Dawladda Soomaaliya xilligaan ka jirta miyay ku dhisan tahay Mabaadiida aassaaska Dawladnimmada.

Soomaaliya waa dal ay dadkiisu qabaan baahi dawladdeed , Baahidda aan dawlad ugu baahanahay ayaa ah in xal loo hello Nabbad la,aanta , horrumar ka samayn la,aanta baahiyadda ku hareeraysan Bulshadda Soomaaliyeed , innaga oo baahiddaas ka duulayna waxaan samaysanay Naddaam dawladdeed ku astaysan hab aan mabaadii ahayn aanna noqon karin aassaas dawladeed waa qabyaaladda ayay noqonaysaa awood qaybsiggu , Muddo labba iyo tobban sanno ah ayay soo jirtay dawlad ku astaysan hannaankaas waxaynuna ognahay in dhibka oo horay loo sii qaado ma ahane aynaan ka soo kabasho arkin.

Qormadaydaan oo ku soo aadaysa hadal haynta Gollaha wasiiradda cusub ee Soomaaliya oo dadka qaybtood leeyihiin caddaaladda laguma salayn ayaan rabaa in aan walaalka /Walaasha  Soomaaliyeed ee fursadda u hella akhrinta qormadda in aan marka hore isla wadaagno waa maxay Caddaaladdi ? Nadaam dawladeed aan ku astaysnay mabaadii ma laga dhowri karaa Caddaalad ? mase qancin karaa Bulshadda Soomaaliyeed ? Hannaan dawladeedka Soomaaliya ee dhanka Villa Soomaaliya Fadhigiisu yahay ma lagga filan karaa isbadal?

Mabadii dawladeed
Mabda dawladeed waa in la hello hannaan hoggaan siyaasaddeed ku astaysan u adeegidda wax la wadaago waxaan ku sawirri karaa Mabaadii dawladeedka dhowr qaybood  oo kala ah .

  • Dawlad ku dhisan Mabaadii Islaamnimmo ee bilowday Kolki Nabbi Muxamed NNKH uu dawlad ka aasaasay Magaaladda Madiina , waxay Soo jirtay dawladdaasu 1H-1517H Taariikhda kalena ku ah 632 CD-1924 hannaan dawladdeedkaas oo xilligaan ah midka ay doonayaan ururka Al qaacidda iyo kooxaha kala duwan ee hoostagga sidda ururka Soomaaliya ka jirra ee al shabaab , Mabaadiida dawladnimmo ee ku astaysan Islaamnimaddu waa ilbaxnimadda dawladnimmo  waana hannaanka ay bini aadamku ku noolaan karaan ee u horseedi kara dhib la,aanta iyo horumar samaynta , Naddaamkaasu waxa uu horumar ku samaynayay xalin baahiyeedka iyo in uu ahaa mid aan oran karo waa dareen dawladeed bulshaddi haysatay ay la noolayd xaqiiqda nolosha sababtuna ay tahay Diinta Islaamka ayaa ah diinta dunnida ee xilligaan .
  •  Shuuciyadda oo ah hannaan mabaadii dawladeed ay lahaayeen dad Gaallo ah ayaa isagguna ahaa mabaadiida Dawladdnimaddu ku astaysnaato , Shuuciyaddu hadda dunnida waa ku gaagaabsi waxaana ka adkaaday Raasumaaliyadda oo xilligaan dunnida hormuud u ah , Nadaam dawladdeedka Shuuciyaddu waxay xalinaysay Baahi bini aadameedka dhulalka ay ka jirtay /ka jirto
  • Raasumaaliyadda waa mabaadii dawladeed  waxayna sameeyaan dalalka dawladnimadda ku dhisan Raasumaaliyaddu horumar dhanka baahi bulsheedka ah ,xilligaan Raasumaaliyadda oo ay leeyihiin asalkeeda dad Gaallo ah waa midda dunnida inteeda badanni haysato , waxay Raasumaaliyaddu dhibaato wayn ku haysaa dadyoowga Islaamka ah waddamadooda waxaynuna ku qeexi karaa dhibkaas Raasumaaliyiintu waxay diidan in ay arkaan Goob caalamka  ka mid ah oo ay ka aassaasanto mabaadiida dawladnimmo ee ku astaysan Islaamnimadda iyagga oo og in tooddu dhacayso bini aadamka badankiisuna u hayaamayaan dhanka dawladdaha ku astaysan Mabaadiida Islaamnimmada

