dhisida ciidamada Soomaaliya ee ka garab dagaalama kuwa AMISOM.

Dad badan ayaa aaminsan in Soomaaliya aanu u yareyn hub iyo qalab militari noocyadiisa kala duwan tan iyo markii dalku uu ka dhacay dagaalkana markasta uu jiray hub ku soo qulqulayey, sidaasina waxaa xitaa markhaati u ah dhowr warbixin oo sanadihii 2007 illaa 2010 ay soo saareen guddigii Qaramada Midoobay u qaabilsanaa la socodka cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya iyo Eritria oo sheegay in hub aad u fara badan oo meelo kala duwan ka yimid uu dalka soo galay marar kala duwan.

Haddaba waxaa isweydiin mudan dawladu ma dhisi kartaa ciidanka iyadoo aan la qaadin xayiraada hubka?

Dawladase hadda ma hub baa ku yar? mise waxaa jira baahi dhab ah oo ah in ciidanku u baahan yahay hub iyo qalab casri ah?.. waa dood furan?

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s