Aaway Ra’iisal Wasaarihii Soomaaliya?!Nov. 05, 2012

PM Shirdon
Ra’iisal Wasaare Saacid

Nov.05.2012 -Inkastoo karti, aqoon dheeri ah, waaya-aragnimo iyo wax kale oo lagu soo xushay oo uu kaga mudnaa raggii sida aadka ah loo hadal hayay intii aanu madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud ku dhawaaqin u xulashadiisa jagada ra’iisal wasaaraha Soomaaliya aanay jirin, haddana Md.Cabdi Faarax  Shirdoon (Saaacid) magaabistiisu ma ahayn mid muran iyo buuq badan ka dhex dhalisay shacabka Soomaaliyeed.

Dhaliil kasta oo loo aanaynayayba waxaa la filayay in ay dabooli doonaan xubnaha uu golahiisa  wasiirrada u soo magacaabi doonaa madaama ay magaalada Muqdisho ku sugnaayeen shakhsiyaad tiro badan oo aqoon, hufnaan iyo waaya-arnimaba loo tirinayay, islmarkaana quuddaraynayay in ay xilal ka qabtaan dawladda cusub. Warar badan ayaa soo baxayay intii uu madaxwyne Xasan Sh. Maxamuud ku hawlanaa xulashada qofka uu u magacaabayo ra’iisal wasaaraha. Kuwaas oo inta badan lagu sababaynayay daahitaankii magacaabista ra’iisal wasaaraha. Shakhsiyaad badan oo aad loo hadal hayay in jagadaasi loo magacaabi doono ayaa xilligaas daaqadda ka baxay, halka marba kuwo hor lihi ka soo baxayeen.

Wararka la isla dhexmarayay  ayaa u badnaa in madaxweynuhu uu raadinayo ra’iisal wasaare maqaar saar ah oo uu isagu wax walba u yeedhiyo. Wararka kutidhikuteenta ah ee xilligaas waxaa iyana ka mid ahaa xataa in madaxweynuhu raggii uu la kulmayay ee hunguraynayay jagada ra’iisal wasaaranimada in uu tusayay liis magacyo ah oo uu odhanayay ma u magacaabaysaa wasiirro dadkan haddii aan kaa dhigto ra’iisal wasaare.

Xasan Sh. Maxamuud
Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud

Haddaba dad badan ayaa xilligaas aaminsanaa in Md. Saacid uu ahaa qofkii isagu aqbalay dhammaan shuruudihii uu madaxweynuhu ku xidhay gar iyo gardarro midkay doonaanba ha ahaadeene, sidaa darteedna loogu magacaabay jagadaas, isagoo islamarkaana ahaa shakhsigii ugu aqoonta iyo waayo aragnimada yaraa dadkii badnaa ee la hadalhayay xilligaas. Sidaa awgeed Inkastoo uu rasiisal wasaaruhu uu awood dastuuri ah u lahaa xulashada iyo magacaabista golihiisa wasiirrada, haddana waxaa muuqata in saamaynta uu arrintan ku lahaa ay aad u yartahay sida ay noo xaqiijiyeen ilo madaxtooyada aad ugu dhuun daloolaa. Waxaan shaki lahayn in qalinka lagula dhegganaa.

Waxaa la yaab lahayd in wareegtadiiugu horreysay ee lagu shaaciyay magacyada golaha wasiirrada cusubi ay ka soo baxday xafiiska madaxweynaha isagoo cuskanaya qoddobo dastuurka ka mid ah oo aan  waxba ka khusayn magacaabista golaha wasiirarada iyadoo islamarkaana sidoo kale uu xafladdii lagaga dhawaaqay golahan cusub uu magacyada wasiirrada uu ka akhriyay goobta agaasimaha guud  ee xafiiska madaxweynaha  Md. Kamaal.

Waxaa ka dib saxaafadda soo gaadhay laba warsaxaafaddeed oo ka soo kala baxay xafiiska madaxweynaha iyo ka ra’iisal wasaaraha oo labaduba ku  saabsanaa magacaabista golaha wasiirrada iyo xafladdii lagaga dhawaaqay ee ka dhacday xarunta Villa Soomaaliya. Waxay arrimuhu u dhacayeen sidii uu madaxweynuhu soo dhisay xukuumad cusub.

Waxaan shaki lahayn in ra’iisalwasaare Saacid uu ku dhex haftay qaabka ay madaxweynaha iyo saaxiibadiisa ay isku xisbiga yihiin wax u wadaan inta badanna fikradihiisii dhinac la iskaga riixay. Waxaa iyana toddobaadadii ugu dambeeyay muuqanayay in dhammaan wufuudda dalka soo booqatay uu qaabilayay madaxweynaha oo keli ahi oo midna aanu la kulmin ra’iisal wasaaruhu.

Waxaa haddaba arrinta  isweydiinta mudani tahay  meeyay ra’iisal wasaarihii?