Haddaba Akhriste dawladda Soomaaliya xilligaan ka jirta miyay ku dhisan tahay mabaadiida aassaaska dawladnimmada u ah ee aan kor ku soo xusnay ? sidda cad waa maya jawaabtu kolkaas waxaan iswaydiinaynaa maxay ku dhisan tahay ?`waxay ku dhisan tahay hab xanuun maskaxeed oo ah qabyaaladda oo ah 4.5-ta ama 5ta ay hadda dawladdaanu ku qaybisay Wasiiradda .

Caddaalad
Mabaadii dawladdeed caddaalad ku adeega waxaa laga dhowri karraa oo kaliya Mabaadiida dawladeed ee ku astaysan Islaamnimadda haddaan arinkaas tusaale la taaban karo keeno xilligaan la joogo oo aynaan taariikhda fog dib u milicsan waxaan soo qaadanaynaa dhulka Al shabaab Maamulayeen ee lagga qabsaday sidda Kismaayo, waxaa jirtay magaaladda Kismaayo in ay Al shabaab ka dhiseen Maamul waxaan jirin waa la isku haystaa Maamul u smaaynteeda iyo cid ayaa ka cabanaysa ,In Al shabaab ay cadaaladdu la jirto waxaa sheegay Madaxwayne Xassan sheekh Maxmauud mar uu Al shabaab ka waramaayay waxa uu yiri dadka qaybtood waxay u galeen cadaalad in ay ka arkaan Al shabaab arintaas waxaan u fahmey annigu in dad Soomaaliyeed oo Muslimiin ah horay loogu hayey dhibaatayn ah waa kuwo aan loo guurin laggana guursan dadka kalena waa ka hooseeyaan , Kolkaas haddi dadkaasu Al shabaab Raaceen oo cadaalad iyo kala saarid la,aan ka arkeen waxaan oranaynaa waa Caddaalada hannaan dawladeedka Islaamnimadda ku suntan , Balse waxaa igga yaabisay Madaxwayne Xassan oo leh Taas haka soo baxeen ayaan leenahay oo dhankayagga ha yimaadeen , dhanka Xassan sheegay waa halki ay walaalahaasu dhibaataddu ku haysatay kolkaas waa Caddaalad darrada usoo noqda .

Marki La samaysto dawlad aan ku dhisnayn Mabaadii waxaa soo baxaaya hadal haynta ah looma dhama Tusaale haddaynu keeno waxaa Dalka Soomaaliya ka jirtay tabasho ay dadka reer Waqooyiga ah ee Soomaaliyeed leeyihiin isku darsigi waa nalagu dagay , Haddaba wasiiraddi shalayto lagu dhawaqay ayaa iyagga oran karaa halki ay Reer waqooyigu ay lahaayeen waa lanna dagay waxay dawladd ku sheegannu sii dhiirisay waa nala dagaydi, 10-wasiir  waxaa ay Gobboladdi Waqooyi ee Britian haysatay helleen hal wasiir halka Soomaali italiano heleen sagaal wasiir iyo sadexda Madax ee dalka ugu sareeya .

