Muran iyo isqabqabsi hareeyay ku dhawaaqistii Golaha wasiirada cusub dibna u dhigay iyo beesha Hawiye oo la siiyey …

Tuesday, October 30th, 2012 |Iyadoo lagu waday in shalay lagu dhawaaqo Golaha wasiirada cusub ee ay yeelaneyso dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in arrintaasi uu dib u dhac ku yimid ka dib uu hareeyay muran iyo isqabqasbi u dhaxeeya beelaha Soomaaliyeed iyo madaxda ugu sareysa dowladda Soomaaliya, ka dib markii sida la sheegay tirada Golaha wasiirada laga dhigay 9-wasiir oo keliya, taas oo keentay in beelo badan ay iska waayaan liiska cusub ee Golaha wasiirada maadaama la yareeyay tirada.

Sida warku sheegayo afarta beelood ee waa weynka lagu sheego ee Hawiye, Daarood, Dir iyo Raxa-weyn laga siiyay middiiba 2-wasaaradood oo keliya, taas oo keentay in beelaha qaar ay iska waayaan liiska, markaasia ka dibna cabasho u gudbiyey madaxda sare ee dowladda Soomaaliya, kuwaas oo sheegay in la rabo in beelaha Soomaaliyeed dhexdooda la iska horgeeyo, isla markaasna aysan suuragal aheyn in beelaha qaar wax la siiyo beelo kalena la qadiyo, iyadoo tusaale ahaan beesha hawiye la siiyey labo wasiir oo keliya, lana sheegay in labadaasi wasiir la siiyey beelaha Habar-gidir iyo Xawaadle, halka ay wax wasaarad ah waayeen beelaha kala ah Murusade, Gaaljecel, Abgaal, Sheekhaal, Duduble iyo Gugun-dhabe.

Warar ku dhowdhow xafiiska Ra’isul wasaaraha ayaa sheegaya in arrintan iyo buuqa ka yimid yareynta Golaha wasiirada uu sababay in dib loo dhigo ku dhawaaqistii Golaha wasiirada Xukuumadda Soomaaliya, inkastoo ay dhici karto in saacad kasta si degdega ah oo lama filaan ah loogu dhawaaqo maadaama waqtiga u harsan Ra’isul wasaaraha uu aad u yaryahay, loogana fadhiyo inuu si degdega ah u soo magacaabo wasiiradiisa.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in hadda la go’aamiyey halkii hore oo aheyd 18-wasiir, taas oo keenaysa in afarta beelood ee sheegta inay weynyihiin la siiyo 4-wasaaradood, halka beesha lagu sheego shanaad la siiyo labo wasiir, inkastoo qaar ka mid ah madaxda dowladdu ay ku adkeysanayaan in tirada Golaha wasiirada si aad ah loo yareeyo, isla markaasna ay ka soo horjeedaan badintooda oo ay ku sheegeen inaan loo heli karin mushaar.

Advertisements

2 Comments

  1. Madaxweynaha iyo wasiirkiisa koowaad oo isku mari la shaxda wasiir qeybsiga

    Madaxweynaha Soomaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa wali ku dhagan in golaha wasiirada laga dhigo 9 wasiir si dowlada u noqoto mid yar oo tayo leh si buu yiri loo yareeyo masuq masuuqa xakuumada

    Madaxweynaha oo isagu doonayo 9 wasiir 4 ka mid ah xisbigiisa diiniga ah uu qaato halka inta soo hartayna loo qeybiyo dowladaha daneeyo Soomaliya sida Yugaandha iyo Etoobiya si loogu qanciyo

    Shaxdaa uu soo bandhigay waxaa diidan wasiirka koowaad oo isagu qabo madaama dowladu tahay qabiil walina la gaarin afkaarta xisbiyada in la kordhiyo wasiirada si qabiil walba u helo saamigiisa

    Wali xarunta madaxtooyada waxaa ku sii qul qulayo la taliyaasha labada masuul si loo yareeyo qilaafka hareeyey labada msuul ee dhanka soo xulida wasiirada waxaana xaalka moodaa mirba marka ka sii danbeeyo sii xoogeysanaayo.

    Madaxweyanaha oo balan qaday intaa la dooran in shaqada wasiirka koowaad soo faragashan doonin ayaa xiligaan moodaa mid gacanta kula jira soo xulida golaha wasiirada iyadoona arinka hada mareeyso anigaa qeybinayo ee iska seexo wasiirka koowaad

    Si kastaba ha ahatee 20kii sano ee Soomaaliya dowlada loo dhisaayey ayaa mar waliba waxaa fashilka ka imanaayey madaxweynaha oo howsha dowlada oo dhan isku koobo taana waxay keentay in la kala garan waayo cida madaxaweynaha ah iyo kan wasiirka koowaad.

  2. Golaha Wasiirada Cusub oo lagu Dhawaaqi Doono Maalinta Arbacada iyo Beelaha Digil iyo Mirifle oo isku Dhegan
    October 30, 2012 – Warar hoose oo Shabakada Warbaahinta Ishabaydhaba.com ay Caawa ka heshay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in Gollaha wasiiradda cusub lagu dhawaaqi doono maalinta Arbacada ee 31-ka bishan Oktoobar.
    Sida wararku sheegayaan tirade Gollaha Wasiirrada ayaa aad loo dhimay, waxaana la sheegayaa in Sagaal Wasiir kaliya la magacaabayo, iyadoo Wasiir waliba ay hoos iman doonaan Afar wasaarradood, wasaarad kastana waxa ay yeelan doontaa hal agaasime guud, iyadoo warar kalena ay sheegayaan in ay socoto qancin beelaha ah si beel waliba wasiirkii loo magacaabi lahaa loogu qanciyo.
    Sidoo kale waxaa Saddexda Mas’uul ee ugu sareysa dowladda Soomaaliya ay isku raaceen in lasoo magcaabo Sagaal Wasiir ku xigeen iyo 4-Wasiiru dowleyaal.
    Dhanka kale Beelaha Wada Dhashay ee Digil iyo Mirifle ayaa ku soo aaday Labo Wasiir oo midna la siiyay Digil midka kalena aan weli la isku afgaran oo ay isku haystaan Beelaha Sagaal iyo Sideed oo mid walba ku doodaya in uu midka kale kaga Xaqleeyahay Xilka Wasiir, Walow marka loo laabto awood qeybsiga ku saleysan 4.5 ay Beelaha Sideed ku Fadhiyaan Jagada Afhayeenka Baarlamaanka halka dhanka kalena la sheegayo in Beelaha Sagaal ay Xaq u leeyihiin Jagada Wasiir.
    Wixii Warbixino dheeraad ah ee kusoo kordha Gollaha Wasiirrada dib ayaan idinkala soo socod siin Doonaa Insha’allaah.


Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s