Tayo ma yeelan doonaan wasiirada tirada yar ee xukuumada ra’isul wasaare Saacid lagu soo koobay ?!!

In dhowaalaba waxaa gudaha iyo dibadda dalka Soomaaliya laga hadal hayay tirada tobanka Wasiir ee lagu soo koobay xukuumadda cusub ee Federaalka dalka Soomaaliya, taasi oo noqotay tan ugu hadal heynta badan ee inta la xasuusan yahay sanadahaan dambe soo marta Soomaaliya, maadaama ay noqotay xukuumadani tii ugu tirada yareyd ee abid loo sameeyo dalka ay dagaalada la degeen ee ku yaala geeska Afrika.

Inkastoo fooshii magacaabista Wasiiradaasi ay muddo ku qaadatay Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaarihiisa ayaa hadana waxaa xusid mudan in dhalashadii Wasiiradaasi lagu soo dhoweeyo si sharaf leh, walow ay jiraan beelo ka qeyla dhaamiyay (Saluugay) Wasiiradaasi kaddib kolkii ay iska dhex arki waayeen.

Iidheh aad u fara badan oo isugu jirtay ammaan iyo faan ayaa la huwiyay tobankaan Wasiir, waxaana magaalada Muqdisho iyo meel walbaba loo mariyay inay yihiin kooxdii ugu mudneyd ee Soomaaliya loo magacaabo tan iyo intii burburka dalka ka dambeysay, iyagoo loogu wan qalay xukuumadii Rajo Qaran.

Tobankaan xubnood ayaa buunbuunintii loo sameeyay darteed waxa ay u horseeday inay si aqlabiyad leh u helaan codka kalsoonida Golaha Baarlamaanka, kuwaasi oo Wasiiradaan shalay ku ansixiyay cod gacan taag ah, waxaa dhab ah in dadku ku kala aragti duwan yihiin kooxdaan cusub ee shalay uu Baarlamaanku ansixiyay, haddii ay jiraan dad ku qanacsan xukuumadaan waxaa dhanka kale taagan bulsho aan jecleysan tirada la soo koobay iyo qaabka wax lagu soo xulay, waxaana macquul ah inta warbaahinta ka hadleysa ee wax taageereysa inay ka badan yihiin kuwa aamusan ee iska gaabsaday ama ciil dartiis afka u xirtay balse aan qanacsaneyn.

Sida xaqiiqda ah beesha caalamka iyo qeybo ka mid ah bulshada Soomaaliyeed waxa ay isaga mid yihiin soo dhoweynta ay u fidiyeen xukuumada Ra’iisal Wasaare Saacid, waxayna dhinacyadaasi rumeysan yihiin inay xukuumadani tahay tii ugu macquulsaneyd ee Soomaaliya loo yagleelo sanadahaan dambe, iyagoo ku doodaya in Team-kani uu yahay mid urursan oo is maqli kara si wanaagsanna isula jaan-qaadi kara, musuqmaasuq, boob iyo kala qeybsanaana ka fogaan kara.

Haddii ay jiraan dad la dhacsan Golaha Wasiiradaan waxaa dhanka kale jira dad miisaan ku dhex leh bulshada Soomaaliyeed oo si aan leex leexad lahayn uga biyo diidsan xukuumadaan, kuwaasi oo haddii aad la kulanto far waaweyn kuugu qoraya inaanay wax rajo ah ka qabin tobanka Wasiir ee Dr. Saacid garwadeenka u yahay.

Aragtida mucaaradkaan diidan xukuumadda Dr. Saacid ayaa waxay qabaan inay xukuumadani u badan yihiin qurba-joog aan xog fiican ka heysan xaaladda Soomaaliya isla markaana aan la saan-qaadi karin marxalada uu marayo geyiga Soomaaliya, ayna ku adkaan doonto sidii ay uga soo dhalaali lahaayeen xilalka culus ee loo igmaday.

La iskuma diidana in wax walba oo dhasha ay yeeshaan muxaafid taabacsan iyo mucaarad diidan, sidaasi awgeed waxaa run ah Wasiiradaan la soo dhisay inay isugu jiraan qaar xil-kas ah, waayo aragnimo qoto dheerna ay ka muuqato isla markaana ay aqoon daadihineyso iyo kuwo nasiibkooda ku helay inay Wasiiro noqdaan, iyadoo qaarkaasi dambe lagu sheego inay u eg yihiin wax lagu macneeyay wax ma tarayaal la mid ah sawirro meesha la keensaday.
 
Way adag tahay in la sii saadaaliyo halka ay Owrta ku furan doonaan Wasiiradaan ka kooban sideeda ragga iyo labada hablood, ha yeeshee waxaa hubanti ah haddii ay doonayaan inay tayo yeeshaan waxaa lagama maarmaan ah inay howshooda saldhig uga dhigaan cadaalad, furfurnaan maamul, la tashi joogto noqda isla markaana ogol la xisaabtan dhab ah, iyagoo ka fogaanaya wax walba oo Soomaaliya dib u sii dhigi kara haday ahaan lahayd musuqmaasuq, qabyaalad, keli talisnimo, eex iwm.

Haddii sifooyinkaasi iyo wixii kale oo wanaag ah oo ay la imaan karaan ay la yimaadaan Wasiiradaan waxaan shaki ku jirin inay noqon doonaan qaar loo aayo oo tayo leh, balse haddii ay hareetr maraan arrimahaasi isla markaana ay sharciga iskala sara maraan, arrinkooduna uu noqdo “Anigaa Wasiir ahe maxaa iga galay inta kale”, waxaa hubanti ah inaan loo aayi doonin, tiradoodii la ururiyay iyo tayadii laga sugayayna ay noqon doonto Bar-kuma taal ee ALLOW adigaa wax naga oge Soomaali soo sii sidii roon.

Advertisements

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s