Akhriste in siddaan loo fakaro in ay meesha ka baxdo yaa samayn karra `? Waxaa samayn karra siddaan qabo kolka hore in dawladnimmada mabaadi laga dhigo , haddii la dhaho Caddaalad ma ahan ee waa lagu gaarayaa mabaadii cadaaleedka oo ah Dimuqraadiyadda ayaa cadaaladdu ku jirtaa waxay u egtahay siddaan qabo mid aan Macquul ahayn , Anniga xalkeenu waa in aan ku astayno dawladnimmadeena Kitaabka iyo Sunnadda Nabiga NNKH kolkaas ayaan caddaalad dareemaynaa .

Dareenka aad la nooshahay waa mid ka fog wanaagsanaanta waa Qabyaaladdee , dawladnimmadi la rabay in ay dadka Barbaariso waxay noqotay mid xanuunki aad qabtay  looga dhigay awood qaybsi kolkaas yaa ku dawayn ? miyay awoodi kartaa in ay dhamaan dadka qanciso ? qabyaaladdu ma tahay wax meel lagu istaajin karo ? iswaydiimahaanu waxay cadayn u yihiin siddaan qabbo in dawladda Villa Soomaaliya ee dawladnimmadda ku ah in Reer Galbeedku raali ka yihiin ay tahay mid aan waxba qaban karin .

Qeexid Awood qaybsi Dowladdeed :
Awood qaybsi waxa uu qeexayaa dad is-haya oo jooga dal khalkhal siyaasadeed ka jiro aysana ka dhisnayn koox hoggaamin doon ah oo iyaggu ku bahaysan mabaadii iyo siddo kale dal ay ka jirto hannaan dawladdeed mabaadii,i ah oo dadku wax doortaan oo aan doorashaddi dhacday dalkaas xisbinna ku guulaysan kolkaas ay asxaabta kala aragtidda duwan ee codadka helay qaybtood isku darsadaan dawlad mabaadii,eedkaas isku darsiga kooxaha kala duwan ee kala aragtidda ahi soo dhisaan inta badan ma ahaato mid xaqiijin karta himmilooyinka xisbi u gaar ah.

Dawladnimmada ku astaysan Islaamnimmaddu kolka hore hadda dunnida kama jirto marka lagga taggo kooxo siddaas doonaaya sidda al shabaab oo deegaanno dalka Soomaaliya ka mid ahhaysta kooxaha Islaamiyiinta dhankooda kama jirto looma dhama iyo awood qaybsi,  qofki wanaagsan ayaa howl siyaasaddeedka qabanaaya waxaana keenaaya hoggaanka kooxdaas hannaan dawladeedkeedu yahay Islaamnimmadda .

Kolkaas dalka Soomaaliya waxa ka jirra waa hannaan dawladdeed aan mabaadii ahayn looma dhamadda iyo awood qaybisguna waa mid ka jirra sababta oo ah ma ahan dalka dawlad rasmi ah oo dhisan leh kolkaas habka awood qaybsiga qabyaaladda miyaa loo dhamaan karaa `? dabcan waa maya waxaase ka horaysa siddaas si garasho bini aadam oo dawladnimmo rabtaa samayn san karto ma tahay ? hadday xumaantaas samaystaan sidda Soomaalidda halkay hayaan u yihiin`?

Looma dhama
Looma dhama waa hadalka koox odayeedka kolkaas waaya xubin Golle fulineedka iyo Gollaha xeer eeggidda dawladda magac u yaalka ah ee Soomaaliya ,Looma dhama waxaa dhamayn karra dawlad mabaadii,eed , Dadka Soomaaliyeed dawlad mabaadii,eed ma samaysan karaan iyagga oo isla soo fariistay kuwooda han hoggaamineedka leh arintaasna waxaynu ku xaqiijinMaxay u qaateen qabyaaladda innoogu qaybiya  haday mabaadi ku heshiin karaan kuwi isu tagay ? balse waxaan helli karaa dawlad ku dhisan mabaadii ku astaysan Islaamnimadda oo ah aragtidda Al shabaab waana dariiqa kaliya ee looga bixi karo looma dhama sababta oo ah waxaa haraynaaya dadka cadaaladda iyo is walaalaysiga iyo ku midowga caqiiddada .

