ALLAHA U Naxariistee Marxuum Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere)

ALLAHA naxariistee marxuum Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ayaa maanta aas Qaran loogu sameeyey magaalada Muqdisho ka dib markii uu shalay geeriyooday.

Aaska marxuumka oo ka dhacay qabuuraha Shiikh Suufi ee ku yaala agagaarka madaxtooyada ayaa waxaa ka soo qeyb galay masuuliyin ka tirsan dowlada Somalia, maamulka gobolka Banaadir, xildhibaano ka tirsan Baarlamanka iyo dadaweyne kale.

Wasiirka arimaha gudaha iyo amaanka Qaranka ee xukuumada Somalia C/kariin Xuseen Guuleed oo ka hadlay qabuuraha, aaska ka dib ayaa sheegay iney aad uga naxeen geerida Maxamed dheere oo uu sheegay inuu ahaa nin wax badan ku dedaalay nabada iyo horumarka dalka.

“Anigoo ku hadlaya magaca madaxweynaha raisul wasaaraha, keyga iyo kan dowlada Soomaaliyed guud ahaan waxaan tacsi u dirayaa eheladii iyo qarabadii uu ka geeriyooday Maxamed dheere samir iyo iimaan ILAAHAY ha inaga wada siiyo isagiina janada ha ka waraabiyo” ayuu intaa ku daray wasiirka.

Sidoo kale waxaa halkaas ka hadlay gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) oo sheegay in Maxamed dheere uu ahaa masuul wax badan ka qabtay horumarinta gobolka Banaadir isagoo ku baaqay in cidii wax ka tabaneyso ay iska cafiso.

“Aniga Tarsan ahaan dad baa tuhmaya iney wax na dhexmareen marxuumka cafi iyo masaamax ayuu iga yahay aduun iyo aakhirana waxba uma heysto, dad kale ee laga yaabo iney wax ka tabanayaana waxaan ugu baaqeynaa iney iska cafiyaan” ayuu intaa ku daray gudoomiyaha gobolka Banaadir.

Muxyadiin Xasan Afrax gudoomiyaha ururada bulshada gobolka Banaadir oo isna halkaas ka hadlay ayaa faahfahin ka bixiyey taariikhdii marxuum Maxamed dheere, wuxuuna xusay inuu howlo badan oo kala gedisan soo qabtay kuwasoo ay ugu muhiimsanayeen gudoomiyeyaasha gobolada Sh/dhexe iyo Banaadir oo uu soo kala qabtay xiliyadii dowladihii C/qaasim iyo C/llaahi Yuusuf, wuxuuna xusay inuu wax ka qabtay adeegyada bulshada.

ALLAHA u naxariistee marxuum Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ayaa shalay ku geeriyooday isbitaalka ciidamada AMISOM ku Xalane xili lagu waday in loo duuliyo magaalada Nairobi ka dib markii uu mudooyinkan xanuunsanaa.

PHOTO NEWS: Daawo Sawirada qaabkii maanta Muqdisho loogu aasay marxuum Maxamed dheere

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a comment

  • Dr.Ibrahim H. Abukar For President

  • Somalia Diaspora – Marco Abdi has Friends in High Places . By Moment Research Consultancy

  • Dr. Hassan Nur Nur Elmi Ambassador United Nations And Madam Halima Nur Abdulle and President Husni Mubarak

    The good policy for the Common Good"

  • Dr Hassan Nur Elmi Ambassador UNDP And President Haile Salase

    The good policy for the Common Good"

  • In Delegate In Roma Dr. Hassan Nur Nur Elmi Ambassador United Nations

    The good policy for the Common Good"

  • Qabiillada wax kama sheego, sheeko caruureed, miyeysan kula gudboonayn inaad qormadaa ka cudurdaaratid?

    Moment Media Group

  • THE NEW SOMALIA ROADMAP

    National Economist And Political Analyst

  • Safaarad gatoow Down, Nuur Cadde Down.!

    Moment Media Group

  • RSS Unknown Feed

    • An error has occurred; the feed is probably down. Try again later.
  • RSS Unknown Feed

    • An error has occurred; the feed is probably down. Try again later.