Beelaha reer Baraawe ee ku dhaqan London oo beeniyey war ku soo baxay website-yada Soomaalida qaarkood

War saxaafadeed ay magaalada London ka soo saareen Qurbajoogta beelaha reer Baraawe ee halkaas ku dhaqan ayey ku beeniyeen war odayaal kale oo isla beeshaas ka tirsan ay ku qoreen mid ka mid ah websiteyada Soomaalida kaasoo ay ku sheegteen iney yihiin odayaal dhaqameedyadii beesha reer Baraawe.

War-saxaafadeedkaas ayaa u qornaa sidatan:-

Oday dhaqameedyada, Aqoonyhanada iyo Dhalinyarada Beelaha Reer Baraawe London.

Ujeedo: Beenin war lagu qoray qaar ka mid ah websiteyada oo ku saabsan xagga Odey dhaqameedyada.

Odeyaasha dhaqanka, Aqoonyahanada iyo dhalinyarada beelaha reer Baraawe ee ku dhaqan magalada London waxay si kulul ah u beeninayaan war lagu qoray mid ka mid ah websiteyada Soomaalida oo ah in Axmed Maxamed Catiiq, Maxamed Cali Baana iyo Sayid Bakar ay isku maqacaabeen inay yihiin odey dhaqameedyada beelaha Reer baraawe. waa arrin laga xishoodo inaad sheegatid waxaadan ahayn.
 
Waa akhyaar qurba joog howlgab ah, xorna u ah inay fikradooda si xaqiiqda ay ku jirto u jeediyaan laakiin waxaa iney iska dhaafaan abuuridda jahwareerka beelaha dhexdooda kaasoo dhalin karo khilaafaad badan iyo iska horimaad.

Dhinaca kale warqadda ay qoreen ragas odayaasha ayaa Midaam ahaan u khaldan iyadoo leys daba mariyay wax walba, sidaas darteed cidda qortay waa in ay ka fiirsataa mar kale maadaama ay aqrinayaan mas’uuliyiinta iyo dadweynaha Soomaaliyeed meel kasto ay joogaan.

WA BILLAAHI TOWFIIQ
Waxgaradka beelaha Reer Baraawe ee magaalada London

Advertisements

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s