Wasiirka Warfaafinta Puntland oo u Jawaabay Dr Cabdiweli Gaas kana Been Abuurtay Saxaafadda Puntland ka Hawlgasha [Warbixin]

Garoowe [Moment Media Group] Dawladda Puntland ayaa Jawaab ka bixiyey Shir Saxaafaddeed uu maanta magaaladda Gaalkacyo ku qabtay Xildhibaan Cabdiweli Maxamed Cali Gaas,wuxuuna ku sheegay in eedeynta Gaas aysan waxba ka jirin.

Wasiirka Warfaafinta Dawladda Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo Saxaafadda gudaha la hadlay ayaa ka Jawaabay Shirka Jaraa’id ee Xildhibaan Gaas,isagoona ku tilmaamay inuu yahay Dr Gaas mid had iyo jeer u taagan burburka iyo Jiritaanka Puntland.Muddo korarsi Xeeladeysan.

Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay muddo korarsiga uu ku tilmaamay Xildhibaan Cabdiweli Gaas iney sameysatay Xukuumadda Puntland in uu ka qeyb ahaa dadkii wax ka ansixiyey isagoona usoo dirsadaya cid u matasha,waxay ahayd buu yiri inuu wakhtigaas yiraahdo waa khalad hawsha socota.

...”””Waxyaabaha uu Ex-Raysalwasaaruhu maanta ku tilmaamay dhaliilaha waa waxqabadkiisii qeybo kamid ah bey ahayd haddii Dastuurku berigaa Xeeladeysnaa Golayaasha Xiligoodii dhamaanayeen inuu wax ka ansixiyo maaheyn xiligaas bey ahayd inuu sheego in arrintu khaldantahay mar taas waxay ku tuseysaa iney ka khaldantahay waxyaabihii saxda ahaa iyo waxyaabihii khaladka ahaa,…”“ayuu yiri.

Waxa uu tilmaamay in Xildhibaan Cabdiweli Gaas uu ahaa kan ka horjoogsaday kalana dagaalamay Puntland deeqihii Caalamiga ahaa ee la siinayey,waxaana kamid ahayd buu xusay lacag dawladda Kuweyt ay ugu deeqday in lagu dhiso Airpotyo kuyaala Puntland isla mar ahaanta ay joojisay Xukuumadii uu Raysalwasaaraha u ahaa.

..””Waxqabad la’aanta haddii uu ka hadlayo,horumarka Puntland qofka ka hor joogsday kalana dagaalamay deeqihii Caalamiga ahaa iyo Ummadda Soomaaliyeed la siinayey qeybtii Puntland heli lahayd Isagaa kala dagaalamay,waxaa kamid ahaa lacagtii dawladda Kuweyt ugu deeqday in lagu dhiso Airpotyadda,wuxuu yiri Airpotyo majiraan oo dawladiisii bey ahayd ciddii joojisay…“””ayuu yiri Maxamuud Caydiid Dirir.

Caburinta Siyaasiyiinta,Saxaafadda iyo Odayaasha.

In la Caburiyo Siyaasiyiinta,Saxaafadda iyo Odayaasha dhaqanka ayuu ku tilmaamay waxba kama jiraan Wasiirku,wuxuuna sheegay in Saxaafaddu ay tahay Xor isla markaana Dastuurka Puntland qodobkiisa 22-aad uu cadeeyey taas iyaguna ay ogyihiin taas.

…””Saxaafadda arrintas in badan baan u sheegnay weyna ogyihiin hase yeeshee Raysalwasaarihii hore arrinta uu ka hadlay taas ma ahayn Isagoo aan ahayn Siyaasi xil kahaya Dawladda Puntland,isagoon xisbi sharci ah lahayn uu muddo laba Todobaad ka badan dalka dhexdiisa Olole ka wadey buu dib intaa shirar Siyaasadeed buu ka wadey meelna laguma xirin dadkiisii lama xirin,hubkii iyo waardiyaashii lama xirin weliba ay Dawladu soo dhaweysay meel walba amaankiisa la sugaayey,taasi waxay ku tuseysaa hadalku inuu is khilaafsanyahay…””ayuu been ku jirto u sheegay.

