Sir la”aanta dowladda iyo magacaabista wasiirada

 
 
Nofeembar 05 2012 –Dowlad walba oo aduunka kajirta ama maamul waliba waxa uu leeyahay siyaasad qarsoon iyo xog hoosaad ay haboontahay inay ku ekaadaan xeyn daabka aqalka madaxtooyo ee wadankaas.

Ha katagin inay jiraan qodobo ama ajandayaal calani ah oo laga wada simanyahay in bulshada loo soo bandhigo taas waxaa hoos imaan kara waxyaabo badan balse ay ugu muhiims
antahay adeegyada aas aasiga u ah bulshada. Si ay ugu noqoto yididiilo iyo rajo ku dhiiri galisa shacabka in dowladdoodu ay noqon doonto mid wax uqaban doonta.

Haddaba arartaas hore marka aan kasoo gudbo. Una daadago qeybta hore ee qormadaan gaaban oo ah sir la’aanta dowladda.

Tan iyo markii uu xafiiska lawareegay madaxweyne xasan sheekh maxamuud waxaad moodaa in siyaasadda dowladdu noqotay mid laga ogyahay xattaa suuqyada yaanyada iyo qudaarta lagu iibiyo ee wadanka.

Waxaa jiray marar badan oo ay saxaafaddu si’ hor dhac ah usheegeen warar ay adagtahay in la’ ogaado balse marki dambe xaqiiqo noqday.

Kasoo bilaaw magacaabisti madaxweynaha waxa uu wareysi siiyay idaacadda V.O.A. Wareysigaas xattaa asiga oo aan erayada kala badalin ayuu maalinki xigtay qudbad ahaan ugu aqriyay madaxdi soo xaadirtay xafladdi caleema saarkiisi.

Waa laga soo gudbay oo taas wax saameyn ahba uma muuqan. Waxaa yimid waqti laga dhur sugaayay madaxweynaha inuu magacaabo ra’isul wasaare lashaqeyn doona mudada afarta sano ee soo aadan . Todobaadyo kahor magacaabista ayay sawirada ra’isul wasaaruhu kusoo baxeen bogaga hore ee website-yada kuhadla afka soomaaliga. Taas oo noqotay war laqabaa xiiso malahan!

Waxaa ugu dambeeyay magacaabista wasiirada cusub. Waxaan aaminsanahay dhacdadaan ayaaba aheyd middi ugu daahitaanka badneyd in la ogaado oo weyba kudadaaleen inay sii qariyaan liiska ay magacyada wasiiradu kuqornaayeen. Labo maalin kahor magacaabistooda ayaa ayagana laga warqabay.

Haddaba su’aalo badan ayaa isweydiin ubaahan. Tolow shaqaalaha madaxtooyada miyaa saxafiyiin wada ah?
Hadiiba sidaa looga war helay qorsho magacaabis ee madaxweyne ama ra’isul wasaare ugooni ah maxaad umalaynee safarada ama howlaha kale ee kala dhaxeeeya dowladda qeybaheeda kale?
Inteeyse la egtahay suurtagalnimada ah sugidda ammaan ee masuulka sirtiisa iyo qorshihiisa xiga laga daalacan karo google?
Sow ma noqoneyso in warbaahintu ay yeelato mudnaanta koowaad halki qudbadaha madaxda laga dhageysan lahaa?

Hubaal in saxaafaddu tahay isha kaliya ee wararka iyo akhbaaraadka gaarsiiya dunida dacaladeeda haddana madhicin taariikhda inta laga warqabo xawaaraha ay maanta kusocoto iyo faalleynta siyaasadda taagan in ay gaarto heerkan oo kale.

Magacaabista wasiiradda.

Isbadallo badan ayaa jira oo kuyimid muuqaalka guud ee saaxadda siyaasadda somaliya.
Siyaasiin badan oo laqadarin jiray ayaa maanta cidna hadalkooda meel kaqaadeyn.
Rag badan baa dhulka ka hoos maray oo xabaalaha looga soo tagay.
Rag badan baa manhaj iyo mabda’ahaanba isbadalay.
Sidaas oo ay tahay cidina kuma tusaalo qaadan. dadku weli kama daalin inay kusii socdaan isla wadadi ay kuwi kahoreeyay kutageen waa meeshi abwaan hadraawi kayiri.

Damiirku haduu qalalo
haduu dufan raadis yahay
daliilka hortiisa yaal
waxaa kaga beegan daah
dadkuna badi waa sidaas

magacaabista wasiirada cusub waxey meesha kasaartay caadooyin badan oo jiray. Waxayna muujisay doorka weyn ee beesha caalamku ka hayaan hogaanka dalka. Waxaana kamid ah tusaalooyinka.

1. Ayadoo marki ugu horeysay qof dumar ah loo magacaabay jagada wasiirka arrimaha dibadda iyo ku xigeenka ra’isul wasaaraha
taas oo ayadana dhaqan cusub iyo isbadal weyn ah. Lagase dhur sugayo.

2. Inaanay jiri doonin qabiil ama beel kajawaab celin karta qeybinta wasiirada. Haa oo dhaliilo waa jiri karaan balse kama badan doonaan is ciil kaambis iyo fara taagtaag. Taas oo micnaheedu yahay inaanay cidina gaar isu taagi karin sidi dhici jirtay waagi hore ee beeshi liiska wasiirada iska weysaba shaacin jirtay inaanay kamid aheyn maamulka lamagacaabay.

Qodobkaan dambe kama tarjumayo in beelo gooni ah lagu carraadinayo ama lamuujinayo inay jirto awood maquunin lagu sameeyay cid gaar ah. Balse wadanka oo dhan uu kujiro xaalad ay adagtahay in lagu tilmaamo dowlad soomaaliyeed. Oo sidee maya kutahay ayadoo kismaanyo ay heystaan ciidan kenyaati ah. Iyo kuwa sheegtay inaanayba dowladda hoos tagin. Beydhabo ay joogaan ciidan amxaaro ah. Beledweynana aanba meel lagu sheegin oo ay ugu war dambeysay ayadoo daadad ay qaadeeen dadki daganaa.

Waxaan kusoo xirayaa tix gabay ah oo uu tiriyay nin abwaan ah oo aanan magaciisa heynin waqti xaadirkaan. Waxa uu yiri.

Dabeeyshiyo xilligu waa is badalay diiranaan jiraye.

Duramadaan wax badan sugeeynay iyo doogi waa waliye.

Dambar lagama dhamo qaalmihi dawdawga ahaaye.

Doob iyo haruub uma culaan dumarku haantiiye.

Duhurkii wadaan uma ridaan doobab xoogsadaye.

daal beey kunooshahay bulshadu da’yar iyo weyne.

lama daawan karo maanta waa kama dambeystiiye.

Waxey shacabka daaliyo nafluhu doonayaan nabad..

Advertisements

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s