Kolkaas ayaa la heli karaa dawlad dalka ka saarta looma dhama , waxayna kaga saartay iyadda oo qaadatay hannaan dawladdeedka ku fadhiya Islaamnimmadda  iyo mabaadii,da maadiga ah oo isla jaanqaada ,Tusaaluhu waa in Dhulka Al shabaab Maamulaan aynaan ka maqal khilaaf iyo waanala qadiyeye Akhriste miyaad maqashay al shabaab deegaanadda maamusho /maamuli jirtay oo ay ka jiraan khilaaf ah looma dhama  . ma qabo annigu maddaam dawladdeed aan ahayn sidda Al shabaab doonayso in aan ugga bixi karo looma dhama iyo waa isku is-hayaanta

Filashadda 
Akhriste waxaan si adag u fogaynayaa in hannaan dawladeedka Villa Soomaaliya fadhigiisu yahay lagga fillan karo falasho wanaagsan , marnaba ma rajayn karo in dariiqaas aynu ku hello isbadal , Tusaaluhu waa in aysan waxba gacanta ugu jirin waxaa lagga yaabaa in aad la nooshahay dareenka ah ciidammada ajnabiggu xilimay bixi . Ciidammadda Shisheeye goorta ay baxayaa waa xilli Dawladda Soomaaliya ciidammo heshay saw ma ahan ma helli kartaa saw kama horayso dawladdu ciidammo `?

Ciidammada Ajnabiga ma dowlad Soomaaliyeed ayaa keentay ? saw innagan maqalay cutubyo Ethiopian ah ayaa Guddaha u galay Soomaaliya , Milatariga Kenya oo ka talaabay xudduudka dalkooda laguna arkay dalka Soomaaliya  , kolkaas hadde dawlad Soomaaliyeed ma soo galin waxaysan soo galin sidday u saari kartaa .

Khilaafaadka dalka ka jirra ee ah Maamullada qaybtood dhaheen waan ka baxnay Soomaaliya ma kula tahay in dawladda Villa Soomaaliya Ugandes-ku ku ilaaliyaan ay xal u helli karto? waa maya jawaabta oo fududi sababtuna waa ma awoodo in ay sidda aad rabto samayso waxaana keenay assaaski dawladnimmada oo aan meesha oolin .

Dhamayn 
Waxaan filayaa in aad iswaydiinayso Akhriste halkay noo waddaan kolkaas haddaysan wax qaban karin ? Madaxda dhowaan timi iyo kuwi hore waxba kuma kala duwana miyaad aragtay Labba iyo tobanki sanno ee ay inno dhistayn dawlad ku sheeg xumaan ku dhisan wax ay qabatay oo ay ugu horayso khilaafaadka habba yaraatee wax maka qabatay ? arintaasu waa maya  lama sheegi karo , halka loo socdaa waa in dal Soomaaliya la dhaho uu meesha ka baxo sababta taasu u dhacaysona waa dannaha dariska .

Doonitaankooda ku duri mayno dariska ee aaway doorkeeni innaga ? waxaa cad in uu doorkeeni  meesha ka baxay oo aynu nahay kuwo aan aadayn dhanka lagga filli karo wanaagsanaanta badankeenu kuna mashquulsan dawladdi ayaa hadashay iyo waala doortay , waala soo magacaabay Iwm ,Imisaad maqlay dhawaaqyaddaas maxay dhaliyeen ?

Baraarug ayaan u baahanay iyo in aan Caqliga ku fakaro isna waydiino dhamaanteen siddee u nooshihiin? doorkaad dunnida ka joogtaa ? dhibka xalkiisu waa siddee ugu dhowaan ?

======================

Writing is a struggle against silence.

Advertisements

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s