Inkasta oo u ka been sheegay Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayna ka Xumaadeen Suxufiyiinta Puntland ku dhaqan in Saxaafaddu tahay mid si Xornimo leh u qabsatada hawlaheeda isla markaana ay Dawladdu tixgeliso ayeysab taasi jirin,waxaana lagu hayaa Caburin,Caga-jugleyn iyo Xarig iyadoona ay u danbeysay Xiritaanka Idaacadda Horseed Media oo ilaa hadda hawada ka maqan.

Goboladda kamaqan Puntland

Si cad ayuu u qirtay Wasiirku iney gacanta Puntland ay ka maqanyihiin aysana wada dhameyn iyadoona taas ku Sifeeyey in dawladu meesha ugu timid goboladda oo maqan,wuxuuna sidoo kale sheegay iney meesha ugu yimaadeen Ciidankii Puntland oo burbursan iyo arrimo kale oo baadan,dhanka waxqabadka Xukuumadda Cabdirixmaan Faroole-na ay tahay mid arrimahaas iyo wax ka badanba wax ka qabatay.

…””” Waa ay jiraan hadeer in goboladii aysan wada dhameyn burburka hadda jiraana dawladda hadda jirtaa waxyaabihii ay dhaxashay bey kamid ahayd,waxay dhaxashay iyadoo amni dalku lahayn,waxay dhaxashay iyadoo Ciidankii Puntland uu burburay wax badan bey dhaxashay,waxyaabihii ay bilowday waxaa kamid ahaa Ciidamadii amaankoo la hawlgeliyo,in la helo mushaarkii shaqaalaha,maamulkii in la toosiyo,..”“ayuu yiri.

Burburka Puntland

Xildhibaan Cabdiweli Gaas ayuu ku eedeeyey in uu kamid ahaa dadkii ka qeybqaatay burburinta Puntland qeybqaatay wakhtigii uu Raysalwasaaraha ahaa isla mar ahaanata waxa uu hadda sheegaayo uu isagu kamid ahaa,wuxuuna intaas ku daray in Issimadii Puntland ku kala qeybiyey Xafiiskiisa.

Advertisements

2 Comments

  1. Dr. Cabdiweli Maxamed Cali-Gaas oo Shir Jaraa’id Ku Qabtay Gaalkacyo ugana Warbixiyey Socdaalkiisii Gobollada Puntland