Si kastaba ha ahaatee golaha wasiirrada ee cusub oo ah mid ay tiradiisu aad u koobantahay, ayaa u muuqda mid ku yimid rabitaanka madaxweynaha . Magacaabista xukuumaddan ayaa ahayd mid si weyn ay dadku isha ugu hayeen iyadoo intii xukuumad soo martay Soomaaliya dhawaanahan aynaan arag xukuumad sidan oo kale loo daneeyo. Malaha habdhaqanka madaxweynaha iyo xerta ku hareeraysan iyo daahitaanka dhisidda axukuumaddan ayaa arrintan u sabab ahaa.

Inkastoo laga gudbay xilliigii kmg ahaa in haddana weli ay Soomaaliya ku jirto marxalad dib u heshiisiineed maadaama aan weli laga bogsoon shakiga iyo aamin darrada ay qabiilooyinku kala qabaan.Waa wax habboon in la yareeyo tirada xubanaha golaha wasiirradu, hase yeeshee sida hadda loo qaabeeyay  waa mid aan ku fadhiyin  waaqaca iyo xaqiiqada ka jirta Soomaaliya.

Waxaad mooddaa in madaxweynuhu uu iska indhatirayo laba arrimood oo muhiim ah:

  1.  In aanu madaxtinimada waddanka ku guulaysan xisbi balse isaga loo doortay shakhsi ahaantiisa.

Habdhaqanka qabiilooyinka Soomaaliyeed ee ku wajahan dawladdu waa mid  ku salaysan in qabiil walbaa uu ka dhexmuuqdo hay’adaha kala geddisan ee qaranka, haddii kale waxay u arkaan in xaqooddi la duudsiyay. 

Haddaba madaama aanay xukuumaddan ka dhex muuqan beelo waaweyn oo miisaan iyo tixgelinba leh taasi waxay sababi kartaa in aanay taageerin dawladda cusub iyadoo islamarkaana ay adkaan karto sidii ay xukuumaddani codka kalsoonida uga heli lahayd golaha baarlamaanka.

Dhanka kale xukuumaddan oo u badan xubno ay madaxweynaha isku xisbi yihiin iyo kuwo kale oo ay aad isugu dhawyihiin ayay taasi ka dhigi kartaa xukuumad uu xisbi keli ahi soo dhisay iyadoo aynu ognahay xilligan in wadanka Soomaaliya aanay ka dhicin doorasho ay xisbiyo ku tartameen. Maroorsashada madaxweynaha ee awooddii ra’iisalwasaarahu waxay iyana abuuri kartaa haddii aan laga hortegin nidaam kelitalisnimo oo ka hanaqaadda Soomaaliya afarta sano ee soo socota.

Fawsiya Yuusuf X. Adan
Marwo Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan

Arrinta ugu xiisaha badan ee loogu hadalhaynta badanyahay ee magacaabista xukuumaddan cusubi waa haweenayda loo magacaabay jagada wasiirka arrimaha dibadda iyo ra’iisal wasaare xigaanka.  Inkastoo ay wax lagu farxo tahay in jagada wasiirka arrimaha dibadda loo magacaabo qof dumar ah markii ugu horreysay taariikhda Soomaaliya, haddana waa nasiib darro in xilka wasaaraddaas muhiimka ah lagu aamino qof aan caddayn karin mawqifkeeda ku aaddan midnimada waddanka ay xilka u qaadday.

Waxaa la yaab lahayd in Marwo Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan ay si cad u qeexi kari weydo wax ay ka qabto midnimada dalka Soomaaliya, ka dib markii ay su’aal arrintaas ku saabsan waydiisay laanta afka Soomaaliga ee idaacadda  Codka Maraynku (VOA).

“Soomaali waxay jeceshay sidii uu madaxweyne Xasan sheekh ugu yidhi qubadiisii ma jirto xoog iyo qasab iyo dagaal ee waa wada hadal, wadahalkaas wixii lagu gaadhana insha’Allahu waa lagu wada guulaysan doonaa,” sidaa waxaa tidhi ra’iisal wasaare ku xigeenka, ahna wasiirka arrimaha dibadda ee xukuumadda cusub ee dawladda federaalka Soomaaliya oo la weydiiyay su’aal ku saabsanayd midnimada Soomaaliya oo jawaabteedu haa iyo maya ku filnayd.

Yeelkeede dawladdan uu soo dhisay madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud, ayaa la aaminsanyahay in ay aad u adkaan doonto sidii ay codka kalsoonida uga heli lahayd xidhibaannada  baarlamaanka federaaka Soomaaliya. Go’aankii ay dhawaan xildhibaanada baarlamaanku ku laaleen qoddobka 67aad ee dastuurka KMG Soomaaliya ayaa ahaa mid ay kaga hortagayeen in la kala diri karo haddii ay ansixin waayaan xukuumadda.

Waxaan shaki lahayn in magacaabista xukuumaddani ay muran iyo is hirdi ka dhex dhalin doonto baaarlamaanka iyo madaxweynaha. Taas oo wiiqi doonta waxqabadkii iyo waajibaadkii laga sugayay dawladda cusub ee Soomaaliya.

Advertisements

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s