    (Galkacyo, Soomaaliya 05 November 2012) Waxaaa maanta shir-Jaraa’id ku qabtay hoyga uu ka daganyahay Magaalada Gaalkacyo Mudane Cabdiweli Maxamed Cali-Gaas oo ahaa Ra’iisul Wasaarihi hore ee Soomaaliya haddana ah Xubin kamid ah Xildhibaanada Federaalka Soomaaliya.
    Mudane Cabdiweli Gaas ayaa ilaa 19kii bishii la soo dhaafay safaro ku marayey qaybo kamid ah Gobolada Puntland isaagoo la soo kulmay qaybaha kala duwan ee Bulshadda Deegaanaddii uu tagay sida Galkacyo, Goldogob, Bursaalax, Xerro Jaale, Bayra, Riig-O-manne, Bacaadweyne, Xarfo, Burtinle, Jallam, Kala-Bayr, Garowe, Sunna-Jiif, Danqoronyo, Qardho, Carmo, Bosaaso, iyo qaarkale.
    Mudane Gaas ayaa dhammaan degaanadii uu tagay bulshada ku nool kawaraystay xaaladaha guud sida Amniga, caafimadka, waxbarashada, dhaqaalaha, Dimuqraadiyadda iwm isagoo mid-mid u tagay Isbitaalada, Jaamacadaha, dugsiyada H/dhexe, Sare, iyo xarumaha dadweynaha.
    Professor Cabdiweli Gaas ayaa sido kale xog-waraysi siinayey dadweynaya iskugu soo baxayey kana qayb qaadanayey soo dhaweyntiisa isagoo istagayey tuulo-min-magaalo kasta una hoyanayey Magaaloyiinka waaweyn.
    Shirkiisa Jaraa’id ayuu Mudane Gaas ku soo jeediyey qodobo kamid ah waxyaalihii uu soo arkay iyo warbixintii ay siiyeen bulsho-weynta reer puntland ee uu kulamada la qaatay isagoo yiri;
    1. Waxay bulshoweynta aan la kulmay ii sheegen anna aan hubsaday in ay jiraan dhibaatooyin siyaasadeed, dhaqaale, iyo arrimaha bulshada
    2. Haddan ka hadlo arrimaha siyaasadda, waxay dadweynuhu ii sheegeen in ay jirto xoriyad la’aan iyo cadaadis aysan u suurtagalin in ay si xor ah ku cabiraan fikirkooda siyaasadeed iyo kooda muwadinimo. Waxay dimmuqradiyadu na faraysaa in qofka muwaadinka ah xaq u leeyahay in uu si xor ah u hadli karo, una kulmikaraan, si ay u gutaan xuquuqdooda iyo waajibaadkooda dastuuriga ah. Hase yeeshe, waxay ii sheegen in aysan maanta taas ka jirin Puntland. Saxaafada xortaahina aysan cabsi awgeed uga howlgali karin Puntland aysanna gudbin Karin xaaladda dhabta ah ee ka jirta Puntland.
    3. Waxay ii sheegen in marar badan ay isku-dayeen in ay samaystaan qadooyin iyo fadhiyo ay kaga tashanayaan aayahooda balse ay cadaadis iyo caburin kala kulmeen maamulka Puntland.
    4. Waxay kaloo ii sheegen inkasto ay muhiimtahay in laga qudbo nidaamka qabaliga ah loona gudbo nidaamka dimmuqraadiga ah ee xisbiyada badan, haddana in aysan kalsooni ku qabin in xukuumadda jirtaahi ay arrintaasi daacadna ka tahay fulinna karto.
    5. Waxay kaloo ii sheegen in Gobolladii kumidoobay dhisitaanka Puntland 1998kii ay qaar kamid-ihi aysan gacanta ugu jirin maamulka, qaarkoodna ay samaysteen maamulo u gaar-ah. Waxay kala-furashaadaas Puntland sabab uga dhigayeen maamul xumo iyo aragti la’aanta hogaanka sare ee Puntland.
    6. Waxay kaloo bulshoweyntaasi katirsanayeen maamulka caddalad daro iyo u sinnaansho la’aan khayraadka Puntland.
    7. Waxay bulshoweynta Puntland si waafiya u cabireen waxqabad la’aan la xariirta daboolida baahida aasaasiga ah ee arrimaha bulshada (basic social services) sida caafimaadka, waxbarashadda, iyo biyaha. Waxaa kaloo burburay waxna aan laga qaban halbowlayaasha dhaqaale sida wadooyinka, Garoomada duulista, iyo Dekedda. Waxaa markhaati madoonta ah in wadada dheer ee laamiga ah ee isku xirta Bosaaso iyo Galkacyo iyo Dekedda Bossaso ay yihiin hantida kaliya ee laga dhaxlay dawladdi Allaha u naxariistee Maxamed Siyaad Barre.
    8. Waxay meelkastoo aan tagno dadweynuhu ku bararugsanayeen in laga shaqeeyo nabadgalyada iyo xasiloonida Puntland dibna la iskugu soo celiyo Gobolladii iyo Beelihii ku bahoobay maamulka Puntland.
    9. Waxaan meel walba kula soo kulmay shacab u bisil nabad, hogaamin wanaagsan, iyo horumar dhaqaale jiritaanka Puntlandna ay si dhab-ah uga go’antahay.
    10. Waxay kaloo muujiyeen si cadna u diidanaayeen muddo kororsiga xeeladaysan ee maamulka iyo Baarlamaanka xilligiisu dhammaaday.
    Talo soojeedin iyo u nasteexayn dawladda:
    1. Waxaa ku habboon maamulka iyo baarlamaanka lagu soo doortay laguna dhaariyey in ay ugu adeegaan xilkooda afarta sanno ee labada bilood ka dhimanyihiin in ay tixgaliyaan dhawraanna rabitaanka shacbiga. Waxaan ku baraarujinayaa maamulka iyo baarlamaanka in aysan galin dalka mugdi iyo khalkhal siyaasadeed oo laga maarmikaro. Waxaa mudan in marwalba danta guud laga hormariyo danta iyo maslaxadaha khaaska ah.
    Talo soo jeedin ku wajahan isimadda Puntland. Isimadu waa marjaca siyaasadeed ee Puntland waxayna budhige u ahaayen una yihiin aasaaskii iyo jiritaanka Puntland. Sidaa daraadeed, waxaa waajib gaar-ahi ka saaranyahay in ay marwalba dib u eegis iyo qiimayn ku sameeyaan marxalada uu dalku marayo. Waxaan ku talinayaa in ay isugu yimaadan shir deg-deg ah oo ay ku qiimaynayaan marxalada ay Puntland maanta ku jirto si ay u gutaan waajibaadka ka saaran maslaxadda iyo horumarka Puntland. Isimaddu waxay leeyihiin dowr iyo awood dabiici-ah (moral authority) iyo kalsooni shacab ee aysan siyaasiyiintu lahayn. Waa inayna saas u fahman.
    Arragti guud:
    Waxaa waajib ah in loo qumo maslaxada guud ee Puntland lagana dheeraado waxkasta oo keeni kara khalkhal siyaasadeed. Waxa kaloo waajib ah in la adkeeyo midnimada iyo wadajirka wixii ka haray Puntland lana doono inta maqan si ay ku jirto dabacsanaan, ehelnimo, iyo daacadnimo.
    Dadweynaha reer Puntland waxay horseed ka ahaayen nidaam kastoo horseedikaray dimmuqraasiyad iyo rabitaan shacab waxayna ku caanbaxeen samir iyo dulqaad siyaasadeed. Sidaa daraadeed waa in la dhowraa rabitaankooda iyo sharaftooda. Waa in lala fahmaa shacabweynaha Puntland in ay xeerinayaan midnimada, xasiloonida, iyo jiritaanka Puntland. Waa in aan loo qaadan in ay raali ka yihiin sida qaawan ee mararka qaarkood loola dhaqmo.
    Mudane Gaas ayaa wuxuu ka hor mariyey warbixintiisa guud in ay jireen aqabado yar yar ee uu kala kulmay safarkiisii balse uugo’aansaday in uusan waxba kasoo qaadayn kagana gaabsaday in uu kudaro warbixintiisa.

  2. Khilaafkii u dhexeeyay Maamulka Faroole C/weli Gaas oo Cirka isku shareeray – Waxaa cirka isku sii shareeray khilaafkii u dhexeeyay Maamulka Puntland ee uu hogaamiyo C/raxmaan Faroole iyo Xildhibaan C/weli gaas oo ah ra’iisulwasaarihii hore ee Dowladii Madaxweyne Shariif hogaaminayay kadib markii ay sii korortay wararka ay warbaahinta isku dhaafsanayaan.
    Iyadoo shalay C/weli gaas eedeyn ba’an u jeediyay Maamulka Puntland ayaa waxaa arintaasi ka jawaabay oo war ka soo saaray maamulka Faroole markii ay isugu yeereen warbaahinta.

    Wasiirka Warfaafinta Maamulka Puntland Maxamed Caydiid Dirir ayaa sheegay in C/weli gaas qalqal siyaasadeed ka wado gudaha dhulka Puntland ayna ka xun yihiin waxa uu wado sida uu sheegay Ra’iisulwasaarihii hore. Wasiirkaani Puntland u hadlay waxaa uu sheegay in C/weli gaas uu ka shaqeynayo burbur ku yimaada maamulka reer Puntland oo soo jirey in ka badan 10 sano,Maxamed Caydiid Dirir waxaa uu warkiisa ku daray in C/weli gaas sida uu doono uu isaga hadlay .

    “marka uu C/weli gaas leeyahay xoriyad saxaafadeed kama jirto puntland waxaa is burinaya hadalkiisa maxaa yeelay isagoo gaalkacyo joogo ayuu siduu doono isaga hadlay”ayuu yiri Wasiir Maxamed Caydiid Dirir

    Wasiirka warfaafinta waxaa kale uu ku eedeeyay C/weli Gaas in xiligii uu ahaa Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya uu hor istaagay mashruucyo badan oo Puntland laga fulin lahaa isagoo tusaale u soo qaatay dalalka Kuweyt iyo Imaaraadka oo wax badan u qaban lahaa Puntland inuu Gaas cagta mariyay


Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s